Back to Languages

Somali - Chapter 14 - Ibrahim

Translation by Abdullah Hasan Jacob — Permalink

Verse 1 — Surah Ibrahim 14:1

Alif Laam Raa1. (Kani waa) kitaab aan kuugu soo dejinnay (waxyi ahaan) si aad uga saarto dadka mugdiyada xagga Nuurka si idanka Rabbigood ah – xagga Jidka Adkaadaha sare, ee la ammaano

Verse 2 — Surah Ibrahim 14:2

Allaah, ee iska leh waxa ku sugan samooyinka iyo waxa ku sugan arlada. Oo hoog waxaa leh gaalada xagga Cadaab Darani darteed

Verse 3 — Surah Ibrahim 14:3

Kuwa jecel nolosha adduunkan in ka badan Aakhirada, oo ka leexda Jidka Ilaahay oo doona inay ka yeelaan mid qalloocan, kuwaanu waxay ku sugan yihiin habow aad u fog

Verse 4 — Surah Ibrahim 14:4

Oo kuma soo dirin Rasuulna waxaan aheyn afka qolodiisa si uu ugu faahfaahiyo si caddaan ah2; markaasuu Allaah midka uu doono habaabiyaa3, oo hanuuniyaa kan uu doono, oo Waa Isaga Adkaadaha sare, Falka sanoo Xakiimka ah

Verse 5 — Surah Ibrahim 14:5

Oo xaqiiq Waxaan la soo dirnay Muuse Aayadahayaga (Annagoo leh): Ka saar qolodaada Mugdiyada xagga Nuurka, oo xusuusi Ayaamaha Ilaahay4. Hubaal waxaa (arrin)kani ugu sugan calaamooyin wax lagu qaato mid walba oo samir badan, mahad naq badan

Verse 6 — Surah Ibrahim 14:6

Oo waa tii uu Muuse ku yidhi qolodiisa: Xusuusta Nicmadda Ilaahay idin siiyey, waa tii uu idinka badbaadshay reer Fircoon ee idin dhadhansiinayey Cadaab Daran, oo gawracayey wiilashiinna, oo deysanayey haweenkiinna, oo (arrin)kani waxaa ku sugnaa imtixaan xagga Rabbigiin ah, aad u weyn

Verse 7 — Surah Ibrahim 14:7

Oo waa tii Rabbigiin ka yeelay wax la og yahay oo caddaan ah: Haddii aad mahad naqdaan, hubaal waan idiin kordhinayaa (nicmadda), haddiise aad gaalowdaan, hubaal Cadaabtaydu waa mid aad u Daran

Verse 8 — Surah Ibrahim 14:8

Oo Muuse wuxuu yidhi: Haddii aad gaalowdaan idinka iyo kuwaa jooga arlada oo dhan, hubaal Allaah waa Hodan Deeqtoon, la Ammaano

Verse 9 — Surah Ibrahim 14:9

Oo miyaanay idin soo gaarin warka kuwii idinka horreeyay qolodii Nuux iyo Caad iyo Thamuud iyo kuwii ka dambeeyey Cidi ma oga iyaga aan ahayn Allaah. Rusushoodii waxay ula yimaadeen xujooyin cad cad, Waxayse ku celiyeen gacmahooda afafkooda5 oo yidhaahdeen: Hubaal innagu ma aaminsanin waxaa la idinla soo diray, oo hubaal innagu waxaanu ka qabnaa shaki waxaad noogu baaqdaan

Verse 10 — Surah Ibrahim 14:10

Rusushoodii waxay yidhaahdeen: Oo ma waxaa jira shaki ku saabsan Allaah, Abuuraha samooyinka iyo aralda? Wuxuu idiinku yeedhaa inuu idinka dhaafo dambiyadiinna oo idin siiyo fursad ilaa muddo magacaaban ah. Waxay yidhaahdeen: Ma ahidin waxaan aheyn dad nala mid ah! Waxaad rabtaan inaad naga duwdaan waxay caabudi jireen aabbayaa- shayo, Ee noo keena wuxuun awood muuqata ah

