Back to LanguagesPrevious ChapterNext Chapter
Somali - Chapter 92 - Al-Layl
Translation by Abdullah Hasan Jacob — Permalink
Verse 1 — Surah Al-Layl 92:1
Waxaan ku dhaartay habeenka marka uu soo rogo daaha
Verse 2 — Surah Al-Layl 92:2
Iyo maalinta marka ay iftiinto
Verse 3 — Surah Al-Layl 92:3
Iyo abuurista labka iyo dheddigga
Verse 4 — Surah Al-Layl 92:4
Dadaalkiinna hubaal waa kala ujeeddo duwan yahay
Verse 5 — Surah Al-Layl 92:5
Ee ma kan isagu wax bixiya oo ka dhowrsada xumaanta
Verse 6 — Surah Al-Layl 92:6
Oo rumeeya Tan aad u fiican (Jannada)
Verse 7 — Surah Al-Layl 92:7
Waxaan u fududeyn doonaa jidka fudud (Islaamka)
Verse 8 — Surah Al-Layl 92:8
Ma kan se isagu bakheylka ah oo isu arka mid deeqtoon
Verse 9 — Surah Al-Layl 92:9
Oo beeniya tan aad u fiican (Jannada)
Verse 10 — Surah Al-Layl 92:10
Waxaan u fududeyn doonnaa tan adag (Naarta)
Verse 11 — Surah Al-Layl 92:11
Oo muxuu maalkiisu u tari marka uu halaagsamo
Verse 12 — Surah Al-Layl 92:12
Hubaal waa xil na saaran inaan tusinno jidka (toosan)
Verse 13 — Surah Al-Layl 92:13
(Oo hubaal Annaga baa leh tan dambe Aakhirada) iyo tan horeba (adduunka)
Verse 14 — Surah Al-Layl 92:14
Ee waxaan idiinka digayaa Naar ololeysa
Verse 15 — Surah Al-Layl 92:15
Ma uu galayo waxaan ahayn hoogaha
Verse 16 — Surah Al-Layl 92:16
Ee (Xaqa) beeniya oo dhabarka u jeediya
Verse 17 — Surah Al-Layl 92:17
Oo waxaa laga fogeyn doonaa (Naarta) kan ka dhowrsada xumaha
Verse 18 — Surah Al-Layl 92:18
Ee bixiya maalkiisa si uu isu daahiriyo
Verse 19 — Surah Al-Layl 92:19
Isagoo uusan jirin cid ku leh abaal oo laga sugayo inuu gudo
Verse 20 — Surah Al-Layl 92:20
Aan ahayn doonista Wejiga Rabbigi, ee aad u Sarreeya
Verse 21 — Surah Al-Layl 92:21
Oo dhowaan wuu raalli noqon doonaa