Back to LanguagesPrevious ChapterNext Chapter
Somali - Chapter 3 - Al-Imran
Translation by Mahmud Muhammad Abduh — Permalink
Verse 1 — Surah Al-Imran 3:1
Waxay ku tusin mucjisada Quraanka
Verse 2 — Surah Al-Imran 3:2
Eebe Haah kale majiro isaga mooyee, ee Nool, ee Maamula khaliga
Verse 3 — Surah Al-Imran 3:3
Wuxuu kugu Dejiyey (Nabiyow) Kitaabka (Quraanka) si Xaq ah, isagoo u Rumcyn wixii ka Horeeyey, wuxuuna soo Dejiyey Eebe Tawreed iyo Injiil (waqti)
Verse 4 — Surah Al-Imran 3:4
Hore iyagoo Hanuun u ah Dadka, wuxuuna soo Dejiyey (Eebe) Furqaan (Quraanka) kuwa ka Gaaloobay Aayaadka Eebe waxay Mudan Cadaab Daran, Lebana waa Adkaade Aarsada
Verse 5 — Surah Al-Imran 3:5
Eebana kagama Qarsoona Korkiisa waxba Dhulka iyo Samada midna
Verse 6 — Surah Al-Imran 3:6
Waana Eebaha idinku Sawira (Abuura) Riximyada (Ilmo galeenka) siduu Doono, Eebe mooyee Ilaah kale ma jiro waana Adkaade Falsan
Verse 7 — Surah Al-Imran 3:7
Eebe waa kan kugu soo dejiyey Kitaabka, waxaana ka mid ah Aayado sugan (Macnahoodu Cadyahay) oo ah Hooyada Quraanka (Asalkiisa) iyo kuwa kale oo isu eg, kuwa Qalbigoodu leexasho ku jirto waxay, Raacraacaan kan is shabaha (isu eg) doonid Fidmo (Xumaan) iyo doonid Ta'wiil (Leexin Fasir) darteed, wax og Fasirka (kaasna) Ma jiro Eebe iyo kuwa ku Xididaystay Cilmiga mooyee, waxayna dhihi waan rumeynay kaas, dhammaana wuxuu ka ahaaday Eebeheen agtiisa, mana waantoobo kuwa caqliga lch mooyee
Verse 8 — Surah Al-Imran 3:8
Eebow ha iilin Quluubtannada intaad hanuunisay ka dib. nagana sii agtaada Naxariis, adiga unbaa bixinbadane ehc
Verse 9 — Surah Al-Imran 3:9
Eebow adaa u kulmin Dadka Maalin darteed (Qiyaamada) oon shaki lahayn, Eebana ma baajiyo Ballanka
Verse 10 — Surah Al-Imran 3:10
kuwa Gaaloobay ugama taraan Xoolahoodu iyo Caruurtoodu Eebe xagiisa waxha, kuwaasina iyaga umbaaah Shidaalka Naarla
Verse 11 — Surah Al-Imran 3:11
Waa sidii caadadii Fircoon iyo Ehelkiisii iyo kuwii ka horreeyey, waxay beeniyeen Aayaadkangii, markaasuu Qabtay Eebe Dambigooda dartiis, Eebana waa darantahay Ciqaabtiisu
Verse 12 — Surah Al-Imran 3:12
Waxaad u dhahdaa kuwii Gaaloobay waa laydinka adkaan, waxaana laydiin soo kulmin Jahannamo iyadaana u xun Gogol
Verse 13 — Surah Al-Imran 3:13
Waxaa iddinku sugan Aayad Labo Kooxood oo kulmay (Dagaalarnay) Kooxu Waxay ku Dagaalami Jidka Eebe tan kalana waa Gaal, waxyna ku arkaan Mu'miniinta laba Jibaarkood Xagga aragtida Isha, Eebana waa ku ayidaa (Xoojiyaa) Gargaarkiisa Cidduu doono arrintaasna waanaa ugu sugan Ciddii Arag leh (wax garan)
Verse 14 — Surah Al-Imran 3:14
Waxaa loo qurxiyey Dadka Jacaylka waxa Naftu doonto oo ah Flaween, Wiilal iyo wax badan oo laban laaban oo Dahab iyo qalin ah, iyo Fardo laylyan oo darban, iyo Ancaamta (Xoolahanool) iyo Beeraha, arrintaasna waa raaxada Nolosha Aduun, Eebe agtiisaana noqosho wanaagsan leh
Verse 15 — Surah Al-Imran 3:15
Maydiin ka warramaa wax ka khayroon kiinaas, kuwa dhawrsada waxaa ugu sugnaaday Eebahood agtiisa Jannoovin ay dareeri dhexdeeda Wabiyaal iyagoo ku waari dhexdeeda iyo Haween la Daahiriyey iyo raalli ahaansho Eebe. Eebana waa arkaa Addoomada
Verse 16 — Surah Al-Imran 3:16
ee ah kuwa dhihi Eebow anagu waan rumeynay ee noo dhaaf Dambiyadanada nagana dhawr Cadaabka Naarta
Verse 17 — Surah Al-Imran 3:17
Ee ah kuwa Samra ee Runloowgaah, ee Adeeca Eebe, ee wax bixiya, ee dambi dhaaf warsada Aroortii
Verse 18 — Surah Al-Imran 3:18
Eebe wuxuu Qirayaa inaan Eebe mooyee Ilaah kale jirin, Malaa'igtuna (way qiri) iyo kuwa Cilmiga leh, Maamulana Cadaalad, Eebe kale ma jiro isaga mooyee waana adkaade Falsan
Verse 19 — Surah Al-Imran 3:19
Diintuna (Xaqa ah) Eebe agtiisa waa Islaamka, ismana khilaafin kuwii la siiyey Kitaabka intuu u yimid Cilmi mooyee, Xasad (Dulmi) dhexdooda ah dartiis, ruuxii ka Gaalooba Aayaadka Eebe Ilaahay waa deg deg badantahay Xisaabitiisu (wuu Ciqaabi)
Verse 20 — Surah Al-Imran 3:20
Hadday kula Xujaytamaan (Murmaan) waxaad dhahdaa waxaan u Flogaamiyey Wajigayga Eebe (Ani) iyo inta i raaeday, waxaad ku dhahdaa kuwa la siiyey Kitaabka (Ehelu Kitaabka) iyo Umiyiinta (Wax aqoon) ma Hogaansamaysaan (Hogaansama) hadday bogaansamaana way Hanuuneen, Hadday Jeedsadaanna waxaa uun ku saaran - Gaadhsiin, Eebana waa arkaa addoomada
Verse 21 — Surah Al-Imran 3:21
Kuwa ka Gaaloobi Aayaadka Eebe oo u Dila Nabiyada Xaq darro oo Dila kuwa fara Caddaaladda oo Dadka ka mid ah ugu Bishaaree Cadaab Daran
Verse 22 — Surah Al-Imran 3:22
Kuwaasi waa kuwuu buray (Hoobtay) Camalkoodu Adduun iyo Aakhiraba mana u sugnaan wax u gargaara
Verse 23 — Surah Al-Imran 3:23
Ma aragtay (ka waran) kuwii la siiyey Qayb ka mid ah Kitaabka oo loogu yeedhi Kitaabka Eebe inuu kala xukurno dhexdooda markaas ay jeedsan Koox ka mid ah iyagoo diidan (Xaqa)
Verse 24 — Surah Al-Imran 3:24
Xaxaana ugu wacan inay dheheen ma na tabaato Naaru Maalmo mooyee, waxaa ku dhagray Diinlooda waxay been abuuran jireen
Verse 25 — Surah Al-Imran 3:25
