Back to LanguagesPrevious ChapterNext Chapter
Somali - Chapter 50 - Qaf
Translation by Mahmud Muhammad Abduh — Permalink
Verse 1 — Surah Qaf 50:1
Eebe wuxuu ku dhaartay Quraanka sharafta leh (in dadka la soo bixin)
Verse 2 — Surah Qaf 50:2
Waxayse La yaabeen inuu u yimid dige ka mid ah oy markaas dheheen gaaladii kan waa wax la yaab leh
Verse 3 — Surah Qaf 50:3
Ma markaan dhimanno oon carro noqonno yaa nala soo celin, taas waa soo celin fog
Verse 4 — Surah Qaf 50:4
Waan ognahay waxa dhulku ka cunay jidhkooda, agtannadana waxaa yaallaa Kitaab koobay wax walba, oo ilaashan
Verse 5 — Surah Qaf 50:5
Waxaybase beeniyeen xaqii markuu u yimid, waxayna ku suganyihiin xaal qasan
Verse 6 — Surah Qaf 50:6
Miyayna eegin Samada korkooda ah sidaan u dhisnay una qurxinay ayna duleella u lahayn
Verse 7 — Surah Qaf 50:7
Dhulkana waan waasicinnay waxaana ku sugnay Buuro, waxaana ka soo bixinnay dhexdiisa nooc kasta oo quruxsan
Verse 8 — Surah Qaf 50:8
Inay aragti iyo waano u noqoto Ruux kasta oo Addoon Eebe oo toobad keen badan ah
Verse 9 — Surah Qaf 50:9
Waxaan ka soo dajinnay samada Biyo barakaysan oon ku soo bixinnay Beero iyo Midho la goosta
Verse 10 — Surah Qaf 50:10
Iyo timir dheer oo fidsan oo leh fiido wax ka soo dhashaan oo is dul saaran
Verse 11 — Surah Qaf 50:11
Si Addoommada Eebe loogu irsaaqo, Biyahaana waxaan ku noolaynay Magaalo dhimatay, saasayna soo bixintu tahay
Verse 12 — Surah Qaf 50:12
Kuwa Reer Makaad hortooda waxaa xaqii beeniyay Qoomkii (Nabi) Nuux iyo Rasi dadkeedii iyo thamuud
Verse 13 — Surah Qaf 50:13
Iyo Ree Caad iyo Fircoon iyo (Nabi) Luudh walaalihiis (qoomkiisii)
Verse 14 — Surah Qaf 50:14
Iyo kayntii dadkeedii (Nabi Shucayb qoomkiisii) iyo Qoomkii Tubbac, dhammantood waxay beeniyeen Rasuulladdi, waxaana ku dhacay wixii Eebe ugu goodiyay (ciqaabtii)
Verse 15 — Surah Qaf 50:15
Ma waxaan ka noognay abuuriddi hore, waxayse shakisan yihiin abuuridda cusub (soo bixinta)
Verse 16 — Surah Qaf 50:16
Dhab ahaan yaan u abuurray Insaanka (dadka) waana ognahay waxay naftiisu ku waswaasin Annagaana ugsa dhaw xididka dhuunta
Verse 17 — Surah Qaf 50:17
Markay kulmi malaa'igta ilaalinaysa oo Midigta iyo bidixda ka fadhida
Verse 18 — Surah Qaf 50:18
Wax kastoo lugu hadlo waxaa la jooga Raqiib iyo Catiid (oo qori)
Verse 19 — Surah Qaf 50:19
Waxaa u yimid sakaraadkii geerida si dhab ah wanataas geeridaad ka cararaysay
Verse 20 — Surah Qaf 50:20
Suurkii (Qiyaamana) waa la afuufi waana Maalin laysu yaboohay (oo sugan)
Verse 21 — Surah Qaf 50:21
Naf walba way iman iyadoo malag hoggaamin midna ku marag furi
Verse 22 — Surah Qaf 50:22
