Back to LanguagesPrevious ChapterNext Chapter
Somali - Chapter 87 - Al-Ala
Translation by Abdullah Hasan Jacob — Permalink
Verse 1 — Surah Al-Ala 87:1
Xurmo weynee oo huf Magaca Rabbigaa, aad u Sarreeya
Verse 2 — Surah Al-Ala 87:2
Kan abuuray (uunka), ee hagaajiyey
Verse 3 — Surah Al-Ala 87:3
Oo ah Kan wax kasta qaddaray, markaa ku hagay (qaddarkiisa)
Verse 4 — Surah Al-Ala 87:4
Oo ah Kan soo saara daaqa
Verse 5 — Surah Al-Ala 87:5
Oo misna ka dhiga xaabo madow
Verse 6 — Surah Al-Ala 87:6
Waxaan kaa yeeli doonnaa inaad akhrido (Qur’aanka) mana illaawi doontid
Verse 7 — Surah Al-Ala 87:7
Wuxuu Allaah doono ma’ahee, Wuxuu Og yahay waxa muuqda iyo waxa qarsoonba
Verse 8 — Surah Al-Ala 87:8
Oo Waxaanu kuu fududeyn midda sahlan (Islaamka)
Verse 9 — Surah Al-Ala 87:9
Ee waani, markay waanadu wax tari
Verse 10 — Surah Al-Ala 87:10
Kan isagu baqa baa ku waano qaadan
Verse 11 — Surah Al-Ala 87:11
Oo kan khayr laawaha ah baa ka fogaan (waanada)
Verse 12 — Surah Al-Ala 87:12
Kaasoo geli doona Naar aad u weyn
Verse 13 — Surah Al-Ala 87:13
Markaa dhexdeeda kuma noolaan doono, mana ku dhiman doono
Verse 14 — Surah Al-Ala 87:14
Waxaa dhab ahaan liibaani qofka daahiriya naftiisa
Verse 15 — Surah Al-Ala 87:15
Oo xurmo weyneeya Magaca Rabbigi oo salaadda tukada
Verse 16 — Surah Al-Ala 87:16
Balse waxaad door biddaan nolosha adduunkan
Verse 17 — Surah Al-Ala 87:17
Aakhirada baase khayr badan oo daa’insan
Verse 18 — Surah Al-Ala 87:18
Hubaal (hadal)kani wuxuu ku yaal Kututbtii hore
Verse 19 — Surah Al-Ala 87:19
Kutubtii Ibraahiim iyo Muuse