Ee say ahaan markaanu u kulmino Maalin aan shaki lahayn, loona oofiyo. (dhameeyo) Naf kastaa waxay kasbatay iyagoon la dulmayn
Verse 26 — Surah Al-Imran 3:26
Waxaad dhahdaa Eebow adaa hanta Xukunka waxaad siisaa Xukunka Ciddaad doonto waxaad ka siibtaa «Wareejisaa» Xukunka Ciddaad doonto waxaadna cisaysaa Ciddaad doonto waxaadna Dulaysaa Ciddaad doonto adaana Hanta Khayrka, adaana wax kasta kara
Verse 27 — Surah Al-Imran 3:27
Waxaadna dhexgelisaa Habeenka Maalinta, dhexgelisaa Maalinta Habeenka, kana soo bixisaa wax Nool wax dhimaad ah wax Nool, waadna Arzaaqdaa Ciddaad doonto Xisaab la'aan
Verse 28 — Surah Al-Imran 3:28
Yeyna ka yeelan Mu'miniintu Gaalada Sokeeye Mu'miniinta ka Sokow ruuxii fala saas waxba Eebe kama mudna, inaad dhawrsasho xaggooda ka dhawrsataan mooyee, wuxuuna idiinka digi Eebe Naftiisa, xaga Eebaana loo ahaan
Verse 29 — Surah Al-Imran 3:29
Waxaad dhahdaa haddaad Qarisaan waxa Laabtiina ku sugan amaad muujisaan waa ogaan Eebe, wuxuuna ogaan waxa Samooyinka ku sugan iyo Dhulka, Eebana wax kasta uu (doono) wuu karaa
Verse 30 — Surah Al-Imran 3:30
(Xusuuso) Maalinta ay heli Nafkastaa waxay Camal fashay oo Khayr ah oo la soo xaadiriyey (la keenay) waxay Camal Fashay oo Xumaan ahna waxay jeelaan in la yeelo iyada iyo isaga dhexdooda muddo dheer, wuxuuna idiinka digi Eebe Naftiisa (Ciqaabtiisa) Eebana waa u Naxariistaha Adoomadiisa
Verse 31 — Surah Al-Imran 3:31
Waxaad dhahdaa haddaad tihiin kuwo jeeel Eebe i raaca haydin jeelaado Eeebee hana idiin dhaafo dambigiinee, Eebana wa dambi dhaafe Naxariista
Verse 32 — Surah Al-Imran 3:32
Waxaad dhahdaa adeeca Eebe iyo Rasuulkiisa, haddaad jeedsataan Eebe ma jeela Gaalada
Verse 33 — Surah Al-Imran 3:33
Eebe wuxuu ka doortay Aadan, Nuux, Ehelkii Ibraahim iyo Ehelkii Cimraan Calaamka
Verse 34 — Surah Al-Imran 3:34
Waana Farac Qaarkood Qaar ka yimid Eebana waa Maqle oge ah
Verse 35 — Surah Al-Imran 3:35
Xusuuso markay tidhi Haweenaydii Cimraan Eebow waxaan kuugu Nadray waxaa uurkayga ku jira inuu Xor kuu ahaado (Cibaadadaada) ee iga aqbal adiga umbaa wax Maqleoge ehe
Verse 36 — Surah Al-Imran 3:36
Markay dhashay Gabadh waxay tidhi Eebow waxaan dhalay Dhaddig, Eebana waa ogyahay waxay dhashay Labna la mid ma aha dhaddig, waxaana ka magacaabay Maryam waxaana kaa magan galin iyada iyo Faraceeda Shaydaanka la dhagaxyeeyey (la dheereeyey)
Verse 37 — Surah Al-Imran 3:37
Wuxuuna ka aqbalay Eebe aqbal fiican, wuuna koriyey korin fiican (Xanaano) waxaana kafaala qaaday (Dhaqaaleeyey) Zakariye, markastoos ugu galana Mixraabka (Qolka) wuxuu ka helaa agteeda Rizqi, wuxuuna dhahaa xaggee kaaga yimid Maryamow kan, waxayna dhahdaa wuxuu ka yimid Eebe agtiisa, Eebana wuu u Arzuqaa Cidduu doono Xisaab la'aan
Verse 38 — Surah Al-Imran 3:38
Halkaasuu baryey Zakariye Eebihiis, yidhina Eebow iga sii agtaada Farac wanaagsan adaa Maqla (ajiiba) Ducadee
Verse 39 — Surah Al-Imran 3:39
Waxaana u dhawaaqday Malaa'igtii isagoo taagan oo ku Tukan Mixraabka Eebe wuxuu kuugu Bishaarayn Yaxye isagoo rumeyn Kalimada Eebe (Ciise) Sayidna ah Dhawrsoonna, Nabina ah, ka mid ah kuwa wanaagsan
Verse 40 — Surah Al-Imran 3:40
Wuxuu yidhi Eebow sidee iigu ahaan Wiil Anooy isoo gaadhay Duqnimo, Haweeneydeyduna Madhalaystahay, wuxuu yidhi saasuu ku falaa Eebe wuxuu doono
Verse 41 — Surah Al-Imran 3:41
Wuxuu yidhi Eebow ii yeel Calaamo wuxuuna yidhi Calaamaddu waa inaadan la hadlin Dadka Saddex Maal mood ishaaro Mooyee, Xusna Eebahaa wax badan una Tasbiixso Galabatii iyo A roortiiba
Verse 42 — Surah Al-Imran 3:42
(Xusuuso) markay tidhi Malaa'igtu Maryamoy Eebe waa ku doortay waana ku daahir yeelay wuxuuna kaa doortay Haweenka Caalamka
Verse 43 — Surah Al-Imran 3:43
Maryamooy adeec (u khushuue) Eebahaa sujuudna Rukuuena (la tuko) kuwa rukuuea (Tukada)
Verse 44 — Surah Al-Imran 3:44
Taasi waa warka waxa Maqan oonnu kuu waxyoon mana aadan la joogin markey tuurayeen Qalimadooda koodii kafaala qaadi Maryam, mana aadan la joogin markey murmayeen
Verse 45 — Surah Al-Imran 3:45
(Xusuuso) markey tidhi Malaa'igtu Maryamooy Eebe wuxuu kuugu Bishaarayn Kalimo Xaggiisa ah (Wiil) Magaeiisu yahay Masiix Ciise Ibnu Maryam isagoo Sharaf leh Adduun iyo Aakhiraba kana mid ah kuwa la soo dhaweeyey
Verse 46 — Surah Al-Imran 3:46
Kulana hadli Dadka Dharabta iyo isagoo (Gadhmadoobe) nin wayn ah kana mid ah kuwa Suuban
Verse 47 — Surah Al-Imran 3:47
Waxay tidhi (Maryam) Eebow sidee Ilmo iigu ahaan isagoon i taaban Dad (Nin wuxuu yidhi (Eebe) saasuu Eebe wax u abuuraa wuxun doono, markuu xukmin amarna wuxuu uun u dhahaa ahow wuuna ahaadaa
Verse 48 — Surah Al-Imran 3:48
Wuxuuna (Eebe) bari Ciise Kitaabkka, Xigmad, Towreed iyo Injiil
Verse 49 — Surah Al-Imran 3:49
Waa Rasuulka Bani Isra'iil, (isagoo) u dhihi waxaan idiin la imid Aayad xaga Eebihiin ka ahaatay, waxaana idiinka abuuri dhoobada shimbira oo kale, oon afuufi ooy noqon shimbir Idamka Eebe, waxaana bogsiiyaa indhala'aan kudhashe Baraslaha, waxaana nooleeyaa Maydka Idamka Eebe, waxaana idiin ka warrami waxaad Cunaysaan iyo waxaad ku kaydsanaysaan Guryihiinna, taasira waxay idiin tahay Calamad haddaad rumeynaysaan (Xaqa)
