Back to Languages

Somali - Chapter 32 - As-Sajdah

Translation by Mahmud Muhammad Abduh — Permalink

Verse 1 — Surah As-Sajdah 32:1

waxay ku tusin mugjisada Quraanka

Verse 2 — Surah As-Sajdah 32:2

soo dajinta Quraanka shaki kuma jiro, wuxuuna ka soodagay Eebaha Calaamka xaggiisa

Verse 3 — Surah As-Sajdah 32:3

mise waxay dhihi waxaa been abuurtay (Nabiga) saas ma aha ee waa xaq Quraanku Eebahaa xaggiisa ka yimid si aad ugu digtid qoom uusan u imaanin dige kaa horeeya, si ay u hanuunaan

Verse 4 — Surah As-Sajdah 32:4

Eebe waa ka ku abuuray Samooyinka, iyo Dhulka iyo waxa u dhaxeeya Lix maalmood dhexdeed, markaasna ku istawooday Carshiga «si u cunanta» idiinmana sugnaanin Eebe ka sokow wali (gargaare) iyo shafecee midna, ee miyeydaan wax xusuusanayn

Verse 5 — Surah As-Sajdah 32:5

amarka Eebaa ka maamula Samada xagga Dhulka markaasaa amarkaasi xagga Eebe u koraa Maalin qadarkeedu yahay Kun sano oo waxaad tirinaysaana

Verse 6 — Surah As-Sajdah 32:6

kaasina waa Eebaha og wax maqan iyo waxa joogaba, ee adkaada ee Naxariista

Verse 7 — Surah As-Sajdah 32:7

Eebaa wanaajiyey abuuridda wax kasta, wuxuuna ka billaabay abuuridda Dadka Dhoobo, (Nabigii Aadam ahaa)

Verse 8 — Surah As-Sajdah 32:8

markaas kayeelay faraciisii mid ka soo taxma Biyo taharyar

Verse 9 — Surah As-Sajdah 32:9

markaas ekeeyey oo ruuxdiisa ku afuufay idiinna yeelay maqal, Aragyaal iyo quluuba, waxyar baadse Eebe ku mahdisaan

Verse 10 — Surah As-Sajdah 32:10

waxay dhaheen Gaaladii ma markaan ku dhexluno dhulka (geeriyoonno) yaa abuurid cusub nala abuuri, saas ma aha ee iyagu la kulanka Eebahood bay ka gaaloobeen

Verse 11 — Surah As-Sajdah 32:11

waxaad dhahdaa waxaa idin oofsan (dili) Malaga mowdka laydiin wakiishay markaasaa xagga Eebihiin laydiin celin

Verse 12 — Surah As-Sajdah 32:12

haddaad arki lahayd marka dambiilayaashu madaxa hoos u dhigi (qiyaamada) Eebahood agtiisa (iyagoo dhihi) Eebahanow waan aragnay waana maqalay ee naceli si aan camalfiican u fallo waan yaqiininaye (waxaad arki lahayd wax yaableh)

Verse 13 — Surah As-Sajdah 32:13

haddaan doono waxaan siin lahayn (ku toosin lahayn) Nafkasta hanuunkeeda hase yeeshee waxaa hormaray Hadalkaygii in laga buuxin Jahannamo Jinno iyo Insi dhammaan

Verse 14 — Surah As-Sajdah 32:14

ee dhadhamiya halmaanshihiinii la kulanka Maalintiinnan (qiyame) annaguna waan idinka tagaynaa (maanta) ee dhadhamiya cadaabka waaridda camalkiinii dartiis

Verse 15 — Surah As-Sajdah 32:15

waxaa uun rumayn aayaadkanaga kuwa marka lagu waaniyo aayadaha sujuud la dhaca kuna tasbiixsada mahadda Eebahood iyagoon is kibrinayn (isla waynayn)

Verse 16 — Surah As-Sajdah 32:16

waxayna ka dheeraataa dhinacyadoodu jiifka iyagoo baryi Eebahood cabsi iyo rajaynba waxaan ku arzuqnayna wax ka bixiya

Verse 17 — Surah As-Sajdah 32:17

ma oga Nafu waxa loo qariyay kuwaas oo Indho ku qaboowsadaan abaal marin waxay camalfalayeen dartiis

Verse 18 — Surah As-Sajdah 32:18

ruux Mu'min ah mala midbaa mid faasiq ah, ma eka

Verse 19 — Surah As-Sajdah 32:19

kuwa rumeeyay (xaqa) oo camal fiican falay waxay mudan Jannooyinka Ma'wa martiqaad waxay xamal falayeen dartiis

Verse 20 — Surah As-Sajdah 32:20

kuwase faasiqoobay waxay ku hoyan Naar, markay doonaan inay ka baxaanna waa lagu celin dhexdeeda waxaana lagu dhihi dhadhamiya Cadaabka Naartii aad beenin jirteen

Verse 21 — Surah As-Sajdah 32:21

waxaana dhadhansiinaynaa cadaab hoose cadaab wayn kasokow inay noqdaan darteed

Verse 22 — Surah As-Sajdah 32:22

yaa ka dulmi badan ruux lagu waaniyay aayaadka Eebihiis oo ka jeedsaday xaggeeda, anaguna dambiilayaasha waan ka aarsanaynaa

Verse 23 — Surah As-Sajdah 32:23

dhab ahaanbaan u siinay Nabi Muuse Kitaabkii (Tawreed) ee hashakiyin lakulankiisa waxaana ka yeelay Kitaabkaas hanuunka Banii Israa'iil

Verse 24 — Surah As-Sajdah 32:24

waxaana ka yeelay qaarka mid ah imaamyo ku hanuuniya amarkanaga markay samreen, waxayna ahaayeen kuwa aayaadkanaga yaqiiniya

Verse 25 — Surah As-Sajdah 32:25

Eebahaabaana kala bixin dhexdooda Maalinta Qiyaame waxay ahaayeen kuwo isku diidan

Verse 26 — Surah As-Sajdah 32:26

myayna ku hanuunin kuwaasi intaan halaagnay hortood oo quruun ah oy socon guryahoodii, taasina waxaa ku sugan calaamado ee miyayna wax maqlaynin

Verse 27 — Surah As-Sajdah 32:27

miyeyna arkeyn inaan u soo kaxayno Biyaha Dhul abaar ah oon markaas ku soobixino Beero ay wax ka cunaan Xoolahooda iyo Naftooduba miyeyna wax arkaynin

Verse 28 — Surah As-Sajdah 32:28

waxay dhihi waa goorma kala xukunku haddaad run sheegaysaan

Verse 29 — Surah As-Sajdah 32:29

waxaad dhahdaa maalinta kala xukunka Gaalada ma anfaco Iimaankoodu lamaga sugo

Verse 30 — Surah As-Sajdah 32:30

Ee isaga jeedso oo sug iyana ha sugeene