Back to LanguagesPrevious ChapterNext Chapter
Somali - Chapter 21 - Al-Anbiya
Translation by Mahmud Muhammad Abduh — Permalink
Verse 1 — Surah Al-Anbiya 21:1
Xisaabtoodii iyagoo Halmaansho ku Sugan oo Jeedsan
Verse 2 — Surah Al-Anbiya 21:2
Quraankastee oo uga Yimaadda Xagga Eebahood kana Soo darriya way maqlaan iyagoo Ciyaari
Verse 3 — Surah Al-Anbiya 21:3
Oy shuqloontahay Quluubtoodu, waxayna hoos u dhigeen Faqii kuwii Dulmi Falay (iyagoo dhihi) kanu ma waxaan Dad idinkoo kale ahaynbaa, ma waxaad u imanaysaan sixir idinkoo Arka
Verse 4 — Surah Al-Anbiya 21:4
Wuxuu yidhi (Nabigii) Eebahaybaa Og Hadalka Samada ku Sugan iyo Dhulka, waana Maqle Oge ah
Verse 5 — Surah Al-Anbiya 21:5
Waxay Dheheen (Gaaladii) Saas ma aha ee waa Qarowyo saa ma aha ee wuu Been Abuurtay, Saas ma aha ee waa gabayaa ee ha noo keeno Aayad Sidii Lagu diray Kuwii hore
Verse 6 — Surah Al-Anbiya 21:6
Mayna Rumeynin Hortood Magaalo aan Halaag (La doonay) ee Ma iyagaa Rumeyn
Verse 7 — Surah Al-Anbiya 21:7
Maanaan Dirin Hortaa Rag mooyee, kuwaas oon u Waxyoonay, ee Warsada kuwa Cilmiga leh Haddaydaan wax Ogayn
Verse 8 — Surah Al-Anbiya 21:8
Kamaanaan Dhigin (Nabiyada) Jasad (Muqaal) oon Cunayn Cunno mana ahayn kuwo Waara
Verse 9 — Surah Al-Anbiya 21:9
Markaasna waxaan u Rumeynay Yaboohii waana Korrinay iyagii iyo Ciddaan Doono, waxaana Halaagnay Xadgudbayaasha
Verse 10 — Surah Al-Anbiya 21:10
Waxaan idiin soo Dejinay Kitaab Sharaftiinnu ku Sugantahayee Miyeydaan Kasayn
Verse 11 — Surah Al-Anbiya 21:11
Badanaana intaan Halaagnay Magaalo Dulmi Badan (Dadkeedu) oon Ahaysiinay Gadaasheed Qoom kale
Verse 12 — Surah Al-Anbiya 21:12
Markay kaseen Cadaabkanaga yey ahaayeen kuwo ka Carari
Verse 13 — Surah Al-Anbiya 21:13
Ha Cararina kuna noqda wixii laydiinku Raaxeeyey iyo Guryihiinna waxay u Dhawdahay in wax laydin warsadee
Verse 14 — Surah Al-Anbiya 21:14
Waxay Dhaheen Halaaganagee waxaan nahay Daalimiin
Verse 15 — Surah Al-Anbiya 21:15
Saasna kuma tagin Qayladoodu intaan ka yeello, wax la shafay oo Bakhtiya
Verse 16 — Surah Al-Anbiya 21:16
Maanaan Abuurin Samooyinka iyo Dhulka iyo waxa u Dhaxeeya Anagoo Ciyaari
Verse 17 — Surah Al-Anbiya 21:17
Haddaan Doono Madadaallo inaan yeelano waxaan ka yeelan lahayn Agtanada haddaan Falayno
Verse 18 — Surah Al-Anbiya 21:18
Xaqaanse ku Gannaa Baadilka oo Tirtira markaasuu tagaa, waxaa idiinku Sugnaaday Halaag waxaad Sheegaysaan
Verse 19 — Surah Al-Anbiya 21:19
Ilaahay waxaa u sugnaaday waxa Samooyinka ku sugan iyo Dhulka, kuwa Eebe Agtiisa ahna Iskama Kibriyaan Cibaadadiisa kamana daalaan
