Back to Languages

Somali - Chapter 9 - At-Tawbah

Translation by Mahmud Muhammad Abduh — Permalink

Verse 1 — Surah At-Tawbah 9:1

Tani waa ka bari ahaasho Eebe iyo Rasuulkiisa kuwaad la Ballanteen oo Mushrikiinta (Gaalada) ah

Verse 2 — Surah At-Tawbah 9:2

ee socda Dhulka afar bilood ogaadana inaydaan daalinayn Eebe iyo in Eebe uu dulleyn gaalada

Verse 3 — Surah At-Tawbah 9:3

waana ogaysiin Eebe ka ahaaday iyo Rasuulkiisa oo Dadka Maalinta Xajka wayn in Eebe ka bari yahay Gaalada iyo Rasuulkiisu, haddaad Toobadkeentaanna saasaa idiin Khayrroon, haddaad jeedsataanna ogaada inaydaan Eebe Daalinayn, uguna Bishaareeya kuwii gaaloobay Cadaab daran

Verse 4 — Surah At-Tawbah 9:4

Kuwaad ballanteen Mooyee oo Gaalada ah markaasna aan idinka Nusqaaminin waxba, idiinkuna kaalmaynin cidna, ee dhameeya tan iyo ballankooda «Muddadood» Eebana wuxuu jecelyahay kuwa dhawrsada

Verse 5 — Surah At-Tawbah 9:5

markay faydmaan bilaha xurmada leh ku dila gaalada meejaad ka heshaan qabtana (qafaasha) Go'doomiya una fadhiista meel gabasho ah oo dhan, haddayse toobad keenaan oogaanna salaadda, bixiyaanna Sakada u sii daaya jidkooda Eebe waa dambi dhaafe Naxariistee

Verse 6 — Surah At-Tawbah 9:6

mid ka mida gaaladana hadduu magangal idin waydiisto magangaliya intuu ka maqlo hadalka Eebe markaas Gaadhsiiya meeluu Aamin ku yahay, illeen waa qoom aan wax ogayne

Verse 7 — Surah At-Tawbah 9:7

siday ugu ahaan gaalada ballan Eebe agtiisa iyo Rasuulkiisa agtiisa kuwaad kula ballanteen Masaajidka Xur- mada leh Agtiisa mooyee ee hadday idin toosnaadaan u loosanaada Eebe wuxuu jecel yahay kuwa Dhawrsadee

Verse 8 — Surah At-Tawbah 9:8

waa sidee hadday idinka adkaadaan ayna idiin dbawrayn Qaraabanimo iyo ballan midna, waxay idinku raalli galin afkooda wayna diidi quluubtoodu, badankooduna waa faasiqiin

Verse 9 — Surah At-Tawbah 9:9

waxay ku gataan aayaadka. Eebe qiimo yar waxayna ka leexiyeen jidka Eebe waxaana xun waxay falayeen

Verse 10 — Surah At-Tawbah 9:10

umana dhawraan Mu'min qaraabonimo iyo ballan (midna) kuwaasuna waa uun xadgudbayaal

Verse 11 — Surah At-Tawbah 9:11

haddayse toobadkeenaan oo oogaan salaadda hixiyaanna sakada waa walaalihiina diinta waana u caddaynay aayaadka qoomkii wax garan

Verse 12 — Surah At-Tawbah 9:12

haddayse buriyaan dhaartooda ballankoodii ka dib, duraanna diintiinna dila madaxda gaalada waa kuwaan dhaar lahayne inay ka joogan (Xumaanta)

Verse 13 — Surah At-Tawbah 9:13

miyeydaan la dagaallamayn qoom buriyey dhaartooda oo hamiyey (doo-nay) bixinta Rasuulka idinkuna billaabay markii horaba, miyaad ka cabsanaysaan Eebaa mudan inaad ka cabsataan haddaad Mu'miniin tihiin

Verse 14 — Surah At-Tawbah 9:14

la dagaallama, Eebe ha ku cadaabo gaemihiinnee hana dulleeyee hana idinku gargaaree oo bugsiiyo laabta qoom Mu'miniina

Verse 15 — Surah At-Tawbah 9:15

tegsiiyana cadhada quluubtooda, wuxuuna ka toobad aqbalaa eebe cidduu doono, Eebana waa oge falsan

Verse 16 — Surah At-Tawbah 9:16

ma waxaad u malayseen in laydinka tegi isagoon Eebe muujin kuwa jahaaday oo idinka mida oon ka yeelanin wax ka soo hadhay Eebe iyo Rasuulkiisa iyo Mu'miniinta Saaxiib, Eebana waa ogyahay waxaad falaysaan

Verse 17 — Surah At-Tawbah 9:17

uma bannaana gaalada inay camiraan Masaajiidda Eebe iyagoo ku qiri Naftooda gaalnimo kuwaas waxaa buray camalkoodii naartana way ku dhex waari

Verse 18 — Surah At-Tawbah 9:18

waxaa uun camira masaajidda Eebe cid rumaysay Eebe iyo maalinta dambe oo salaadda ooga oo bixiya sakada kana cabsanayn waxaan Eebe ahayn, waxay u dhawyihiin kuwaas inay ka mid noqdaan kuwa hanuunsan

