Back to Languages

Somali - Chapter 69 - Al-Haqqah

Translation by Mahmud Muhammad Abduh — Permalink

Verse 1 — Surah Al-Haqqah 69:1

Maalinta Xaaqo (Qiyaamadu waa wax sugan)

Verse 2 — Surah Al-Haqqah 69:2

Verse 3 — Surah Al-Haqqah 69:3

inaadan aqoon ma laga yaabaa xaaqada

Verse 4 — Surah Al-Haqqah 69:4

Waxa beeniyeen Reer «Thamuud» iyo «Caadba» Qiyaamada

Verse 5 — Surah Al-Haqqah 69:5

Thamuudse waxaa lagu halligay Qaylo daran

Verse 6 — Surah Al-Haqqah 69:6

Caadna waxaa lagu halligay Dabayl daran oo qabow

Verse 7 — Surah Al-Haqqah 69:7

oo lagu diray korkooda Toddoba habeen iyo Siddeed Maalmood oo iraacsan, waxaadna arkaysaa iyagoo daadsan ood mooddo jirrid Timir (dogob dhacay)

Verse 8 — Surah Al-Haqqah 69:8

wax ka hadhay miyaad aragtaa

Verse 9 — Surah Al-Haqqah 69:9

Fircoon iyo kuwii ka horreeyeyna waa jireen iyo kuwii gafsanaa ee la daba geddiyey (Nabi Luudh Qoomkiisi)

Verse 10 — Surah Al-Haqqah 69:10

Waxay Caasiyeen rusushii Eebahood Markaasuu si daran u qabtay

Verse 11 — Surah Al-Haqqah 69:11

Markay Biyihii xad dhaafeen (Waqtigii Nabi Nuux) waxaan idinku xambaarnay (Awoow yaalkiin) Doontii

Verse 12 — Surah Al-Haqqah 69:12

si aan uga yeelno waano ay una xafiddo dhag wax maqasha

Verse 13 — Surah Al-Haqqah 69:13

Marka Suurka la afuufo hal mar

Verse 14 — Surah Al-Haqqah 69:14

Dhulka iyo Buurahana la xambaaro oo la burburiyo hal mar

Verse 15 — Surah Al-Haqqah 69:15

Maalintaasay Qiyaamadu dhacaysaa

Verse 16 — Surah Al-Haqqah 69:16

Samaduna Maalintaas way dillaaci wayna tabar yaraan

Verse 17 — Surah Al-Haqqah 69:17

Malaa'igtuna Cirka gaararkiisa yey ahaan Maalintaas, Carshiga Eebana waxaa dadka korkiisa ku xambaari Maalintaas Siddeed Malag

Verse 18 — Surah Al-Haqqah 69:18

Maalintaasaa dadka loo soo bandhigi Eebe wax xagooda kaga qarsoonna ma jiro

Verse 19 — Surah Al-Haqqah 69:19

Ruuxiise Kitaabkiisa midigta laga siiyo wuxuu dhihi (farax daraadiis) akhriya Kitaabkayga

Verse 20 — Surah Al-Haqqah 69:20

Waxaan yaqiinsanaa (Adduunka) inaan la kulmi Xisaabtayda

Verse 21 — Surah Al-Haqqah 69:21

wuxuu ruuxaasi ku noolaan nolol laga raalli yahay

Verse 22 — Surah Al-Haqqah 69:22

Wuxuuna geli «Janno» sarreeysa

Verse 23 — Surah Al-Haqqah 69:23

Midhaheeduna u dhaw yihiin (Ruuxa guran)

Verse 24 — Surah Al-Haqqah 69:24

Waxaana lagu dhihi Cuna oo Caba idinkoo shifaysan Camalkaad hor marsateen ayaamihii tegay daraadiis (Adduunkii)

Verse 25 — Surah Al-Haqqah 69:25

Ruuxiise Kitaabkiisa laga siiyo Bidixda wuxuu dhahayaa Magacayba'ee maan la i siinin Kitaabkayga

Verse 26 — Surah Al-Haqqah 69:26

Xisaabtaydana maanan ogaanin

Verse 27 — Surah Al-Haqqah 69:27

Magaacayba'ee maxaan u soo noolaaday

Verse 28 — Surah Al-Haqqah 69:28

Xoolahaygi wax iima tarin

Verse 29 — Surah Al-Haqqah 69:29

Waxaa lumay awooddaydii (iyo xujadaydii)

Verse 30 — Surah Al-Haqqah 69:30

Waxaa loo odhan qabta oo Gacmihiisa iyo luquntiisa isku xira

Verse 31 — Surah Al-Haqqah 69:31

Naarta Jahannamada geliya

Verse 32 — Surah Al-Haqqah 69:32

Markaas geliya Silsilad Todobaatan dhudhun ah

Verse 33 — Surah Al-Haqqah 69:33

maxaayeelay wuxuu ahaa kaan rumaynin Eebaha weyn

Verse 34 — Surah Al-Haqqah 69:34

aana fari jirin in Masaakiinta wax la siiyo

Verse 35 — Surah Al-Haqqah 69:35

Maanta (Qiyaamada) kuma leh Saaxiib

Verse 36 — Surah Al-Haqqah 69:36

Cuunana kuma leh aan ahayn dhaacaanka «Ehlu Naarka»

Verse 37 — Surah Al-Haqqah 69:37

Cunnadaasna ma cuno kuwa gafay waxaan ahayn (Gaalada)

Verse 38 — Surah Al-Haqqah 69:38

Waxaan ku dhaaran waxaad aragtaan (Makhluuqaad ah)

Verse 39 — Surah Al-Haqqah 69:39

iyo waxaydaan arkayninba

Verse 40 — Surah Al-Haqqah 69:40

ee Qur'aanku waa hadalkii Eebe uu u soo dhiibay Rasuul Sharaf leh

Verse 41 — Surah Al-Haqqah 69:41

Hadal gabayaana ma aha, wax yar yaadse rumaynaysaan (Xaqa)

Verse 42 — Surah Al-Haqqah 69:42

Hadal wax sheegana ma aha wax yar yaadse waantoomaysaan

Verse 43 — Surah Al-Haqqah 69:43

(Qur'aanku) wuxuu ka soo degay Eebaha Caalamka

Verse 44 — Surah Al-Haqqah 69:44

Hadduu nagu been abuurto (Nabi Muxamed)

Verse 45 — Surah Al-Haqqah 69:45

Waxaanu ku qaban gacan adag

Verse 46 — Surah Al-Haqqah 69:46

Waxaannu gooynaynaa Xididka Wadnaha

Verse 47 — Surah Al-Haqqah 69:47

Ruux idinka mid ah oo naga eelinnna ma jiro

Verse 48 — Surah Al-Haqqah 69:48

Qur'aankuna waa waanada kuwa Eebe ka dhawrsada

Verse 49 — Surah Al-Haqqah 69:49

Waxaan ognahay inay idin ka mid yihiin kuwa beenin (Qur'aanka)

Verse 50 — Surah Al-Haqqah 69:50

Qur'aanku waa qoomamada Gaalada (Maalinta Qiyaame)

Verse 51 — Surah Al-Haqqah 69:51

Qur'aanka waa run dhab ah

Verse 52 — Surah Al-Haqqah 69:52

Ee Nabiyow u tasbiixso Magaca Eebe ee weyn