Verse 20 — Surah Al-Anbiya 21:20
wayna Nasahaan Habeen iyo Dharaarba kamana Noogaan
Verse 21 — Surah Al-Anbiya 21:21
Mise waxay yeesheen (Gaaladii) Ilaahyaal Dhulka Xaggiisa oo wax soo Nooleeya
Verse 22 — Surah Al-Anbiya 21:22
Hadday yihiin dhexdooda (Samada iyo Dhulka) Ilaahyo way Fasaadi Lahaayeen, waxaa ka Nasahan Eebaha Carshiga leh waxay ku Tilmaami
Verse 23 — Surah Al-Anbiya 21:23
Lama warsanayo wuxuu Falo Iyagase waa la warsan
Verse 24 — Surah Al-Anbiya 21:24
Mise waxay Yeesheen Eebe ka sokow Ilaahyo, waxaad Dhahdaa keena Xujadiinna, kana waa (quraanka) sheegi waxa ila jooga iyo sheegiddii kuwii iga horreeyey, Badidoodse ma oga Xaqa wayna ka Jeedsan
Verse 25 — Surah Al-Anbiya 21:25
Rasuulkaan hortaa dirayba waxaan u waxyoonay ilaah aan Ani ahayn ma jiro ee I caabuda
Verse 26 — Surah Al-Anbiya 21:26
waxay dhaheen Gaaladii wuxuu Yeeshay (Eebaha) Raxmaana Ilmo, waa ka Nasahanyahay, waase Addoomo (Malaa'igtu) la Sharrifo
Verse 27 — Surah Al-Anbiya 21:27
kagama hor maraan Hadal iyaguna Amarkiisay ku Camalfalaan
Verse 28 — Surah Al-Anbiya 21:28
wuxuu ogyahay waxa hortooda iyo Gadaashooda ah umana shafeecaan Ciduu ka raaliyahay mooyee iyaguna Cabsidiisay la Baqaan
Verse 29 — Surah Al-Anbiya 21:29
ruuxii dhaha oo ka mid ah Malaa'igta anaa Ilaah ah Eebe ka sokow, kaas waxaannu ku Abaal marin Jahannamo, saasaana ku Abaal marinnaa Daalimiinta
Verse 30 — Surah Al-Anbiya 21:30
miyeyna arkayn kuwii Gaaloobay in Samooyinka iyo dhulku ahaayeen kuwo isku dhaggan oona kala Bixinay, kana yeelay Biyaha wax kasta oo Nool ee miyeyna Rumaynayn
Verse 31 — Surah Al-Anbiya 21:31
waxaana yeellay Dhulka Sugayaal (buuro) inayna la iilanin Dadka, waxaana yeellay Dhexdeeda Karimo Waddooyin ah, inay ku Toosaan
Verse 32 — Surah Al-Anbiya 21:32
waxaana ka yeelay Samada Saanqaaf ilaashan iyaguna Calaamooyinkeeda way ka jeedsan
Verse 33 — Surah Al-Anbiya 21:33
Eebe waa kan Abuuray Habeenka, Maalinta, Qorraxda iyo dayaxa mid kastana Falag buu Dhexdabbaalan
Verse 34 — Surah Al-Anbiya 21:34
maanan yeelin Dadka ka horreeyey kuwo waara ee haddaad dhimato ma iyagaa waari (Gaaladu)
Verse 35 — Surah Al-Anbiya 21:35
Naf kastaa waxay dhadhamin Geeri waxaana idinku Imtixaami Shar iyo Khayr Ibtilo darteed, xagganagaana laydiin soo Celin
Verse 36 — Surah Al-Anbiya 21:36
markay ku arkaan kuwii Gaaloobay waxay kaa yeeshaan jeesjees iyagoo dhihi ma kanaa kan sheegi Ilaahyihiinna iyagoo ka gaaloobi xusidda Eebaha Raxmaana
Verse 37 — Surah Al-Anbiya 21:37
waxaa laga abuuray Dadka Deg deg, waxaana idin tusin Aayaadkayga ee ha degdegina
