Back to Languages
Somali - Chapter 104
Translation by Abdullah Hasan Jacob
Verse 1
Hoog waxaa leh dure kasta, wax ceebeeya
Verse 2
Kaasoo maal jamciya oo u heysta sahay ahaan (aanse ka bixin xaqa lagu leeyahay)
Verse 3
Wuxuu moodaa in maalkiisu waarin
Verse 4
Mayee! Waxaa hubaal lagu tuuri burburisada
Verse 5
Oo maxaa ku ogeysiiyey waxa ay burburisadu tahay
Verse 6
Waa Naar Ilaahay oo la huriyey
Verse 7
Oo kor ugu baxda quluubta dushooda
Verse 8
Hubaal waxaa lagaga xidhi dusha korkooda
Verse 9
Tiirar la taagay dhexdood