Back to LanguagesPrevious ChapterNext Chapter
Somali - Chapter 82 - Al-Infitar
Translation by Abdullah Hasan Jacob — Permalink
Verse 1 — Surah Al-Infitar 82:1
Marka samada ay u kala dhanbalanto gaballo
Verse 2 — Surah Al-Infitar 82:2
Oo xiddiguhu kala firdhaan
Verse 3 — Surah Al-Infitar 82:3
Oo marka badaha la burqiyo
Verse 4 — Surah Al-Infitar 82:4
Oo qabuuraha la soo qufo
Verse 5 — Surah Al-Infitar 82:5
Naf walbaa waxay markaa ogaan waxay hormarsatay, iyo (waxay) dib marisay
Verse 6 — Surah Al-Infitar 82:6
Qof yahow! Maxaa kaa jeediyey Rabbigaaga, Roonaanta Badan
Verse 7 — Surah Al-Infitar 82:7
Kaasoo ku abuuray, ee ku taam yeelay Ee kaa dhigay mid isku dheella tiran
Verse 8 — Surah Al-Infitar 82:8
Oo suurad tuu rabo kaa rakibay
Verse 9 — Surah Al-Infitar 82:9
Mayee balse waxaad beenisaan maalinta is abaal marinta
Verse 10 — Surah Al-Infitar 82:10
Oo xaqiiq waxaa jira dhab ahaan ilaalo Korkiinna ah ( malaa’ig idiin xil saaran)
Verse 11 — Surah Al-Infitar 82:11
Sharaf leh wax qorta
Verse 12 — Surah Al-Infitar 82:12
Way og yihiin wax kastoo aad fashaan
Verse 13 — Surah Al-Infitar 82:13
Hubaal baarriyadu waxay dhex ahaan barwaaqo
Verse 14 — Surah Al-Infitar 82:14
Oo hubaal dambiilayaasha waxay dhex ahaan dab ololaya
Verse 15 — Surah Al-Infitar 82:15
Oo ay gali doonaan si ay ugu gubtaan Maalinta Is abaal marinta
Verse 16 — Surah Al-Infitar 82:16
Oo ma ahaan doonaan sinnaba kuwo ka maqan xaggeeda
Verse 17 — Surah Al-Infitar 82:17
Oo maxaa ku ogeysiiyey waxa ay Maalinta is abaal marintu tahay
Verse 18 — Surah Al-Infitar 82:18
Misna, maxaa ku ogeysiiyey waxay ay Maalinta is abaal marintu tahay
Verse 19 — Surah Al-Infitar 82:19
(Waa) maalinta aysan nafi wax u tari doonin naf kale. Oo amarka Maalintaas waxaa gebi ahaanba iska leh Allaah