Verse 38 — Surah Al-Anbiya 21:38
waxay dhihi waa goorma Yaboohii (Cadaabku) haddaad run sheegaysaan
Verse 39 — Surah Al-Anbiya 21:39
hadday ogyihiin kuwii Gaaloobay markaan laga reebeyn Wajiyadooda Naarta iyo Dhabarkooda oon loona gargaarayn (ma degdegsadeen)
Verse 40 — Surah Al-Anbiya 21:40
waxayse ugu imaan (naartu) si kada ah wayna wareerin mana karayaan Celinteeda lamana Sugo
Verse 41 — Surah Al-Anbiya 21:41
waxaa lagu jees jeesay Rasuullo kaa horreeyey waxaana ku dhacay kuwii ku jees jeesay oo Gaalada ah waxay ku jees jeesi jireen
Verse 42 — Surah Al-Anbiya 21:42
waxaad dhahdaa yaa idinka Ilaalin Habeen iyo Dharaarba Eebaha Raxmaana waxayse iyagu ka jeedsan Xusidda Eebahood
Verse 43 — Surah Al-Anbiya 21:43
ma waxaa u sugnaaday Ilaahyo naga celin ma karaan (waxay caabudi) Gargaarka Naftooda nalagamana Magan galiyo
Verse 44 — Surah Al-Anbiya 21:44
Saas ma aha cc waxaan u Raaxaynay kuwaas iyo Aabayaalkood Intuu ku Dheeraado Cimrigu, Miyeyna Arkayn Inaannu ku imanayno Dhulka Anagoo Nusqaamin (Guusha Islaamka) Miyagaa Adag
Verse 45 — Surah Al-Anbiya 21:45
Waxaad Dhahdaa waxaa uun aan idiinku Digi Waxyiga Mana Maqlo Dhagoole Dhawaaqa marka loo Digi
Verse 46 — Surah Al-Anbiya 21:46
Hadduu Taabto wax Yar oo Cadaabka Eebahaa ah waxay Odhan Halaagganagee Anagaa Daalimiin ah
Verse 47 — Surah Al-Anbiya 21:47
Waxaannu u Dejinaynaa Miisaanka Cadilka ah Maalinta Qiyaame lagamana Dulmiyo Naf waxba, haba ahaado wax la eg Xabbad Khardal ah (wax yar) ee waan siinaynaa, annagaana ugu Filan Xisaabiye
Verse 48 — Surah Al-Anbiya 21:48
Dhab ahaan yaan u Siinay (Nabi) Muuse iyo (Nabi) Haaruun kala Bixiye (Tawreed) iyo Nuur iyo Waanada kuwo Dhawrsada
Verse 49 — Surah Al-Anbiya 21:49
Oo ah kuwa ka Cabsada Eebahood iyagoo kali ah iyagoo Saacadda (Qiyaame) ka Cabsan
Verse 50 — Surah Al-Anbiya 21:50
Kan (Quraankuna) waa Quraan la Barakeeyey oon Soo Dejinay ee midinkaa Diidi Isaga
Verse 51 — Surah Al-Anbiya 21:51
Dhab ahaan waxaan u Siinay Nabi Ibraahim Hanuukiisa mar hore anagaana Ogayn
Verse 52 — Surah Al-Anbiya 21:52
Markuu ku Yidhi Aabihiis iyo Qoomkiisii waa maxay Sawiradan aad ku kor Negidihiin (Caabudaysaan)
Verse 53 — Surah Al-Anbiya 21:53
waxay Dheheen waxaan Hellay Aabayaalkanno oo Caabudi
Verse 54 — Surah Al-Anbiya 21:54
Wuxuu yidhi (Nabi) Ibraahim waxaad ku Sugantihiin idinka iyo Aabayaalkiin Baadi Cad
Verse 55 — Surah Al-Anbiya 21:55
Waxay Dheheen ma waxaad Noola Timid Xaq Mise Adigu waxaad ka mid Tahay kuwa Ciyaari
Verse 56 — Surah Al-Anbiya 21:56
Wuxuuna Yidhi Eebihiin waa Eebaha Samooyinka iyo Dhulka ee ah Kan Abuuray Aniguna Arrintaas yaan ahay kuwa ka Marag Kici
