Haddaad aragto Munaafiqiinta waad la yaabi Jidhkooda, muuqooda, hadday hadlaanna waad dhagaysan hadalkooda, waxaadse moodaa dogobyo la tiirtiiriyey, qayladii yeedhabana way ka cabsadaan, waa Col kuwaasi, Eebena ha lacnado ee xagee loo duufsan
Waa kuwa dhihi (Munaafiqiintu) ha quudinina kuwa Rasuulka la jooga intay ka kala tagaan, Eebaa iska leh khasnadaha Samaawaatka iyo Dhulka, haseyeeshee Munaafiqiintu ma fahansana
Munaafiqiintu waa kuwa dhihi haddaan Madiino u noqonno waa in kuwa tabarta lihi ka bixiyaan Magaalada kuwa dullaysan, tabar iyo Sharaf Eebaa iska leh Rasuulkiisa iyo Mu'miniinta, haseyeeshee Munaafiqiintu ma oga