Verse 50 — Surah Al-Imran 3:50
Waxaana rumeyn wixii iga horreeyey oo Tawreed ah, waxaan idiin bannayn wixii laydinka reebay Qaarkiis, waxaana idiin la imid Calaamad xagga Eebihiin ka ahaatay, ee ka dhawrsada Eebe, ina adeeca
Verse 51 — Surah Al-Imran 3:51
Ilaah waa Eebahay iyo Eebihiin ee Caabuda, taasaana ah Jidka toosane
Verse 52 — Surah Al-Imran 3:52
Markuu ka kasay Ciise Xaggooda Gaalnimo yuu yidhi yaa iigu gargaari Eebe, waxayna dhaheen Xawaariyiintii (gargaarayaashii) anagaa ah gargaaraha Eebe (Diintiisa) waxaan rumeynay Eebe ee marag ka noqo inaan Muslimiin nahay
Verse 53 — Surah Al-Imran 3:53
Eebow waan rumeynay waxaad soo dejisay waxaana raaenay Rasuulka ee nagu qor (nagadhig) la jirka markhaatiyada. (Umadda Nabi Muxamad)
Verse 54 — Surah Al-Imran 3:54
Way dhakreen, Eebana wuu ka abaalmariyey Eebana u wanaagsan wax abaal mariya
Verse 55 — Surah Al-Imran 3:55
Xusuuso markuu ku yidhi Eebe Ciisow waan ku oofsan waana ku koryeeli, waana kaa dahirin kuwii gaaloobay, waxaana yeeli kuwa raaca (xaqa dhabta ah raaca) korka kuwa Gaaloobay tan iyo Qiyaamada, markaasna xaggaygaa laydiin soo celin waana idin kala Xukumi dhexdiina waxaad isku khilaafsanaydeen
Verse 56 — Surah Al-Imran 3:56
Kuwa Gaaloobase waxaan Cadaabi, cadaab daran Adduun iyo Aakhiraba, mana helaan gargaare
Verse 57 — Surah Al-Imran 3:57
kuwa (Xaqa) rumeeyeyse oo camal fiican falay wuxuu u oofin (dhammayn Eebe) ajirkooda, Eebana ma jeela daalimiinta
Verse 58 — Surah Al-Imran 3:58
kaasaan ku akhriyeynaa korkaaga oo aayaad ah iyo xus (Quraan) xigmo leh
Verse 59 — Surah Al-Imran 3:59
Tusaalaha Ciise Eebe agtiisa waa sida (Nabi) aadam, Eebaa ka Abuuray Carro markaasuu u yidhi ahow wuuna ahaan
Verse 60 — Surah Al-Imran 3:60
Xaqu Eebahaa nuu ka ahaaday ee ha noqonin kuwa shakiya
Verse 61 — Surah Al-Imran 3:61
ee ruuxii kugula dooda intuu kuu yimid Cilmi ka dib waxaad dhahdaa kaalaya aan u yeedhno Caruurtannada iyo Caruurtiinna iyo Naftanaada iyo Naftiinna markaas aan baryootanno oon laeanadda Eebe kor yeello Beenaalayaasha
Verse 62 — Surah Al-Imran 3:62
Kaas (Quraanka) unbaa Qisooyin Xaq ah, Eebe mooyee Ilaah (kalana) ma jiro, Eebana waa adkaade falsan
Verse 63 — Surah Al-Imran 3:63
Hadday jedsadaan Gaaladuna Eebe waa ogyahay kuwa wax fasahaadiya
Verse 64 — Surah Al-Imran 3:64
Waxaad dhahdaa Nabiyow Ehelu Kittabow u kaalaya kalimo (odhaah) aan u simanahay aniga iyo adinkaba oo ah inaynaan caabudin Eebe mooyee, (wax kale) oynaan lana wadaajin waxba kana yeelan qaarkeen qaar Eebayaal, Hadday jeedsadaanna waxaad dhahdaa marag noqda inaan Muslimiin nahay
Verse 65 — Surah Al-Imran 3:65
Ehelu Kitaabow maxaad ugu murmaysaan (Nabi) Ibraahim, Tawreed iyo Injiilba lama soo dejin gadaashiisa mooyee, meydaan wax kasayn
Verse 66 — Surah Al-Imran 3:66
Kuwanow (Yuhuud iyo Nasaaro) waxaad ku muranteen waxaad wax ka ogtihiin ee maxaad ugu murmeysaan waxaydaan Cilmi u lahayn, Eebaa og idinkuse wax ma ogidiin
Verse 67 — Surah Al-Imran 3:67
Ma aha (Nabi) Ibraahim Yuhuud iyo Nasaara (midna) waase toosane Muslim ah kana mid aha Mushrikiinta (Gaalada)
Verse 68 — Surah Al-Imran 3:68
Waxaa Dadka ugu mudan (Nabi) Ibraahim kuwii raacay iyo nabigan (Muxamad ah) iyo kuwa (Xaqa rumeeyey) Eebana waa Waliga (Gargaare) Mu'miniinta
Verse 69 — Surah Al-Imran 3:69
Waxay jeelaatay koox ka mid ah Ehelu Kitaabka inay idin baadiyeeyaan, mana baadiyeeyaan waxaan Naftooda ahayn, mana kasayaan
Verse 70 — Surah Al-Imran 3:70
Ehelu Kitaabow maxaad uga Gaaloobaysaan Aayadka Eebe idinkoo marag ah (og xaqnimadeeda)
Verse 71 — Surah Al-Imran 3:71
Ehelu Kitaabow maxaad ugu Khaldaysaan Xaqa baadil (Xumaan) oo u qarineysaan xaqa idinkoo og
Verse 72 — Surah Al-Imran 3:72
Waxay dhaheen koox ka mid ah Ehelu Kitaabka rumeeya waxa lagu soo dajiyey kuwa (Xaqa) rumeeyey (Quraanka) Maalinta horteeda kana gaalooba maalinta gadaasheeda waxay u dhawyihiin Mu'miniintu inay noqdaane (Gaaloobaan)
Verse 73 — Surah Al-Imran 3:73
Hana aaminina (rumeynina) ruuxaan Diintiinna raacin, waxaad dhahdaa Hanuun waa hanuunka Eebe, in la siiyo cid wax la mid ah waxa laydin siiyey ama idinkula doodaan Eebihiin agtiisa, waxaad dhahdaa Fadligu gacanta Eebe yuu ku suganyahay wuxuuna siiyaa Cidduu doono, Eebana waa waasae (deeq badane) og
Verse 74 — Surah Al-Imran 3:74
Wuxuuna ku gaaryeelaa Naxariistiisa cidduu doono, Eebana iska leh Fadliga Wayn
Verse 75 — Surah Al-Imran 3:75
Ehelu Kitaabka waxaa ka mid ah Ruux Haddaad ku Aaminto Xoolo badan ku siin (Nasaarada Qaarkeed) waxaana ka mid ah mid haddaad ku Aaminto Diinaar aan ku siinaynin, inaad kor taagnaato mooyey (waa Yuhuudda iyo wixii la mid ah) waxaana ugu wacan Arrintaas inay dhaheeh naguma laha Umiyiintu Jid, waxayna ku dhihi Eebe Been iyagoo og
Verse 76 — Surah Al-Imran 3:76
