Back to LanguagesPrevious ChapterNext Chapter
Somali - Chapter 8 - Al-Anfal
Translation by Abdullah Hasan Jacob — Permalink
Verse 1 — Surah Al-Anfal 8:1
Waxay wax kaa su'aali (xukunka) qaniimooyinka (dagaalka). Dheh, (go’aanka ku saabsan) Qaniimooyinka waxaa iska leh Allaah iyo Rasuulka. Ee dhowra (xilka uu idin saaray) Allaah oo hagaajiya (xalleeya) waxa idiin dhexeeya oo khilaafaadkiinna ah, oo adeeca Allaah iyo Rasuulkiisa, haddii aad tihiin mu’miniin
Verse 2 — Surah Al-Anfal 8:2
Sideedaba mu’miniintu waa uun kuwa ay baqo ka buuxsanto quluubtoodu marka la xuso Allaah, oo marka Aayadahiisa loo akhriyo ay u kordhiyaan Iimaan; oo Rabbigood (Keliya) isku halleeya
Verse 3 — Surah Al-Anfal 8:3
Kuwa hagaajiya salaadda oo waxa aan siinnay wax (fiican) ka bixiya
Verse 4 — Surah Al-Anfal 8:4
Kuwaasi waa mu’miniinta runta ah. Waxay ku mudan darajooyin sharaf iyo maamuus ah Rabbigood agtiis, iyo dambi dhaaf iyo risiq aad u wanaagsan
Verse 5 — Surah Al-Anfal 8:5
Weliba sida uu Rabbigaa kaaga bixiyey gurigaaga si xaq ah, inkastoo qaar ka mid ah mu’miniinta ay hubaal kahanayeen
Verse 6 — Surah Al-Anfal 8:6
Waxay kaala doodeen1 xaqa kaddib markuu u caddaaday, ( oo waxay baxeen) sidii iyagoo loo wado dhimasho iyagoo eegaya
Verse 7 — Surah Al-Anfal 8:7
Oo waa tii uu Allaah idiin ballan qaaday mid ka mid ah labada kooxood inaad heli doontaan, oo waxaad jecleydeen tan aan hubeysnayn inaad is-heshaan2, oo Allaah wuxuu doonayey inuu ku sugo Xaqa Kelmedihiisa, oo cidhib tiro gaalada
Verse 8 — Surah Al-Anfal 8:8
Si uu u sugo Xaqa, oo u buriyo baadilka haba nacbeystaan dambiilayaasha’e
Verse 9 — Surah Al-Anfal 8:9
Waa tii aad gargaar weydiisateen Rabbigiin ee uu idinka aqbalay (ee yidhi): Waxaan idinku xoojin kun malaa’igta ka mid ah oo is daba joogta
Verse 10 — Surah Al-Anfal 8:10
Oo Allaah kama yeelin waxaan ahayn war san aad ku faraxdaan, iyo inay ku xasisho quluubtiinnu, oo ma jirto guul aan ka imaan xagga Ilaahay. Hubaal, Allaah waa Adkaade, Xakiim ah
Verse 11 — Surah Al-Anfal 8:11
Waa tii uu sababay inay degganaanasho idinku soo degto, nabaadiino ahaan idiinka timid Xaggiisa, oo idinkaga soo dejiyey biyo xagga daruurta, si uu idiinkugu daahiriyo oo idiinkaga bi’iyo waswaaska Shaydaanka, iyo si uu u xoojiyo quluubtiinna, oo idiinku sugo cagaha
Verse 12 — Surah Al-Anfal 8:12
Waa tii uu Rabbigaa u waxyooday malaa’igta: Anigu waa idin la jiraaye ee qalbi suga kuwa (Xaqa) rumeysan. Waxaan ku tuuri doonaa argagax quluubta kuwa gaalada ah, ee ku dhufta luqumaha korkooda, oo ku dhufta xubnaha far kasta oo ay leeyihiin
Verse 13 — Surah Al-Anfal 8:13
Arrinkani waxaa u sabab ah waxay colaadiyeen Allaah iyo Rasuulkiisa. Oo qofkii colaadiya Allaah iyo Rasuulkiisa, hubaal, Allaah ciqaabtiisu aad bay u daran tahay
Verse 14 — Surah Al-Anfal 8:14
