Back to LanguagesPrevious ChapterNext Chapter
Somali - Chapter 79 - An-Naziat
Translation by Abdullah Hasan Jacob — Permalink
Verse 1 — Surah An-Naziat 79:1
Waxaan ku dhaartay (malaa’igta) sida daran u soo siibta nafaha dambiilayaasha
Verse 2 — Surah An-Naziat 79:2
Oo waa igu kuwaa sida fudud u qaada (nafaha mu’miniinta)
Verse 3 — Surah An-Naziat 79:3
Oo waa igu kuwaa ku dabaasha hawada sare dabaalasho
Verse 4 — Surah An-Naziat 79:4
Misna kuwaa hormaray ee horay u socda
Verse 5 — Surah An-Naziat 79:5
Misna kuwaa isku duwa arrin (walba)
Verse 6 — Surah An-Naziat 79:6
Maalinta ay gilgilatadu gilgilan doonto
Verse 7 — Surah An-Naziat 79:7
Oo ay raaci doonto tan xigta
Verse 8 — Surah An-Naziat 79:8
Quluub Maalintaas way gariiri
Verse 9 — Surah An-Naziat 79:9
Indhahoodu rogan yihiin
Verse 10 — Surah An-Naziat 79:10
Waxay (hadda) leeyihiin: Ma waxaa xaqiiq naloo soo celin doonaa xaaladdayadii hore (ee nolosha)
Verse 11 — Surah An-Naziat 79:11
Ma xitaa markaan noqonno lafo bololay
Verse 12 — Surah An-Naziat 79:12
Waxay yidhaahdaan: Taasi haddaba waxay ahaaneysaa noqosho khasaaro leh
Verse 13 — Surah An-Naziat 79:13
Xaqiiq waxay ahaan hal Qeylo uun
Verse 14 — Surah An-Naziat 79:14
Mise, markaa waxay ahaan doonaan (kuwo baraarugsan) dhulka guudkiisa
Verse 15 — Surah An-Naziat 79:15
Miyuu ku soo gaaray warkii Muuse
Verse 16 — Surah An-Naziat 79:16
Markuu Rabbigi uga dhawaaqay togga barakeysan ee Duwaa
Verse 17 — Surah An-Naziat 79:17
Aad Fircoon, xaqiiq, wuu xadgudbay
Verse 18 — Surah An-Naziat 79:18
Oo ku dheh: Ma dooneysaa inaad daahiriso naftaada
Verse 19 — Surah An-Naziat 79:19
Oo aan kugu hanuunsho xagga Rabbigaa, si aad uga baqdo
Verse 20 — Surah An-Naziat 79:20
Oo wuxuu tusay Calaamddii Weyneyd
Verse 21 — Surah An-Naziat 79:21
Wuuse diiday (Xaqa) oo caasiyey
Verse 22 — Surah An-Naziat 79:22
Markaasuu dib u jeestay isagoo dadaal ku jira
Verse 23 — Surah An-Naziat 79:23
Oo soo kulmiyey (dadkiisii), oo kor u dhawaaqay
Verse 24 — Surah An-Naziat 79:24
Oo yidhi: Waa Aniga rabbigiin, sarreeya
Verse 25 — Surah An-Naziat 79:25
Markaasuu Allaah ku dhigay ciqaab lagu tusaale qaato (xadgudubkii) dambe iyo tii hore darteed
Verse 26 — Surah An-Naziat 79:26
Hubaal (arrin)kani waxaa ugu sugan cibrad (digniin)mid kastoo ka cabsada Alle
Verse 27 — Surah An-Naziat 79:27
Ma idinka baa adag in la idin abuuro, mise samada, waa uu dhisay
Verse 28 — Surah An-Naziat 79:28
Wuxuu kor u qaaday saqafkeeda, oo simay
Verse 29 — Surah An-Naziat 79:29
Oo wuxuu ka yeelay mugdi habeenkee- da, oo soo saaray iftiinkeeda
Verse 30 — Surah An-Naziat 79:30
Oo markaa kaddib wuxuu fidshay arlada
Verse 31 — Surah An-Naziat 79:31
Wuxuu ka soo saaray biyaheeda iyo baadkeeda
Verse 32 — Surah An-Naziat 79:32
Oo buuraha, waa uu dhidbay
Verse 33 — Surah An-Naziat 79:33
Sahay aad leedihiin idinka iyo xoolahiinnuba
Verse 34 — Surah An-Naziat 79:34
Markase ay timaaddo musiibada weyni
Verse 35 — Surah An-Naziat 79:35
Maalinta uu Aadmigu xusuusan wuxuu dadaal ku bixiyey
Verse 36 — Surah An-Naziat 79:36
Oo Naarta loo muujiyo qof (waliba) oo arkaya
Verse 37 — Surah An-Naziat 79:37
Ee ma qofka isagu xad gudba
Verse 38 — Surah An-Naziat 79:38
Oo door bida nolosha adduunkan
Verse 39 — Surah An-Naziat 79:39
Hubaal, Naarta waa hoygiisa
Verse 40 — Surah An-Naziat 79:40
Ma kan se ka cabsada hor istaagga Rabbigi, oo ka reeba nafta u iilasho (xun)
Verse 41 — Surah An-Naziat 79:41
Hubaal Jannada- waa hoygiisa
Verse 42 — Surah An-Naziat 79:42
Waxay wax kaa weydiiyaan (Muxammadow) Saacadda (Qiyaame), waa goorma goortay dhaceyso
Verse 43 — Surah An-Naziat 79:43
Ma adiga baa (cilmi) u leh aad ku sheegto
Verse 44 — Surah An-Naziat 79:44
Waa xagga Rabbigaa halka ay ku dhammaan (ogaanshaheeda)
Verse 45 — Surah An-Naziat 79:45
Waxaad uun tahay u dige kuwa ka baqa
Verse 46 — Surah An-Naziat 79:46
Maalinta ay arkayaan, waxay ahaan sida inaysan ku negaaadin (adduunka) waxaan ahayn galab ama barqadeed