Verse 19 — Surah At-Tawbah 9:19

ma waxaad kala mid dhigteen waraabinta xaajiga iyo camiridda masaajidka xurmaysan ruux rumeeyey Eebe iyo maalinta dambe oo ku jahaaday jidka Eebe kuma sinna Eebe agtiisa, Eebana ma hanuuniyo qoomka daalimiinta ah

Verse 20 — Surah At-Tawbah 9:20

kuwa rumeeyey (Xaqa) oo hijrooday oo ku jahaaday jidka Eebe xoolahooda iyo naftooda, yaa ku darajo wayn Eebe agtiisa, kuwaasina waa kuwa uun liibaanay

Verse 21 — Surah At-Tawbah 9:21

wuxuu ugu bishaarayn Eebahood naxariis xaggiisa ah, ralli ahaansho iyo jannooyin oy ku mudan dhexdeeda niemo nagaadi ah «Joogto»

Verse 22 — Surah At-Tawbah 9:22

iyagoo ku waari dhexdeeda waligood Eebe agtiisaana Ajir wayn yahay

Verse 23 — Surah At-Tawbah 9:23

kuwa (xaqa) rummeyow ha ka yeelanina Aabayaalkiin iyo walaalihiin sokeeye hadday ka jeelaadaan gaalnimada iimaanka, ciddiise ka sokeeye yeelata oo idinka mida kuwaasu iyaga umbaa daalimiina

Verse 24 — Surah At-Tawbah 9:24

waxaad dhahdaa haddaad aabayaalkiin, caruurtiinna, walaalihiin, haweenkiinna, qaraabadiinna, xoolo aad kasbateen, ganacsi aad ka cabsanaysaan inuu baaro iyo guryo aad ka raalli tihiin ka jeeeeshihiin Ilaahay, rasuulkiisa iyo jahaad jidkiisa suga inta Eebe ka keeni amarkiisa, Eebana ma hanuuniyo qoomka faasiqiinta ah

Verse 25 — Surah At-Tawbah 9:25

wuxuu idiinku gargaaray Eebe meelo badan iyo maalintii xunayn markay idin cajabisay badnidiinnii oona waxba iddin tarin dhulkuna idinku cidhiidyamay isagoo waasaca markaas aad jeedsateen idinkoo carari

Verse 26 — Surah At-Tawbah 9:26

markaas Eebe ku soo dajiyey xasilkiisii Rasuulkiisii iyo Mu'miniintii kuna soo dejiyey junuud aydaan arkayn uuna cadaabay kuwii gaaloobay, taasina waa abaalka gaalada

Verse 27 — Surah At-Tawbah 9:27

markaas Eebe ka toobad aqbalo intaas ka dib cidduu doono Eebana waa dambi dhaaafe naxariista

Verse 28 — Surah At-Tawbah 9:28

kuwa xaqa rumeeyow mushrikiintu (Gaalada) waa nijaas ee yeyna masaajidka xurmaysan u dhawaanin sanadkan ka dib, haddaad ka cabsataan saboolnimana wuxuu idinku hodmin Eebe fadligiisa hadduu doono illeen waa oge falsane

Verse 29 — Surah At-Tawbah 9:29

la dagaallama kuwaan rumeyn Eebe iyo maalinta aakhiro oon xaaraan yeelayn wuxuu reebay Eebe iyo Rasuulkiisu ka diin dhiganayn diinta xaqa ah (islaamka) oo ah kuwa ehelu kitaabka ah yuhuud iyo nasaarada intay ka dhiibaan jisyada (iyadoo darban) iyaguna dullaysanyihiin

Verse 30 — Surah At-Tawbah 9:30

waxay dhaheen yuhuud cusayr waa wiil Eebe, nasaarana waxay tidhi masiix (ciise) waa wiil eebe, kaasina waa hadalkoodii oy afka ka sheegeen, waxay shabahaan kuwii horey u gaaloobay hadalkoodii, Eebe hallaayo ee xaggee loo leexin

Verse 31 — Surah At-Tawbah 9:31

waxay ka yeesheen culimadoodii iyo suufiyadoodii Eebayaal ilaahay ka sokow iyo ciise ibnu maryama waxaan cibaadada ilaahay kali ah ahaynna lama farin. Eebe mooyee ilaah kalana ma jiro waana ka nasanyahay waxay la wadaajin

Verse 32 — Surah At-Tawbah 9:32

waxay dooni gaaladu inay ku damiyaan Nuurka Eebe afkooda Eebana wuu diidi dhamaystirka nuurka moyee haba naceen gaaladuye

Verse 33 — Surah At-Tawbah 9:33

Eebe waa kan ku diray rasuulkiisa hanuun iyo diin xaqa inuu ka kor mariyo diimaha dhammaan haba naceen gaaladuye

Verse 34 — Surah At-Tawbah 9:34

kuwa xaqa rumeeyow wax badan oo ka mida axbaarta (culimada yuhuud) iyo ruhbaantu (culimada Nasaarada) wxay ku cunaan xoolaha dadka xaq darro waxayna ka celiyaan (dadka xaqa) kuwa kaydsada dahabka iyo fiddada oon ku bixinayn jidka Eebe ugu bishaaree cadaab daran