Verse 11 — Surah Ibrahim 14:11

Rusushoodii waxay ku yidhaahdeen: Ma nihin waxaan aheyn dad idinla mid ah, laakiinse Allaah wuxuu ku manneystaa (Fadligiisa) cidda uu doono ee ka mid ah addoomahiisa. Oo ma aha wax noo yaal innaga inaan idiin keenno awood inuu Allaah Idmo maahee. Oo Allaah uun waa inay mu’miniintu isku halleeyaan

Verse 12 — Surah Ibrahim 14:12

Oo maxaan ugu kalsoonaan weynay Allaah? Isagoo runtii nagu hanuuniyey jidadkayaga (san), oo hubaal waan u samreynaa dhibta aad noo geysataan, Oo Allaah uun ha isku halleeyaan kuwa isku halleeya

Verse 13 — Surah Ibrahim 14:13

Oo kuwii xaqa diiday waxay ku yidhaahdeen Rusushoodii: Waxaynu hubaal idinka saari doonnaa dhulkayaga, ama haddii kale waxaad ku soo noqon doontaan diintayada. Markaasuu Rabbigood u waxyooday: Wallee waanu halaagi gar ma qaatayaasha

Verse 14 — Surah Ibrahim 14:14

Oo hubaal Waxaanu idin dejin Dhulka iyaga kaddib. Kani waxaa leh kan ka cabsada in la i soo hor joojinayo oo ka cabsada Gooddigayga

Verse 15 — Surah Ibrahim 14:15

Oo waxay dalbeen gargaar, oo waxaa hoogay isla weyne kasta oo macangag madax adag ah

Verse 16 — Surah Ibrahim 14:16

Naar baa ka horreysa, oo waxaa laga waraabin biyo carow ah

Verse 17 — Surah Ibrahim 14:17

Wuxuu u cabbi in yar in yar oo ma kari doono inuu liqo oo ka degaan, oo dhimashadu waxay uga imaan meel walba, mase dhiman doono, oo waxaa horti ah Cadaab aad u Qallafsan

Verse 18 — Surah Ibrahim 14:18

Mataalka kuwa ku gaalooba Rabbigood camalladoodu waa sida dambas oo kale oo ay dabeyshu si daran u bitiso maalin dabayl xumi dhaceyso, uma lahaan doonaan awood inay ka helaan waxba ka mid ah waxay kasbadeen.Kani waa habowga fog

Verse 19 — Surah Ibrahim 14:19

Miyaadan arkayn inuu Allaah ku abuuray samooyinka iyo arlada Xaq? Haddii uu doono wuu idin tegsiin oo la iman uun cusub

Verse 20 — Surah Ibrahim 14:20

Oo arrinkani kuma adka Allaah

Verse 21 — Surah Ibrahim 14:21

Oo waxay iyagoo dhammi iman doonaan Allaah horti, markaasay kuwii ducafada ahaa ku odhan kuwii isla weynaa: hubaal waxaanu ahayn raciyadiinna; ee wax ma nooga tari kartaan wax ka mid ah Cadaabta Ilaahay? Waxay odhan: Haddii uu Allaah na hanuunin lahaa, innaguna sidoo kale waan idin hanuunin lahayn. Waa isugu keen mid haddii aan calaacalno (haatan) ama aan samirno, nooma sugnaan meel loo cararo

Verse 22 — Surah Ibrahim 14:22

Oo shaydaanku wuxuu odhan doonaa marka Arrinka la xukumo: hubaal Allaah wuxuu idiin ballan qaaday ballan Xaq ah, oo Anigu sidoo kale waan idiin qaaday ballamo (been ah), markaasaan idiinka baxay. Oo kuma laheyn awood dushiinna, waase idiin baaqay uun oo aad i yeesheen. Marka ha i eedaynina ee eedeeya nafahiinna7. Anigu idiinma gargaari karo (haatan), idinkuna iima gargaari kartaan. Hubaal Anigu diiday ila wadaajintiinna cibaadada Allaah awal hore. hubaal waa gar ma qaatayaasha kuwa mudan doona Cadaab aad u Xanuun Badan