(Arrin)kan--- bal dhadhamiya, oo (ogow) in gaaladu leeyihiin cadaab dab ah
Verse 15 — Surah Al-Anfal 8:15
Mu’miniintoy! Marka aad la kulantaan gaalada oo duullaan ah dagaal dooni. Markaa ha u jeedininna dhabarrada
Verse 16 — Surah Al-Anfal 8:16
Oo qofkii u jeediya dhabarkiisa maalintaa _ inay tahay maahee xeel dagaal, ama inuu ku biirayo ciidan (uu ka tirsan yahay), _ wuxuu xaqiiq ku mudan taasi Cadho ah xagga Ilaahay, oo hoygiisu waa Naar, oo iyadaa u xun meel la ahaado
Verse 17 — Surah Al-Anfal 8:17
Haddaba ma aydaan layn idinkuye, laakiinse Allaah baa laayey. Oo adigu ma aad tuurin4 markaad tuurtay (cadowga), laakiinse wuxuu ahaa Allaah Kan tuuray, oo waa si uu Xaggiisa uga jarribo mu’miniinta jarribaad wanaagsan; hubaal Allaah waa wax kasta Maqle,wax kasta Ogsoon
Verse 18 — Surah Al-Anfal 8:18
Arrinkan (waa fal Ilaahay) oo weliba Allaah waa licifiyaha halganka gaalada
Verse 19 — Surah Al-Anfal 8:19
Haddii aad dalabteen xukun lagu kala baxo, haatan xukunka xaqiiq waa idiin yimid oo haddii aad joojisaan (colaadda), waa sida idiin khayr badan, oo haddii aad ku noqotaan (dagaalka) annagana sidoo kale waan soo rogaal celin doonnaa. Oo ciidamadiinnu waxba idiin ma tari doonaan si kastaba ha u tiro badnaadaane, oo (ogaada) in Allaah uu la jiro mu’mimiinta
Verse 20 — Surah Al-Anfal 8:20
Mu’miniintoy! Adeeca Allaah iyo Rasuulkiisa, oo ha ka jeesannina Xaggiisa idinkoo maqlaya
Verse 21 — Surah Al-Anfal 8:21
Oo ha noqonnina sida kuwii yidhi: Waan maqlaynaa, oo aan waxba maqlin
Verse 22 — Surah Al-Anfal 8:22
Hubaal, noole waxaa ugu liita Allaah agtii kuwa (ka) dhega la’(xaqa), ee aan (xaq ku) hadlin ee aan waxba garanayn
Verse 23 — Surah Al-Anfal 8:23
Oo haddii Allaah uu ku og yahay wax khayr ah, wuxuu ka yeeli lahaa inay maqlaan, oo hadduu ka yeeli lahaa inay wax maqlaan, waa uun sii jeesan lahaayeen iyagoo sii siibanaya
Verse 24 — Surah Al-Anfal 8:24
Mu’miniintoy! Ajiiba (baaqa) Ilaahay iyo Rasuul (kiisa) marka uu idiinku yeedho wax idin nooleeya5, oo ogaada inuu Allaah kala dhex galo qofka iyo qalbigiisa, iyo in Xaggiisa la idin soo kulmin doono
Verse 25 — Surah Al-Anfal 8:25
Oo iska jira fidmo aan ugu dhaceyn si gaar ah kuwiinna idinka mid ah ee xumaha fala6; oo ogaada in Allaah ay Daran tahay Ciqaabtiisu
Verse 26 — Surah Al-Anfal 8:26
Oo Xusuusta markaad aheydeen kuwo tiro yar oo lagu daciifsado dhulka, cabsanaya si aan dadku idiin kala boobin, markaasuu idin siiyey hoy aamin ah oo idinku xoojiyey Gargaarkiisa, oo idin siiyey wax ka mid ah waxyaalaha wanaagsan, bal inaad mahad naqdaan
Verse 27 — Surah Al-Anfal 8:27
Mu’miniintoy! Ha khayaamina Allaah iyo Rasuulka, oo ha khayaamina ammaanooyinkiinna idinkoo ogsoon
Verse 28 — Surah Al-Anfal 8:28
Oo Ogaada in maalkiinna iyo carruurtiinu ay yihiin fidmo (imtixaan) iyo in Allaah agtiisa yahay Abaalgud aad u Wayn