Verse 35 — Surah At-Tawbah 9:35

maalinta lagu gubi xoolahaas dartood naarta jahannamo ay ku guban wajiyadoodu iyo dhinacyadoodu iyo dhabarkoodu oo lagu odhan kani waa waxaad u kaydsanayseen Naftiinna ee dhadhamiya waxaad kaydsanayseen ciqaabtiisa

Verse 36 — Surah At-Tawbah 9:36

tirada bilaha Eebe agtiisa waa Labiyo toban kitaabka Eebe dhexdiisa taniyo maalintuu abuuray samooyinka iyo dhulka, waxaana ka mid ah afar xurmo (gaara) leh waana taas diinta toosan ee ha dulmiyina dhexdooda naftiinna, lana dagaalama gaalada dhammaantiin, siday idiinla dagaalamayaan dhammaan ogaadana in Eebe la jiro kuwa dhawrsada

Verse 37 — Surah At-Tawbah 9:37

dib u dhigidda (bilo) waa uun badsasho gaalnimo laguna baadiyeeyo kuwa gaaloobay, waxay banneeyaan sanad waxayna reebaan mid inay waafaqaan tirada Eebe reebay waxayna banneeyaan wax Eebe reebay, waxaa loo qurxiyey camalkoodii xumaa Eebana ma hanuuniyo qoomka gaalada ah

Verse 38 — Surah At-Tawbah 9:38

kuwa xaqa rumeeyow maxaad leedihiin oo marka laydin dhaho ku baxa jidka Eebe aad ugu cuslaataan dhulka, ma waxaad ku ralli noqotaan nolosha adduun aakhiro ka sokow, nolosha adduunyo marka aakharo loo dayo waa uun raaxo yar

Verse 39 — Surah At-Tawbah 9:39

haddaydaan bixin wuxuu Eebe idincadaabi cadab daran, wuxuuna idinku badali qoom aan idinka ahayn, waxna kama dhibaysaan Eebe, ilaahayna wax kasta oo uu doono waa karaa

Verse 40 — Surah At-Tawbah 9:40

haddaydaan u gargaarin Nabiga waxaa u gargaaray Eebe markay bixiyeen kuwii gaaloobay isagoo labo midkooda markay godka ku jireen markuu ku lahaa saaxiibkiis ha walbahaarin Eebaa inala jirce, oo Eebe ku dajiyey xasiikiisa kuna xoojiyey Januud aydaan arkayn kana yeelay kalimadda kuwa gaaloobay tan hoosaysa, kalimadda Ilaahayna waa tan sarreysa, Eebana waa adkaade falsan

Verse 41 — Surah At-Tawbah 9:41

baxa idinkoo fudud iyo idinkoo culus kiinajahaada xoolihiinna iyo naftiinna jidka Eebe, saasaana idiin khayrroon haddaad wax ogtihiin

Verse 42 — Surah At-Tawbah 9:42

hadduu jiro muuqaal adduunyo oo dhaw iyo socdaal gaaban way ku raaci lahaayeen waxaase ku fogaaday socdaalkii, waxayna ku dhaaran Eebe haddaanu kari waan idinia bixi lahayn, waxayna halaagi naftooda Eebana waa ogyahay inay been sheegi

Verse 43 — Surah At-Tawbah 9:43

Eebe ha ku caliyee maxaad u idantay intay kaaga cadaato kuwa runta sheegi ood ka ogaato Reenaalayaasha

Verse 44 — Surah At-Tawbah 9:44

kaama idin waydiistaan kuwa rumeeyey Eebe iyo maalinta dambe inay ku jahaadaan xoolahooda iyo naftooda, Eebana waa ogyahay kuwa dhawrsada

Verse 45 — Surah At-Tawbah 9:45

waxaase ku idin waydiin kuwaan rumaynin Eebe iyo maalinta dambe ayna shakiday quluubtoodu, waxayna ku noqnoqon (ku wareersanyihiin) shakigooda

Verse 46 — Surah At-Tawbah 9:46

hadday doonaan bixid waxay u darban lahaayeen qalab, wuxuuse nacay Eebe Bixintooda wuuna dib mariyey waxaana lagu yidhi «gaaladii» la fadhiista kuwa fadhiya

Verse 47 — Surah At-Tawbah 9:47

hadday baxaan dhexdiinna waxaan xuman ahayn idiinma kordhiyaan, waxayna u dagdagi lahaayeen fasaadinta dhexdiinna iyagoo idinla dooni fidmo, waxaana idin ku jira kuwo idiindhagaysan Eebana waa ogyahay daalimiinta

Verse 48 — Surah At-Tawbah 9:48

waxay idinla dooneen fidno mar hore waxayna kuu gagadiyeen umuuraha intuu ka yimaado xaqu oo ka muuqdo amarka Eebe (xaqa) iyagoo nici

