Back to Languages

Somali - Chapter 93 - Ad-Duhaa

Translation by Abdullah Hasan Jacob — Permalink

Verse 1 — Surah Ad-Duhaa 93:1

Waxaan ku dhaartay Barqada

Verse 2 — Surah Ad-Duhaa 93:2

Iyo habeenka marka uu wax ku daboolo mugdigiisa

Verse 3 — Surah Ad-Duhaa 93:3

Rabbigaa kaama tagin (Muxammadow), mana uu kuu cadhoon

Verse 4 — Surah Ad-Duhaa 93:4

Oo hubaal waxa dambeeya baa kaaga khayr badan waxa hore u tagey

Verse 5 — Surah Ad-Duhaa 93:5

Oo dhowaan Rabbigaa baa deeq ku siin doona, marka waad raalli noqon

Verse 6 — Surah Ad-Duhaa 93:6

Miyuusan ku helin adigoo agoon ah oo ku hoyaadin

Verse 7 — Surah Ad-Duhaa 93:7

Oo ku helin adigoo habowsan oo kuma hanuunin

Verse 8 — Surah Ad-Duhaa 93:8

Oo ku helin adigoo caydh ah oo kuma hodmin

Verse 9 — Surah Ad-Duhaa 93:9

Ee ma agoonka, ha dhibin

Verse 10 — Surah Ad-Duhaa 93:10

Oo ma kan wax weydiista, ha canaanan

Verse 11 — Surah Ad-Duhaa 93:11

Oo ma xagga Nicmadda Rabbigaa, ka warran (oo ku mahdi)