Back to Languages
Somali - Chapter 16
Translation by Abdullah Hasan Jacob
Verse 1
Amarka Ilaahay waa imane ee waxba ha doonina in la idiin soo dedejiyo. Xurmoo oo dhan Isagaa baa iska leh, oo waa ka Sarreeya1 waxa ay wax la wadaajiyaan
Verse 2
Wuxuu la soo diraa malaa’igta Waxyi Amarkiisa ah (oo uu ku soo dejiyo) cidduu doono oo addoomahiisa ka mid ah (Isagoo leh):Bixi digniinta inuusan jirin ilaah (xaq lagu caabudo) aan ahayn Aniga (Allaah) ee dhowra xilka aan idin saaray
Verse 3
(Alle) wuxuu ku abuuray samooyinka iyo arlada Xaq. Waa ka Sarreeyaa oo ka Kor yahay shariig ama dhig loo yeelo
Verse 4
Wuxuu ka abuuray aadmiga mino nool, mise, waa dood badane col cad ah
Verse 5
Oo wuxuu idiin abuuray xoolaha; waxaa idiinku sugan dhar dugaal leh iyo manaafacaad badan oo kale3, oo iyaga ayaad wax ka cuntaan
Verse 6
Oo waxaa idiinku sugan qurux marka aad u soo celinaysaan galabnimada (guriga) iyo marka aad u foofinaysaan daaqa subaxa
Verse 7
Oo waxaad ugu rarataan culeysyadiinna xagga gobollo aydaan gaari karteen nafahoo dhibtooda ma’ahee. hubaal Rabbigiin xaqiiq waa Turid Badane, Naxariis Badan
Verse 8
(Oo Wuxuu idiin abuuray) Fardo, baqallo iyo dameerro inaad fuushaan iyo qurux ahaanba. Oo Wuxuu abuuri wax aydaan ogeyn
Verse 9
Oo Allaah bay saaran tahay xilka inuu caadeeyo Jidka Toosan, oo waxaa jira (jidad) qallooc ah. Oo haddii uu doono hubaal waa uu idin wada hanuuin lahaa dhammaantiin
Verse 10
Waa Isaga Kan idiinka soo dejiya biyo daruurta, waxaad ka heshaan cabbitaan, biyahaasoo (soo saara) geedaha aad daaqsataan (xoolaha)
Verse 11
Wuxuu sababaa inuu idiinku soo bixiyo sarac, saytuun, geedaha timirta, canabyo iyo nooc walba oo miraha ah. Hubaal arrinkani waxaa ugu sugan calaamooyin qolo fekerta
Verse 12
Oo Wuxuu idiin sakhiray habeenka iyo maalinta iyo qorraxda iyo dayaxa; xiddigu- huna waxay ku sakhiran yihiin Amarkiisa. Hubaal, arrinkani waxaa ugu sugan xaqiiq calaamooyin qolo garaad leh
Verse 13
Iyo waxa uu idiinku abuuray dhulka korkiisa oo midabbo kala duwan leh. Hubaal arrinkani waxaa ugu sugan xaqiiq calaamo qolo maan leh oo waantoobaysa
Verse 14
Oo Waa Isaga Kan idiin sakhiray badda si aad uga cuntaan hilib cusub iyo inaad kala soo baxdaan qurux aad xidhataan. Oo waxaad aragtaa doonyaha oo dhex maaxaya badda gudaheeda, (oo waa idiin layliyey) si aad ugu raadsataan (sidaa) wax ka mid ah Deeqdiisa, oo waa intaasoo aad mahad naqdaan
Verse 15
Oo Wuxuu ku riday si sugan buuro waaweyn dhulka, si uusan idiinla iilan oo (wuxuu yeelay) webiyaal iyo waddooyin si aad ugu hagaagtaan
Verse 16
Iyo calaamooyin dhulka lagu garto, oo xiddigaha bay ku helaan dhabbaha toosan
Verse 17
Ma mid haddaba wax abuura baa la mid ah mid aan wax abuurin? Ma waydaan maan lahayn oo waansameyn
Verse 18