Verse 49 — Surah At-Tawbah 9:49

waxaa ka mid ah kuwo dhihi i fasax hana i fidneyn waxayse ku dhaceen fidno jahannamana way koobtay gaalada

Verse 50 — Surah At-Tawbah 9:50

hadduu wanaag ku soo gaadho wuu walbahaarinayaa Munaafiqiinta, hadday ku hesho dibaatana waxay dhahayaan waan ka dadaalay raaciddiisa, mar hore, wayna jeedsadaan iyagoo faraxsan

Verse 51 — Surah At-Tawbah 9:51

waxaad dhahdaa naguma dhaco wax Eebe noo qoray mooyee, isagaa gargaarahannaga ah ee Ilaahay uun ha tala Saarteen Mu'miniintu

Verse 52 — Surah At-Tawbah 9:52

waxaad dhahdaa ma waxaad nala sugaysaan waxaan labada wanaag midkood ahayn (Guul ama shahaado) annaguna waxaan idin la sugaynaa inuu Eebe idinku assibo (ciqaabo) cadaab agtiisa ah ama gaemahanaga, ee suga annaguna waan idin la sugaynaaye

Verse 53 — Surah At-Tawbah 9:53

waxaad dhahdaa Bixiya wax ama ogolaansho ama qasab marnaba laydinkama aqbalee, illeen waxaad tihiin qoom faasiqiina

Verse 54 — Surah At-Tawbah 9:54

wax u diiday in la aqbalo bixinteeda oon ka gaaloowgooda Eebe iyo Rasuulkiisa ahayn majiro, mana yimaaddaan salaadda iyagoo wahsan mooyee, mana bixiyaan iyagoo neeeb mooyee

Verse 55 — Surah At-Tawbah 9:55

yeyna ku yaab galinin xoolahoodu iyo caruurtoodu, wuxuu un dooni Eebe inuu ku ciqaabo nolosha adduun oy baxdo naftoodu iyagoo gaala ah

Verse 56 — Surah At-Tawbah 9:56

waxay ku dhaaran Eebe inay idinla jiraan idinlamana jiraan, waase qoom cabsan

Verse 57 — Surah At-Tawbah 9:57

hadday helayaan meel ay magan galaan ama godod (buuro) ama meel ay galaan way u jeedsan lahaayeen iyagoo deg degi

Verse 58 — Surah At-Tawbah 9:58

waxaa ka mid ah kuwo kugu ceebin sadaqada (sakada) haddii la siiyana raali noqon haddaan la siininna cadhoon

Verse 59 — Surah At-Tawbah 9:59

hadday ku raalli noqdaan waxay siin Eebe iyo rasuulkiisu oy dhahaan waxaana nagu filan Eebe wuxuu naga siin Eebe fadligiisa rasuulkiisuna wuu nasiin Anaguna Eebe unbaan wax ka doonaynaa (saasaa u khayroon)

Verse 60 — Surah At-Tawbah 9:60

sadaqada (Zakada) waxaa uun muta fuqarada, masaakiinta, kuwa ka shaqeeya, kuwa la soo dhawayn quluubtooda, kuwa la xorayn, kuwa (xaqa) ku daynoobay, jidka Eebe iyo soedaalka, waana wax Eebe Faral yeelay, ilaahayna waa oge falsan

Verse 61 — Surah At-Tawbah 9:61

waxaa ka mid ah (munaafiqiinta) kuwa dhiba nabiga oo dhaha waa wax walba maqle, waxaad dhahdaa waa Khayr maqlihiinna wuxuuna rumayn Eebe, wuxuuna u rumayn Mu'miniinta, waana u naxariista kuwa rumeeyey oo idinka mid ah, kuwa dhiba Rassulka Eebe waxay mudan cadaab daran

Verse 62 — Surah At-Tawbah 9:62

waxay idiinku dhaaran Eebe inay idin raalli galinayaan, Eebe iyo Rasuulkiisa yaa mudnaan badan inay raalli galiyaan hadday Mu'miniinyihiin

Verse 63 — Surah At-Tawbah 9:63

miyeyna ogayn ciddii la dagaalanta (oo khilaafta) Eebe iyo rasuulkiisa inuu mudan naarta jahannama, kuna waari dhexdeeda, arrintaasuna waa dulli wayn

Verse 64 — Surah At-Tawbah 9:64

waxay ka digtoonyihiin munaafiqiintu in lagu soo dajiyo suurad ka warrami waxa quluubtooda ku sugan, waxaad dhahdaa jeesjeesa Eebe wuxuu soo bixin waxaad ka digtoontihiin (cabsanaysaan)

Verse 65 — Surah At-Tawbah 9:65

haddaad warsato waxay dhihi waan un yar tiimbanaynay oon ciyaaraynay, waxaad dhahdaa ma Eebe iyo aayaadkiisa iyo Rasuulkiisa yaad ku jees jeesayseen

Verse 66 — Surah At-Tawbah 9:66

ha cudur daaranina waad gaalowdeen Rumayn ka dib, haddaan cafino koox idinka mid ah waxaan cadaabaynaa koox illeen iyagu waa dambiilayaale

