Back to LanguagesPrevious ChapterNext Chapter
Somali - Chapter 78 - An-Naba
Translation by Abdullah Hasan Jacob — Permalink
Verse 1 — Surah An-Naba 78:1
Arrin maxay ah bay isweydiinayaan
Verse 2 — Surah An-Naba 78:2
Ma arrinka ku saabsan Warka Weyn (Qiyaamaha ama Qur’aanka)
Verse 3 — Surah An-Naba 78:3
Ay isku khilaafsan yihiin
Verse 4 — Surah An-Naba 78:4
Mayee, dhowaan bay ogaan doonaan
Verse 5 — Surah An-Naba 78:5
Mayee, mayee dhowaan bay ogaan doonaan
Verse 6 — Surah An-Naba 78:6
Mawaanaan ka dhigin dhulka gogol
Verse 7 — Surah An-Naba 78:7
Oo buuraha (ka yeelin) tiirar
Verse 8 — Surah An-Naba 78:8
Oo idinka abuurin noocyo
Verse 9 — Surah An-Naba 78:9
oo ka yeelin hurdadiinna nasiino
Verse 10 — Surah An-Naba 78:10
Oo ka dhigin habeenka hu’ oo kale
Verse 11 — Surah An-Naba 78:11
Oo ka dhigin maalinta macaash doonasho
Verse 12 — Surah An-Naba 78:12
Oo ka dhisin korkiinna toddobo (samo) oo adadag
Verse 13 — Surah An-Naba 78:13
Oo yeelin (dhexdeeda) nal shidan
Verse 14 — Surah An-Naba 78:14
Oo ka soo dejinin daruuraha roobka sida biyo badan oo shubmaya
Verse 15 — Surah An-Naba 78:15
Si aan ugu soo saarno haruur iyo naq
Verse 16 — Surah An-Naba 78:16
Iyo beero isku maran
Verse 17 — Surah An-Naba 78:17
Hubaal Maalinta kala baxu waa waqti go’an
Verse 18 — Surah An-Naba 78:18
Maalinta marka Buunka la afuufo, oo waxaad imaan doontaan idinkoo kooxo ah
Verse 19 — Surah An-Naba 78:19
Oo samada la furo, oo waxay noqon albaabbo
Verse 20 — Surah An-Naba 78:20
Oo buuraha la rujiyo oo waxay ahaan doonaan wir-wir oo kale
Verse 21 — Surah An-Naba 78:21
Hubaal Naartu waa heegan sugeysa
Verse 22 — Surah An-Naba 78:22
Xad gudbayaasha, meel noqod u ah
Verse 23 — Surah An-Naba 78:23
Waxay ku negaadi doonaan dhexdeeda waayo badan
Verse 24 — Surah An-Naba 78:24
Ma ku dhadhamin doonaan dhexdeeda wax qabow ah iyo cabbitaan midna
Verse 25 — Surah An-Naba 78:25
Biyo kulul oo karaya iyo malax maahee
Verse 26 — Surah An-Naba 78:26
Waa abaal marin ku habboon
Verse 27 — Surah An-Naba 78:27
Hubaal ma ayan fileyn xisaab
Verse 28 — Surah An-Naba 78:28
Oo beeniyeenAayadahayaga beenin cad
Verse 29 — Surah An-Naba 78:29
Wax walba se waxaan ku koobnay qoraal
Verse 30 — Surah An-Naba 78:30
Ee Dhadhamiya idinku (ciqaabka); idiinma kordhin doonno waxaan ahayn Cadaab
Verse 31 — Surah An-Naba 78:31
Hubaal kuwa ka dhowrsada xumaha waxay leeyihiin meel lagu liibaano
Verse 32 — Surah An-Naba 78:32
Beero iyo canabyo
Verse 33 — Surah An-Naba 78:33
Iyo gashaantiyo isku da' ah
Verse 34 — Surah An-Naba 78:34
Iyo galaas buuxa
Verse 35 — Surah An-Naba 78:35
Kuma maqli doonaan dhexdeeda wax hadal macno darro ah ama wax been ah
Verse 36 — Surah An-Naba 78:36
Abaal marin xagga Rabbigaa; deeq (daa'in ah ay ku muteen) xisaab
Verse 37 — Surah An-Naba 78:37
Rabbiga samooyinka iyo arlada, iyo waxa u dhexeeya, _Raxmaanka, ma awoodaan inay la hadlaan (idan la'aan)
Verse 38 — Surah An-Naba 78:38
Maalinta uu Ruuxu iyo malaa’igtuba u istaagi doonaan saf saf, cidna ma hadli doonto, mid maahee Raxmaanku u idmo, oo ku hadla hadal toosan oo abbaar ah
Verse 39 — Surah An-Naba 78:39
Taasu waa Maalinta la hubo ee xaqa ah, ee kii kastoo raba, ha u maro Rabbigi jid uu ugu laabto
Verse 40 — Surah An-Naba 78:40
Hubaal Waxaanu idiinka dignay cadaab dhow; _Maalinta uu qofku arki doono waxa ay gacmihiisu horay u geysteen, oo gaalku odhan: Magcay ba'ye! maan ciid ahaado