Back to Languages

Somali - Chapter 41 - Fussilat

Translation by Mahmud Muhammad Abduh — Permalink

Verse 1 — Surah Fussilat 41:1

Waxay ku tusin mucjisada Quraanka sida soo hormartay

Verse 2 — Surah Fussilat 41:2

Quraanka waa soo dajinta Eebe naxariista guud iyo mid gaaraba naxariista

Verse 3 — Surah Fussilat 41:3

Waana Kitaab loo caddeeyey aayaadkiisa isagoo Quraan carabi ku qoran ah ciddii wax garan

Verse 4 — Surah Fussilat 41:4

Waana bishaareeye u dige ah, waase ka jeedsadeen badankoodu waxna ma maqlayaan

Verse 5 — Surah Fussilat 41:5

Waxayna dheheen quluubtanadu waxay kaga sugantahay dabool waxaad noogu yeedhi, dhagahanagana waxaa kaga jira culeys, dhexdanada iyo adigana waxaa ah xijaab, ee camal fal anana waancamalfaleynaaye

Verse 6 — Surah Fussilat 41:6

Waxaad dhahdaa Nabiyow anigu waxaan uun ahay bashar (Dad) idinkookale ah, waxaana la iiwaxyooday in Eebehenno yahay Eebe kaliya, ee u toosnaada xaggiisa, kana dambidhaaf waydiista, halaagna wuxuu u sugnaaday mushrikiinta

Verse 7 — Surah Fussilat 41:7

Kuwaan bixinin zakada ahna aakhiro kuwa ka gaaloobey

Verse 8 — Surah Fussilat 41:8

Kuwa xaqa rumeeyeyse oo camalfiican falay waxaa usugnaaday ajri aan guraynin

Verse 9 — Surah Fussilat 41:9

Waxaad dhahdaa Nabiyow idinku ma waxaad ka gaaloobaysaan kan (Eebaha) ku abuuray Dhulka laba maalmood, ood uyeelaysaan kuwo la mid ah, kaasi waa Eebaha Caalamka

Verse 10 — Surah Fussilat 41:10

Wuxuuna yeelay Dhulka dhexdiisa Buuro wuuna barakeeyey dhexdiisa una qadaray (u qiyaasay) Cunnadiisa afar maalmood iyadooy usimantahay dadka weydiin

Verse 11 — Surah Fussilat 41:11

Markaasuu Eebe u istawooday (qasday) Cirka oo qiiq ah kuna yidhi Cirka iyo Dhulka ahaada idinkoo adeecsan ama la ikraahi (laqasbi) waxayna dheheen waan nimid anagoo addeecsan

Verse 12 — Surah Fussilat 41:12

Wuxuuna Eebe ka abuuray Cirka Todobo Samo laba maalmood wuxuuna faray Samo kasta amarkeedii, waxaana ku qurxinay Cirka dhaw Misbaaxyo, waana ilaalinay, taasina waa qadaridda (maamulka) Eebaha adkaada ee wax og

Verse 13 — Surah Fussilat 41:13

Hadday ka jeedsadeen Gaaladu (xaqa) waxaad ku dhahdaa Nabiyow waxaan idiinka digi cadaab daran oo lamid ah kii Reer Caad iyo Thamuud

Verse 14 — Surah Fussilat 41:14

Markay ugaga timid Rasuuladii hor iyo gadaalba, iyagoo ku leh ha caabudina waxaan Eebe ahyn, ayna ku dhaheen hadduu doono Eebeheen wuxuu soo dajinlahaa Malaa'ig, anaguna waxa laydiin soo diray waan ka gaaloownay

Verse 15 — Surah Fussilat 41:15

Ree Caad iyagu way isku kibriyeen Dhulka xaq darro, waxayna dheheen yaa naga xoog badan miyeyna arag Eebaha abuuray inuu ka xoogbadanyahay waxayna ahaayeen kuwo aayaadkanaga diidan

Verse 16 — Surah Fussilat 41:16

Waxaana ku dirray korkooda Dabayl qaylo daran Todobo Maalmood oo uxun (iyaga) si aan u dhandhansiino cadaabka dulliga Nolosha adduun, cadaabka aakhiraana ka sii dulli badan loomana gargaaro

Verse 17 — Surah Fussilat 41:17

Ree thamuud waxaantusinay xaqa, waxayna ka jeeclaadeen indho la'aan (baadi) hanuunkii, waxaana qabtay qaylo cadaab wax dulleeya, waxay kasbanayeen darteed

