Back to LanguagesPrevious ChapterNext Chapter
Somali - Chapter 52 - At-Tur
Translation by Mahmud Muhammad Abduh — Permalink
Verse 1 — Surah At-Tur 52:1
(Eebe wuxuu ku dhaartay) Dhuurisiina
Verse 2 — Surah At-Tur 52:2
Iyo Kitaabka la dhigay
Verse 3 — Surah At-Tur 52:3
Oo ku qoran warqado la fidiyay
Verse 4 — Surah At-Tur 52:4
Iyo Gurigii cammirraa (Beytulmacmuur)
Verse 5 — Surah At-Tur 52:5
IYo saanqaafka la koryeelay (cirka)
Verse 6 — Surah At-Tur 52:6
Iyo Baddii la kululeeyay
Verse 7 — Surah At-Tur 52:7
Ee caddibaadda Eebe waa wax dhici (sugan)
Verse 8 — Surah At-Tur 52:8
wax celinna ma jiro
Verse 9 — Surah At-Tur 52:9
Waxay dhici caddibaaddaas Maalinta Samadu wareegi
Verse 10 — Surah At-Tur 52:10
Buuruhuna socon
Verse 11 — Surah At-Tur 52:11
Halaagna waxaa iska leh maalintaas kuwa xaqa beeniyay
Verse 12 — Surah At-Tur 52:12
Ee ah kuwa tiimbashada xumaanta ku dhex ciyaari
Verse 13 — Surah At-Tur 52:13
Maalinta Naarta xoog loogu tuurina (waxa lagu dhihi)
Verse 14 — Surah At-Tur 52:14
Waatan Naartii aad beenin jirteen
Verse 15 — Surah At-Tur 52:15
Ma sixirbaa, mase waxbaydaan arkayn
Verse 16 — Surah At-Tur 52:16
Gala, ama samra ama ha samrine, waa isugu kiin mid, waxaa uun laydinka abaalmarin waxaad camal falayseen
Verse 17 — Surah At-Tur 52:17
Kuwa Eebe ka dhawrsaday waxay gali Jannooyin iyo Nicmo
Verse 18 — Surah At-Tur 52:18
Iyaga oo ku raaxaysan waxa Eebe siiyay, Eebohoodna wuxuu ka dhawray caddibaadda Jaxiiimo
Verse 19 — Surah At-Tur 52:19
(Waxaana lagu dhihi) cuna oo cabba idinkoo shifaysan camalkiinnii dartiis
Verse 20 — Surah At-Tur 52:20
Idinkoo ku dangiiga Sariiro la safay, waxaanna (Eebe) u guurin Haween Janno (Xuuralcayn)
Verse 21 — Surah At-Tur 52:21
Kuwa xaqa rumeeyay ee carurtooduna Iimaanka ka raacday waxaannu haleeshiin carruurtooda (Darajada iyo naxariista), camalkoodana waxba kama nusqaaminayno, Ruuxwalbana wuxuu kasbaday yuu u rahmanaan «u xidhnaani»
Verse 22 — Surah At-Tur 52:22
waxaannu u badinnay faakiho iyo Hilib oo ah waxay jecelyihiin
Verse 23 — Surah At-Tur 52:23
Waxayna isku siin Jannada dhexdeeda (iyagoo sheekeysan) Weel (Macaan) kabuuxo, oon hadal xun iyo dambi midna lahayn
Verse 24 — Surah At-Tur 52:24
Waxaana u adeegi wiilal aad moodo Jawhar la dhawray
Verse 25 — Surah At-Tur 52:25
Qaarkood (ehlu-Jannaha) yaa qaarka kale qaabila iyagoo wax is waydiin
Verse 26 — Surah At-Tur 52:26
Waxayna isu dheheen waxaan ahayn horay Adduunkii kuwo ehelkoodii dhexdiisa ku cabsada
Verse 27 — Surah At-Tur 52:27
Eebaase nagu mannaystay (dambi dhaaf), wuxuuna naga dhawray caddibaadda Samuumka (Jahannama)
Verse 28 — Surah At-Tur 52:28
Waxaan ahayn horay kuwo barya Eebe, Ilaahayna waa Baarrii naxariista
Verse 29 — Surah At-Tur 52:29
Ee waani (Nabiyow dadka), nicmada darteed ma tihid wax sheege iyo waalane midnee
Verse 30 — Surah At-Tur 52:30
Mise waxay dhihi waa gabayaa ee aan la sugno Geerida
Verse 31 — Surah At-Tur 52:31
Waxaad dhahdaa suga anna waan idin la sugiye
Verse 32 — Surah At-Tur 52:32
Mise caqligooda (xun) yaa saas faray, ma aha ee waa Qoom xadgudbay
Verse 33 — Surah At-Tur 52:33
Mise waxaydhihi isagaa abuurtay (Quraanka) waxba ma ayan rumeynin
Verse 34 — Surah At-Tur 52:34
Ha la yimaadeen hadal la mid ah hadday Run sheegi
Verse 35 — Surah At-Tur 52:35
Mise waxaa la abuuray abuure la'aan, mise iyagaa abuuray (naftooda)
Verse 36 — Surah At-Tur 52:36
Mise iyagaa Samaawaadka iyo Dhulka abuuray, saas ma aha ee wax ma ayan yaqiininin
Verse 37 — Surah At-Tur 52:37
Mise agtoodaa khayraadka Eebe yaallaa, Mise iyagaa xisaabin dadka
Verse 38 — Surah At-Tur 52:38
Mise waxay leeyihiin Sallaan ay wax ku Dhageeystaan, ha la yimaado kooda wax dhaagaystay xujo cad
Verse 39 — Surah At-Tur 52:39
Mise Eebaa Gabdho u sugnaaday idinkana wiilal
Verse 40 — Surah At-Tur 52:40
Mise waxaad warsan Nabiyow ujuuro, oo markaas ku cuslaatay
Verse 41 — Surah At-Tur 52:41
Mise waxa maqanbaa agtooda ah oo ay qoraan
Verse 42 — Surah At-Tur 52:42
Mise Dhagar Bay Rabaan, kuwa gaaloobay iyagaa dhakran
Verse 43 — Surah At-Tur 52:43
Mise Ilaah Eebe ka soo hadlay leeyhiin, Eebaa ka fog waxay la wadaajiyeen «Ilaah-nimada»
Verse 44 — Surah At-Tur 52:44
Hadday arkaan goosin ka mid ah Samada oo soo dhacaysa waxay odhan waa Daruuro is dulsaaran (madax adayg dartiis)
Verse 45 — Surah At-Tur 52:45
Ee iskaga tag Nabiyow intay kala kulmaan maalinta dhexdeeda lagu halaagi doono
Verse 46 — Surah At-Tur 52:46
Maalinta ayan dhagartoodu wax u taraynin wax u gargaarana uusan jirin
Verse 47 — Surah At-Tur 52:47
Kuwa xad gudbay waxaa u sugnaaday caddibaad ka sokaysa (Qiyaamada), laakiin badankoodu ma oga
Verse 48 — Surah At-Tur 52:48
Ee ku samir xukunka Eebahaa (Nabiyow) annagaa ku ilaalinaynee, kuna; tasbiixso oo ku mahadi Eebahaa markaad kici
Verse 49 — Surah At-Tur 52:49
Habeenka qaarkiisna tuko, iyo marka xiddiguhu jeedsadaan