Verse 23 — Surah Ibrahim 14:23

Oo kuwa rumeysan oo samaha fala Waxaa laga yeeli doonaa inay galaan Beero hostooda ay webiyo qulqulaan, _iyagoo dhexdeeda ku waaraya Idanka Rabbigood, Salaantooda dhexdeeda waa, Nabad

Verse 24 — Surah Ibrahim 14:24

Ma waadan u fiirsan sida Allaah ugu soo qaato mataal Kelmedda Wanaagsani inay la mid tahay geed wanaagsan oo asalkiisu dhidban yahay, oo laamihiisu kor samada jiraan

Verse 25 — Surah Ibrahim 14:25

Ku soo saarta midhaheeda goor walba Idanka Rabbigeed, Oo Allaah wuxuu u soo qaadaa mataallo dadka bal inay waantoobaan

Verse 26 — Surah Ibrahim 14:26

Oo mataalka Kelmedda xun waa sida geed xun8 oo laga rujiyey dhulka korkiisa oo aan laheyn sugnaan

Verse 27 — Surah Ibrahim 14:27

Allaah Wuxuu waafajiyaa kuwa rumeysan kelmedda sugan9 nolosha adduunkan iyo aakhiradaba10. Oo Allaah wuxuu lumiyaa gar ma qaatayaasha. Oo Allaah wuxuu falaa wixii uu doono

Verse 28 — Surah Ibrahim 14:28

Ma waadan arag kuwa ku doorsaday Nicmadda Ilaahay abaal dhac11, oo ka yee- lay dadkoodii inay degaan daarta halaagga

Verse 29 — Surah Ibrahim 14:29

Naar bay gali doonaan. Oo u xun meel lagu sal yeesho

Verse 30 — Surah Ibrahim 14:30

Oo waxay u yeelaan shariigyo Allaah si ay uga lumiyaan (dadka) Jidkiisa. Dheh: iska Raaxaysta! Hubaal Aayihiinnu waa xagga Naarta

Verse 31 — Surah Ibrahim 14:31

Ku dheh addoommahayga rumeysan, inay hagaajiyaan tukashada salaadda, oo bixiyaan wax ka mid ah waxa aan ku irsaaqnay sir iyo caddaanba ka hor inta aysan imaan Maalin aysan jiri doonin ganacsi iyo saaxiibnimo midna

Verse 32 — Surah Ibrahim 14:32

Allaah waa Kan abuuray samooyinka iyo arlada oo ka soo dejiya biyo daruuraha, oo ku soo saara midho risiq idiin ah, oo Wuxuu idiin sakhiray doonyaha inay ku maaxaan badda Amarkiisa, oo idiin sakhiray webiyada

Verse 33 — Surah Ibrahim 14:33

Oo Wuxuu idiin sakhiray qorraxda iyo dayaxa, labaduba joogto ugu socdaan rugahooda; oo wuxuu idiin sakhiray habeenka iyo maalinta

Verse 34 — Surah Ibrahim 14:34

Oo Wuxuu idin siiyaa wax ka mid ah wax kastoo aad weydiisataan12, oo haddii aad tirisaan Nicmooyinka Ilaahay, ma kari doontaan inaad tiro koobtaan. hubaal Aadmigu waa dulmilow, abaal laawe ah

Verse 35 — Surah Ibrahim 14:35

Oo waa tii uu Ibraahiim yidhi: Rabbiyow! Ka yeel beledkan (Makkah) aamin, oo iga dheeree aniga iyo awlaaddeydaba inaan cabudno sanammo

Verse 36 — Surah Ibrahim 14:36

Rabbiyow! Hubaal waxay lumiyeen in badan oo ka mid ah dadka. Ee mid kastoo i raaca, aniga buu hubaal iga mid yahay; mid kastoo se igu caasiya,_ Adiga baa hubaal ah Dambi Dhaaf Badane, Naxariis Badan