Verse 29 — Surah Al-Anfal 8:29
Mu’miniintoy! Haddaad dhwortaan (xilka uu idin saaray) Allaah, Wuxuu idin siin kala saare (aad ku kala saartaan samaanta iyo xumaanta), oo idinka tirtiri xumaatooyinkiinna, oo idiin dambi dhaafi, oo Allaah waa Rabbiga iska leh Fadliga aad u Weyn
Verse 30 — Surah Al-Anfal 8:30
Oo waa tii ay galaadu kuu tab dhigeen si ay kuu xidhaan, ama kuu dilaan ama kuu saaraan debedda; oo way tab dhigeen, oo Allaah sidoo kale wuu tab dhigay, oo Allaah waa kan ugu wanaagsan inta wax tabeysa
Verse 31 — Surah Al-Anfal 8:31
Oo Marka Aayadahayaga loo akhriyo, waxay yidhaahdaan: Xaqiiq waanu maqallay; oo haddaan doonno waxaan odhan karnaa waxa uu yidhi oo kale. (Waxa)kanina ma aha waxaan aheyn sheeko - xariirtii dadkii hore
Verse 32 — Surah Al-Anfal 8:32
Oo waa tii ay yidhaahdeen: Allahayow! Hadduu kani xaq yahay Adiga kaa yimid, haddaba nagaga soo daadi dhagaxyo roob oo kale ah xagga cirka ama noo keen cadaab aad u xanuun badan
Verse 33 — Surah Al-Anfal 8:33
Ma ahase Allaah mid cadaabaya – adigoo dhex jooga, oo ma aha mid ca- daabaya iyagoo weli dambi dhaaf dalbaya
Verse 34 — Surah Al-Anfal 8:34
Maxay se (cudur daar) leeyihiin si uusan Allaah u cadaabin iyagoo ka hor istaaga (dadka) Masjidka Xurmadda gaarka ahi leh, oo uma suubbadaan inay ahaadaan ehelkiisa? Oo ehelkiisu ma aha waxaan aheyn kuwa iska jira (xumaha), laakiinse badankoodu ma ogsoona
Verse 35 — Surah Al-Anfal 8:35
Oo salaaddooda Beytka (Kacbada) agteeda ma ahayn waxaan aheyn foori iyo sacabbo tun. Ee haddaba dhadhamiya cadaabta gaalnimadiinna darteed
Verse 36 — Surah Al-Anfal 8:36
Hubaal, gaalada waxay ku bixiyaan maalkooda si ay uga hor istaagaan (dadka) Jidka Ilaahay, sidaas bayna wax ugu bixin doonaan; misna waxay ku noqon doontaa qoomamo daran, misna waa laga adkaan doonaa. Oo gaalada xagga Naarta baa loo taxaabi doonaa
Verse 37 — Surah Al-Anfal 8:37
Waa si uu Allaah uga sooco kuwa xun, kuwa wanaagsan, oo kuwa xun is dul saaro qaarkoodba qaarka kale, oo uu isku raseeyo dhammaantood, markaas ugu tuuro Naar. kuwan weeye kuwa ku sugan khasaaraha
Verse 38 — Surah Al-Anfal 8:38
Ku dheh kuwa (Xaqa) rumeysan diida, haddii ay ka haraan (xaq diiddada) waxaa loo dhaafi doonaa wixii horay uga dhacay . Hadday se u noqdaan, waxaa xaqiiq sugaya jidka kuwii hore
Verse 39 — Surah Al-Anfal 8:39
Oo la dagaallama jeer la waayo wax gardarro ah, oo diinta (cibaadada) waa inuu yeesho Allaah Keliya. Haddiise ay joojiyaan (gefka iyo gaboodfalka), markaas hubaal, Allaah waa arkaa waxa ay falaan
Verse 40 — Surah Al-Anfal 8:40
Oo hadday jeestaan, ogaada in Allaah yahay Gacalkiin, Wanaag badanaa Gacalku, oo wanaag badanaa gargaarahu
Verse 41 — Surah Al-Anfal 8:41
