Back to Languages

Somali - Chapter 46 - Al-Ahqaf

Translation by Mahmud Muhammad Abduh — Permalink

Verse 1 — Surah Al-Ahqaf 46:1

Waxay ku Tusin mucjisada Quraanka ee wayn, Eebaa ogna waa la dhahaa

Verse 2 — Surah Al-Ahqaf 46:2

Kitaabka (Quraanka) ah wuxuu ka soo dagay Eebaha adkaada ee falka san xaggiisa

Verse 3 — Surah Al-Ahqaf 46:3

Samaawaadka iyo dhulka iyo waxa u dhexeeyana waxaan xaq iyo muddo magacaaban ahayn uma aannaan abuurin, kuwii gaaloobayna wixii loogu digay (ee quraanka) ah way ka jeedsadeen

Verse 4 — Surah Al-Ahqaf 46:4

Waxaad Dhahdaa nabiyoow bal ka warrama waxaad caabudaysaan ee Eebe ka soo hadhay ina tusiya waxay ku abuureen dhulka, ama shirkad ah oy ku leeyihiin Samaawaadka, ii keena (oo i tusiya) Kitaab Quraanka, ka horreyay, ama wax raad cilmi ah, haddaad run sheegeeysaan

Verse 5 — Surah Al-Ahqaf 46:5

Wax ka dulmi badan ma jiro ruux baryi Eebe ka sokow waxaan ajiibeynin (maqleyn) tan iyo qiyaamada, baryadoodana halmaansan (ogyn)

Verse 6 — Surah Al-Ahqaf 46:6

Marka dadka la soo kulmiyana u noqondoona kuwii caabudi jira, col, Inay caabudi jireenna dafiri

Verse 7 — Surah Al-Ahqaf 46:7

Marka gaalada lagu dul akhriyo aayaadkannaga (quraanka) oo cad waxay dhahaan kuwa gaalada ah markuu u yimid xaqu kani waa sixir cad

Verse 8 — Surah Al-Ahqaf 46:8

Waxay dhihi waa been uu abuurtay (Nabigu), Waxaad dhahdaa haddaan been abuurto waxba iigama taraysaan Eebe xaggiisa, isagaana og waxaad dhumbanaysaan, (oo been ah) Eebaana marag ugu filan dhexdeenna, waana dambi dhaafe naxariista ah

Verse 9 — Surah Al-Ahqaf 46:9

Waxaad dhahdaa ma ihi bidei ka gaar ah Rasuullada, mana ogi waxa lagu fali aniga iyo idinka, waxaan uun raaci waxa lay waxyoodo (ee quraanka ah) waxaana ahay u dige cad (oo muuqda)

Verse 10 — Surah Al-Ahqaf 46:10

Waxaad Dhahdaa bal ii warrama hadduu Quraanku Eebe ka soo dagay ood ka gaalowdaan oo uu ka marag furo marag ree Bani'iisraaiil ah isaga oo kale (xaqnimada iyo runta) oo uu rumeeyay idinkuna aad is kibriseen, Eebana ma hanuuniyo kuwa dulmilowga ah

Verse 11 — Surah Al-Ahqaf 46:11

Gaaladii waxay dheheen hadduu Quraanku khayr yahay noogama hormareen rumayntiisa, iyagoon hanuunsanayn gaaladu yay haddana dhihi kan (Quraanka ah) waa beenihii hore

Verse 12 — Surah Al-Ahqaf 46:12

Quraanka waxaa ka horreeyay kitaabkii (Nabi) Muuse, isagoo ah hanuuniye iyo naxariis, kanna waa kitaab u rumayn (xaqa). Af carabina ku soo dagay, si uu ugu digo kuwa dulmiga falay, uguna bishaareeyo kuwa wanaagga falay

Verse 13 — Surah Al-Ahqaf 46:13

kuwa yidhi Eebahanno waa Alle haddana toosnaaday cabsi iyo murugi midna ma arkaan