Saas ma aha ee ruuxii oofiya Ballankiisa oo Dhawrsada Eebe waa Jecelyahay Dhawrsadayaasha
Verse 77 — Surah Al-Imran 3:77
Kuwa ku Gata Ballankii Eebe iyo Dhaartoodii Lacag (Qiimo) yar kuwaasu Nasiib kuma laha Aakhiro, lamana hadlo Eebe (si Naxariis ah) mana dayo Xaggooda Maalinta Qiyaame, mana Daahiriyo, waxayna mudan Cadaab daran
Verse 78 — Surah Al-Imran 3:78
Waxaa ka mid ah (Yuhuudda) Kox ku Leexisa Carraabkooda Kitaabka (Quraanka) si aad ugu malaysaan Kitaabka, kana mid ma aha Kitaabka waxayna odhan Isagu wuxuu ka ahaaday Eebe agtiisa kamana ahaanin Eebe agtiisa. waxayna ku dhihi Eebe Been iyagoo og
Verse 79 — Surah Al-Imran 3:79
Kuma haboona Dad in Eebe siiyo Kitaab, Xukun iyo Nabinimo markaas ku dhaha Dadka Addoomo ii noqda Eebe ka sokow, hasayeeshee noqdo Cumino (Dabeeco fiican) Kitaabkaad baraysaan dartiis iyo waxaad baranaysaan
Verse 80 — Surah Al-Imran 3:80
Idinmana farayo Eebe inaad ka yeelataan Malaa'igta iyo Nabiyada Eebayaal, ma wuxuu idin fari Gaalnimo intaad Muslim noqoteen ka dib
Verse 81 — Surah Al-Imran 3:81
(Xusuuso) markuu ka qaaday Eebe Ballan adag Nabiyada waxaan idinsiiyo oo Kitaab iyo Xigmo ah markaas idiin yimaado Rasuul rumeyn waxaad haysatan waa inaad rumeysaan una gargaartaan, kuna yidhi (Eebe) Ma qirteen oo ma qaadeen Arrintaas Ballankeyga ah oo dheheen waan qirnay (ogolaanay) markaas ku yidhi Marag ka noqda Anna la jirkiina yaan ka mid noqon kuwa marag kici
Verse 82 — Surah Al-Imran 3:82
Ruuxiise jeedsada intaas ka dib kuwaasi waa kuwo Faasiqiin ah
Verse 83 — Surah Al-Imran 3:83
Ma Diinta Eebe waxaan ahayn yey rabaan isagoo u hogaansamay waxa Samaawaadka iyo Dhulka ku sugan ogolaan iyo ikraahba Xaggiisaana loo Celin (Dadka)
Verse 84 — Surah Al-Imran 3:84
Waxaad dhahdaa waxaan rumaynay Eebe iyo waxa nalagu soo dajiyey iyo waxa lagu soo dajiyey (Nabi) Ibraahim, Ismaaeiil, Isxaaq, Yacquub, Faracyadii, wixii la siiyey Muuse, Ciise iyo Nabiyadii Xagga Eebahood kala bixin mayno dhexdooda Anaguna Eehaan u hogaansameynaa
Verse 85 — Surah Al-Imran 3:85
Ruxii doona Diin aan Islaamka ahayn laga aqbali maayo, Aakhirana wuxuu noqon kuwa khasaaray
Verse 86 — Surah Al-Imran 3:86
Sidee u Hanuunin Eebe Qoom Gaaloobay rumayn ka dib, oo qiray in Rasuulku Xaq yahay una Yimaadeen Xujooyin, Eebana ma hanuuniyo Qoom Daalimiin ah
Verse 87 — Surah Al-Imran 3:87
Kuwaas abaalkoodu waa Lacnad Eeboo korkooda ah iyo Malaa'igta iyo Dadka Dhammaantiis
Verse 88 — Surah Al-Imran 3:88
Wayna ku waari (Ciqaatbtooda) dhexdeeda lagamana fududeeyo Cadaabka lamana Sugo
Verse 89 — Surah Al-Imran 3:89
Kuwa Toobad keena intaas ka dib mooyee oo wanaajiya Eebana waa dambi dhaafe Naxariista
Verse 90 — Surah Al-Imran 3:90
Kuwa Gaalooba rumayn ka dib, markaas kororsada Gaalnimo lagama aqbalo Toobadooba kuwaasina waa kuwa Dhumay
Verse 91 — Surah Al-Imran 3:91
Kuwii Gaaloobay oo dhintay iya goo Gaalo ah lagama aqbalo mid ka mid ah Dhulka Muggii oo Dahab ah hadduu isku furto, kuwaasina waxaa u sugnaaday Cadaab daran wax u gargaarana ma leh
Verse 92 — Surah Al-Imran 3:92
Ma gaadhaan sama fal intaad wax ka bixisaan waxaad jeeeshihiin, waxaad bixisaana Eebe waa ogyahay
Verse 93 — Surah Al-Imran 3:93
Cuntada dhamaanteed xalaal bay u ahayd Banii-israa'iil wuxuu ka reebay Israa'iil Naftiisa mooyee, soo degidii Tawreed ka hor waxaad dhahdaa keena Tawreed oo Akhriya haddaad runlow tihiin
Verse 94 — Surah Al-Imran 3:94
Ruuxii ku been abuurta Eebe korkiisa intaas ka dib kuwaasu waa uun Daalimmin
Verse 95 — Surah Al-Imran 3:95
Waxaad dhahdaa Runbuu sheegay Eebe, ee raaca Milladda Ibraahiim (Jidkiisii) isagoo toosan, kamana mid ahayn Mushrikiinta
Verse 96 — Surah Al-Imran 3:96
Guriga ugu horreevey ee loo soo dejiyey Dadka waa kan Maka (Kachada) waana barakaysanyahay waana Hanuunka Caalamka
Verse 97 — Surah Al-Imran 3:97
Waxaa ku sugan Aayaad Cad Cad Maqqaamu Ibraahiimna (waa ku yaal) Ruuxii galana wuxuu ahaan Aamin, Eebana wuxuu ku leeyahay Dadka Xajka Baydka Ruuxii kara Wadada, Ruuxii Gaaloobana Eebe waa ka kaaftoonyahay Caalamka
Verse 98 — Surah Al-Imran 3:98
Waxaad Dhahdaa Ehelu Kitaabow maxaad uga Gaaloobaysaan Aayaadka Eebe, isagoo Eebana Marag u yahay waxaad Camal falaysaan
Verse 99 — Surah Al-Imran 3:99
Ehelu Kitabow maxaad uga Celinaysaan Dadka Eebe Ruuxii Rumeyn idinkoo la dooni (Xaqa) Qallooc idinkoo marag ah Eebana ma halmaansana waxaad Falaysaan
Verse 100 — Surah Al-Imran 3:100
Kuwa (Xaqa) rumeeyow Haddaad Adeecdaan (Maqashaan) Koox ka mid ah kuwa la Siiyey Kitabka (yuhuud iyo Nasaara) waxay idiin Celin Iimaankiinna ka dih Gaalnimo
Verse 101 — Surah Al-Imran 3:101
Seed u Gaaloobaysaan idinkoo laydinku kor Akhrin Aayaadka Eebe Dhexdiinnana Joogo Rasuulkiisii, ruuxii Cuskada Eebe (oo ka dhawrsada) waxaa lagu hanuuniyey Jidka Toosan
Verse 102 — Surah Al-Imran 3:102
Kuwa (Xaqa) rumeeyow ka dhawrsada Eebe dhawrsashadiisa Xaqa ah, hana dhimanina idinkoon Muslim ahayn
Verse 103 — Surah Al-Imran 3:103