Oo haddii aad tirisaan Nicmooyinka Ilaahay, ma kari doontaan inaad tira koobtaan. Hubaal Allaah xaqiiq waa Dambi Dhaaf Badane, Naxariis Badan
Verse 19
Oo Allaah wuxuu Og yahay waxa aad qarisaan iyo waxa aad muujisaanba
Verse 20
Oo kuwa ay baryaan Allaah sokadi waxba ma ay abuurin, ee se iyaga baa naf ahaantooda la abuuray
Verse 21
(Waa) mayti aan nolol ku jirin, oo maba oga goorta la soo bixin doono
Verse 22
Ilaahiinnu waa Ilaah Mid Keliya ah. Kuwase aan rumeysneyn Aakhirada, quluubtoodu way diidaan (Towxiidka), oo iyagu wayba isla weyn yihiin
Verse 23
Shaki ma leh, in Allaah Ogsoon yahay waxa ay qarsadaan iyo waxa ay muujiyaanba. hubaal Allaah ma jecla kuwa isla weynayaasha ah
Verse 24
Oo marka lagu yidhaahdo: Waa maxay waxa uu soo dejiyey Rabbigiin? Waxay yidhaadaan: sheekooyinka kuwii hore
Verse 25
Si ay u xambaartaan culeysyadooda oo dhan Maalinta Qiyaamaha, iyo waliba culeysyada kuwaa ay ku lumiyaan aqoon darro. Haddaba hubaal wax xun waa waxa ay xambaartaan
Verse 26
Waxaa dhab ahaan tab degay4 kuwii iyaga ka horreeyey, Wuxuuse Allaah uga yimid dhismayaashoodii xagga aasaasyada, markaas buu saqafkii ku soo dumay iyaga korkooda, oo cadaabku wuxuu uga yimid meel aysan ka fileyn
Verse 27
Haddana Maalinta Qiyaamaha wuu dullayn doonaa5, oo wuxuu odhan doonaa: Meeye shurakadii aad ila wadaajiseen ee aad iyaga awgood u noqoteen col? Kuwa cilmiga la siiyey waxay odhan doonaan: Dulli iyo dar xumo waxay maanta haysataa gaalada
Verse 28
Kuwa ay malaa’igtu sababaan6 inay dhintaan iyagoo ku gardarroonaya nafahooda. Markaas bay muujiyaan hoggaansamid (iyagoo leh): Ma ba aanu fali jirin wax xume ah. Mayee, hubaal Allaah baa ogsoon waxa aad fasheen
Verse 29
Ee gala albaabbada Naarta idinkoo ku waaraya dhexdeeda. meel baas oo belo ah waa hoyga isla weynayaasha
Verse 30
Oo waxaa lagu yidhaahdaa kuwaa iska jira (xumaha): Waa maxay waxa uu Rabbigiin soo dejiyey? Waxay yidhaahdaan: Khayr. Waxay leeyihiin kuwa sama ku fala adduunyadan samaan, oo xaqiiq Daarta Aakhira baa u khayr badan. Oo xaqiiq waxaa barwaaqo iyo baraare ah Daarta kuwa iska jira (xumaha)
Verse 31
Beeraha negaadiga, ay geli doonaan, ay hoostoodu webiyo qulqulaan, waxay ku heli doonaan gudaheeda waxay doonaan. Sidaas buu Allaah ku abaal mariyaa kuwa iska jira ( xumaha)
Verse 32
Kuwa ay malaa’igtu sababaan inay dhintaan iyagoo ku sugan xaalad wanaagsan iyagoo leh: Nabad korkiinna ha ahaato: Gala Jannada waxaad (samo) fasheen darteed
Verse 33
Ma sugayaan waxaan ahayn inay malaa’igtu u timaaddo ama Amarka Rabbigaa7 u yimaado inuu fulo? Sidaas oo kale bay faleen kuwii ka horreeyey. Oo Allaah ma ku gardarroonin, laakiinse iyaga baa nafahooda ku gardarrooday
Verse 34
Markaas (abaalka) xumihii ay faleen baa ku dhici doona, oo waxaa hareereyn doona waxay ku jeesjeesayeen
Verse 35
