Oo Waxaan siinnay Muuse Kitaabka oo aan uga dhignay hanuun Ilmaha Isaa’iil (Annagoo leh): Ha ka dhigannina cidaan Aniga aheyn wakiil aad tala saarataan
Ee markii uu wacadka labada kan hore yimid5, waxaan idinku soo dirnay addoomo aan leennahay oo xoog badan oo ku daran dagaalka. Markaas bay galoo baxeen guryihiinna dhexdooda, oo wuxuu ahaa wacad la fuliyey
Misna Waxaan mar kale idiin soo celinnay markiinna inaad ka guuleysataan. Oo Waxaan idinku taageernay maal iyo carruur badan oo idinka dhignay ciidan tiro badan
Haddii aad samo fashaan, waxa aad u sama fashaan uun waa nafahiinna, oo haddii aad xumaan fashaan (waxaad u geysataan) iyada (lidka nafahiinna). Ee markii uu wacadkii dambe (kii labaad) yimid ( Waxaan soo dirnay cadowyadiinna) si ay ugu dhigaan tiiraanyo ka muuqaato wajiyadiinna, oo ay u galaan masjidka shishe (ee Qudus ku yaal) sidii ay markii horeba u galeen, oo ay u baabbi’iyaan wax kasta ay helaan baabba'a muuqda
Hubaal Qur’aankani wuxuu ku hanuuniyaa arrin tan u toosan, oo wuxuu siiyaa war san oo lagu farxo mu’miniinta fala samaha inay mudan doonaan Abaalgud aad u Weyn
Oo Waxaan ka yeelnay qof walbaa camalkiisa inuu laasumo oo ku dhego qoortiisa, oo Waxaanu u soo saari doonnaa Maalinta Qiyaamaha Kitaab uu la kulmi doono isagoo fidsan
Oo marka aan doonno inaan rogno magaalo, Waxaan u dirnaa amarkayaga kuwaa ka mid ah dadkeeda ee ladan (inay adeecaan Allaah) Wayse ka hor yimaadaan oo diidaan, kolkaas baa xaq ugu dhacaa Qowlka oo aan burburinnaa burburin dhan
Fiiri, sida aan uga kor marinnay qaarkoodba qaar (adduunkan gudihi), oo xaqiiq, Aakhirada baa lagu sii kala derejooyin weyn yahay oo lagu sii kala fadli badan yahay
Oo Rabbigaa wuxuu guddoonshay inaydaan caabudin Axadna Isaga maahee. Iyo u sama fal waalidiintiin. Haddii uu midkood ama labadoodaba ku soo gaaro agtaada da' weyni, ha ku odhan erey xurmo darri ah haba ahaatee (wax u badan sida) “uf”10, oo ha hiifin, oo kula hadal, hadal wanaagsan oo gob ah
Oo ha ka dhigin gacantaada mid ku xiran luquntaada, oo ha wada fidin fidsanaan dhan, si aad meel u fadhiisan ha- dhow dambe adigoo eedeysan tabar gab ah
Oo ha u dhowaannina maalka agoonka sida u fiican maahee jeer uu qaan gaaro. Oo oofiya ballanka. hubaal Ballan walbaa oo la galo waa la is weydiin doonaa
Kuwani waa (qaar) ka mid ah waxa uu Rabbigaa kuu waxyooday oo ka mid ah xikmadda, oo ha u shariig yeelin ilaah kale wuxuu ahaadaba Allaah, si aan lagugu tuurin Naarta adigoo eedeysan, dayro ah
Toddobada samo baa muuiya xurmaddiisa oo hufa iyo arladaba iyo waxaa ku dhex jira, oo ma jiraan wax aan ku tasbiixsan Ammaanahiisa. Laakiinse waydaan garaneyn tasbiixdooda. Hubaal Isagu waa Dul Badane, Dambi Dhaaf Badan
