Back to Languages

Somali - Chapter 44 - Ad-Dukhan

Translation by Mahmud Muhammad Abduh — Permalink

Verse 1 — Surah Ad-Dukhan 44:1

Waannu sheegnay iyadoo kale

Verse 2 — Surah Ad-Dukhan 44:2

Waxaan ku dhaartay Kitaabka Cade (Quraanka)

Verse 3 — Surah Ad-Dukhan 44:3

Anagaa dejinay Quraanka Habeen barakeysan (Layletulqadar) anagaana wax u digi

Verse 4 — Surah Ad-Dukhan 44:4

Habeenkaasaana la kala bixiyaa amar kastoo xigmo leh

Verse 5 — Surah Ad-Dukhan 44:5

Waana amar agtanada ka ahaaday, anagaana wax dirra (Rasuulo)

Verse 6 — Surah Ad-Dukhan 44:6

Naxariis ka ahaater xagga Eebahaa, Eebaana wax maqle ah wax og

Verse 7 — Surah Ad-Dukhan 44:7

Waana Eebaha samooyiinka iyo Dhulka iyo waxa u dhaxeeya haddaad yaqiinsanaysaan

Verse 8 — Surah Ad-Dukhan 44:8

Ilaahay mooyee Eebe kalane ma jiro, isagaa wax nooleeya waxna dila, waana Eebihiina iyo Eebaha Aabbayaalkiinii horreeyey

Verse 9 — Surah Ad-Dukhan 44:9

Waxayse ku suganyihiin shaki wayna ciyaari

Verse 10 — Surah Ad-Dukhan 44:10

Ee sug Maalinta uu ku imaan Cirku qiiq muuqda (isagoo ku dheehan)

Verse 11 — Surah Ad-Dukhan 44:11

Oo dabooli Dadka kaasina waa cadaab daran

Verse 12 — Surah Ad-Dukhan 44:12

Waxayna dheheen Eebow naga fayd cadaabka waxaan nahay Mu'miniine

Verse 13 — Surah Ad-Dukhan 44:13

Goormay waantoobi isagoos u yimid Rasuul cad «muuqda»

Verse 14 — Surah Ad-Dukhan 44:14

Markaasay ka, jeedsadeen Nabiga waxayna dheheen waa waxlabare waalan

Verse 15 — Surah Ad-Dukhan 44:15

Anagu waxaan idiinka faydaynaa cadaabka wax yar idinkuna waxaad ku noqonaysaan xumaanta

Verse 16 — Surah Ad-Dukhan 44:16

Maalintaan qabanayno qabashada wayn (Qiyaamada) (ama Badar) waanu aarsan

Verse 17 — Surah Ad-Dukhan 44:17

Dhab ahaanbaan Imtixaanay hortood qoomkii Fircoon, waxaana u yimid Rasuul sharaf leh

Verse 18 — Surah Ad-Dukhan 44:18

Isagoo dhihi iidhiiba addoomada Eebe (ama maqalka) waxaan idiin ahay Rasuul aamin ah

Verse 19 — Surah Ad-Dukhan 44:19

Hana iska wayneynina Eebe waxaan idiin la imid xujo cade

Verse 20 — Surah Ad-Dukhan 44:20

Waxaana ka magangalay Eebahay iyo Eebihiin inaad idhagaxyeysaan

Verse 21 — Surah Ad-Dukhan 44:21

Ee hadaydaan i rumeyn iga fogaada (idaaya)