Oo iyaga kuwa u yeela shurukada Allaah waxay yidhaahdaan: Haddii uu Allaah doono ma aan caabudneen waxba Sokadi innaga iyo aabbayaashayo midna, oo ma xaaraamayneen waxbana (Amarkiisa) la’aanti. Sidaas oo kale bay faleen kuwii ka horreeyey: Ee Rususha ma waxaa la saaray wax kale aan aheyn gaarsiin cad (ee Risaalada)
Verse 36
Oo dhab ahaan Waxaan ka soo bixinnay ummad walba Rasuul (leh): Caabuda Allaah, oo ka dheeraada Shaydaanka. Markaa baa waxaa ka mid noqday qaar Allaah hanuuniyey, oo waxaa ka mid noqday qaar habowga ku waajibay. Ee socda dhulka markaa fiiriya sida ay aheyd cidhibta beeniyayaasha
Verse 37
Haddii aad ku dadaashid hanuunkooda, haddaba hubaal Allaah ma hanuuniyo cid uu lumiyo8, mana heli doonaan wax u soo gargaara
Verse 38
Oo waxay ku dhartaan Allaah dhaarahooda kuwa ugu culus: Allaah ma soo bixin doono mid isagu dhinta. balse, (haayoo), _waa ballan saaran oo Xaq ah, laakiinse dadka badankiisu ma oga
Verse 39
(Waa) si uu ugu caddeeyo (abbaarta) waxa ay isku khilaafsan yihiin, oo markaa kuwa (Xaqa) rumeysan waayayey u ogaadaan inay ahaayeen beenaalayaal
Verse 40
Sideedaba Qowlkayagu marka aan wax doonno waa oo Keliya inaan ku nidhaahno: "Ahaw” oo Waaba uu yahay
Verse 41
Oo kuwa u soo haajira Ilaahay Darti, kaddib markii la caddibay, Waxaan hubaal ku siin doonnaa meeqaan wanaagsan adduunka, oo abaal gudka Aakhiro baa xaqiiq ka sii weyn, haddii ay ogaan lahaayeen
Verse 42
Kuwa samir yeesha oo Rabbigood isku halleeya ee ku kalsoon
Verse 43
Oo ma aanu soo dirin adiga hortaa (Nabi Muxammadow) waxaan ahayn rag aan u waxyoonno. Ee weydiiya ehlu kitaabka, haddii aydaan ogeyn
Verse 44
Xujooyin cad iyo Kutub (baan la soo dirnay Rususha). Oo Waxaan kugu soo dejinnay Waanada (Qur’aanka), si aad ugu caddaysid dadka waxa loo soo dejiyey, bal inay u fiiro yeeshaan oo ay wax ku qaataan
Verse 45
Ma waxay haddaba kuwa qoola xumaha dareemaan aamin inuusan Allaah sababi doonin inuu dhulka la go’o oo liqo, ama inuu cadaabka ka qaban doonin meel aanay ka fileyn
Verse 46
Ama inuusan qaban doonin iyagoo ku jira safarradooda, markaas ma baxsan doonaan
Verse 47
Ama inuusan ku qaban dooin nuqsaamin iyo cabsi isa soo tarta. hubaal Rabbiggiin waa Turid Badane, Naxariis Badan
Verse 48
Ma waysan u fiirsan wax kastoo uu Allaah abuuray, (sida) hararkoodu ugu iishaan midig iyo bidix, oo ugu sujuudaan Allaah iyagoo cuftiran
Verse 49
Oo waxa jira noole ee ku sugan samooyinka iyo waxa ku sugan arlada waxay u sujuudaan Allaah (Keliya), iyo malaa’igta (sidoo kale) oo iyagu iskama weyneeyaan
Verse 50
Waxay ka cabasadaan Rabbigood ka korreeya, oo falaan waxa la amro
Verse 51
Oo Allaah wuxuu yidhi: Ha yeelannina labo ilaah. Waa uun Ilaah Keliya. Ee Aniga oo Keliya waa inaad iga cabsataan
Verse 52
Oo waxa ku sugan samooyinka iyo arlada Isaga baa leh, oo Waa in Isaga cibaadada lagu keli yeelo oo la adeeco si joogta ah. Ee Ma waxaad haddaba iska jiri doontaan waxaan ahayn(Ciqaabka)Ilaahay
