Back to LanguagesPrevious ChapterNext Chapter
Somali - Chapter 76 - Al-Insan
Translation by Mahmud Muhammad Abduh — Permalink
Verse 1 — Surah Al-Insan 76:1
Dhab ahaan waxaa dadka soo maray waqti wax la sheego uusan ahayn (uusan jirin)
Verse 2 — Surah Al-Insan 76:2
Annagaa ka abuuray dadka dhibic isku Dheehan, Imtixaan Dartiis, waxaana ka yeellay wax maqle wax arka ah
Verse 3 — Surah Al-Insan 76:3
Annagaa Dadka tusinnay Jidka, waxayna Noqdeen mid Shukriya (mahadiya) iyo mid Gaalnimo Badan
Verse 4 — Surah Al-Insan 76:4
Annagaa u darabnay Gaalada silsilado iyo katinado iyo naarta Saciira
Verse 5 — Surah Al-Insan 76:5
kuwa Baarriyiinta ah waxay ka cabbi weel Buuxa oo lagu Dheehay kaafuur
Verse 6 — Surah Al-Insan 76:6
Waa il ay ka Cabbaan Addoomada Eebe, ayna ujiidaan say Doonaan
Verse 7 — Surah Al-Insan 76:7
Wayna oofiyaan Nadarka, waxayna ka yaabi maalin sharkeedu fidi (qiyaamada)
Verse 8 — Surah Al-Insan 76:8
Waxayna Quudiyaan iyagoo jecel miskiinka Agoonka iyo kan xabbisan (Dhibban)
Verse 9 — Surah Al-Insan 76:9
Iyagoo Dhihi waxaan idiin quudinnay dar Eebe, mana idinka doonaynno Ahaalmarin iyo Mahadnaq Midna
Verse 10 — Surah Al-Insan 76:10
Waxaan ka Yabaynaa Eebahanno Maalin (wajigu) doorsoomi oo Daran
Verse 11 — Surah Al-Insan 76:11
Eebana waa ka Dhawray sharka Maalintaas, wuxuuna siiyay nuur iyo Farax
Verse 12 — Surah Al-Insan 76:12
Wuxuuna ku abaal Mariyay Samirkooda Dartiis jano iyo Xariir
Verse 13 — Surah Al-Insan 76:13
Waxayna ku Dangiigsan Sariiro Sare, iyagoon ku arkayn qorrax iyo Dhaxan midna
Verse 14 — Surah Al-Insan 76:14
Waxaana u dhaw hooska jannada, waxaana loo soo Raariciyay Midheheeda
Verse 15 — Surah Al-Insan 76:15
Waxaa lala kor socon weelal Fidla ah iyo Koobab Quruurado ah
Verse 16 — Surah Al-Insan 76:16
Quruuradahaas oo fidla ah si fiicanna u Qiyaasan
Verse 17 — Surah Al-Insan 76:17
Waxaana laga Waraabiyaa Ehlu jannaha Sharaab macaan oo lugu Dheehay sinjibiil
Verse 18 — Surah Al-Insan 76:18
Waana il lugu Magacaabo Salsabiil (ay ka cabbi)
Verse 19 — Surah Al-Insan 76:19
Waxaana u ageegi wiilal waari, Haddaad Aragtana aad u malayn Jawhar la saydhay
Verse 20 — Surah Al-Insan 76:20
Haddaad Aragto halkaas waxaad arki nicmo iyo sharaf wayn
Verse 21 — Surah Al-Insan 76:21
Dharkooduna (Ehlu Jannaha) waa xariir Jilicsan oo cagaaran iyo Xariir adagba, waxaana loo xidhi fidlo Gacmaha la Gashado, Eebana wuxuu ka waraabiyaa sharaab nadiifah
Verse 22 — Surah Al-Insan 76:22
Kaasi waa Abaalmarintiinii Falkiiniina wuxuu Noqday mid la Mahadiyay
Verse 23 — Surah Al-Insan 76:23
Annagaa Quraanka Nabiyow kugu soo Dajinnay
Verse 24 — Surah Al-Insan 76:24
Ee ku Samir Xukunka Eebe, hana Maqlin Dambiile iyo Gaalnima Badane (warkiis)
Verse 25 — Surah Al-Insan 76:25
Xus magaca Eebe subax iyo Galabba
Verse 26 — Surah Al-Insan 76:26
Habeenkana Eebe u sujuud, una tasbiixso Habeenkii (u tuko) waqti Dheer
Verse 27 — Surah Al-Insan 76:27
Kuwaasi waxay Jecelyihiin tan soo Dagdagaysa (Adduunyada) waxay kaga Tagayaan Gadaashoodana Maalin Culus (Qiaamada)
Verse 28 — Surah Al-Insan 76:28
Annagaa Abuurray Dadka, Adkaynayna xubnohooda, Haddaan Doonnana waxaan ku Baddalaynaa kuwa la mid ah
Verse 29 — Surah Al-Insan 76:29
Suuraddani waa waano, Ee Ruuxii Doona ha ka yeesho Eebe Xaggiisa waddo
Verse 30 — Surah Al-Insan 76:30
Waxna ma dooni kartaan in Eebe doona mooyee, Eebana waa wax walba oge falsan
Verse 31 — Surah Al-Insan 76:31
Wuxuu galiyaa naxariistiisa ruuxuu doono, daalimiintana wuxuu u darbay cadaab daran