Verse 57 — Surah Al-Anbiya 21:57
Eebaan ku Dhaartayc waan Dhagri Sanamyadiinna ka Dib markaad Jeedsataan Idinkoo Tagi
Verse 58 — Surah Al-Anbiya 21:58
Wuxuuna ka Yeelay Burbur, Koodii waynaa mooye inay Xaggiisa u Noqdaan (Inuu Jajabiyey Isagu)
Verse 59 — Surah Al-Anbiya 21:59
waxay Dheheen yaa ku falay Sidan Ilaahyadanadii Kaasi waa Daalime
Verse 60 — Surah Al-Anbiya 21:60
Waxayna Dheheen Waxaan Maqallay Wiil Sheegi lana Dhaho Ibraahim
Verse 61 — Surah Al-Anbiya 21:61
Waxay Dheheen keena dadka Indhihiisa inay ku Marag Furaan
Verse 62 — Surah Al-Anbiya 21:62
waxay Dheheen Gaaladii Maadaa ku Falay Sidan Ilaahyadannada Ibraahimow
Verse 63 — Surah Al-Anbiya 21:63
Wuxuu Yidhi waxaa Fatay Kooda Weyn ee Kana, Waydiiya Iladday Hadli
Verse 64 — Surah Al-Anbiya 21:64
Markaasay u Noqdeen Naftooda waxayna Isu Dhaheen war Idinkaa Daalimiina
Verse 65 — Surah Al-Anbiya 21:65
Markaasaa Loogadiyey Madaxooda (waxayna Dhaheen) Dhabbaad u Ogtahay inayna kuwani Hadlayn
Verse 66 — Surah Al-Anbiya 21:66
Wuxuu Yidhi ma waxaad Caabudaysaan Eebe ka Sokow waxaan Idin Anfacayn waxba idinna Dhibayn
Verse 67 — Surah Al-Anbiya 21:67
Ufbaa laydin Yidhi Idinka iyo Waxaad Caabudaysaan Eebe ka Sokow Miyeydaan wax kaseyn
Verse 68 — Surah Al-Anbiya 21:68
Waxay Dhaheen Guba una Gargaara Ilaahyadiinna Haddaad wax Falaysaan
Verse 69 — Surah Al-Anbiya 21:69
Waxan Nidhi Naaray u Noqo Qabow iyo Nabadgalyi Ibraahim
Verse 70 — Surah Al-Anbiya 21:70
Waxay la Dooneen Dhagar waxaana ka yeellay kuwo Khasaaray
Verse 71 — Surah Al-Anbiya 21:71
Waannu u Korinay (Nabi) Ibraahim iyo Nabi Luudh Dhulkii aan u Barakaynay Caalamka (Shaam)
Verse 72 — Surah Al-Anbiya 21:72
Waxaan Siinay Isxaaq iyo Yacquub oo Siyaada ah, waxaana ka Yeellay Dhammaan kuwo Suubban
Verse 73 — Surah Al-Anbiya 21:73
Waxaana ka yeellay Imaamyo ku Hanuuniya Amarkanaga, waxaana u waxyoonay Falidda Khayrka, Oogidda Salaadda iyo Bixinta Sakada waxayna ahaayeen kuwo Na caabuda
Verse 74 — Surah Al-Anbiya 21:74
(Nabi) Luudhna waxaan Siinay Xukun iyo Cilmi, waxaana ka Korinay Magaalaadii ahayd mid Fasha Xumo waxay ahaayeen Qoom Xun oo Faasiqiina
Verse 75 — Surah Al-Anbiya 21:75
Waxaana Galinay Naxariistanada, wuxuuna ka mid ahaa kuwa Suuban
Verse 76 — Surah Al-Anbiya 21:76
(Nabi) Nuuxna waa Korinay, markuu Dhawaaqay mar hore, waana ajiibnay, waana ka Korinay isaga iyo Ehelkiisaba Murugadii Waynayd
Verse 77 — Surah Al-Anbiya 21:77
Waana uga Gargaaray Qoomkii Beeniyey Aayaadkanaga, waxayna ahaayeen Qoom Xun waana Maanshaynay Dhammaantood