Verse 53
Oo wax kastoo nicmo ah ee (lagu galladeystey) dushiinna waa xagga Ilaahay, haddana marka dhibaato idin ku dhacdo, Xaggiisa baad u calaacashaan idinkoo gargaar doon ah
Verse 54
Haddana marka uu idinka faydo dhibaatada, mise qaar idin ka mid ahi waxay shuruko uga dhigaan kuwo kale Rabbigood
Verse 55
Sidaa awgeed waxay ahaadaan kuwo ka abaal dhacsan waxa aan siinnay. Ee iska raaxeysta, durbase waad ogaan doontaan
Verse 56
Oo waxay dhinac u dhigaan wax aanay11 garanayn qayb ka mid ah waxa aanu siinnay. Tallaahi, hubaal waa la idin weydiin doonaa xaqiiq waxa aad been abuurateen
Verse 57
Oo waxay u yeelaan Allaah gabdho12. Xurmo oo dhan Isaga baa leh oo iin iyo ceeb tiran, oo iyaguna waxay isa siiyeen waxa ay rabaan
Verse 58
Oo marka lagu war geliyo midkood (dhalashada) gabadh, wuxuu noqdaa wejigiisa madow, oo waaba tiiraanyeysan yahay
Verse 59
Wuxuu iska qariyaa dadka xumida waxa lagu soo war geliyey darteed. Ma wuxuu ku heystaa dulli mise ku aaasaa (iyadoo nool) carrada? Haddaba hubaal waxaa xun waxa ay xukumaan
Verse 60
Kuwa aan rumeysneyn Aakhirada waa tusaale xun14, oo Allaah baa iska leh tilmaanta wanaagsan ee sare, oo waa Isaga Adkaadaha, Xakiimka ah
Verse 61
Oo haddii uu Allaah durbaba ugu ciqaabi lahaa dadka caddaalad darradooda, kagama tageen (dhulka) guudki nafley qudh ahi, laakiinse wuxuu ugu dib dhigaa waqti go'an14, markaa mar- ka uu u yimaado ajalkoodu, ma dib dhigi karaan Saacad mana soo hor marin karaan
Verse 62
Oo waxay u yeelaan Allaah waxa ay (iyaguba) nacaan, oo carrabyadoodu waxay sheegaan beenta ah inay mudan doonaan midda wanaagsan; waxaa sugan inay leeyihiin Naarta, oo loo hormarin doono
Verse 63
Tallaahiye, Waxaan dhab ahaan u soo dirnay (Rusullo) ummado kaa horreeyey, Wuxuuse u qurxiyey Shaydaanka camalladooda. Marka waa isaga Gacalkood maanta, oo waxay mudan doonaan cadaab aad u xanuun badan
Verse 64
Oo kuuguma aanu soo dejin Kitaabka waxaan ahayn inaad u caddeyso iyaga waxyaalaha ay isku khilaafsan yihiin, iyo hanuun ahaan iyo Naxariis qolo rumaysan
Verse 65
Oo Allaah waa Kan ka soo dejiyey biyo daruurta, oo ku nooleeyey arlada dhimashadeeda kaddib. hubaal arrinkani waxaa xaqiiq ugu sugan calaamo qolo wax maqasha
Verse 66
Oo hubaal waxaa idiinku sugan xoolaha cibrad. Waxaan idinka waraabinnaa waxaa ku jira uurarkooda uus iyo dhiig dhexdood, caano saafi ah, oo u fudud, mari og hunguriga kuwa cabba
Verse 67
Iyo wax ka mid ah midhaha geedaha timirta iyo canabyada oo aad ka samaysataan cabbitaan culus16 iyo risiq wanaagsan. hubaal arrinkani waxaa ugu sugan xaqiiq calaamo qolo fekerta
Verse 68
Oo Rabbigaa wuxuu u waxyooday shinnada: Ka sameyso guryo buuraha iyo geedaha iyo waxa ay dhisaanba
Verse 69