Verse 18 — Surah Fussilat 41:18

Waxaana korinay kuwii rumeeyey (xaqa) oo dhawrsan jiray

Verse 19 — Surah Fussilat 41:19

(u sheeg gaalada) Maalinta lagu kulmin colka Eebe naarta iyagoo is cidhiidhyi

Verse 20 — Surah Fussilat 41:20

Markay yimaaddaana uu ku maragfuro korkooda, maqalkooda, aragoodu, iyo haragoodu (jidhkoodu) waxay falijireen

Verse 21 — Surah Fussilat 41:21

ayna ku dhahaan korkooda (Jidhkooda) maxaad noogu marag kacdeen, ayna ku dhahaan waxaa naga hadliyey Eebaha ka hadliya wax kasta, isagaana idin abuuray markii hore xagiisana laydiin celin

Verse 22 — Surah Fussilat 41:22

Mana aydaan ahayn kuwa iska astura inay ku maragkacaan jidhkiinu, araggiinu iyo haraggiinu, inuusan Eebe ogayn wax badan ood falaysaan

Verse 23 — Surah Fussilat 41:23

kaasina waa malihiinii aad u malayseen Eebihiin isagaana idin halaagay, waxaadna ahateen kuwo khasaaray

Verse 24 — Surah Fussilat 41:24

haday samraanna naarbay ku hoyan hadday cudur daar dalbaana lagama aqbalo

Verse 25 — Surah Fussilat 41:25

Waxaan u darabnay Gaalada saaxiibo u qurxiya waxa ka horeeya, iyo waxa ka dambeeya, waxaana ku xukunaatay hadalkii Eebe isagoo umada kale ku dhex sugan (oo la cadaabi) oo ka horeeyey Jinni iyo Insina leh waxayna ahaayeen kuwo khasaaray

Verse 26 — Surah Fussilat 41:26

Waxay dhaheen kuwii Gaaloobay ha maqlina Quraanka kuna qaylya (marka la akhrin) waxaad u dhawdihiin inaad adkaataane

Verse 27 — Surah Fussilat 41:27

Waxaan dhadhansiinaynaa kuwii Gaaloobay Cadaab daran, waxaana ka abaalmarinaynaa kii ugu xumaa waxay camal falayeen

Verse 28 — Surah Fussilat 41:28

Kaasi waa abaalmarinta colka Eebe, waxayna gali Naar iyadoo u noqon Curi waarid, iyagoo laga abaal marin aayaadkanaga aydiideen

Verse 29 — Surah Fussilat 41:29

Waxay dheheen kuwii Gaaloobay Eebow na tusi labadaas nadhumiyey oo Jinni iyo Insi ah aan yeelo Gomadahanaga hoostoodee si ay u noqdaan kuwo ku hooseeya (Naarta)

Verse 30 — Surah Fussilat 41:30

kuwa yidhi Eebahanno waa Alle hadana toosnaaday waxaa ku soo dagta Malaa'igta (markey dhiman iyadoo ku dhihi) ha cabsanina hana murugoonina, kuna bishaareysta Jannadii laydiin yaboohay

Verse 31 — Surah Fussilat 41:31

anagaa sokeeye idiin ah nolosha addunyo iyo aakhiraba, waxaana idiinsugnaaday dhexdeeda waxay doonto Naftiinnu waxaadna ka helaysaan waxaad dalabtaan

Verse 32 — Surah Fussilat 41:32

Waana martiqaadka Eebaha dambi dhaafa ee Naxariista

Verse 33 — Surah Fussilat 41:33

yaa ka fiican hadal ruux ugu yeedhay (Dadka) Eebe xagiisa, oo camalfiican sameeyey, oo dhaha anigu waxaan ka mid ahay Muslimiinta

Verse 34 — Surah Fussilat 41:34

Mana eka Wanaag iyo Xumaan, reebna oo (bixi) arrinta fiican markaas waxaa soobixi in midkii col idin dhexyiil uu noqon sokeeye iyo saaxiib

Verse 35 — Surah Fussilat 41:35

Lalamana kulmiyo arrintaas kuwii samrey mooyee, lalamana kulmiyo mid nasiib weyn leh mooyee

Verse 36 — Surah Fussilat 41:36

Hadduu ku waswaasiyo shaydaan xaggiisa waswaasiye ka magangal Eebe isagaa wax maqla waxna oge

Verse 37 — Surah Fussilat 41:37

Aayaadka Eebe (jiridiisa iyo qudradiisa) waxaa ka mid ah Habeenka, Maalinta, Qorraxda iyo Dayaxa, ha u sujuudina Qorraxda iyo Dayaxa ee u sujuuda Eebaha abuuray haddaad tihiin kuwo (dhab) u caabudi

Verse 38 — Surah Fussilat 41:38

Haday iska kibriyaan (cibaadada) kuwa Eebahaa agtiisa ah way u tasbiixsadaan Habeen iyo Dharaarba kana noogin

