Ee (ku) mara dhulka (nabad) muddo afar bilood ah (meeshaad doontaanba), ogaadase inaydaan caajis gelin kareyn Allaah, iyo in Allaah uu dulleyn doono gaalada
Waxaan ahayn kuwaa mushrikiinta ka mid ah ee aad la gasheen axdiga, oo aan markaas waxba idiin dhimin, cidnana idiinla soo safan lidkiin. Ee u oofiya axdigooda inta ay muddadu dhammaaneyso. Hubaal Allaah waa jecel yahay kuwa iska ilaasha (xumaha)
Oo hadduu qof ka mid ahi mushrikiinta idin weydiisto magan galyo magan geliya inta uu ka maqlo hadalka Ilaahay, kaddibna gaarsiiya halka uu ku nabad helayo, sidani waxaa ku wacan waa dad aan garasho lahayn
Oo hadday jabiyaan dhaarahooda axdigooda kaddib, oo (si cad) u duraan diintiinna, markaa la dagaallama hoggaamiyayaasha kufriga –hubaal waa kuwo aan axdi tixgeline bal inay ka joogaan (colaadda ay wadaan)
Miyeydaan la dagaallamayn dad ka baxay dhaarahooda (ballamahay idinla galeen) oo ku hammiyey saaridda Rasuulka, oo iyagu idinku billaabay weerarka marka hore? Miyaad ka baqeysaan? Allaah baase u xaq leh inaad ka baqdaan haddaad tihiin mu’miniin
Ma waxaad mooddaan in la idiinkaga tegi doono sidiinna isagoo uusan Allaah muujin kuwiinna idinka mid ah ee jihaaday oo aan ka dhigan cid aan ahayn Allaah iyo Rasuulkiisa iyo mu'miniinta gacallo. oo Allaah waa u Xog ogaal waxa aad fashaan
Ma laha mushrikiinta inay camiraan masaajidda Ilaahay iyagoo ku qiraya nafahooda gaalnimo. Waayo kuwani acmaashooda waxba kama jiraan, oo Naarta bay ku dhex waari doonaan
Ma waxaad la mid dhigtaan (kan u xil quma) waraabinta xujeyda iyo daryeelka Masjidka xurmadda leh sida kan isagu rumeysan Allaah iyo Maalinta dambeysa oo aad ugu dadaala Jidka Ilaahay? Ma aha kuwo siman Allaah agtiis. Oo Allaah ma hanuuniyo dadkaa gar ma qaatayaasha ah
Mu’miniintoy! Ha ka dhigannina aabbayaashiin ama walaalihiin gacallo hadday jeclaadaan gaalnimo halkii Iimaanka. Oo qofkii sidaa yeela oo idinka mid ah, kuwaas weeye kuwa iyagu ah gar ma qaatayaasha
La dagaallama kuwa aan rumeysnayn Allaah, iyo Maalinta dambeysa, aan xaaraameyn waxa ay xaaraameeyeen Allaah iyo Rasuulkiisu, ee aan ka diin dhigan oo raacin Diinta Xaqa ah ee ka mid ah ehlu Kitaabka, ilaa ay ka dhiibaan Jisyo6 si raalli leh iyagoo hoggaansan
Mu’miniintoy! hubaal, in badan oo ka mid ah qaysaska iyo suufiyadu waxay ku cunaan maalka dadka been, oo ka jeediyaan Jidka Ilaahay. Oo ( ma xagga) kuwa iyagu kaydsada dahabka iyo qalinka9 ee aan wax ku bixin Jidka Ilaahay, _ugu bishaaree cadaab aad u xanuun badan
Maalinta lagu soo kululeyn doono dabka Naarta oo wajiyadooda, dhinacyadooda, iyo dhabarradooda lagu summadeyn doono; (oo lagu odhan): Kani waa waxaad u kaydiseen nafahiinna ee dhadhamiya waxaad idinku kaydsateen
Mu’miniintoy! Maxaa idiinku wacan, in marka la idinku yidhaahdo: U soo baxa u jihaadka Arrinka Ilaahay aad isagu dhajisaan dhulka si culus? Ma waxaad ku raalli noqoteen nolosha adduunkan oo aad ka door biddeen Aakhirada? Oo ma aha sahayda noloshan adduunku marka la barbar dhigo Aakhirada waxaan ahayn wax yar
Oo waxaa ka mid ah mid yidhaahda: Ii fasax (inaan guriga joogo) oo ha i fidmayn16. Hubaal waxayba ku dhaceen fidmo. Oo hubaal Naar baa koobi doonta Gaalada