Markaas wax ka cun midhaha oo dhan, oo qaad jidadka Rabbigaa idinkoo laylan. Waxaa ka soo baxa uurarkeeda sharaab kala midab ah oo caafimaad ugu jiro dadka. hubaal arrinkani waxaa ugu sugan calaamo qolo fekerta
Verse 70
Oo Allaah baa idin abuuray, misna sababa inaad dhimataan, oo waxaa idin ka mid ah mid loo celiyo cimriga u liita nolosha, si uu waxba aanu u ogaan kaddib waayo aqoontii. Hubaal Allaah waa wax kasta Ogsoone, Awood Badan
Verse 71
Oo Allaah wuxuu uga roonaaday qaarkiinba qaar kale xagga risiqa, Marka, kuwa loo roonaaday sinnaba uma mulki siiyaan risiqooda kuwaa (addoomaha ah) oo ay midigtoodu hanato si ay isku mid ugu noqdaan17. Ee haddaba ma Nicmadda Allaah baa waxa ay diiddan yihiin
Verse 72
Oo Allaah wuxuu idiinka yeelay nafahiinna afooyin idinla nooc ah, oo wuxuu idinka siiyey afooyinkiinna ubad iyo ilmo ilmahood, oo wuxuu ku galladeysatay korkiinna wax ka mid ah waxyaalaha wanaagsan. Ee ma haddaba baadil baa waxay ay rumeyansan yihiin, halka ay tahay Nicmadda Ilaahay waxa ay ku gaaloobaan
Verse 73
Oo waxay caabudaan Allaah sokadi, wax aan uga hanan karin wax risiq ah xagga samooyinka iyo arlada, oo aan wax awood ahi lahayn
Verse 74
Ee ha u yeelina wax la dhig u ah18 Allaah. Hubaal, Allaah wuu Og yahay, idinkuse ma ogidin
Verse 75
Allaah wuxuu soo qaataa tusaale19: addoon la leeyahay aan waxba awoodi karin, iyo mid aanu ka siinnay xaggeenna risiq wanaagsan, oo isagu wax ka bixiya sir iyo caddaanba. Miyey labadaasi siman yihiin? Ammaan oo idil waxaa mudan Allaah! Mayee badankoodu ma oga
Verse 76
oo Allaah wuxuu (kaloo) soo qaataa tusaale labo nin, oo midkood af la’yahay (hadli karin), kaasoo aan waxna karin inuu hagaajiyo, oo isagu ku ah culeys abaankiisa, meeshuu u diraba aan ka keenayn khayr. Miyaa lala simi karaa mid amra caddaalad, oo isagu (naf ahaantiisa) ku sugan Jidka Toosan
Verse 77
Oo Allaah baa iska leh waxa aan muuqan ee jira samooyinka iyo arlada. Oo Arrinka Saacaddu ma aha waxaan ahayn sida il biriqsi, ama ka dhowba. hubaal Allaah wax walba waa uu Karaa
Verse 78
Oo Allaah wuxuu idinka soo saaray uurarka hooyooyinkiin idinkoo aan waxba garanayn. Oo Wuxuu idin yeelay maqal iyo arag iyo quluub inaad mahad naqdaan
Verse 79
Mawaysan arkayn shimbiraha loo sakhiray (oo ku duulaya) hawada samada? Cidina ma qaban karto aan ahayn Allaah. hubaal, arrinkani waxaa ugu sugan calaamooyin qolo rumaysan
Verse 80
Oo Allaah wuxu idiinka yeelay guryihiinna degaan aad ku xasishaan, oo wuxuu idinku galladeystey teendhooyin laga sameeyey hargaha xoolaha idiin fudud qaadistooda maalinta geeddigeenna iyo maalinta negaadigiinnaba. Oo wax ka mid ah (idaha) duftooda iyo (geela) dhogortooda iyo (riyaha) timahooda (wuu idinku galladeystay) alaabo guri ahaan iyo sahay ilaa muddo ah
Verse 81