Qabsada Xadhigga Eebe (Islaamka) dhamaantiin hana kala tagina, xusana Nicmada Eebe ee korkiinna ah, markaad Col ahaydeen oos isu Dumay Quluubtiinna ood Noqoteen Niemada Eebe darteed Walaalo, idinkoo ahaa Qar God Naar ah, oos idinka koriyey Xaggeeda, saasuu idiinku Cadayn Eebe Aayaadkiisii si aad u Hanuuntaan
Verse 104 — Surah Al-Imran 3:104
Ha laydinka helo Umad u yeedha Khayrka oo fari Wanaagga oo ka reebta waxa la Naco (Xumaanta) kuwaasina waa uun kuwa Liibaanay
Verse 105 — Surah Al-Imran 3:105
Hana noqonina kuwa kala tegay oo kale ee iskhilaafay intay u yimaadeen Xujooyin ka dib kuwaasina waa kuwa Cadaab weyn u Sugnaaday
Verse 106 — Surah Al-Imran 3:106
Maalintay Caddaan (Nuuri) Wajiyaal oyna Madoobaan (Doorsoomi) Wajiyaal, kuway Madoobaato Wajiyadoodu (Waxaa lagu dhihi) miyaad Gaaloowdeen Rumeyntiinii ka dib, Dhadhamiya Cadaabka Gaalnimadiinii darteed
Verse 107 — Surah Al-Imran 3:107
Kuwuu Caddaado (Nuuro) Wajigoodu Naxariista Eebe Dhexdeeday ku waarayaan
Verse 108 — Surah Al-Imran 3:108
Taasi waa Aayadkii Eebe oon ugu Akhriyeynaa korkaaga si Xaq ah, Eebana ma aha mid la doona Dulmi Caalamka
Verse 109 — Surah Al-Imran 3:109
Eebe waxaa u sugnaaday waxa Samaawaadka iyo Dhulka ku Sugan, Xaggiisaana loo Celiyaa Umuuraha
Verse 110 — Surah Al-Imran 3:110
Waxaad tihiin Ummadda u Khayroon ee loo soo bixiyey Dadka, waxaad fartaan Wannaagga waxaadna ka reebtaan Xumaanta waxaadna ru meysaan Eebe, hadday rumeeyaan Ehelu Kitaabka (Xaqa) Saasaa u khayrroonaanlahayad, waxaa ka mid ah Mu'miniin, badankoodna waa Faasiqiin
Verse 111 — Surah Al-Imran 3:111
Idin wax yeellayn mahayaan wax dhibah mooyee, hadday idin la dagaallamaana waxay idiin jeedin Dabada (way carari) loona Gargaari Maayo
Verse 112 — Surah Al-Imran 3:112
Waxaana lagu qadaray Korkooda Dulli meel kastooy joogaanba, Xadhig Eebe iyo Xadhig Dad mooyee, waxayna la noqdaan Cadho Eebe, waxaana lagu qadaray Miskiinimo, waxaana ugu wacan inay ka gaaloobaan Aayaadka Eebe Dilayaanna Nabiyada Xaq daro, waxaana ugu wacan Caasinimadooda iyo Xadgudubkooda
Verse 113 — Surah Al-Imran 3:113
Isku mid ma aha, Ehelu Kitaabka waxaa ma mid ah Ummad u Taagan (Xaqa) oo Akhrida Aayaadka Eebe Saacadaha Habeenka iyagoo Sujuudsan, (waa Cadbullaahi Binu Salaamo iyo Saaziibadiis)
Verse 114 — Surah Al-Imran 3:114
Rumeynna Eebe iyo Maalinta Dambe farana Wanaagga kana reeba waxa la naco (Xun) una dag dagi Wanaagga, kuwaasi waxay ka mid yihiin kuwa suuban
Verse 115 — Surah Al-Imran 3:115
Waxay Falaan oo Khayr ah laga ma qariyo (Dayaeo), Eebana waa ogyahay kuwa dhawrsada
Verse 116 — Surah Al-Imran 3:116
Kuwa Gaaloobay kama kaafido Xoolahoodu iyo Caruurtoodu Eebe Xaggiisa waxba, kuwaasuna waa Ehelka Naarta wayna ku Dhex waari
Verse 117 — Surah Al-Imran 3:117
Waxay Bixiyaan Noloshan Adduunna waxay la mid tahay Dabayl Qabow (daran) oo ku dhaeday Beer Qoom dulmiyey Naftooda ooy Halaagtay, ma dulmiyin Eebe iyagaase Naftooda Dulmiyey
Verse 118 — Surah Al-Imran 3:118
Kuwa (Xaqa) rumeeyow ha ka yeelanina Saaxiib (Hoose) wax idinka soo hadhay, kuma gabood falaan Fasaadintiinna waxayna Jecelyihiin dhibkiinna, waxay ka muuqataa Cadhadu Afkooda, waxay qarsan Laabahoodu yaa ka weyn, waan idiin Caddaynay Aayaadka haddaad wax kasaysaan
Verse 119 — Surah Al-Imran 3:119
Idinkani waad Jeceshihiin Iyaguna idinma jeela, waxaadna rumeysaan Kitaabka dhammaantiis, hadday idin la kulmaanna waxay dhahaan waannu rumeynay Hadday kaliyoobaanna waxay idiin Qaaniinaan Xubnaha (Faraha) Cadho darteed, waxaad dhahdaa ku dhinta Cadhadiinna, Eebana waa ogyahay waxa Laabta ku sugan
Verse 120 — Surah Al-Imran 3:120
hadday idin taabato Wanaag way Xumeysaa hadday idinku dhaedo Xumaanna way ku Farxaan, haddaad Samirtaan ood Dhawrsataan idinkama dhibayso Dhagartoodu waxba, Echana waxay Camal fali wuu Koobay
Verse 121 — Surah Al-Imran 3:121
(Xusuuso) markaad ka Kallahday (tagtay) Ehelkaaga adoo u yeeli Mu'miniinta Goob Dagaal Eebana waa Maqle og
Verse 122 — Surah Al-Imran 3:122
Markay Hamiday «Doontay» Labo Kooxood oo idinka mid ah inay Fashilaan (Cabsadaan) Eebana Waligooda (Gargaarahooda) ahaa ee Eebe uun ha tala saarteen Mu'miniintu
Verse 123 — Surah Al-Imran 3:123
Dhab ahaan buu idiin ku Gargaaray Eebe (Maalintii) Badar idinkoo dulaysan «Tabar yar», ee ka Dhawrsada Eebe waxaadna mudantihiin inaad ku Mahdisaan
Verse 124 — Surah Al-Imran 3:124
Markaad ku lahayd Mu'miniinta Miyuusan idiinku Fillayn inuu idinku Xoojiyo Eebihiin Saddex Kun oo Malaa'ig ah oo soo Degi
Verse 125 — Surah Al-Imran 3:125
Waa na kaafiyaan ee haddaad Samirtaan (Adkeysataan) ood dhawrsataan (waydinku fillaan) waxayna idiinku imaan deg daggooda, kaasna waa Xoojin Eebihiin Shan Kun oo Malaa'ing ah oo Calaamaysan
Verse 126 — Surah Al-Imran 3:126
Uma yeelin Eebe (Arrintaas) Bishaaradiinna mooyee iyo inay ku Xasisho Quluubtiinnu isaga, Gargaar aan Eebe agtiisa ahayna ma jiro ee ah Adkaade Falsan
Verse 127 — Surah Al-Imran 3:127
