Back to LanguagesPrevious ChapterNext Chapter
Somali - Chapter 81 - At-Takwir
Translation by Abdullah Hasan Jacob — Permalink
Verse 1 — Surah At-Takwir 81:1
Marka qorraxda la iftiin tiro
Verse 2 — Surah At-Takwir 81:2
Oo xiddiguhu soo daataan
Verse 3 — Surah At-Takwir 81:3
Oo buuraha la rujiyo
Verse 4 — Surah At-Takwir 81:4
Oo geela rimman la caddilo
Verse 5 — Surah At-Takwir 81:5
Oo dugaagga la soo wada kulmiyo
Verse 6 — Surah At-Takwir 81:6
Oo badaha la shido (ama soo fatahaan)
Verse 7 — Surah At-Takwir 81:7
Oo nafaha lagu lammaaniyo jirarkooda
Verse 8 — Surah At-Takwir 81:8
Oo (gabadhii) nolosha lagu xabaalay la weydiiyo
Verse 9 — Surah At-Takwir 81:9
Denbigee baa loo dilay
Verse 10 — Surah At-Takwir 81:10
Oo marka kutubta la fidiyo
Verse 11 — Surah At-Takwir 81:11
Oo marka samada daboolka laga qaado
Verse 12 — Surah At-Takwir 81:12
Oo marka Naarta la huriyo
Verse 13 — Surah At-Takwir 81:13
Oo marka Jannada la soo dhoweeyo
Verse 14 — Surah At-Takwir 81:14
Naf walbaa waxay (markaa) ogaan waxay la goob iyo shir timid
Verse 15 — Surah At-Takwir 81:15
Mayee se Waxaan ku dhaartay xiddigaha dib gurta
Verse 16 — Surah At-Takwir 81:16
Ee ku socda rugahooda, ee qarsooma
Verse 17 — Surah At-Takwir 81:17
Iyo habeenka marka uu tago
Verse 18 — Surah At-Takwir 81:18
Iyo subaxa marka uu neefsado
Verse 19 — Surah At-Takwir 81:19
Hubaal kani waa hadalka (Ilaahay) uu keenay Rasuul sharaf badan (Jibriil)
Verse 20 — Surah At-Takwir 81:20
Awood iyo meeqaan sare ku leh (Allaah) agtiis, Rabbiga Carshiga
Verse 21 — Surah At-Takwir 81:21
La adeeco, haddana aamin ah kalsooni lagu qabo
Verse 22 — Surah At-Takwir 81:22
Oo Saaxiibkiin (Nabi Muxammad) ma aha (innaba) ku waalan
Verse 23 — Surah At-Takwir 81:23
Oo xaqiiq horay buu ugu arkay isaga (Jibriil) jihada cad (dhinaca qorrax soo baxa)
Verse 24 — Surah At-Takwir 81:24
Oo ma aha isagu (Muxammad) mid ceshada cilmiga ku saabsan Ghaybka
Verse 25 — Surah At-Takwir 81:25
Oo (Qur’aanku) ma aha hadalka Shaydaan laga soo ceyrshay (samooyinka)
Verse 26 — Surah At-Takwir 81:26
Ee xaggee baad u socotaan
Verse 27 — Surah At-Takwir 81:27
Wax kale ma aha aan aheyn Waano ku socota ummadaha
Verse 28 — Surah At-Takwir 81:28
Kii isagu idinka mid ah ee raba inuu qaado jid toosan
Verse 29 — Surah At-Takwir 81:29
Oo wax ma doontaan aan ahayn waxaa uu Allaah doono, _Rabbiga uunanka