Oo Allaah wuxuu idiinka yeelay waxa uu abuuray (geedaha) hoosas, oo idiinka yeelay buuraha gebiyo aad gashaan, oo idiin yeelay dhar idinka celiya kuleylka (iyo qabowga) iyo dhar (jaakado bir ah) oo idinka celiya (dhibka) dirirtiinna. Sidaas buu idiinku iltiraa Nicmaddiisa bal inaad u hoggaansantaan
Verse 82
Haddiise ay jeesadaan, haddaba xilkaagu waa oo keliya Gaarsiinta cad (ee Risaalada)
Verse 83
Waxay gartaan Nicmadda Ilaahay, haddana way dafiraan, oo badankoodu waa kuwo aan mahad naqin
Verse 84
Oo maalinta aan ka soo saari doonno ummad walba markhaati, markaas aan la siin doonin wax idan ah kuwa (Xaqa) rumeysan waaya, oo aan laga yeeleyn inay axsaan fal dalbaan
Verse 85
Oo marka ay kuwa gar ma qaatayaasha ah arkaan cadaabta, lagama khafiifin doono, oo lama siin doono nafis
Verse 86
Oo marka ay kuwa u shariig yeela (kuwo kale Allaah)20 arkaan kuwa ay ka dhigteen shurakada Ilaahay waxay odhan doonaan: Rabbiyow! Kuwaanu waa kuwa aan ka dhigannay shurakada ilaahay ee aan baryi jirnay adiga Sokadaa21. Waxayse dib ugu celin doonaan hadalka (iyagoo leh): Waxaad tihiin beenaalayaal
Verse 87
Oo waxay ula imaan doonaan Allaah maalintaas hoggaansan dhan, oo waxay waayi doonaan waxay been abuuran jireen
Verse 88
(Ma) kuwa Xaqa diida oo ka jeedsada Jidka Ilaahay, waxaan ugu dari doonnaa cadaab cadaabkooda, waxay fasahaad fali jireen awgii
Verse 89
Oo Maalinta aan ka soo saari doonno ummad walba markhaati ku marag fura oo iyaga ka mid ah, oo aan kuu keenno adiga inaad ka ahaato markhaati kuwan - oo Waxaan kugu soo dejinnay Kitaabka u faahfaahinaya wax walba si cad , iyo inuu u ahaado Hanuun iyo Naxariis iyo war san oo farxad leh kuwaa hoggaansama
Verse 90
Hubaal Allaaah wuxuu amraa caddaalada iyo axsaan falka iyo wax siinta qaraabada, oo wuxuu reebaa anshax darrada iyo xumaanta iyo gardarrada. Wuu idin waaninayaa, bal inaad wax ku qaadataan
Verse 91
Oo oofiya Axdiga Ilaahay marka aad gashaan, oo ha burinnina dhaaraha kaddib markaad adkeyseen, oo waxaad dhab ahaan uga dhigateen Allaah damiin. hubaal Allaah wuu Og yahay waxa aad fashaan
Verse 92
Oo ha la mid noqonnina sida tan furfurta xadhiggeeda ay soohday iyadoo u googooneysa gabal gabal kaddib markuu yeeshay xoog. Waxaad ka dhigataan dhaarahiinna inay ahaadaan siyaalo aad isku khiyaantaan dhexdiinna, inay ummad ka tiro badan tahay ummad kale (darteed23). Allaah waa uun idinku imtixaanaa. Oo hubaal Wuxuu xaqiiq idiin caddeyn doonaa Maalinta Qiyaamaha waxaad isku khilaafteen
Verse 93
Oo haddii uu Allaah doono, wuxuu hubaal idinka dhigi lahaa ummad keliya, Laakiinse wuxuu lumiyaa cidduu doono oo hanuuniyaa ciddii uu doono. Oo hubaal Waa la idin su'aali doonaa waxaad camal fasheen
Verse 94
Oo ha ka dhigannina dhaarahiinna siyaalo aad isku khiyaantaan dhexdiinna, si aanay cagi u sidban kaddib sugnaashaheeda, oo aad dhadhamisaan xumaan (cadaab), inaad ka jeedsateen Jidka Ilaahay darteed, oo waxaad mudan doontaan Cadaab aad u weyn