Verse 14 — Surah Al-Ahqaf 46:14

Kuwaasna waa ehlu-Janno wayna ku waari dhexdeeda, abaalmarin camalkoodii (wanaagsanaa) darteed

Verse 15 — Surah Al-Ahqaf 46:15

Dadka waxaan u dardaarannay labadiisii Waalid inuu u wanaag falo, Hooyadiis uurkay ku sidday iyadoo dhibban wayna dhashay iyadoo dhibban, uurkiisa iyo gudhintiisuna waa Soddon bilood, markuu ilmihii tabar yeesho oo Afartan gaadho yuu (kan fiican) dhahaa eebow igu toosi inaan kugu mahadiyo nicmadaada aad iigu nicmaysay Aniga iyo waaliddiintay, iguna toosi inaan camal fiican ood ka raalli tahay falo, iina wanaaji faracayga, waaba kuu toobadkeenaye, waxaana ka mid ahay muslimiinta

Verse 16 — Surah Al-Ahqaf 46:16

Kuwaasi waa kuwaannu ka aqbalayno camalkoodii fiicnaa, kana dhaafayno koodii xumaa, waxayna noqon ehelu-Janno Eebana wuxuu u yaboohay yabooh run ah

Verse 17 — Surah Al-Ahqaf 46:17

Waxaa jira mid ku dhihi labadiisii waalid Ufbaa la idin yidhi ce ma waxaad ii yaboohaysaan in la i sou bixin iyadoo dadkii horaba lagay, Labada waalidna ay Eebe uga baryi (hanuun), iyagoo ku dhihi magacaa ba'; ee rumee, ballanqaadka Eebana waa xaqe, oo markaas ku dhihi waxaasi waa beentii dadkii hore

Verse 18 — Surah Al-Ahqaf 46:18

Kuwaasi waa kuwa caddibaadi u sugnaatay, iyagoo ka mid noqon kuwii horay u tagey oo Jinni iyo Insiba leh, waxayta ahaayeen kuwa khasaaray

Verse 19 — Surah Al-Ahqaf 46:19

Cid walba waxay mudan waxay camal fashay Eebana wuu u oofin camalkooda iyagoon la dulmiyaynin

Verse 20 — Surah Al-Ahqaf 46:20

(Xusuuso) maalinta kuwii gaaloobay loo bandhigi Naarta, iyagoo lagu dhihi waxaad wanaaggiinii ku dhamaysateen noloshiinnii dhawayd, waadna ku raaxaysateen, maantase waxaa laydinku abaal marin caddibaad dulli ah, iskibrintiinnii aad xaq darro isula weeyneeydcen iyo faasiqnimadiinna darteed

Verse 21 — Surah Al-Ahqaf 46:21

Xusuuso Ree caad walaalkood (Nabi huud) markuu u digay qoomkiisii iyagoo daggan Axqaaf, iyagoo Rasuullo wax u diga ka horreeyeen kana dambeeyeen, isagoo ku dhihi Eebe mooyee wax kale ha caabudina, waxaan idiinka yaabi caddibaad maalin wayn

Verse 22 — Surah Al-Ahqaf 46:22

Waxay ku dheheen ma waxaad noola timid inaad naga iisho Ilaahyadannada, noo keen waxaad noogu doogiyayso haddaad run sheegeyso

Verse 23 — Surah Al-Ahqaf 46:23

Wuxuuna ku yidhi Eebaa ku cilmi leh (goorta caddibaaddiinna) ee anugu waxaan idin gaadhsiin waxa layfaray inaan gaadhsiiyo, waxaanse idinku arkaa kuwa jaahiliin ah

Verse 24 — Surah Al-Ahqaf 46:24

Markay Gaaladii Reer caad arkeen caddibaaddii (Sida daruur) oo Toggooda soo qaabishay waxay, dheheen waa Daruur nawaraabinaysa, Ma aha ee waa waxaad dadajisanayseen inuu timaaddo oo caddibaad ah, waana dabayl caddibaad darani ku jirto