Verse 39 — Surah Fussilat 41:39

Aayaadka Eebe waxaa ka mid ah inaad aragtidDhulkoo dulleysan (abaar ah) markaan ku soo dajinno Biyaha uu gilgisho soona kor noqdo, midka nooleeyey wuxuu nooleyn wixii dhintay wax walbana wuu karaa

Verse 40 — Surah Fussilat 41:40

Kuwa iilaya aayaadkanaga nagama qarsoona, ruux lagu tuuray Naarta miyaa khayrroon mise mid isagoo aamin ah imaan Qiyaamada, fala waxaad doontaan, Eebe waxaad faleysaan waa arkaa

Verse 41 — Surah Fussilat 41:41

Kuwa ka gaaloobay Quraanka markuu u yimid (waa la abaal marin) waana Kitaab qaali ah

Verse 42 — Surah Fussilat 41:42

Mana timaado xumaan hortiisa iyo gadaashiisa, (waa dhawran yahay) waana soo dajinta Eebaha falka san ee lamahdiyo

Verse 43 — Surah Fussilat 41:43

Lagumana dhaho waxaan ahayn waxii lagu yidhi Rasuuladii ka horreeyey, Eebahaana waadambi dhaafe ciqaab daran

Verse 44 — Surah Fussilat 41:44

Hadaan kayeelo «Kitaabka» Quraanka Cajami ah waxay dhihi lahaayeen maxaa loo caddayn waayey Aayaadkiisa, ma (quraan) Cajami ah iyo Nabi (Carabi ah) waxaad dhahdaa isagu kuwa rumeeyey wuxuu u yahay Haanuun iyo Caafimaad, kuwa aan rumeynina dhagahooda waxaa ah culays, waana ka indha la' yihiin kuwaasna waxaa looga yeedhi meel fog

Verse 45 — Surah Fussilat 41:45

Dhab ahaanbaan u siinay Nabi Muuse Kitaabka waana laysku khilaafay, haddayan jirin kalimo ka hormartay Eebahaa waa lakala xukminlahaa dhexdooda waxayna ku suganyihiin gaaladu shaki daran

Verse 46 — Surah Fussilat 41:46

Ruuxi camalfiican fala wuxuu u falay Naftiisa, Ruuxii xumaan fala wuxuu dhibay Naftiisa, Eebaheena ma aha dulmiyaha Addoomada

Verse 47 — Surah Fussilat 41:47

Xagiisaana loo celiyaa ogida Saacadda (Qiyaame) midhana kama soobaxaan Sabuulkooda, mana uuroobo Dhadig mana dhalo ogaanshaha Eebe la'aantiiis, Maalintuu ku dhihi away kuwaad ila wadaajiseenna waxay dhihi waxaan ku ogaysiinnay Nagamidma aha Ruux marag furi arintaas

Verse 48 — Surah Fussilat 41:48

Waxaa ka dhumey waxay ahaayeen kuwo (baryo) caabuda horey, waxayna yaqiinsadeen inuusan u sugnaan gargaare

Verse 49 — Surah Fussilat 41:49

Dadku kama daalo baryada khayrka, hadduu taabto sharra wuu quusasha badanyahay

Verse 50 — Surah Fussilat 41:50

Haddaan dhadhansiinno naxariis xagganaga ka timid dhib taabtay kadib, wuxuu dhahaa kan anaa iska leh mana u maleeynaayo inay Saacadda (qiyaame) kici, haddii layceliyo Eebahayna waxaan ku leeyahay agtiisa wanaag, dhab ahaan baan ugu warranmeynaa kuwii Gaaloobey waxay camal faleen, waxaana dhabahaan u dhadhansiinaynaa Cadaab daran

Verse 51 — Surah Fussilat 41:51

Markaan unicmeyno Dadka wuu jeedsadaa oo is dadbaa (daacadduu ka tagaa) markuu taabto dhibna wuxuu soo baxaa isagoo baryo badan

Verse 52 — Surah Fussilat 41:52

Waxaad ku dhahdaa bal kawarrama hadduu Quraankani xaga Eebe ka yimid markaas aad ka Gaaloowdaan yaa ka baadi badan Ruux Gaalnimo iyo khilaaf fog ku sugan

Verse 53 — Surah Fussilat 41:53

Waxaanu ku tusin aayaadkanaga jahooyinka iyo Naftooda intey uga caddaato inuu Quraanku xaq yahay, miyuuna ku filleyn inuu waxkaste ogyahay

Verse 54 — Surah Fussilat 41:54

Waxayna Gaaladu kaga suganyihiin shaki lakulanka Eebe, Eebana waxkasta wuu koobay