Verse 95
oo ha qaadannina qiimo yar aad siisataan Axdiga Ilaahay. Hubaal waxa Allaah agtiis ah baa idiin khayr badan haddii aad og tihiin
Verse 96
Wax aad haysataan wuu dhammaan, oo waxa Allaah agtiis ah baa baaqi ahaanaya. Oo hubaal waxaan xaqiiq siin doonnaa kuwa samir yeesha abaalgudkooda u qalma waxa ugu wanaagsan ay faleen
Verse 97
Mid kastoo sama fala lab ama dheddig isagoo mu’min ah waxaan hubaal ka yeeli doonnaa inuu xaqiiq noolaado nolol fiican oo farxad leh, oo waxaanu hubaal siin doonnaa xaqiiq abaalgudkooda u qalma waxa ugu wanaagsan ay faleen
Verse 98
Ee marka aad akhriyeyso Qur’aanka, (hor iyo baataba) ka magan gal Allaah shaydaanka la fogeeyey
Verse 99
Hubaal kuma dul laha awood kuwaa (Xaqa) rumeysan oo Rabbigood isku halleeya oo ku kalsoon
Verse 100
Ee wuxuu awood ku dul leeyahay oo keliya kuwa la saaxiiba iyo kuwa la wadaajiya cibaadada kuwo kale (Allaah)
Verse 101
Oo marka aan ku beddelno Aayad meel Aayad kale, oo Allaah baa dhab u Ogsoon wuxuu soo dejiyo, waxay yidhaahdaan: Waxaad uun tahay been abuurte. Mayee, badankoodu wax ma oga
Verse 102
Dheh: Ruuxa Daahirka ah (Jabriil) baa kaga soo dejiyey xagga Rabbigaa si xaq ah, si uu ugu sugo kuwa (Xaqa) rumeysan, oo ugu ahaado hanuun iyo war san oo farxad leh kuwa hoggaansama ee isu dhiiba (Allaah)
Verse 103
Oo dhab ahaan Waxaan ognahay inay yidhaahdaan: Waxaa sideedaba wax bara qof aadmi ah. Carrabka midka ay ku leexinayaan waa af shisheeye25, oo kani waa af Carabi faseex ah
Verse 104
(Ma) kuwa aan rumeysnayn Aayadaha Ilaahay, hubaal Allaah ma hanuunin doono, oo waxay mudan doonaan cadaab aad u xanuun badan
Verse 105
Waxaa uun abuurta been sideedaba kuwa aan rumeysnayn Aayadaha Ilaahay, oo waa kuwan kuwa ah beenaalayaasha
Verse 106
Mid kastoo isagu ku gaalooba Allaah kaddib isaga oo rumaysnaa26, mid maahee lagu khasbay isagoo qalbigiisu ku xasilan yahay Iimaanka_laakiinse midkii isagu u fura laabtiisa gaalnimo- kuwan dushoodu waxaa ah Cadhada Ilaahay, oo waxay mudan doonaan Cadaab aad u Weyn
Verse 107
Arrinkaasi waxaa ugu wacan inay jecel yihiin nolosha adduunkan wax ka badan Aakhirada, iyo inaan Allaah hanuunin qoloda gaalada ah
Verse 108
Kuwan weeye kuwa uu Allaah daboolay quluubtooda iyo maqalkooda iyo aragggooda.Oo waa kuwan kuwo dhoohan
Verse 109
Shaki ma leh, inay Aakhirada ahaan doonaan kuwa khasaari doona
Verse 110
Waliba hubaal Rabbigaa, xagga kuwa soo haajira kaddib inta la dhibay markaas halgama ee samir yeesha, hubaal Rabbigaa intaa kaddib, xaqiiq waa Dambi Dhaaf Badane, Naxariis Badan
Verse 111
(Xusuuso) Maalinta ay naf walba imaan doonto iyadoo u doodaysa nafteeda, oo naf walba loo oofin doono waxay fashay, iyagoo aan loola dhaqmi doonin si caddaalad darro ah