Oo ogaada in wax kastoo aad qaniimeysataan, markaa Allaah wuxuu leeyahay shan meelood oo meel9, iyo Rasuulka iyo qaraabada dhow (ee Rasuulka) iyo agoomaha iyo masaakiinta iyo musaafirka (go’doonsan), haddaad rumeysan tihiin Allaah iyo waxa aan u soo waxyoonnay addoonkayaga (Nabi Muxammad) maalintii kala baxa10, maalintay kulmeen labadii ciidan, oo Allaah wax walba inuu falo wuu Karaa
Verse 42 — Surah Al-Anfal 8:42
Oo waa tii aad idinku joogteen docda soke (ee togga)11, oo iyagu ay joogeen docda shishe, halka safarkii badeecadda siday idinka hooseeyay. Oo haddaad goosan laheydeen waqti aad dhexdiinna ku ballantaan, waxaa hubaal ah inaad seegi laheydeen ballankaas, laakiinse (waad is hesheen) si Allaah u fuliyo arrin horey uu u qaddaray; si ciddii halaagsami si cad ugu halaagsanto, oo ciddii noolaan si cad ugu noolaato. Oo hubaal, Allaah waa wax kasta Maqle, wax kasta Ogsoon
Verse 43 — Surah Al-Anfal 8:43
Oo waa tii uu Allaah idinku tusay riyaadada inay tiro yar yihiin, oo hadduu idiin tusi lahaa iyagoo tiro badan, hubaal waad qalbi jabi laheydeen, oo aad isku qabsan lahaydeen arrinka. Laakiinse Allaah baa (idinka) badbaadshay. Hubaal waa Ogsoonaha waxa ku jira laabaha
Verse 44 — Surah Al-Anfal 8:44
Oo wuxuu idiin tusay markaad kulanteen wax tiro yar oo kale indhihiinna, oo wuxuu idinka yeelay inaad ugu muuqataan wax tiro yar indhahooda, si uu Allaah u fuliyo arrin horay uu u qaddaray, oo Allaah baa loo celiyaa umuuraha oo dhan
Verse 45 — Surah Al-Anfal 8:45
Mu’miniintoy! Haddaad la kulantaan ciidan (cadow ah) markaa sugnaada, oo xusa Allaah in badan si aad u guuleysataan
Verse 46 — Surah Al-Anfal 8:46
Oo adeeca Allaah iyo Rasuulkiisa, oo ha isqabannina, yeydaan niyad jabine oo xooggiinnu tegin, oo samir yeesha. Hubaal Allaah wuxuu la jiraa kuwa samir yeesha
Verse 47 — Surah Al-Anfal 8:47
Oo ha la mid noqonnina sidii kuwaa uga soo baxay guryahooda kibir iyo istuska dadka, oo ka hor istaaga (dadka) jidka Ilaahay12. Oo Allaah wuu koobaa waxay falaan
Verse 48 — Surah Al-Anfal 8:48
Oo waa tii uu shaydaanku u qurxiyey acmaashooda oo yidhi: Ma jiro maanta cid ka mid ah dadka oo idinka adkaan karta, oo hubaal aniga baa ah ilaaliyahiinna. Markayse is arkeen labadii kooxood ayuu u gurtay cidhbahiisa oo yidhi, hubaal Anigu barii baan idinka ahay. Hubaal waxaan anigu arkaa wax aydaan arag. Hubaal waxaan anigu ka cabsadaa Allaah, oo Allaah way daran tahay Ciqaabtiisu
Verse 49 — Surah Al-Anfal 8:49
Waa tii ay munaafiqiintu iyo kuwa uu ku jiro cudur (shaki, nifaaq, kibir, iwm) quluubtooda yidhaahdeen: kuwaani diintooda baa hodday. Oo qofkii isku halleeya Allaah, haddaba hubaal, Allaah waa Adkaade, Xakiim ah
Verse 50 — Surah Al-Anfal 8:50
Oo haddaad arki lahayd marka ay malaa'igtu nafta ka qaadeyso gaalada iyagoo ka garaacaya wajiyadooda iyo dhabarradooda (oo ku leh): Dhadhamiya cadaabta gubashada
Verse 51 — Surah Al-Anfal 8:51