Verse 25 — Surah Al-Ahqaf 46:25

Wax kasta oy martana way burburin amarka Eebe dartiis, markaasay ahaadeen kuwa aan la arkaynin Guryohoodii mooyee, saasaana ku abaal marinnaa kuwa dambiilayaasha ah

Verse 26 — Surah Al-Ahqaf 46:26

Waxaan makaninnay (siinnay) Ree caad wax aannaan idin makaninnin, waxaana u yeellay maqal, arag iyo Quluub, waxbase uma tarin Maqalkoodii, Araggoodii iyo Quluubtoodii, Maxayeelay Waxay diidayeen Aayaadka Eebe, waxaana ku dhacay (oo koobay) caddibaadii ay ku jees jeesayeen

Verse 27 — Surah Al-Ahqaf 46:27

Waxaan halaagnay wixii gaararkiinna ahaa oo Magaalooyin ah, xujuuyinkana waan caddaynay si dadku Eebe ugu noqdo

Verse 28 — Surah Al-Ahqaf 46:28

Maxay ugu gargaariwaayeen kuway ilaahyaal ay u dhawaadaan ka dhigteen Eebe ka sokow, way ka dhumeen, taasina waa beentoodii iyo war abuurashadoodii

Verse 29 — Surah Al-Ahqaf 46:29

Xusuuso markaan kuu soo iilnay koox Jinni ah oo Quraanka dhagaysan, markay yimaadeen (meeja lagu akhriyina) ay isu dheheen dhagaysta, markuu la dhammeeyayna ay ciddoodii ku noqdeen iyagoo u digi

Verse 30 — Surah Al-Ahqaf 46:30

Oo ku dhihi qoomkannow waxaan maqallay Kitaab (Quraan) la soo dajiyay (Nabi) Muuse ka dib oo rumayn Kitaabihii ka horreeyey, kuna hanuunin xaq iyo waddada toosan

Verse 31 — Surah Al-Ahqaf 46:31

Qoomkannow ajiiba (raaca) uyeedhaha xaqa Eebe, rumeeyana, dambigiinna Eebe ha dhaafee, hana idinka koriyo caddibaad darane

Verse 32 — Surah Al-Ahqaf 46:32

Ruuxaan ajiibin (raacin) uyeedhaha Eebe kuma daaliyo Eebe dhulka dhexdiisa (kama cararo) wax Eebe ka soo hadhay oo u gargaarina ma jiro, kuwaas «aan maqlaynin yeedhidda Eebana» waa kuwa baadi cad ku sugan

Verse 33 — Surah Al-Ahqaf 46:33

Miyeeyna ogayn Eebaha abuuray Samaawaadka iyo dhulka aan kana noogin abuurkooda inuu karo inuu soo nooleeyo wixii dhintay, saas ma aha ee Eebe wax walba oo uu doono wuu karaa

Verse 34 — Surah Al-Ahqaf 46:34

Maalinta kuwii gaaloobay loo bandhigi Naarta waxaa lagu odhan Miyuuna xaq ahayn kan (caddibaadda ah) markaasay dhahaan Eebaan ku dhaawannaye waa xaq, Eebe wuxuu ku dhahaa dhadhamiya caddibaadda Gaalnimadiinna darteed

Verse 35 — Surah Al-Ahqaf 46:35

Usamir siday u samreen kuwii sugnaanta iyo niyadda u saaxiibka ahaa ee rasuullada ahaa, hana ku dagdagin in la caddibo waxay la midnoqon markay arkaan waxa loogu goodiyay ineeyan ku nagaanin Adduunka Saacad maalin ah waxaan ahayn, Quraankuna waa gaadhsiin, kuwa faasiqiinta ah umbaana la halaagaa