Back to LanguagesPrevious ChapterNext Chapter
Somali - Chapter 90 - Al-Balad
Translation by Abdullah Hasan Jacob — Permalink
Verse 1 — Surah Al-Balad 90:1
Mayee,Waxaan ku dhaartay magaaladan (Makkah)
Verse 2 — Surah Al-Balad 90:2
Oo adiga (Muxammad) waad ka eed tiran tahay (ku dagaallanka) magaaladan
Verse 3 — Surah Al-Balad 90:3
Oo waa igu waalidka (Ibraahiim) iyo waxa uu dhalay (Ismaaciil)
Verse 4 — Surah Al-Balad 90:4
Xaqiiq Waxaan abuurnay aadmiga isagoo ku sugnaan dhib iyo howl
Verse 5 — Surah Al-Balad 90:5
Ma wuxuu moodaa inaysan cidna awood ku dul lahayn
Verse 6 — Surah Al-Balad 90:6
Wuxuu leeyahay: Waxaan lumiyey maal badan
Verse 7 — Surah Al-Balad 90:7
Ma wuxuu moodaa inaysan cidna arag
Verse 8 — Surah Al-Balad 90:8
Miyaanan siin labo indhood
Verse 9 — Surah Al-Balad 90:9
Iyo carrab iyo labo bishimood
Verse 10 — Surah Al-Balad 90:10
oo aan tusin labada jidood
Verse 11 — Surah Al-Balad 90:11
Ee muu ka gudbo jidka buurta ah
Verse 12 — Surah Al-Balad 90:12
Oo maxaa ku ogeysiiyey (waxa ay tahay ee looga gudbo) jidkaa buurta ah
Verse 13 — Surah Al-Balad 90:13
(Waa) xoreynta qof (addoon ah)
Verse 14 — Surah Al-Balad 90:14
Ama siinta cunno maalin gaajo jirto
Verse 15 — Surah Al-Balad 90:15
Agoon, aad qaraabo tihiin
Verse 16 — Surah Al-Balad 90:16
Ama miskiin dhulka yaal
Verse 17 — Surah Al-Balad 90:17
Haddana ka mid ah kuwa (Xaqa) rumeysan, oo iskula dardaarma sugnaanta iyo sabarka, oo (sidoo kale) iskula dardaarma naxariista (iyo is jeclaanta)
Verse 18 — Surah Al-Balad 90:18
Waa kuwaas qolada Midigta (Jannada)
Verse 19 — Surah Al-Balad 90:19
Ma kuwa se k ku gaalooba Aayadahayaga (xujooyinka, waxyiga iwm) waa kuwaas qolada Bidixda (ehlu Naarka)
Verse 20 — Surah Al-Balad 90:20
Dushooda waa Naar korka looga xiray