Ee yaanay maalkooda iyo carruurtooda ku cajab gelin; Allaah wuxuu uun doonayaa inuu ku cadaabo nolosha adduukan, iyo in nafahu ka baxaan iyagoo gaalo ah
Oo waxaa ka mid ah qaar kugu eedeeya arrin la xiriirta (qaybinta) sadaqooyinka. Oo haddii wax laga siiyo raalli ah, haddiise aan wax laga siin, mise way cadhoodaan
Munaafiqiintu waxay ka baqaan in lagu soo dejiyo Suurad ugu sheegeysa si cad waxa ku jira quluubtooda. Dheh: Iska jees jeesa! Hubaal Allaah Wuxuu soo bixin doonaa waxa aad ka baqdaan
Markaas buu ka yeelay munaafaqnimo inay gasho quluubtooda ilaa Maalinta marka ay la kulmi doonaan, ballankay kaga baxeen Allaah iyo beenaha ay sheegeen awgood
Kuwa ku ceebeeya kuwaa daacadda ah ee ka mid ah mu’miniinta sadaqada ay dar Ilaahay ula baxaan iyo kuwa aan heli karin inay baxshaan waxaan aheyn xoogsigooda oo ku jeesjeesa, Allaah baa ku jees jeesi doona, oo waxay mudan doonaan cadaab xanuun badan
Oo haddii la soo waxyoodo Suurad amreysa: Rumeeya Allaah oo gala jihaad la jirka Rasuulkiisa, kuwooda hodonka ah ayaa kaa idan qaata, oo yidhaahda: Na daa aan ka mid noqonno kuwa dib u hara ee fadhiya (guryaha)
Laakiin Rasuulka iyo kuwa rumeysan ee la jira waxay ku jihaad galaan maalkooda iyo nafahooda. Oo kuwan weeye kuwa mudan doona khayraadka, oo waa kuwan kuwa ah liibaanayaasha
Oo cudurdaartayaashii ka mid ahaa reer miyiga baa yimid iyagoo ku weydiisanaya Idan si looga dhaafo (ka qayb galka jihaadka), oo waxaa haray oo fadhiistay (guryaha) kuwii u sheegay beenta Allaah iyo Rasuulkiisa; waxaa ku dhici doona kuwa xaqa diiday ee ka mid ah cadaab aad u xanuun badan
Wax eed ah ma saarna korkooda kuwa tabarta yar26 ama bukaanka ah, ama kuwa aan heli karin wax ay bixiyaan hadday daacad u yihiin Allaah iyo Rasuulkiisa27. Ma jiro jid lagu eed saari karo sama falayaasha. Oo Allaah waa Dambi Dhaaf Badane, Naxariis Badan
Oo ma (saarna eed) kuwii markay kuu yimaadeen si aad u qaaddo, aad ku tidhi: Idiinma heli karo wax (gaadiid ah) aan idinku qaado, markaasay dib u laabteen iyagoo ay ka qubaneyso indhahooda ilmo, murugo darteed ay ka qabaan in aanay helin wax ay bixiyaan
Ee waxaa uun jid (eedeyn ah) lagu leeyahay kuwa idan kaa qaata iyagoo maal qabeen ah. waxay ku raalli noqdeen inay la joogaan kuwa dib u haray oo wuxuu Allah daboolay quluubtooda marka ma ay oga (waxa ay waayayaan)
Oo (ma) kuwa u hormaray, ee horreeyey oo ka mid ah Muhaajiriinta28 iyo Ansaarta29 iyo kuwa ku raacay wanaagga. Allaah raalli buu ka yahay, iyana raalli bay ka yihiin. Oo Wuxuu u diyaariyey beero ay hoostoodu wabiyadu qul-qulaan, ay ku dhex waarayaan weligood. Kaas baa ah Liibaanta Weyn
Oo (waxaa jira) kuwo kale ee qirtay dambiyadooda, waxay isku dareen camal wanaagsan iyo mid kale oo xun30. Waa intaasoo Allaah u soo noqdo (si naxariis leh). Hubaal Allaah waa Dambi Dhaaf Badane, Naxariis Badan
Mawaysan ogayn in Allaah ka aqbalo toobada addoomahiisa oo qaato sadaqooyinka iyo in Allaah yahay Kan u soo laabashada badan (naxariista), ee Naxariista Badan