Verse 112
Oo Allaah wuxuu yeelaa tusaale: magaalo nabad aheyd xasilloon; oo uu uga yimaado risiqeedu haqab la’aan meel walba, ha yeeshee ku gaalowday Nicmooyinkii Ilaahay. Sidaas darteed Allaah ka yeelay inay dhadhamiso gaajo daran iyo cabsi waxay samaynayeen darteed
Verse 113
Oo dhab ahaan waxaa u yimid Rasuul ka mid ah, wayse beeniyeen, markaas baa waxaa ku dhacay Cadaab iyagoo ahaa gar ma qaatayaal
Verse 114
Ee cuna waxa ka midka ah waxa Allaah idin siiyey, xalaasha ee fiican, oo ka mahad cesha Nicmadda Ilaahay, haddii aad Isaga Keliya caabuddaan
Verse 115
Wuxuu uun sideedaba idinka xaaraameeyey waxa iskood u dhinta iyo dhiig iyo hilib doofaar iyo waxa magac kale aan aheyn kan Allaah lagu xusay. Mid kastoo se ay dani ku qabato isagoo aan caasooyobid u dan laheyn, oo xad gudbeyn, markaa hubaal, Allaah waa Dambi Dhaaf Badane, Naxariis Badan
Verse 116
Oo waxa ay carrabyadiinnu tilmaamayaan, ha sheegina beenta (idinkoo leh): Kani waa xalaal kanna waa xaaraan, si aad ugu been abuurataan Allaah. hubaal kuwa ku been abuurta Allaah ma liibaani doonaan
Verse 117
Waa raaxo yar oo waxay mudan doonaan cadaab aad u xanuun badan
Verse 118
Oo kuwa ahaa Yuhuudda, Waxaanu ka xaaraamaynay waxyaalaha aan horay kuugu soo sheegnay28. Oo ma aanu ku gardarroon, laakiinse iyaga baa nafahooda ku gardarrooday
Verse 119
Haddana Rabbigaa, xagga kuwa u fala xumaan jahli darti markaas soo laabta intaas kaddib oo samaada, hubaal Rabbigaa taasi kaddib, waa Dambi Dhaaf Badane, Naxariis Badan
Verse 120
Hubaal Ibraahiim wuxuu ahaa hoggaamiye lagu daydo, adeeca Allaah, ka leexsan (diimaha gurracan oo dhan), oo ma aheyn mid ka mid ah Mushrikiinta
Verse 121
Ka mahad naqa Nicmooyika Ilaahay. Isagaa doortay oo ku hanuuniyey Jid Toosan
Verse 122
Oo Waxaanu ku siinnay samaan adduunkan.Oo Aakhirada wuxuu hubaal ka mid ahaan doonaa inta wanaagsan
Verse 123
Markaas Waxaanu kuu waxyoonnay (Nabi Muxammadow): Raac caqiidada ibraahiim ee toosan, oo kama mid aheyn Mushrikiinta
Verse 124
Sabtida waxaa uun sideedaba loo waajib yeelay kuwii isku khilaafay arrinkeeda30, oo hubaal, Rabbigaa wuu ku kala xukumi doonaa dhexdooda Maalinta Qiyaamaha waxay isku khilaafeen
Verse 125
Ugu baaqa Jidka Rabbigaa si xikmad leh iyo waano wanaagsan, oo ula dood sida ugu fiican. Hubaal Rabbigaa wuu Og yahay kuwa ka luma Jidkiisa, oo wuu Og yahay kuwa hanuunsan
Verse 126
Oo haddii aad aar goosaneysaan, haddaba aar goosta in la mid ah intii la idin geystey oo kale, haddiise aad samir yeelataan, hubaal sidaas baa u wanaagsan kuwa samir yeesha
Verse 127
Oo samir yeelo, oo ma aha samirkaad yeelataa waxaan aheyn (wax lagu helo kaalmada) Ilaahay. Oo ha u murugoon, oo ha ka welwelin waxa ay xume qoolaan
Verse 128
Hubaal Allaah wuxuu la jiraa kuwa iska jira (xumaha) ee ah sama falayaasha