Verse 37 — Surah Ibrahim 14:37

Rabbiyow! Hubaal waxaan dejiyey qaar ka mid ah durriyadeydii tog aan sarac lahayn, oo beydkaaga Xurmadda leh agtiis ah; Rabbiyow si ay u oogaan salaadda ee ka yeel quluubta qaar dadka ka mid ah kuwo u soo iisha xaggooda oo ku irsaaq midho bal inay mahad naqaan

Verse 38 — Surah Ibrahim 14:38

Rabbiyow! Hubaal waxaad adigu ogtahay waxa aan qarinno iyo waxa aan muujinnaba.Oo kama qarsoomaan Alle wax dhulka jira ama cirka gudahiisa ah

Verse 39 — Surah Ibrahim 14:39

Ammaan idilkeed mahadi wehliso waxaa iska leh Allaah ee i siiyey anigoo weyn oo da’ ah Ismaaciil iyo Isxaaq. hubaal Rabbigay xaqiiq waa Maqlaha baryada

Verse 40 — Surah Ibrahim 14:40

Rabbiyow! Iga yeel mid si fiican u ooga salaadda aniga iyo durriyadeydaba, Rabbiyow! Oo iga aqbal baryada

Verse 41 — Surah Ibrahim 14:41

Rabbiyow! Ii dambi dhaaf aniga iyo labadeyda waalid iyo mu’miniintaba Maalinta ay dhici doonto Xisaabtu

Verse 42 — Surah Ibrahim 14:42

Oo ha moodin in Allaah moog yahay waxa ay falaan gar ma qaatayaashu, ee Wuxuu uun dib ugu dhigaa Maalin ay indhahu taagmi doonaan

Verse 43 — Surah Ibrahim 14:43

Iyagoo horay u degdegaya, madaxyadoodu kor u taagan yihiin13, indhahoodu u soo noqoneyn xaggoooda, oo quluubtoodu maran yihiin

Verse 44 — Surah Ibrahim 14:44

Oo uga dig dadka Maalinta ay u iman doonto cadaabtu, markaas kuwii ahaa gar ma qaatayaasha waxay odhan: Rabbigayow! In yar dib noo dhig, (markaas) waxaynu ajiibi baaqaaga oo raaci Rususha. Miyeydaan ka hor ku dhaaran inaydaan adduunka ka tegi doonin

Verse 45 — Surah Ibrahim 14:45

Oo waxaad degteen guryihii kuwii ku gar darrooday nafahooda, oo waa idiin caddahay sidii aan u galnay. Oo Waxaan idiinka dhignay tusaalooyin

Verse 46 — Surah Ibrahim 14:46

Oo waxay dhab ahaan qorsheeyeen qorshahooda xun, qorshahooda xun se waxaa (ka war) hayay Allaah, inkastoo qorshahoodu xun ahaa mid (daran) ay la baabba’aan buuruhu

Verse 47 — Surah Ibrahim 14:47

Ee marnaba ha moodin inuu Allaah uga baxayo Ballankiisa Rusushiisa. hubaal Allaah waa Adkaade sare, Aar gudasho leh

Verse 48 — Surah Ibrahim 14:48

Maalinta marka arlada loo beddeli doono arlo kale iyo samooyinkaba, oo waxaa la hor keeni doonaa Allaah, Waaxidka, Awoodda sare leh

Verse 49 — Surah Ibrahim 14:49

Oo waxaad arki Dambiilayaasha Maalintaas oo iskula xir-xiran silsilado

Verse 50 — Surah Ibrahim 14:50

Qamiisyadoodu ka sameysan yihiin daamur, oo dabku daboolayo wajiyadooda

Verse 51 — Surah Ibrahim 14:51

Si uu Allaah uga abaal mariyo naf walbaa waxa ay kasbatay. hubaal Allaah waa ku Dhaqso Badan yahay Xisaabta

Verse 52 — Surah Ibrahim 14:52

Kani (Dhambaalkani) ugu filan gaarsiin cad dadka, iyo in loogu digo, iyo inay ogaadaan inuu yahay Ilaah Keliya, iyo inay ku waana qaataan waxgaradku