Back to Languages

Somali - Chapter 86 - At-Tariq

Translation by Abdullah Hasan Jacob — Permalink

Verse 1 — Surah At-Tariq 86:1

Waxaan ku dhaartay samada iyo Xiddigga guura

Verse 2 — Surah At-Tariq 86:2

(Oo maxaa ku ogeysiiyey waxa uu xiddiga guura) yahay

Verse 3 — Surah At-Tariq 86:3

Xiddigga iftiinka badan

Verse 4 — Surah At-Tariq 86:4

Ma jirto naf aanu kor joogin ilaaliye (malag)

Verse 5 — Surah At-Tariq 86:5

Ee ha fiiriyo qofka waxa laga abuuray

Verse 6 — Surah At-Tariq 86:6

Waxaa laga abuuray biyo horay u soo booda

Verse 7 — Surah At-Tariq 86:7

Oo ka yimaada dhabarka iyo feeraha dhexdood

Verse 8 — Surah At-Tariq 86:8

Hubaal wuu karaa inuu u soo celiyo nolosha

Verse 9 — Surah At-Tariq 86:9

Maalinta waxyaalaha qarsoon iyo wixii sir ahaan loo falay la muujin doono

Verse 10 — Surah At-Tariq 86:10

Ma lahaan doono xoog ama wax u soo gargaara midna

Verse 11 — Surah At-Tariq 86:11

Waxaan ku dhaartay cirka soo celcelinta badan (ee soo shuba roobka)

Verse 12 — Surah At-Tariq 86:12

Iyo dhulka dil-dillaaca badan (ee soo saara dhirta iyo daaqa)

Verse 13 — Surah At-Tariq 86:13

Hubaal kani waa hadal dhab ah oo cad

Verse 14 — Surah At-Tariq 86:14

Verse 15 — Surah At-Tariq 86:15

Hubaal waxay qoolaan shirqool

Verse 16 — Surah At-Tariq 86:16

Oo Anigu (sidoo kale) Waxaan qorsheeyaa qorshe

Verse 17 — Surah At-Tariq 86:17

Ee u sug gaalada: Daa wax yar