Arrinkani waa waxay gacmihiinnu hormarsadeen awgii, iyo in Allaah aanu u ahayn mid ku gardarrooda addoomahiisa
Verse 52 — Surah Al-Anfal 8:52
Waa sida caadadii reer Fircoon iyo kuwii ka horreeyay: waxay rumeysan diideen Aayadaha Ilaahay, markaasuu Allaah u halaagay dambiyadoodii awgood. Hubaal Allaah waa Xoog Badane, Ciqaab Adag
Verse 53 — Surah Al-Anfal 8:53
Arrinkani wa inaan Allaah marnaba beddelin nicmad uu siiyey dad jeer ay beddelaan iyaga xaalkooda; iyo waa inuu Allaah yahay wax kasta Maqle, wax kasta Ogsoon
Verse 54 — Surah Al-Anfal 8:54
Waa sida caadadii reer Fircoon iyo kuwii ka horreeyay: Waxay beeniyeen Aayadahii Rabbigood, markaas baan ku halaagnay dambiyadoodii awgood, oo waxaan qarqinnay qolodii Fircoon, oo waxay kulligood ahaayeen gar ma qaatayaal
Verse 55 — Surah Al-Anfal 8:55
Kuwa u sharka badan noolayaasha dhulka ku socda Allaah agtii waa gaalada (madaxa adag),marka ma ay rumeynayaan
Verse 56 — Surah Al-Anfal 8:56
Kuwa aad la gasho axdiga, haddana jebiya axdigooda mar waliba, oo aan ka dhowrsan (ciqaabka Ilaahay)
Verse 57 — Surah Al-Anfal 8:57
Ee haddaad ku hesho dagaal kala firdhi (adigoo tusaale uga dhigaya) kuwa ka dambeeya14, bal inay waantoobaan
Verse 58 — Surah Al-Anfal 8:58
Oo haddaad ka cabsato khiyaano xagga dad (axdi idinka dhexeeyey)15, u tuur (axdigooda), oo u sheeg si aad uga sinnaataan wargelinta (in axdi idin dhex yaalla jirin). Hubaal Allaah ma jecla khaa’imiinta
Verse 59 — Surah Al-Anfal 8:59
Oo yeysan moodin gaalada inay fakan karaan. hubaal kama fakan karaan (Allaah)
Verse 60 — Surah Al-Anfal 8:60
Oo u diyaarsada waxaad kartaanba oo xoog ah iyo fardo u heegan ah (dagaal) si aad ugu cabsi gelisaan cadowga Ilaahay iyo cadowgiinna iyo kuwo kale oo ka sokeeya oo aydaan idinku ogeyn, Allaah baase ogsoon. Oo wax kastoo aad ku bixisaan Jidka Ilaahay waa la idiin gudi doonaa si dhan, idinkoo aan waxba la idinku gardarroon doonin
Verse 61 — Surah Al-Anfal 8:61
Oo hadday u iishaan xagga nabadda, markaa adiguna u iilo, oo isku hallee Allaah. hubaal, waa wax Kasta Maqlaha, wax kasta Ogsoonaha ah
Verse 62 — Surah Al-Anfal 8:62
Oo hadday doonaan inay ku dhagraan, haddaba hubaal waxaa kugu Filan Allaah, Isaga weeye Kan kugu xoojiyey taageeradiisa iyo mu’mminiintaba
Verse 63 — Surah Al-Anfal 8:63
Oo mideeyey quluubtooda. Haddaad bixin lahayd waxa yaal dhulka oo dhan, ma aadan karteen inaad mideyso quluubtooda, laakiinse Allaah baa mideeyey. Hubaal Allaah waa Adkaade, Xakiim ah
Verse 64 — Surah Al-Anfal 8:64
Nabiyow! Waxaa kugu Filan Allaah, adiga iyo mu’miniinta ku raacdayba
Verse 65 — Surah Al-Anfal 8:65
Nabiyow! ku guubaabi mu’miniinta inay dagaallamaan. Hadday idinka mid yihiin labaatan samir iyo adkeysi leh, waxay ka adkaan doonaan labo boqol, oo hadday jiraan boqol samir iyo adkeysi leh, waxay ka adkaan doonaan kun kuwa gaalada ah, waayo waa dad aan wax fahmayn