Verse 78 — Surah Al-Anbiya 21:78
Xusuuso (Nabi) Daawuud iyo (Nabi) Suleymaan markay Xukumayeen Beerta markuu Daaqay Adhi Qoom (Dad) waxaana ahayn kuwa Xukunkooda u Maraga (Arka)
Verse 79 — Surah Al-Anbiya 21:79
Waxaana Fahansiinay Sulaymaan, Dhammaanna waxaan Siinay Xukun iyo Cilmi, waxaana u Sakhirray Daawuud Buuraha iyagoo la Tasbiixsan iyo Shimbiraha, waana Fallaa «karraa»
Verse 80 — Surah Al-Anbiya 21:80
Waxaana Barray Daawuud Samaynta Duruucda inay Idinka Dhawrto Dagaalkiina, ee ma Tihiin kuwo Mahadin
Verse 81 — Surah Al-Anbiya 21:81
Suleymaanna waxaan u Sakhirray Dabaysha iyadoo Daran oo ku Socota Amarkiisa Xaggii Dhulkii ahaa kaan Barakaynay Dhexdiisa, waxaana Nahay Kuwo wax walba Og
Verse 82 — Surah Al-Anbiya 21:82
Shaydaamadana, waxaan uga Sakhirray Kuwo u Dhumban (Badda), una Fala Camal aan kaas ahayn Anagaana Ilaalinna
Verse 83 — Surah Al-Anbiya 21:83
(Xusuuso) Ayuubna markuu u Dhawaaqay Eebihiis (Isagoo Dhihi) Aniga waxaa I taabtay Dhib Adiguna waxaad Tahay Naxariis Badane
Verse 84 — Surah Al-Anbiya 21:84
Waana Ajiibnay Waxaana ka Faydnay waxa Haya oo Dhiba, waxaana Siinay Ehelkiisii iyo wax la mid ah Naxariis Xagganaga ah Darteed iyo Waanada Caalamka
Verse 85 — Surah Al-Anbiya 21:85
Xusuuso Ismaaciil, Idiriis, Dulkifli Dhammaan waxay ka mid ahaayeen kuwa Samra
Verse 86 — Surah Al-Anbiya 21:86
Waxaana Dhex galinay Naxariis tanada waxayna ka Mid ahaayeen kuwa Suuban
Verse 87 — Surah Al-Anbiya 21:87
Nabi Yuunus (Xusuuso) markuu Tagay isagoo Cadhaysan una Maleeyey Inaanaan Cidhiidhyayn korkiisa oo uu ku Dhawaaqay Mugdiyada Dhexdooda Ilaah aan Adi Ahayn ma Jiro Nasahnaantaada Anigu waxaan ka Mid ahaa kuwa Daalimiinta ah
Verse 88 — Surah Al-Anbiya 21:88
Waana Ajiibnay kana Korinay Murugtii, Saasaana u Korinaa Mu'miniinta
Verse 89 — Surah Al-Anbiya 21:89
Zakariyana (Xusuuso) markuu u Dhawaaqay Eebihiis isagoo Ich Eebow hayga Tagin Anoo Kali ah Adaa u Khayrroon Cid wax dhaxashee «u hadhee»
Verse 90 — Surah Al-Anbiya 21:90
Waana Ajiibnay waxaana Siinay Yaxye waxaana u Hagaajinay Haweennaydiisii, waxayna ahaayeen kuwo u Deg dega Khayaadka oo Na barya iyagoo Rajayn oo Cabsan waxayna ahaayeen kuwa Noo Khusuuca
Verse 91 — Surah Al-Anbiya 21:91
Tiina (Xusuuso) Dhawrtay Xubinteedaa waa (maryama) oon ku Afuufnay Dhexdeeda Ruuxdanadii kana yeellay iyada iyo Wiilkeeda Calaamadda Caalamka
Verse 92 — Surah Al-Anbiya 21:92
Tani waa Diintiinii waana Diin kaliya Aniguna waxaan Ahay Eebihiin ee I caabuda
Verse 93 — Surah Al-Anbiya 21:93
waxayse isku Khilaafeen Amarkoodii Dhexdooda Dhammaanna Xagaygaa loo soo Celin