Kuwase dhistay masjid ay dhibaato ku geystaan iyo gaalnimo darteed iyo si ay tafaraaruq u dhex dhigaan mu’miniinta iyo inuu u ahaado dhufays kan isagu horay ula dagaal galay31 Allaah iyo Rasuulkiisa, oo waxay xaqiiq ku dhaaran doonaan ma aanu rabin waxaan ahayn wanaag. Oo Allaah wuxuu markhaati ka yahay inay hubaal yihiin beenalayaal
Ee ma mid aasaas uga dhiga dhismihiisa cabsida Ilaahay iyo Raalli gelintiisa baa khayr roon, mise mid ka dhiga aasaaska dhismihiisa qarka god dumaya dushiis, oo markaas kula soo dhacay dabka Naarta. Oo Allaah ma hanuuniyo dadka ah gar ma qaatayaasha
Dhismahii ay dhiseen kama suuli doono marnaba inuu ahaado sabab keenta walaac ku jira quluubtooda33 in maahee ay u kala go'go’aan quluubtooda qaybo34. Oo Allaah waa wax kasta Oge, Xakiim ah
Kuwa u soo noqda (Allaah), ee caabuda, ee ammaana, ee sooma, ee rukuuca, ee la dhaca sujuudda ee amra waxa san ee reeba waxa xun, ee ilaaliya soohdimaha Ilaahay36 oo u bishaaree mu’miniintaa
Oo Ibraahiim u dambi dhaaf dalabkii aabbihiis ma ahayn waxaan ahayn ballan uu ka qaaday. Markiise ay u caddaatay inuu ahaa cadow Ilaahay, bannaankuu ka maray; hubaal Ibraahiim wuxuu ahaa kal same, dulqaad badan
Oo ma aha (sifad) Allaah inuu lumiyo dad kaddib marka uu hanuuniyey bal xitaa wuxuu u caddeeyaa waxa ay tahay inay iska jiraan38. hubaal Allaah waa Ogsoonaha wax walba
Oo (sidoo kale wuu cafiyey) seddexdii dib loo dhigay (oo ka xumaaday khaladkoodii)39, heer arladu ku ciriiryoontay waxay ballaar laheyd, oo nafahooda sidoo kale ku ciriiryoomeen, oo waxay hubeen in aanay jirin meel laga magan galaa Allaah aan ahayn Xaggiisa. Markaasu ugu soo laabtay (si naxariis leh), si ay ugu soo laabtaan. Hubaal Allaah waa u soo laabasho badanaha (naxariista), Naxariista badan
Kuma habboona reer Madiina iyo kuwa hareerahooda ah ee ka mid ah kuwa dega saxraha miyiga inay uga haraan gadaal Rasuulka Ilaahay, iyo inay ka jecleystaan nafahooda naftiisa. Maxaa yeelay ma jiro harraad iyo daal ama gaajo ku soo gaara Jidka Ilaahay40, oo ma jiro goob ay cagaha dhigaan oo ay ku cadho gashaan gaalada, oo ma jiro lib ay ka helaan cadowga oo aan loogu qoreyn camal san dartood. Hubaal Allaah ma dayaco ajarka sama falayaasha
Oo ma jiro wax yar iyo wax weyn oo ay bixiyaan oo ma jiro tog ay ka tillaabaan oo aan loogu qorayn ajar ahaan, si uu Allaah ugu abaal mariyo si waafaqsan kan ugu fiicnaa camalladii ay faleen
Oo ma aha mu’miniinta inay u soo wada baxaan (duullaanka) dhammaantood mar keliya. Ee waa inay iska soo saaraan qayb walba oo iyaga ka mid ah koox (u hareysa) inay fahmaan diinta si ay ugu digaan (oo waaniyaan) dadkooda marka ay u soo laabtaan, si ay u digtonaadaan
Mu’miniintoy! La dagaallama kuwa idinku qabsan ee ka mid ah gaalada oo ha idinka heleyn adadayg, oo ogaada inuu Allaah la jiro kuwa iska ilaasha (xumaha)
Oo marka Suurad la soo waxyoodo, waxaa ka mid ah (munaafiqiinta) kuwo yidhaahda: Kiinnee bay tani u kordhisay Iimaan?. Marka ma kuwa rumeysan waxay u kordhisaa iimaan, oo waa bay ku farxaan
Oo marka Suurad la soo waxyoodo, wuxuu eegaa qaarkoodba qaarka kale (oo isweydiiyaan): Cid ma idin aragtaa? markaasay jeesadaan. Allaah baa ka jeediyey quluubtooda (hanuunka), waayo waa dad aan garasho lahayn