Verse 67 — Surah At-Tawbah 9:67

munaafiqiintu rag iyo haweenba qaarkood qaarka kale yuu ka ahaaday waxayna faraan sumaanta, waxayna ka reebaan wanaagga, waxayna laabaan gaemahooda (wax ma bixiyaan) Eebayna halmaameen isna aagayeeldarro yuu kula dhaqmay, munaafiqiin iyaga umbaa faasiqiin ah

Verse 68 — Surah At-Tawbah 9:68

wuxuuna Eebe u yaboohay Munaafiqiintaa rag iyo haweenba iyo gaalada Naarta Jahannamo wayna ku dhex waari iyadaana ku filan, waxaana lacnaday Eebe waxayna mudan cadaab joogta ah

Verse 69 — Surah At-Tawbah 9:69

waxaad la midtihiin kuwii idinka horreeyey, waxayna ahaayeen kuwo idinka badan xoog iyo xoolo iyo caruur waxayna ku raaxaysteen nasiibkoodii idinkuna waxaad raaxaysatecn nasiibkiin siday ugu raaxaysleen kuwii idinka horreeyey nasiibkoodii, waadna dhumbateen xumaanta siday u dhumbadeen, kuwaas waxaa buray camalkoodii adduun iyo aakhiraba kuwaasyna iyaga umbaa khasaaray

Verse 70 — Surah At-Tawbah 9:70

miyeyna soo gaadhin warkii kuwii ka horreeyey oo ah qoomkii nabi Nuux, Caad, Thamuud, Qoomkii Nabi Ibraahiim, madyan dadkeedi iyo Qoomkii Nahi Luudh, waxay ula timid rasuuladoodii xujooyin, Eebana ma aha mid dulmiya iyagaase naflooda dulmiya

Verse 71 — Surah At-Tawbah 9:71

Mu'miniinta rag iyo Haweenba qaarkood qaarka (kale) waa u Sokeeye waxayna faraan wanaagga kana reebaan xumaanta, waxayna oogaan salaadda, waxayna bixiyaan Zakada, waxayna Addeecaan Eebe iyo Rasuulkiisa, kuwaas waxaa u naxariisan Eebe, illeen Eebe waa adkaade fal sane

Verse 72 — Surah At-Tawbah 9:72

wuxuu u yaboohay Eebe Mu'miniinta Rag iyo haweenba Jannooyin ay socoto dhexdeeda Wabiyaalkii iyagoo ku waari dhexdeeda, iyo guryo wanaagsan oo Jannada cadnin (Nagaadiga) Raalli ahaanshaha Eebaana ka wayn, arrintaasuna waa uun liibaanta wayn

Verse 73 — Surah At-Tawbah 9:73

Nabiyow la jahaad gaalda iyo Munaafiqiinta, kuna darrow dheelmadkooduna waa naarta Jahannamo iyadaana u xun meel loo ahaan

Verse 74 — Surah At-Tawbah 9:74

waxay ku dhaaran inayna dhihin (hadal xun) iyagoo yidhi hadal gaalnimo ayna gaaloobeen Islaanimo (muuqa) kadib, ayna dooneen waxayna gaadhin, waxayna ku naceen ku hodanaynta Eebe iyo Rasuulkiisa fadligiisa hadday toobadkeenaan khayr bay u tahay, hadday jeedsadaanna wuxuu Eebe cadaabi cadaab daran adduun iyo aakhiraba, gargaarana kuma leh dhulka dhexdiisa iyo sokeeye midna

Verse 75 — Surah At-Tawbah 9:75

waxaa ka mid ah kuwo la ballamay Eebe hadduu wax ka siiyo fadligiisa inuu sadaqaysto noqdana kuwa suuban

Verse 76 — Surah At-Tawbah 9:76

markuu wax ka siiyey fadligiisa ay ku bakhayleen jeedsadeenna iyagoo diidi

Verse 77 — Surah At-Tawbah 9:77

wuxuu ku reebay quluubtooda munaafiqnimo tan iyo maalintay la kulmi ka baajintooda Eebe waxay kula ballantameen iyo beenintoodii darteed

Verse 78 — Surah At-Tawbah 9:78

miyeyna ogayn in Eebe ogyahay qarsoodigooda iyo muuqooda iyo in Eebe ogyahay waxa maqan

Verse 79 — Surah At-Tawbah 9:79

waa kuwa ku ceebayn kuwa sadaqaysan oo mu'miniinta ah sadaqadooda iyo kuwaan helaynin tabartooda mooyee, way ku jees jeesi Eebana wuu kula macaamiloon abaalkooda waxayna mudan cadaab daran

Verse 80 — Surah At-Tawbah 9:80

ama u dambidhaaf warso ama ha u dambidhaaf warsanin, haddaad u dambi dhaaf warsato toddobaatan jeer uma dambidhaafo Eebe, ileen iyagu waxay ka gaaloobeen Eebe iyo rasuulkiisa, eebana ma hanuuniyo qoomka faasiqiinta ah

Verse 81 — Surah At-Tawbah 9:81

waxay ku farxeen kuwii ka dib dhacay fadhigoodii rasuulka gadaashiisa, waxayn naceen inay ku jahaadaan xoolahooda iyo naftooda jidka Eebe, waxayna dhaheen ha ku bixina kulaylka, waxaad dhahdaa naarta jahannamo yaa ka kulayl daran hadday wax kasi