Verse 94 — Surah Al-Anbiya 21:94
Ruuxii Fala Wanaag isagoo Mu'min ah lagama Qariyo Camalkiisa Anguna waan u Qoraynaa
Verse 95 — Surah Al-Anbiya 21:95
Waxaa ka Reebban Magaalo aan Halaagnay inay soo Noqoto «Soo bixin ka hor»
Verse 96 — Surah Al-Anbiya 21:96
Inta laga Furi soo (Dayn) Yaajuuj iyo Maajuuj iyaguna Jaho Sarreysa Dhammanteed yey ka soo Deg degi
Verse 97 — Surah Al-Anbiya 21:97
Waxaa Dhawaaday Yaboohii Xaqa Ahaa waxaana soo bixi inaytaagnaan Indhaha kuwa Gaaloobay (Iyagoo Dhihi) Halaaganagee waxaan kaga Sugnayn Halmaansho kan Waxaanse ahayn Daalimiin
Verse 98 — Surah Al-Anbiya 21:98
Idinka iyo waxaad Caabudaysaan oo Eebe ka Soo hadhay waxay Noqon Shidaalka Jahannamo idinkuna waad ku Arooraysaan
Verse 99 — Surah Al-Anbiya 21:99
Hadday Yihiin kuwaasu Ilaahyo kuma Arooreen, Dhamaanna way ku Waari
Verse 100 — Surah Al-Anbiya 21:100
waxay ku Yeelan Dhexdeeda Qaylo, waxna Dhexdeeda kuma Maqlaan
Verse 101 — Surah Al-Anbiya 21:101
kuway u Hor martay Xagganaga Wanaag kuwaasu Xaggeeda waa laga Fogayn
Verse 102 — Surah Al-Anbiya 21:102
mana Maqlaan Shanqadteeda iyaguna waxay Doonto Naftoodu yey ku Waari
Verse 103 — Surah Al-Anbiya 21:103
mana Walbahaariyo Argagaxii Waynaa, waxayna kula kulmi Malaa'igtu kani waa Maalintiinnii ah Tii laydiin Yaboohay
Verse 104 — Surah Al-Anbiya 21:104
waana Maalintaan u Duubayno Samada Sida loo Duubo Warqadaha Kitaabka, Sidaan ku Billownay Abuuriddii hore Yaana ku soo Celinaynaa, waa Yabooh korkanaga ah, annagaana Falna saas
Verse 105 — Surah Al-Anbiya 21:105
Dhab ahaan waxaan ugu Qorray Zabuur Sheegid ka Dib (Luuxul Maxfuudka) Dhulka waxaa Dhaxli Addoomadayda Suuban
Verse 106 — Surah Al-Anbiya 21:106
kan Gaadhsiin baa ugu Sugan Ciddi Caabudi (Eebe)
Verse 107 — Surah Al-Anbiya 21:107
kumana aanaan Dirin Naxariista Caalamka adoo ah Mooyee
Verse 108 — Surah Al-Anbiya 21:108
Waxaad Dhahdaa waxaa uun lay Waxyooday Aniga in Ilaaheennu Ilaah kaliya yahay ee Idinku Muslimiin ma Tihiin (Ma Hogaansameysaan)
Verse 109 — Surah Al-Anbiya 21:109
Haddayse Jeedsadaan waxaad Dhahdaa waxaan idin Ogaysiiyey si Siman (Cad) Colnimo Mana Ogi inay Dhawdahay ama Fogtahay waxa laydiin Yaboohay
Verse 110 — Surah Al-Anbiya 21:110
Eebe wuxuu Ogyahay waxa lala Qaylyo oo Hadala wuxuuna Ogyahay waxaad Qarinaysaan
Verse 111 — Surah Al-Anbiya 21:111
Mana Ogi waxay u Dhawdahay inay Fidmo idiintahay iyo Raaxo Tan iyo Muddo
Verse 112 — Surah Al-Anbiya 21:112
Wuxuu yidhi (Nabigu) Eebow ku kala Xukun (Dhexdanada) Xaq, Eebahanana waa Raxmaan ee Looga Kaalmo waydiisto waxaad sheegaysaan