Verse 66 — Surah Al-Anfal 8:66
Haatan Allaah wuu idinka fududeeyey cuelyskiinna, oo wuxuu ogsoon yahay inay tabar yari idin heyso. Ee hadday idinka mid yihiin boqol samir iyo adkeysi leh, waxay ka adkaan doonaan labo boqol, oo hadday jiraan kun idinka mid ah (oo samir iyo adkeysi leh), waxay ka adkaan doonaan labo kun Ilaahay Idankii. Oo Allaah wuxuu la jiraa kuwa ah samrayaasha
Verse 67 — Surah Al-Anfal 8:67
Kuma habboona Nabi inuu soo qaato qafaal (dagaal) ilaa uu horta ku laayo (cadowyada Ilaahady) arlada oo ka jilciyo. Waxaad rabtaan (waa muslimiinta qaar) alaabta dhammaaneysa ee nolosha adduunyadan, wuxuuse Allaah (idinla) rabaa Aakhirada. Oo Allaah waa Adkaade, Xakiim ah
Verse 68 — Surah Al-Anfal 8:68
Haddaanu jiri lahayn xukun xagga Allaah ah ee hore uu u gooyey16, hubaal waxaa idinku soo gaari lahaa waxa aad qaadateen cadaab aad u weyn
Verse 69 — Surah Al-Anfal 8:69
Ee cuna waxa xalaasha ah wanaagsan aad heshaan ee qaniimo dagaal ah, oo dhowra (xilka uu idin saaray) Allaah. Hubaal, Allaah waa Dambi Dhaaf Badane, Naxariis Badan
Verse 70 — Surah Al-Anfal 8:70
Nabiyow! Ku dheh kuwaa aad soo qafaalateen ee ku jira gacmahiinna: haddii Allaah ku og yahay wax khayr ah quluubtiinna, wuxuu idin siin doonaa wax ka khayr badan waxa la idinka qaaday, oo idiin dambi dhaafi doonaa, oo Allaah waa Dambi Dhaaf Badane, Naxariis Badan
Verse 71 — Surah Al-Anfal 8:71
Haddiise ay doonaan inay ku khiyaameeyaan waxay horeba u khiyaameeyeen Allaah. Markaas buu Wuxuu idin siiyey awood uu idinka kormarshay. Oo Allaah waa wax kasta Ogsoone, Xakiim ah
Verse 72 — Surah Al-Anfal 8:72
Hubaaal, kuwa (Xaqa) rumeeyay ee soo haajiray ee ugu halgamay si adag maalkooda iyo nafahoodaba jidka Ilaahay iyo kuwa soo hoygeshay ee taageeray, _ kuwan ayaa qaarkoodba xulufo u yahay qaarka kale. (ma) kuwase rumeeyey ee aanse soo haajirin idinkama saarna xil xigaaleysigooda jeer ay soo haajiraan, hadday se idinku hiishadaan Diinta, waa idinku waajib inaad u soo hiillisaan, marka laga reebo dad uu dhexdiinna idinka iyo iyaga axdi yaal, oo Allaah wuu arkaa waxa aad fashaan
Verse 73 — Surah Al-Anfal 8:73
Oo kuwaa gaalada ah qaaroodba xulufo buuu yahay qaarka kale, haddii aydaan sameyn sidaa oo kale, waxaa jiri doona dhulka fasahaad aad u weyn
Verse 74 — Surah Al-Anfal 8:74
Oo (ma xagga) kuwa rumeeyey ee soo haajiray ee ku halgamay Jidka Ilaahay, iyo kuwa soo hoygeshay ee taageeray, kuwan waa mu’miniinta dhabta ah, waxay mudan doonaan dambi dhaaf iyo risiq wanaagsan
Verse 75 — Surah Al-Anfal 8:75
Oo (ma xagga) kuwa rumeeyay waa’ dambe, oo soo hijrooday oo jihaad galay la jirkiin, kuwaani waa idinka mid. Oo qaraabadaa qaarkoodba isaga sokeeya qaarka kale sida Kitaabka Ilaahay qoray18. Hubaal, Allaah wax kasta wuu Og yahay