Verse 82 — Surah At-Tawbah 9:82

ee ha qosleen wax yar (adduunka) hana ooyeen wax badan (aakhiro) iyadoo laga abaal marin waxay kasbadeen

Verse 83 — Surah At-Tawbah 9:83

hadduu kuu soo celiyo Eebe koox ka mid ah oy kaa idin waydiistaan bixid waxaad dhahdaa bixi maysaan lajirkayga waligiin, lana dagaallami maysaan Col lajirkayga illeen waxaad jeclaateen fadhi markii horaba ee la fadhiya kuwa dib maray

Verse 84 — Surah At-Tawbah 9:84

ha ku tukanin mid ka mid ah oo dhinta waligeed, hana kor istaagin qabrigiisa, illeen waxay ka gaaloobeen Eebe iyo Rasuulkiisa waxayna dhinteen iyagoo faasiqiin ah

Verse 85 — Surah At-Tawbah 9:85

ee yeyna ku yaab galinnin xoolahoodu iyo caruurtoodu, wuxuu uun Eebe dooni inuu ku cadaabo adduunka ay baxdana naftooduna iyagoo gaalo ah

Verse 86 — Surah At-Tawbah 9:86

marka la soo dejiyo suurad (dhihi) rumeeya Eebe jahaadana la jirka Rasuulkiisa waxaa idan ku warsada kuwa awoodda leh oo ka mid ah waxayna dhahaan na daa aan noqonno kuwa fadhiyee

Verse 87 — Surah At-Tawbah 9:87

waxay ka raalli noqdeen inay noqdaan kuwa dib maray, waxaana la daboolay quluubtooda waxna ma kasayaan

Verse 88 — Surah At-Tawbah 9:88

Rasuulkase iyo kuwa rumeeyey ee la Jira way ku jahaadaan xoolahooda iyo naftooda waxaana kuwaas u sugnaaday khayraad, kuwaasuna waa uun kuwa Liibaanay

Verse 89 — Surah At-Tawbah 9:89

wuxuuna u Darbay Eebe Jannooyin oy socoto dhexdeeda wabiyadii iyagoo kuwaari dhexdeeda taasina waa liibaan wayn

Verse 90 — Surah At-Tawbah 9:90

waxaa yimid kuwii cudurdaaranayey oo Reebaadiyaha ahaa in loo idmo (Dib mar) waxaana iska fadhiistay kuwii beeniyey Eebe iyo Rasuulkiisa, waxaana ku dhici kuwii Gaaloobay oo ka mida cadaab daran

Verse 91 — Surah At-Tawbah 9:91

dhib ma saara kuwa tabarta yar, kuwa huka iyo kuwaan helayn waxay bixiyaan, hadday u naseexeeyaan (Diinta) Eebe iyo Rasuulkiisa, kuwa sama falana jid laguma leh Eebana waa Dambi dhaafe Naxariista

Verse 92 — Surah At-Tawbah 9:92

kuwiina dhib masaarra kuu yimid inaad xambaarto (Gaadiid siisid) markaas aad ku tidhi ma helayo waxaan idinku xambaaro, markaas jeedsaday iyagoo indhahoodu la daadan illin walbahaar inayna helin waxay bixiyaan

Verse 93 — Surah At-Tawbah 9:93

waxaa uun jid laguleeyahay kuwa ku idan warsada iyagoo hodanna oo ka raati noqday inay ka midnoqdaan kuwa had hay (Xaaska) wuxuuna Eebe daabacay quluubtooda waxna ma oga

Verse 94 — Surah At-Tawbah 9:94

way idiin cudurdaaran markaad u noqotaan xaggooda, waxaad dhahdaan ha cudurdaaranina idiin rumeynmenee, wuu nooga warrdmay Eebe xaalkiinne, Eebana wuu arkaa camalkinne iyo rasuulkiisu, markaasna waxaa laydiin Celin Eebaha og waxa maqan iyo waxaa muuqdaba oo idiinka warrami waxaa camal falayseen

Verse 95 — Surah At-Tawbah 9:95

way idiin dhaaran markaad u gadoontaan xaggooda inaad ka jeedsataan ee iskaga jeedsada iyagu waa wasakhe hoygooduna waa jahannamee waana ka abaal marin waxay kasbanayeen

Verse 96 — Surah At-Tawbah 9:96

way idiin dhaaran inaad ka raalli noqotaan, haddaad ka raalli noqotaan Eebe kama raalli noqdo qoomka faasiqiinta ah

Verse 97 — Surah At-Tawbah 9:97

Reer baadiyahaa ugu daran Gaalnimada iyo Munaafaqnimada, mudanna inayna waxba ka ogayn xuduudda (Soohdimaha) waxa Eebe ku soo Dejiyey Rasuulkiisa, Eebena waa oge fal san

Verse 98 — Surah At-Tawbah 9:98

Reer baadiyaha waxaa ka mida kuwo kayeelan waxay bixin dayn Bax oo kale, oo idin la sugi dhibaato korkooda ha ahaato wareegga xumaanta, Eebana waa maqle og