Si uu u Gooyo (Halaago) qayb ka mid ah kuwa Gaaloobay ama Walbahaariyo oy Noqdaan iyagoo Khasaaray
Verse 128 — Surah Al-Imran 3:128
Waxba Amarka kuma lihid Nabiyow ama wuu ka Toobad aqbali Eebe ama wuu Cadaabi Gaalada, illeen waa Daalimiine
Verse 129 — Surah Al-Imran 3:129
Eebaa aska leh waxa Samooyinka ku sugan iyo waxa Dhulka ku sugan, wuxuu u dhaafaa (Dambiga) Ciduu doono, wuxuuna Cadaabaa Ciduu doono, Eebana waa Dambi dhaafe Naxariista
Verse 130 — Surah Al-Imran 3:130
Kuwa (Xaqa) rumeeyow ha u Cunina Ribada Laablaab, kana Dhawrsada Eebe waxaad Mudantihiin inaad Liibaantaane
Verse 131 — Surah Al-Imran 3:131
Kana dhawrsada Naarta loo Darbay Gaalada
Verse 132 — Surah Al-Imran 3:132
Adeecana Eebe iyo Rasuulka waxaad u dhawdihiin in laydiin Naxariistee
Verse 133 — Surah Al-Imran 3:133
Una deg daga Dambi dhaafka Eebihiin iyo Janno Ballaadhkeedu yahay Samaawaadka iyo Dhulka oo loo darbay kuwa dhawrsada
Verse 134 — Surah Al-Imran 3:134
Ee ah kuwa wax bixiya Waqtiga Ladnaanta iyo Dhibkaba, ee Damiya Cadhada ee iska Cafiya Dadka, Eebana waa Jeelyahay Samadalayaasha
Verse 135 — Surah Al-Imran 3:135
Kuwa markay falaan Xumaan ama Dulmiyaan Naftooda Xuse Eebe, Warsadana Dambi dhaafid dambigooda, wax dambi dhaafana ma jiro Eebe mooyee, oon daa'imin (Xumaantay) faleen iyagoona og
Verse 136 — Surah Al-Imran 3:136
Kuwaas Abaalkoodu waa Dambi dhaafka Eebahood iyo Jannooyin ay Dureeri dhexdeeda Wabiyaal iyagoo ku waari dhexdeeda, waxaa Wanaagsan Abaalka kuwa Camal Falay
Verse 137 — Surah Al-Imran 3:137
Waxaa dhab ahaan u tagay Hortood Sunno (Waddo) ee Socda Dhulka oo eega siday noqotay Cidhibtii Beeniyayaashii
Verse 138 — Surah Al-Imran 3:138
Kaasi waa Caddayn Dadka waana Hanuun iyo Waanada kuwa dhawrsada
Verse 139 — Surah Al-Imran 3:139
Ha tabar yaraanina hana Murugoonina idinkaa Sareyn haddaad Tihiin Mu'miniine
Verse 140 — Surah Al-Imran 3:140
Hadduu idin taabtay Dhib (Dhaawac) Dhabahaan buu u taabtay Woomkana Dhib la mid ah, waana Saas Adduunyadu waxaanuu ku kala wareejinaa Dadka Dhexdiisa iyo in Eebe Muujiyo kuwa rumeeyey kana yeesho Xaggiinna Marag, Eebana ma jeela Daalimiinta
Verse 141 — Surah Al-Imran 3:141
Iyo inuu Imtixaamo kuwa rumeeyey Tirtirana Gaalada
Verse 142 — Surah Al-Imran 3:142
Ma waxaad u Maleyseen inaad Galayssaan Jannada isagoon Muujinin Eebe kuwa Jahaaday oo idinka mid ah oosan Muujinin kuwa Samra
Verse 143 — Surah Al-Imran 3:143
Dhab ahaan waxxad u ahaydeen kuwa jecel Geerida ka hor la kulankeeda, waadna aragteen Geeridii idinkoo Fiirin
Verse 144 — Surah Al-Imran 3:144
«Nabi» Muxamadna ma aha waxaan Rasuul ahayn, waxaa Tagey hortiis Rasuullo, cc hadduu Dhinto ama La dilo ma waxaad u gaddoomaysaan Cidhibtiinii (Dib), Ruuxii U gadooma Cidhibtiisii (Gaalooba) kama Dhibo Eebe waxba, wuuna Abaal marin kuwa ku Shukriya
Verse 145 — Surah Al-Imran 3:145
Nafna ma aha tii Dhimata Idanka Eebe la'aantiis waa Kitaab Muddeysan, Ruuxii Doona Abaalka Adduunyo waxbaan ka siineynaa, ruuxii doona Abaalka Aakhirana Waxbaan Ka Siinaa, Waxaana Abaal marin kuwa Shukriya
Verse 146 — Surah Al-Imran 3:146
Imisa Nabi la Dilay ooy la Jireen culimo Dagaallami oo Badan, oyna Cabsanin wax ku Dhacay Jidka Eebe Dartiis, Tabarna yareynin, Dulloobinna, Eebana waa jecelyahay kuwa Samra
Verse 147 — Surah Al-Imran 3:147
Mana aha Hadalkoodu waxaan ahayn Eebow nooDhhaf Dambigannaga iyo Xadgudubkanaga Amarkanaga, Sugna Gornadahanaga noogana Gargaar Qoomka Gaalada ah
Verse 148 — Surah Al-Imran 3:148
Markaasuu Siiyey Eebe Abaalka Adduunyo iyo Wanaagga Abaalka Aakhiro, Eebana wuxuu Jecelyahay Samafalayaasha
Verse 149 — Surah Al-Imran 3:149
Kuwa Xaqa Rumeeyow haddaad Addeeedaan (Maqashaan) Kuwa Gaaloobay waxay idiin Celin Cidhibtiina, markaasaad Noqonaysaan idinkoo khasaaray
Verse 150 — Surah Al-Imran 3:150
Eebaase Gargaarihiinna ah, isagaana ugu Khayrroon Gargaare
Verse 151 — Surah Al-Imran 3:151
Waxaan ku Tuuraynaa Quluubta kuwa Gaaloobay Argagax la Wadaajintooda Eebe waxaan loo soo Dejinin Xujo Darteed, Hoygooduna waa Naar, lyadaana U xun Xerada Daalimiinta
Verse 152 — Surah Al-Imran 3:152
Dhab ahaan yuu idiinku Rumeeyey Eebe Yaboohiisii markaad ku Dhamayneyseen (Ku dilayseen) Idamkiisa, intaad ka Cabsataan ood ku Murantaan Amarka ood Caasidaan intuu idin Tusiyey waxaad Jeceshihiin ka Dib, waxaa idinka Mid ah Ruux Dooni Adduunyo, waxaana idinka mid ah Ruux dooni Aakhiro, markaas idinka Tilay Xagooda si uu idiin Imtixaano, dhab ahaanna wuu idiin Cafiyey, Eebena wuu ku Fadli leeyahay Mu'miniinta
Verse 153 — Surah Al-Imran 3:153
Markaad koreyseen aydaan Milicsanayn Cidna, Rasuulkuna idiinka Yeedhi Gadaashiina oo idinku dhacay Murug la jirto Murug (kale) si aydaan ugu Walbahaarin wixii idin ka tagay iyo wixii idinku Dhacay, Eebana waa ogyahay waxaad Falaysaan
Verse 154 — Surah Al-Imran 3:154