Verse 22 — Surah Ad-Dukhan 44:22

wuxuuna u qaylyey Eebihiis in kuwaasu yihiin Qoom dambiila yaal ah

Verse 23 — Surah Ad-Dukhan 44:23

guuri addoomadayda Habeenimo, waa laydin raaciye

Verse 24 — Surah Ad-Dukhan 44:24

kana tag badda iyadoo xasilloon oo furan iyagu waa col la maanshayne

Verse 25 — Surah Ad-Dukhan 44:25

imisey ka tageen Beero iyo Ilo

Verse 26 — Surah Ad-Dukhan 44:26

iyo Tallaal iyo meel sharaf leh

Verse 27 — Surah Ad-Dukhan 44:27

iyo Nicmooyin ay ku raaxaysanayeen

Verse 28 — Surah Ad-Dukhan 44:28

xaalkuna waa saas, waxaana dhaxalsiinay qoom kale

Verse 29 — Surah Ad-Dukhan 44:29

uma ooyin samada iyo Dhulku korkooda, lamana sugin

Verse 30 — Surah Ad-Dukhan 44:30

waana ka korinay ree Bani Israa'iil cadaab wax duleeya

Verse 31 — Surah Ad-Dukhan 44:31

(Fircoombaan ka korinay) wuxuuna ahaa isla weyne xadgudbayaasha ka mid ah

Verse 32 — Surah Ad-Dukhan 44:32

waxaana ka dooranay (dadkii waqtigoodii) anagoo og

Verse 33 — Surah Ad-Dukhan 44:33

waxaana siinay aayado imtixaan cad kusuganyahay

Verse 34 — Surah Ad-Dukhan 44:34

kuwaasi (Gaaladu) waxay dhihi

Verse 35 — Surah Ad-Dukhan 44:35

arrintu ma aha geerida hore mooyee, mana nihin kuwo la soobixin

Verse 36 — Surah Ad-Dukhan 44:36

noo keena aabayowgano haddaad run sheegaysaan

Verse 37 — Surah Ad-Dukhan 44:37

miyagaa khayr roon mise qoomkii Tubax iyo kuwii ka horreeyey waan halaagnay waxayna ahaayeen dambiilayaal

Verse 38 — Surah Ad-Dukhan 44:38

Samooyinka iyo Dhulka iyo waxa u dhaxeeya umaanaan abuurin ciyaar

Verse 39 — Surah Ad-Dukhan 44:39

mana aanaan u abuurin wax aan xaq ahayn hasa yeeshee badankood ma oga

Verse 40 — Surah Ad-Dukhan 44:40

maalinta kala bixinta yaa ballan u ah dhamaan

Verse 41 — Surah Ad-Dukhan 44:41

waana Maalintaan Qaraabanimo waxba laysugu tarayn laysuna gargaarayn

Verse 42 — Surah Ad-Dukhan 44:42

cid Eebe u naxariisto mooyee, illeen waz adkaade naxariistee

Verse 43 — Surah Ad-Dukhan 44:43

Verse 44 — Surah Ad-Dukhan 44:44

waa cunnada dambi badanaha

Verse 45 — Surah Ad-Dukhan 44:45

waana Laami oo kale kuna kari Caloosha

Verse 46 — Surah Ad-Dukhan 44:46

sida Xamiimka (Kulayl daran) oo kale

Verse 47 — Surah Ad-Dukhan 44:47

(waxaana lagu dhihi) qabta Gaalka una Jiida Jaximo dhexdeeda

Verse 48 — Surah Ad-Dukhan 44:48

markaas ku shuba Madaxiisa korkiisa cadaab kulul

Verse 49 — Surah Ad-Dukhan 44:49

(waxaana lagu dhihi) dhadhami (Cadaabka) waxaad tahay adkaade sharaflehe

Verse 50 — Surah Ad-Dukhan 44:50

kaasina waa kaad ahaydeen kuwo shakiya (Cadaabka)

Verse 51 — Surah Ad-Dukhan 44:51

kuwa dhawrsadana waxay kusugnaan meel aamin ah

Verse 52 — Surah Ad-Dukhan 44:52

Jannooyin iyo Ilo (yey kusugnaan)

Verse 53 — Surah Ad-Dukhan 44:53

waxayna xidhan Xariir jilicsan iyo mid adag (oo dhalaali) wayna is qaabili

Verse 54 — Surah Ad-Dukhan 44:54

saasoo kale waxaa usugnaaday Haween Indho waaweyn

Verse 55 — Surah Ad-Dukhan 44:55

waxayna uyeedhan Janada dhexdeeda Khudaar kasa iyagoo aamin ah

Verse 56 — Surah Ad-Dukhan 44:56

mana ku dhadhamiyaan Jannada dhexdeeda Geeri, Geeridii hore mooyee wuxuuna ka dhawray (Eebe) Cadaabka Jaxiimo

Verse 57 — Surah Ad-Dukhan 44:57

waana fadliga Eebahaa, taasina waa liibaanta wayn

Verse 58 — Surah Ad-Dukhan 44:58

waxaan ugu fududaynay Quraanka Carrabkaaga inay waantoobaan

Verse 59 — Surah Ad-Dukhan 44:59

ee sug iyaguna way sugiye