Verse 99 — Surah At-Tawbah 9:99

Reer baadiyaha waxaa ka mida kuwa rumeyn Eebe iyo maalinta aakhiro kana yeelan wuxuu bixin dhawaansho Eebe agtiisa, iyo u ducaynta Rasuulka (Iyaga) taasi waa dhawaanshahooda wuxuuna galin Eebe naxariistiisa, illeen Eebe waa dambi dhaafe naxariista

Verse 100 — Surah At-Tawbah 9:100

kuwii ku dheereeyey «khayrka» ee horreeyey oo ka mida Muhaajiriinta iyo Ansaar iyo kuwii ku raacay wanaagga Eebaa ka raalli noqday iyana way ka raalli noqdeen, wuxuuna u darbay Jannooyin ay socoto dhexdeeda Wabiyadii iyagoo ku waari waligood, taasina waa Liibaan wayn

Verse 101 — Surah At-Tawbah 9:101

gaararkiinna waxaa ka mida reebaadiye Munaafiqiina, Reer Madiinana (waa kamid) waxay ku madax taageen munaafaqnimo, ma ogidin annagaase og, waxaannu cadaabi Labo jeer, markaasaa loo celin cadaab wayn

Verse 102 — Surah At-Tawbah 9:102

kuwo kalana waxay qirteen Dambigooda, waxayna isku khaldeen Camal fiican iyo mid kale oo xun, Eebe wuxuu mudanyahay inuu ka toobad aqbalo, illeen Eebe waa Dambi dhaafe naxariista

Verse 103 — Surah At-Tawbah 9:103

Ka qaad xoolahooda Xagooda sadaqo (zakada) ood ku daahirin kuna Nadiifin una ducee illeen Ducadaadu Waxay u noqon Xasile, Eebana waa maqle og

Verse 104 — Surah At-Tawbah 9:104

Miyayna Ogayn in Eebe ka aqbalo Toobadda Addoomadiisa Kana qaado Sadaqada (Aqbalo) iyo in Eebe yahay kan toobad aqbalka Badan ee Naxariista

Verse 105 — Surah At-Tawbah 9:105

Waxaad dhahdaa Camal fala wuu arki Eebe Camalkiinna iyo Rasuulkiisu iyo mu'miniintu Waxaana La idiin celin xagga (Eebaha) og Waxa maqan iyo waxa Jooga idiinkana Warrami (abaalmarin) waxaad falayseen

Verse 106 — Surah At-Tawbah 9:106

Kuwo kalana waxaa dib loogu dhigay amarka Eebe inuu Cadaabo iyo inuu Ka toobad aqbalo, Eebana waa oge Falsan

Verse 107 — Surah At-Tawbah 9:107

Waxaa ka mida kuwo u yeeshay Masaajid, gaalnimo, kala goynta Mu'miniinta iyo darbidda Cid la dagaallanta Eebe iyo Rasuulkiisa mar hore waxayna ku dhaaran inaanaan doonayn Waxaan wanaag ahayn Eebana waa ogyahay inay been sheegi

Verse 108 — Surah At-Tawbah 9:108

ha joogsan dhexdiisa waligaa Masaajid lagu billabay maalintii horaba Dhawrsasho yaa mudan inaad joogsato Dhexdiisa (Masaajidka Nabiga iyo Quba) waxaa dhex jooga Niman jecel inay is Daahiriyaan Eebana wuu jecel yahay Kuwa is daahiriya

Verse 109 — Surah At-Tawbah 9:109

Ma Ruux ku billaabay dhismihiisa ka dhawrsasho Eebe iyo raalli noqoshadiisa yaa Khayrroon mise Ruux ku billaabay dhismihiisa God dumi dhinaciis oo kula dhici Naarta Jahannamo Eebana ma hanuuniyo Qoomka daalimiinta ah

Verse 110 — Surah At-Tawbah 9:110

Kama tago dhismahooda ay dhiseen inuu ku Jiro shaki Quluubtoodu intay ka Kala go'do «dhimatana» Quluubtoodu, Eebana waa oge falsan

Verse 111 — Surah At-Tawbah 9:111

Eebe wuxuu kaga gatay Mu'miniinta Naftooda iyo Xoolahooda inay janno u ahaato ku dagaallami Jidka Eebe oy waxna dili iyana la dili, waana yabooh ku sugan (dhaba) Tawreed iyo Injiil iyo Quraanka, yaa ka oofin badan ballankiisa Eebe ku bishaaraysta gadiddii ood gaddeen kaasina waa uun Liibaanta wayn

Verse 112 — Surah At-Tawbah 9:112

waa kuwa toobadkeena, ee caabuda (Eebe) ee mahdiya, ee saa'ixiinta ah (Sooma oo Jahaada) ee Rukuca ee Sujuuda, ee fara wanaagga reebana xumaanta, ee dhawra Xuduudda Eebe, ee u Bishaaree Mu'miniinta