Markaas uu ku soo Dejiyey Korkiinna Murug ka dib Aaminnimo Darteed Lulmo daboolaysa Koox idinka mid ah, Kooxna waxaa Walaacisay Naftooda waxayna u Malayn Eebe Male Jaahiliyeed waxayna Dhihi ma waxbaan ku leenahay Amarka, waxaad dhahdaa Amarka Dhamaantiis Eebaa iska lch, waxayna ku Qarin Naftooda waxayna kuu muujinayn iyagoo dhihi haddaan Amarka wax ku leenahay Nalaguma Dileen Halkan, waxaad Dhahdaa haddaad tihiin Guryihiinna way u soo bixilahaayeen kuwa loo Qoray Geerida halkay Seexan (Lagu Dili), (saasna wuxuu u Falay Eebe) inuu Imtixaano Eebe waxa Laabtiinna ku Sugan iyo inuu kala Shaandheeyo waxa Quluubtiinna ku Sugan, Eebana waa Ogyahay waxa Laabta Ku Sugan
Verse 155 — Surah Al-Imran 3:155
Kuwii Jeedsaday oo idinka mid ah Maalintay Kulmeen Labadii Col waxaa uun Simbiriirixiyey Shaydaan waxay kasbadeen Sababtiisa Qaarkood wuuna iska Cafiyey Eebe Xagooda Eebena waa Dambi Dhaafe dulbadan
Verse 156 — Surah Al-Imran 3:156
Kuwa (Xaqa) Rumeeyow ha Noqonina sida kuwa Gaaloobay oo ku yidhi Walaalahood markay ku Safraan Dhulka ama Duulaan hadday Agtanda Joogaan ma dhinteen Lamana Dileen si uu uga yeelo Arrintaas Qoomamo Quluubtooda, Eebana waa Nooleeye iyo Dile, Eebana waxaad Camal Falaysaan wuu arkaa
Verse 157 — Surah Al-Imran 3:157
Haddii laydinku Dilo Jidka Eebe amaad Dhimataan Dambi Dhaaf Eebe iyo Naxariistiisa yaa idiinka Khayrbadan waxay Kulmin
Verse 158 — Surah Al-Imran 3:158
Haddaad Dhimataan ama laydin Dilo Xagga Eebe umbaa laydiin Celin
Verse 159 — Surah Al-Imran 3:159
Naxariista Eebe Darteed yaad ugu Jilicday haddaadse tahay Mid Ingagan oo Qalbi Adag way kaakala tagi lahaayeen Gaararkaada, ee iska Cafi una Dambi Dhaaf warso kalana Tasho Amarka, markaas haddaad wax goosatana talo saaro Eebe (K u Dhaqaaq), Eebe wuxuu Jecelyahay kuwa Tala Saartee
Verse 160 — Surah Al-Imran 3:160
Hadduu idin Gargaaro Eebe wax idiinka Adkaan ma jiro Hadduu idin Hoojiyana waa Kuma kan idiin Gar- gaari Gadaashiis, Eebe uun ha Tala Saarteen Mu'miniintu
Verse 161 — Surah Al-Imran 3:161
Kama suurowdo Nabi inuu wax Khayaamo, Ruuxii wax Khayaama wuu la Imaan wuxuu Khayaamay Maalinta Qiyaame, markaas waxaa loo Oofin (Dhamayn) Nafkasta waxay Kashatay Lagamana dulmiyo
Verse 162 — Surah Al-Imran 3:162
Ruux Raacay Raalli ahaanshaha Eebe ma la mid Baa Ruux la noqday Cadho Eebe Hoygiisuna yahay Jahannamo iyadaana U xun meel loo Noqdo
Verse 163 — Surah Al-Imran 3:163
Iyagu waa Darajaad Eebe agtiisa, Eebana waa Arkaa waxay Fali
Verse 164 — Surah Al-Imran 3:164
Dhab abaanbuu ugu Manaystay Eebe Mu'miniinta markuu ka Bixiyey Dhexdooda Rasuul Naftooda ka mid ah kuna Akhriyi Korkooda Aayaadkiisa Daahirinna Barina Kitaabka (Quraanka) iyo Xigmada (Sunada Nabiga) waxayna ahaayeen Horay Baadi Cad
Verse 165 — Surah Al-Imran 3:165
Hadday idin Adiibtay (idinku Dhaeday) Dhibaato waxaad Asiibteen Laba Jibaarkeed (Badar) waxaad dhahdeen xaggee Nooga yimid (Dhibku) waxaad dhahdaa Agta Naftiinna, Eebana wax kasta wuu karaa
Verse 166 — Surah Al-Imran 3:166
Waxa idinku dhacay Maalintay kulmeen Labadii Kooxood waa idamka Eebe iyo inuu Muujiyo Mu'miniinta
Verse 167 — Surah Al-Imran 3:167
Iyo inuu Muujiyo kuwa Munaafaqoobay, oo loo yidhi Kaalaya ku Dirira Jidka Eebe ama Difaaca, waxayna dheheen Haddaan ognahay Dagaal waan idin raaci lahayn, iyagu Gaalnimaday Maalintaas uga Dhawyihiin Rumeyn, waxay ka odhan Afkooda waxaan ahayn Quluubtooda, Eebana waa ogyahay waxay Qarin
Verse 168 — Surah Al-Imran 3:168
waa kuwa ku yidhi Walaalahood (Munaafiqiintu) iyagoo iska fadhiistay Hadday na Adeecaan lama Dilcen, waxaad dhahdaa ka Dhawra Naftiinna Geeri Haddaad Run sheegaysaan
Verse 169 — Surah Al-Imran 3:169
Hana u Malaynina kuwa Lagu Dilay Jidka Eebe kuwa dhintay, Saas ma aha waxay ku Noolyihiin Eebahood Agtiisa Laguna Arzaaqi
Verse 170 — Surah Al-Imran 3:170
Iyagoo ku Faraxsan wuxuu siiyey Eebe oo Fadligiisa ah, kuna Bishaaraysan kuwaan wali Haleelin ee Gadaashooda ah inuusan Korkoda Cabsi iyo Murugo midna «ahyn»
Verse 171 — Surah Al-Imran 3:171
Waxayna ku Bishaaraystaan Nicmo Eebe iyo Fadli iyo inaan Eebe Dayacayn ajriga Mu'miniinta
Verse 172 — Surah Al-Imran 3:172
Ee ah kuwa Ajiibay (Maqlay) Eebe iyo Rasuulka ka Dib intuu Asiibay Dhaawac kuwa Wanaag Falay oo ka mid ah oo dhawrsaday waxaa u sugnaaday Ajir wayn
Verse 173 — Surah Al-Imran 3:173
Ee ah kuwuu Dadku (Gaaladu) Dadkii baa idiin kulmay ee ka Cabsada oo u Siyaadiyey Rumeyn, oy dhaheen Kaafiyahanagu waa Ilaahay Isagaana u Fiican Wakiil
Verse 174 — Surah Al-Imran 3:174
Oo Noqday Nicmo Eebe iyo Fadli oyna Taaban Xumaan Raacayna Raalli ahaanshaha Eebe, Ilaahayna waa Fadli wayn lahaade
Verse 175 — Surah Al-Imran 3:175
Kaasi waa Shaydaan wuxuuna idinku Cabsi Galin Awliyadiisa (Saaxiibadiis) ee ha Cabsanina, ee iga Cabsada Haddaad Mu'miniin tihiin
Verse 176 — Surah Al-Imran 3:176
Yeyna ku murug galin kuwa u Deg degi Gaalnimada iyagu kama Dhibaan Eebe waxba, wuxuu Dooni Eebe inuusan ugu yeelin Nasiib Aakhiree waxayna Mudan Cadaab Weyn
Verse 177 — Surah Al-Imran 3:177
Kuwa ku Gatay Gaalnimo Iimaanka kama Dhibayaan Eebe waxba waxayna Mudan Cadaab Daran
