Back to Languages

Somali - Chapter 80 - Abasa

Translation by Abdullah Hasan Jacob — Permalink

Verse 1 — Surah Abasa 80:1

(Wejiguu)ururshay oo dhabarka jeediyey

Verse 2 — Surah Abasa 80:2

Inuu halkaa ugu yimid indhoolihii

Verse 3 — Surah Abasa 80:3

Oo maxaad ka og tahay waa intaasoo uu daahiriyo naftiisa

Verse 4 — Surah Abasa 80:4

Ama waansamo, oo waanadu wax tarto

Verse 5 — Surah Abasa 80:5

Ma kan isu arka inuu isagu(kaa) maarmo

Verse 6 — Surah Abasa 80:6

Miyaad adigu xaggiisa u jeedsaneysaa

Verse 7 — Surah Abasa 80:7

Oo eed kaama saarna haddii uusan daahirinba naftiisa

Verse 8 — Surah Abasa 80:8

Ma kan se kuu yimid isagoo aad u dadaalaya

Verse 9 — Surah Abasa 80:9

Oo isagu (Alle ka) cabsada

Verse 10 — Surah Abasa 80:10

Miyaad adigu ka mashquuli

Verse 11 — Surah Abasa 80:11

Mayee, hubaal (kani) waa waano

Verse 12 — Surah Abasa 80:12

Ee qofkii doona ha ku waano qaato

Verse 13 — Surah Abasa 80:13

Wuxuu ku yaal kutub la sharfay

Verse 14 — Surah Abasa 80:14

Verse 15 — Surah Abasa 80:15

Ku jira gacmaha qorayaal (malaa’ig)

Verse 16 — Surah Abasa 80:16

Sharaf leh oo baariyaal ah

Verse 17 — Surah Abasa 80:17

Belo ha ku dhacdo aadmigee! Muxuu jazaar yahay

Verse 18 — Surah Abasa 80:18

Wax maxay ah buu ka abuuray

Verse 19 — Surah Abasa 80:19

Mani yar xaggeed, buu ka abuuray markaas qaddaray (isaga)

Verse 20 — Surah Abasa 80:20

Markaas uga dhigay sahal marriinka

Verse 21 — Surah Abasa 80:21

Haddana wuxuu sababaa inuu dhinto, oo u yeelaa qabri

Verse 22 — Surah Abasa 80:22

Oo markuu doono wuu soo bixin

Verse 23 — Surah Abasa 80:23

Mayee, ma uusan fulin Wuxuu amray

Verse 24 — Surah Abasa 80:24

Ee qofku bal ha fiiriyo cuntadiisa

Verse 25 — Surah Abasa 80:25

Sidee baan u soo shubnaa biyaha soo shubid badan

Verse 26 — Surah Abasa 80:26

Markaas Waxaan jeexnaa arlada jeexdin gaballo ah

Verse 27 — Surah Abasa 80:27

Oo sababnaa inay ka soo baxaan haruur

Verse 28 — Surah Abasa 80:28

Verse 29 — Surah Abasa 80:29

Iyo saytuun iyo geedo timireed

Verse 30 — Surah Abasa 80:30

Verse 31 — Surah Abasa 80:31

Verse 32 — Surah Abasa 80:32

Sahay aad leedihiin idinka iyo xoolihiinnuba

Verse 33 — Surah Abasa 80:33

Markase ay qeylada dhego beelisada ah timaaddo

Verse 34 — Surah Abasa 80:34

Maalintaa uu qofku ka carari walaalki

Verse 35 — Surah Abasa 80:35

Iyo hooyadi iyo aabbihi

Verse 36 — Surah Abasa 80:36

Iyo xaaskiisa iyo ilmahiisa

Verse 37 — Surah Abasa 80:37

Qof walba oo ka mid ah, Maalintaas waxaa heysan doonta arrin ku filan

Verse 38 — Surah Abasa 80:38

Wejiyo (qaar) Malintaas way ifi

Verse 39 — Surah Abasa 80:39

Iyagoo muusoon, ku faraxsan warka san

Verse 40 — Surah Abasa 80:40

Oo wejiyo (kale) Maalintaas waxay ahaan kuwo booreysan

Verse 41 — Surah Abasa 80:41

Mugdi baa dabooli doona iyaga

Verse 42 — Surah Abasa 80:42

Kuwaasi waa kuwa ah gaalada dambiilayaasha ah