Annaga baa aad u ogsoon waxa ay dhageystaan marka ay ku dhegaysanayaan iyo marka ay qabsadaanba shir qarsoodi ah oo ay ku faqaan, marka ay gar ma qaatayaashu leeyihiin: Waxaad uun raacdaan nin sixran
Ama abuur kale ka mid ah waxaa ay aad u adag tahay (in la siiyo nolol) sida ay idinkula tahay maankiinna. Waxayse odhan doonaan: Yaa na soo celin doona? Dheh: Kan idin abuuray kal horeba! Markaa weli waxay ruxi doonaan madaxyadooda xaggaaga iyagoo leh: Waa goorma isagu? dheh: Waa intaasoo uu dhow yahay
Oo ku dheh addoomahayga (inay) ku hadlaan hadal kan u wanaagsan. Hubaal, Shaydaanku wuxuu ka dhex abuuraa kala fogaansho iyo is af garan waa’. Hubaal, Shaydaanku aadmiga abad waa u cadow iska cad
Oo waxna noomaa diidin inaan soo dirno calaamooyin aan ahayn inay dadkii hore beeniyeen. Oo Waxaan siinnay Thamuud hal - calaamad muuqata ah. wayse ku gardarroodeen. Oo uma aanu soo dirno calaamooyinka waxaan aheyn cabsiin
Oo waa tii aan ku nidhi malaa’igta: U sujuuda Aadam. markaasay u sujuudeen Ibliis maahee (ma uu yeelin). Wuxuu yidhi: Ma waxaan u sujuudaa mid aad ka abuurtay dhoobo
wuxuu yiri;’ Ii sheeg, ma kan baa midkaad iga sharaftay oo kor marisay? Haddii aad ii deyso nolol ilaa Maalinta Qiyaamaha, hubaal waxaan hoojin (oo aan habaabin) doonaa ubadkiisa dhammaantood wax yar ma’ahee
Oo ku duufso waxooda aad karto oo ka mid ah codkaaga, oo u soo kulmi ciidammadaada iyagoo gaadiid wata iyo iyagoo lug ku socdaba, oo la wadaag maalka iyo carruurta, oo ballamo u qaad, umase ballan qaado shaydaanku waxaan dhagar aheyn
Ma waxaad haddaba dareentaan aaminaad inuusan idinla goyn doonin dhinac dhulka ka mid ah, ama idiin soo diri doonin dabayl daran oo quruurux wadata? markaas, ma heli doontaan wax idinka dhowra
Mise, ma waxaad dareentaan aaminaad inuusan dib idiinku soo celin doonin halkaa mar kale oo markaas idiin soo diro dabayl daran oo idin qarqiyo gaalnimadiinna darteed, markaasna ma heli doontaan wax nooga kiin gargaara
Oo dhab ahaan Waxaanu sharafnay ilma Aadam, oo Waxaan ku qaadnay barriga iyo baddaba, oo Waxaan ku irsaaqnay wax ka mid ah waxyaalaha wanaagsan, oo Waxaan ka kormarinnay in badan oo waxa aan abuurnay ah kor marin
Dheh: Haddii ay dadku iyo jinku isugu tagaan inay la yimaadaan wax la mid ah Qur’aankan, ma la imaan karaan wax la mid ah, xataa haddii uu qaarba qaarka kale caawiyo oo siiyo garab
Mawaysan u fiirsan in Allaah, ee abuuray samooyinka iyo arlada uu awoodo inuu abuuro iyagoo kale, oo wuxuu u dhigay muddo aan shaki lahayn. Wayse diideen gar ma qaatayaasha waxaan ahayn beenin
(Dheh: Ku barya Allaah ama ku barya Ar-Raxmaan, midka aad ku baridaanba waa isku mid), Isaga baa iska leh Magacyada aad u wanaagsan. Oo si aad ah kor ha ugu qaadin codka salaaddaada, ama (sidoo kale) si aad hoos u ah, ee raac labadaa dhexdooda jid (dhexdhexaad) ah