Verse 178 — Surah Al-Imran 3:178
Yeyna u Malaynin kuwa Gaaloobay inuu Sugidoodu Khayr u tahay, waxaannu u Sugi uun inay Siyaadsadaan Dambi, waxayna mudan Cadaab Dulleeya
Verse 179 — Surah Al-Imran 3:179
Ma aha Eebe kii kaga Taga Mu'miniinta Sidaad tihiin intuu ka kala Sooco ka Xun iyo kan Fiican, mana aha Eebe kii idin Daaliciya (Tusiya) waxa Maqan, hase yeeshee wuxuu ka dooran Rasuulkiisa Ciddduu Doono ee Rumeeya Eebe iyo Rasuulkiisa, Haddaad Rumeysaan Xaqa oo Dhawrsataan waxaad Mudanaysaan Ajir Weyn
Verse 180 — Surah Al-Imran 3:180
Yeyna u malaynin kuwa ku Bakhayli wuxuu Siiyey Eebe oo Fadli ah inay Khayr u Tahay, Sharbayse u Tahay waxaana Luqunta loo Galin waxay ku Bakhaylayeen Maalinta Qiyaame, Eebaana iska leh Dhaxalka Samaawaadka iyo Dhulka, Eebana waxaad Camal Falaysaan waa Ogyahay
Verse 181 — Surah Al-Imran 3:181
Dhab ahaan yuu u Maqlay Eebe Hadalka Kuwii Yidhi Eebe waa Faqiir Anaguna waxaan nahay Hodan (waa Yuhuuh ha halaagmeene) waan Qoraynaa waxay dhihi iyo Diliddooda Nabiyada ee Xaq daro waxaan u dhahaynaa dhadhamiya Cadaabka Gubashada
Verse 182 — Surah Al-Imran 3:182
Taasina waa waxay hormarsatay Gacmahoodu Eebana ma aha Dulmiyaha Addoomada
Verse 183 — Surah Al-Imran 3:183
Waa kuwa Yidhi Eebe wuxuu nagula Ballantamay Inaanaan Rumeyn Rasuul intuu Nooga keeno Qurbaan (Sadaqo) oy Cunto Naar, waxaad dhahdaa waxay idiinla yimaadeen Rasuullo hortay Xujooyin iyo waxaad sheegteen ee Maxaad u Disheen haddaad run sheegaysaaan
Verse 184 — Surah Al-Imran 3:184
Hadday ku Beeniyaan waxaa dhab ahaan loo Beeniyey Rasuullo kaa Horreeyey oo la yimid Xujooyin iyo Kutub iyo Kitaab Cad
Verse 185 — Surah Al-Imran 3:185
Nafkasta waxay Dhadhamin Geeri, waxaa uun laydiin Oofin Ajrigiinna Maalinta Qiyaame, Ruusiise laga iilo Narta oo la galiyo Janada wuu Liibaanay, Nolosha Adduuna ma aha waxaan Raaxo kado ahayn
Verse 186 — Surah Al-Imran 3:186
Waan idinku Imtixaamaynaa Xoolihiinna iyo Naftiinna waxaadna ka Maqlaysaan kuwa la siiyey Kitaabka oo idinka horeeyey iyo Mushrikiinta (Gaaladii Carbeed) dhib Badan haddaadse Samirtaan ood dhawrsataan Arrintaasu waa Umuuraha loo Qasdo
Verse 187 — Surah Al-Imran 3:187
(Xusuuso) markuu Qaaday Eebe Ballanka kuwii la siiyey Kitaabka inaad u Cadaysaan (Xaqa) Dadka Oydaan Qarinin waxayse ka Tuureen Dhabarkooda Gadaashiis waxayna ku gateen Lacag Yar waxaa Xun waxay Gadan
Verse 188 — Surah Al-Imran 3:188
Haw Maleyn kuwa ku Farxa waxay la yimaadaan oo Jecel in lagu Mahdiyo waxayna Falin Haw malayn inay ka Nabadgali Cadaabka waxaana u Sugnaaday Cadaab Daran
Verse 189 — Surah Al-Imran 3:189
Eebaa iska leh Xukunka Samaawaadka iyo Dhulka, Eebaana wax kasta kara
Verse 190 — Surah Al-Imran 3:190
Abuuridda Samaawaadka iyo Dhulka iyo is Khilaafidda Habeenka iyo Maalinta Calaamooyin yaa ugu Sugan kuwa Cawliga leh
Verse 191 — Surah Al-Imran 3:191
Ee ah kuwa ku Xusa Eebe Taagni iyo Fadhi iyo Jiifba, oo ku fikira Abuuridda Samaawaadka iyo Dhulka (iya goo dhihi) Eebow Umaadan Abuurin kan (Khalqiga) Baadil (Ciyaar) waad Nasahantahay Ee naga kori Cadaabka Naarta
Verse 192 — Surah Al-Imran 3:192
Eebow adigu ruuxaad Galiso Naarta Dhab ahaan baad u Dulaysay Daalimiintana uma Sugnaanin Gargaarayaal
Verse 193 — Surah Al-Imran 3:193
Eebow Anagu waxaan Maqallay Yeedhe u yeedhi limaanka oo dhihi Rumeeya Eebihiin waana Rumeynay, Eebahanow noo dhaaf Dambiyadanada Asturna Xumaantanada naguna Dil la jirka kuwa Baarriga ah (fiican)
Verse 194 — Surah Al-Imran 3:194
Eebahanow na sii waxaad noogu Yaboohday Rasuuladaada hana na Dul leyn Maalinta Qiyaame, Adigu ma Baajisid Ballane
Verse 195 — Surah Al-Imran 3:195
Wuxuu ku Ajiibay Eebahood Anagu Ma dayacno Camal Mid Camal Falay oo Idinka mid ah Lab iyo Dhadig, Qaarkiin Qaarbuu ka ahaaday kuwa Hijrooday ee laga Bixiyey Guryahooda oo lagu Dhibay Jidkayga oo Dagaalamay oo la Dilay waannu Asturi Xumaanahooda waxaana Galin Janooyin ay Dureeri Dhexdeeda Wabiyaal waana Abaal marin Eebe Xagiisa ah, Eebe agtiisaana Abaalmarin Wanaagsan tahay
Verse 196 — Surah Al-Imran 3:196
Yeyna ku Dhagrin ka Gadoonka kuwa Gaaloobay ee Dhulka (Adduunka)
Verse 197 — Surah Al-Imran 3:197
Waa Raaxo Yar kadib Hoygoodu waa Jahannamo, iyadaana u xun Gogol
Verse 198 — Surah Al-Imran 3:198
Hase Yeeshee kuwa ka Dhawrsada Eebahood waxay mudan Jannooyin ay dureeri Dhexdeeda Wabiyaal iyagoo ku warai Dhexdeeda, waa marti Qaad Xagga Eebe ka ahaaday, waxa Eebe agtiisa ah yaana u Khary roon kuwa Baarriga ah (Wanaagsan)
Verse 199 — Surah Al-Imran 3:199
Ehelu Kitaabka waxaa ka mid ah mid Rumeyn Eebe iyo waxa laydiin soo dejiyey iyo wixii loo soo Dejiyey iyagoo u Khushuuei Eebe kumana Gataan aayaadka Eebe Qiimo Yar, kuwaas waxaa u Sugnaaday Ajirgooda Eebahood Agtiis, Eebana waa Deg degtaa Xisaabtiisu
Verse 200 — Surah Al-Imran 3:200
Kuwa (Xaqa) rumeeyow Samra oo Samirtarna kuna Nagaada Dhawridda (Xuduudda Islaaxa) kana Dhawrsada Eebe waxaad Mudantihiin inaad Liibaantaane