Waxaana loo odhan waad halmaansanaydeen ariintan (Qiyaamada) waxaana kaafaydnay daboolkii araggaaguna Maanta waa xoog badan yahay
Verse 23 — Surah Qaf 50:23
Malaggi la xidhiidhayna wuxuu dhihi waa kan waana darbanyahay, (kiilayxilsaaray)
Verse 24 — Surah Qaf 50:24
Markaasaa lugu dhihi ku tuura Naarta Jhannamo Gaalnimo badane madax adag dhammaantiis
Verse 25 — Surah Qaf 50:25
Oo khayrka reebidbadan gardarraloowna ah shakiilowna ah
Verse 26 — Surah Qaf 50:26
Ee Eebe miciisa Ilaah kale yeelay, ku tuura caddibaad daran
Verse 27 — Surah Qaf 50:27
Saaxiibkiisii (shaydaankiisii) wuxuu dhihi Eeboow anigu ma dhuminnin laakiin isagaa baadi fog ku sugnaa
Verse 28 — Surah Qaf 50:28
Eebe wuxuu dhihi ha ku murmina agtayda waan idiin hormariyay gooddigii
Verse 29 — Surah Qaf 50:29
Hadalla agtayda laguma baddalo, mana dulmiyo addoomada
Verse 30 — Surah Qaf 50:30
Xusuusta Maalinta u dhahayno Naarta Jahannama Ma buuxsantay, oo markaa ay dhihi wax ma la ii siyaadin
Verse 31 — Surah Qaf 50:31
Jannadiina loo so dhaweeyo kuwii dhawrsaday iyadoon ka fogayn
Verse 32 — Surah Qaf 50:32
Waxaasina waa wixii loo yaboohay Ruux kasta oo tawbadkeen badan oo dhawrid badan (ballaanka)
Verse 33 — Surah Qaf 50:33
Ruuxii Eebaha Raxmaan ah ka yaaba isagoon arkaynin, oo la yimaada Qalbi toobadkeen badan
Verse 34 — Surah Qaf 50:34
Waxaa lugu dhihi ku gala Jannada Nabadgalyo waana Maalintii waariddee
Verse 35 — Surah Qaf 50:35
Jannada waxay ka heliwaxay doonaan, agtannadana waxaa ah siyaado
Verse 36 — Surah Qaf 50:36
Imisa Qarniyaan halaagnay Reer Makaad ka hor oo kana xoogbadan iyagoo dhulka ku gagaddoomay, meel Eebe looga cararana ma jirto
Verse 37 — Surah Qaf 50:37
Waxaasina waa waanada ruuxii qalbi leh ama wax dhagaysan isagoo Qalbigiisu joogo
Verse 38 — Surah Qaf 50:38
Dhabahaan annagaa Samaawaadka iyo Dhulka iyo waxa u dhaxeeya ku abuura lix maalmood, wax daal ahna nama taabanin
Verse 39 — Surah Qaf 50:39
Ku samir (Nabiyow) waxay sheegayaan, Eebana u tasbiixso adigoo ku mahadin qorrax soo bax ka hor iyo dhicidda ka hor
Verse 40 — Surah Qaf 50:40
Habeenkana qaar u tasbiixso iyo sujuudda dabadeed
Verse 41 — Surah Qaf 50:41
Dhagayso Maalinta uu ka dhawaaqi mid dhawaaqa meel dhaw
Verse 42 — Surah Qaf 50:42
Waa ay maqli qaylada oo dhab ah, waana Maalinta soo bixidda
Verse 43 — Surah Qaf 50:43
Annagaa waxna noolaynna waxna dilla, xaggannagaana loo soo ahaan
Verse 44 — Surah Qaf 50:44
Maalinta Dhulka ka dillaaci iyagoo dagdagi, taasina waa soo kulmin noo fudud
Verse 45 — Surah Qaf 50:45
Annagaa og waxay dhihi, aduguna matihid mid xoogi korkooda, ee ku waani Quraanka Ruuxii Eebe waciidkiisa (goodigiisa) ka yaabi