Verse 113 — Surah At-Tawbah 9:113

kuma habboona Nabiga iyo kuwa Rumeeyey (Xaqa) inay u dambi dhaaf warsadaan Mushrikiinta «gaalada» haba ahaadeen qaraabadoodee intay u caddaatay kadib inay Ehelka Naarta Jaxiima yihiin

Verse 114 — Surah At-Tawbah 9:114

ma ahayn u dambi dhaaf doonidii Nabi Ibraahim Aabihiis ballan uu u yaboohay mooyee, markayse u caddaatay inuu Col Eebe yahay wuu iska bari yeelay Xaggiisa (Nabi) Ibraahim wuxuu ahaa duco (Baryo) badanaha (Eebe) oo dul badan

Verse 115 — Surah At-Tawbah 9:115

Eebana ma aha mid dhumiya qoom intuu hanuuniyey ka dib intuu uga caddeeyo waxay ku dhawrsadaan, Eebana wax kasta waa ogyahay

Verse 116 — Surah At-Tawbah 9:116

Eebena waxaa u sugnaaday Xukunka Samooyinka iyo Dhulka isagaana wax nooleeya waxna dila, isagaana wax kasoo hadhayna oo wali ah ama gargaara ah ma lehidiin

Verse 117 — Surah At-Tawbah 9:117

wuxuu Eebe ka toobad aqbalay Nabiga, Muhaajiriinta iyo Ansaartii raaeday Saacaddii cidhiidhiga intay u dhawaatay inay iilato quluub koox ka mida ka dib, markaasuu ka toobad aqbalay, illeen waa u turaha u naxariistee

Verse 118 — Surah At-Tawbah 9:118

saddexdiina wuu (ka toobad aqbalay) la dib mariyey intuu kaga cidhiidhyamo dhulku isagoo waasac ah, kuna cidhiidhyantay naftooda una maleeyeen (Yaqiinsaden) inayna jirin meel la magan galo oon Eebe ahayn, markaas Eebe ka toobad aqbalay inay toobadkeenaan, Eebana waa toobad aqbale Naxariista

Verse 119 — Surah At-Tawbah 9:119

kuwa xaqa rumeeyow ka dhawrsada Eebe Noqdana la jirka kuwa runta badan

Verse 120 — Surah At-Tawbah 9:120

kuma habboona (uma bannaana) reer Madiino iyo kuwa gaararkeeda ah oo Baadiyaha Carbeeda inay ka gadaal maraan Rasuulka Eebe oy kana Jeclaadaan naftooda Naftiisa, illeen wixii ku dhaca oo oona, ama dhiba ama gaajo ah Jidka Eebe dhexdiisa ama meejey ku joogsadaan oo Cadho galin Gaalada iyo waxay Gaadhsiiyaan Colka (Dhammaan) waxaa loogu Dhigi camal suuban, Eebana ma halleeyow Ajirka samo falayaasaha

Verse 121 — Surah At-Tawbah 9:121

waxay Bixiyaan oo yar ama wayn iyo Togay gooyaanna waa loo qori inuu ka Abaal mariyo Eebe wanaagga waxay falayeen

Verse 122 — Surah At-Tawbah 9:122

mana aha inay Mu'miniinta oo dhan Baxaan, ee may Koox kastaha qaar ka baxdo inay Diinta kasaan, una igaan dadkooda markay u soo noqdaan waxay u dhawdahay inay digtoonaadaane

Verse 123 — Surah At-Tawbah 9:123

Kuwa Xaqa rumeeyow la dagaallama kuwa idinla Xidhiidha ee gaalada ah, hana idinka heleen adayg, ogaadana in Eebe la Jiro kuwa Dhawrsada

Verse 124 — Surah At-Tawbah 9:124

marka la soo Dejiyo Suurad waxaa ka mida kuwo (Munaafiqiina) dhihi kiinay u kordhisay Iimaan, kuwa xaqa rumeeyeyse waxay u kordhisat Iimaan iyagoo Bishaaraysan

Verse 125 — Surah At-Tawbah 9:125

kuwa quluubta ka bukase waxay u kordhisaa xuman xumaantoodii (Kale) wayna dhintaan iyagoo gaalo ah

Verse 126 — Surah At-Tawbah 9:126

miyeyna arkayn in la Imtixaamo sanad kasta hal jeer ama labo jeer markaas ayan toobadkeenin xusuusanaynnam

Verse 127 — Surah At-Tawbah 9:127

marka la soo Dejiyo Suurad way dayaan Munafiqiinta qaarkood waar waxayna isdhahaan ruuxna maydin arkaa markaasay gadoomaan, Eebe ha iilo Quluubtooda illeen waa kuwo aan wax kusayn

Verse 128 — Surah At-Tawbah 9:128

waxaa idiin yimid Rasuul idinka mida oyna ku darantahay waxa idin dhiba, idiin kuna dadaali, una turid iyo naxariis badan Mu'miniinta

Verse 129 — Surah At-Tawbah 9:129

haddayse jeedsadaan Dadku waxaad dhahdaa Kaalmeeyahaygu waa Ilaahay 'Eebe mooyee Ilaah kalana ma jiro isagaana talo saartay waana Eebaha Carsghiga wayn