Back to LanguagesPrevious ChapterNext Chapter
Somali - Chapter 91 - Ash-Shams
Translation by Abdullah Hasan Jacob — Permalink
Verse 1 — Surah Ash-Shams 91:1
Waxaan ku dhaartay qorraxda iyo iftiinkeeda
Verse 2 — Surah Ash-Shams 91:2
Iyo dayaxa marka uu raaco (qorraxda)
Verse 3 — Surah Ash-Shams 91:3
Iyo maalinta marka ay muujiso caddaankeeda
Verse 4 — Surah Ash-Shams 91:4
Iyo habeenka marka uu yeelo dabool dusheeda
Verse 5 — Surah Ash-Shams 91:5
Iyo samada iyo Kan Isagu fidshay
Verse 6 — Surah Ash-Shams 91:6
Iyo arlada iyo Kan Isagu goglay
Verse 7 — Surah Ash-Shams 91:7
Iyo nafta iyo Kan Isagu simay
Verse 8 — Surah Ash-Shams 91:8
Markaas kala garansiiyey waxa fiican ee u dan ah iyo waxa xun ee u daran
Verse 9 — Surah Ash-Shams 91:9
Waxaa dhab ahaan liibaani qofka daahiriya naftiisa
Verse 10 — Surah Ash-Shams 91:10
Oo waxaa dhab ahaan hoogi qofka xumeeya naftiisa
Verse 11 — Surah Ash-Shams 91:11
Thamuud waxay beeniyeen (Xaqa) kibirkoodii darti
Verse 12 — Surah Ash-Shams 91:12
Waa tii uu koodii uga sharka badnaa soo baxay
Verse 13 — Surah Ash-Shams 91:13
Markaasuu Rasuulkii Ilaahay (Saalix) ku yidhi : Iska daaya Hasha Ilaahay! (ha dilana) oo siiya waraabkeeda
Verse 14 — Surah Ash-Shams 91:14
Wayse beeniyeen, oo gowraceen (Hashii). Markaasuu Rabbigood u baabbi’yey dambigoodii dartiis, oo dhulka la simay (ama ka wada simay ciqaabkii)
Verse 15 — Surah Ash-Shams 91:15
Oo Kama uu cabsado cidhibteeda