Ee hanuunka leh, si uu uga digo cadaab daran oo ka soo fuli doonta Xaggiisa, oo ugu bishaareeyo mu'miniinta samaha fala inay mudan doonaan Abaalgud aad u Wanaagsan (Janno)
Oo Waxaanu ku xoojinnay quluubtooda5 samir (iyo iimaan), markay kor u istaageen6, oo yidhaahdeen: Rabbigayo waa Rabbiga samooyinka iyo arlada, weligayo ma baryeyno ilaah kale aan Isaga ahayn, haddii kale waxaan dhab ahaan markaas ku hadallay wax xadgudub ah
Kuwaanu qolodayada ah waxay yeesheen Isaga sokadi ilaahyo ay caabudaan. Maxay u keeni waaayeen xujo cad oo u daliil ah? Ee yaa ka gardarro badan kan ka been sheega Allaah
Oo marka aad ka fogaataan iyo waxa ay caabudaanba Allaah maahee, ka doonta meel aad gabbaad ka dhigataan Hogga, Rabbigiin wuxuu wax idiinka fidin doonaa si waasic ah Naxariistiisa, oo idinka siin arrinkiinaan waxaad ku degtaan
Sidaas baan u soo kicinnay si ay bal isu weydiiyaan dhexdooda. Midkood hadlay baa yidhi: Immisa baad joogteen (halkan)? Waxay yidhaahdeen: Waxaan joognay maalin ama maalin galinkeed. (kuwo kale) waxay yidhaahdeen: Rabbigiin baa dhab u ogsoon inta aad joogteen. Ee haatan ula dira midkiin lacagtani fiddada ah aad leedihiin xagga magaalada, oo ha fiiriyo meesha ugu cunto daahirsan, oo ha idiinka keeno risiq ka mid ah, oo ha u dhaqmo si feejignaan leh, oo yey cidina idin ogaan
Maxaa yeelay haddii ay idinka awood badshaan waa idin dhagaxyeynayaan tan iyo dhimasho ama idinku qasbayaan inaad u soo laabataan diintooda, markaasna marnaba ma liibaani doontaan
Oo sidaas baan uga yeellay8 (dadka) inay ka war helaan arrinkooda, si ay u ogaadaan in uu Ballanka Ilaahay run yahay iyo in Saacadda (Qiyaame) aan shaki ku jirin9. Waa tii ay dhexdooda kaga murmeen xaalkooda, waxay yidhaahdeen: Ka dul dhisa dhismo10; Rabbigood baa aad u ogsoon iyaga. Kuwii ku lib helay arrinkooda waxay yidhaahdeen: Waxaan hubaal ka dhisi doonnaa masjid halkoodii
Dheh: Allaah baa aad u ogsoon intii ay joogeen, isaga baa u (cilmi leh) waxaalaha aan muuqan ee jira samooyinka iyo arlada, arki ogaa oo maqli ogaa (wax walba). Ma ay laha gargaare aan Isaga aheyn, oo lama wadaajiyo Xukunkiisa axadna
Oo dheh: Xaqu wuxuu ka yimid Rabbigiin, ee kii doonaa ha rumeysto, oo kii doonaa yuusan rumeysan; Waxaan hubaal u diyaarinnay gar ma qaatayaasha Naar ay gidaarradeedu koobi doonaan iyaga, oo haddii ay dalbadaan gargaar biyood waxaa loogu gargaari doonaa biyo daamur oo kale ah oo soli doonta wajiyadooda.Xumaa cabbitaanka, oo u xumaa meel xusul la dhigo
Oo ugu soo qaad tusaale labo nin oo aan midkood u yeellay labo beerood oo canab ah oo aan ku hareereynay labadaba geedo timireed, oo aan ka soo saarnay dhexdooda sarac kala duwan
Oo u malayn mahayo inay Saacaddu weligeed dhici doonto, oo xitaa haddii la ii celiyo Rabbigay waxaan xaqiiq aan heli doonaa meel tani ka rug doorsi iyo meel noqosho fiican
Oo maxaad u odhan weydey marka aad gashay beertaada: Maashaa Allaah (waxa uu Allaah doono ayaa ahaan)! Ma jiro xoog aan ka imaan xagga Ilaahay? Haddii aad i aragtay inaan kaa maal iyo carruur yarahay
Haddaba waa intaasoo uu Rabbigay i siiyo wax ka khayr badan beertaada, oo ku soo diro biriq cir ka soo dhac ah, oo markaas noqoto dhul gabiib ah oo aan dhir lahayn
Oo ugu soo qaad tusaale nolosha adduunkan inay la mid tahay biyaha aan ka soo dejinno daruurta, markaa dhirta ka soo baxda dhulka noqoto mid isku darsanta, haddana noqota xaabo engeg ah u burburta gaballo ay dabayshu firdhiso, Oo Allaah wuxuu ku leeyahay awood wax walba dushood
Oo maalinta aan ka yeeli doonno buuraha inay tagaan oo waxaad arki doontaa dhulka oo ban muuqda ahoo siman, oo waxaan soo kulmin doonnaa iyaga Annagoo aan uga soo tagin gadaal midkoodna
Oo waa tii aan ku nidhi malaa’igta: U sujuuda Aadam, oo ay u sujuudeen Ibliis maahee (ma u yeelin). Wuxuu ka mid ahaa jinka; markaasuu wuxuu ka baxay Amarka Rabbigi. Ma waxaad haddaba ka dhiganeysaan isaga iyo durrayaddiisa gacallo halkii Aniga iyagoo cadow idiin ah? Xumaa waxa ay wax ku doorsadeen gar ma qaatayaashu
Oo Maalinta uu Allaah odhan doono: U yeedha kuwaa aad u qabteen inay yihiin shurukadeyda (aad ila barbar caabuddeen). Markaas bay u yeedhi doonaan, uma ay se jawaabi doonaan, oo waxaanu yeeli doonnaa dhexdooda xannib
Oo ma jiro wax ka reeba dadka inay rumeeyaan marka uu Hanuunku u yimid iyo inay weydiistaan dembi dhaaf Rabbigood, aan ahayn inay u timaado wixii ku dhacay kuwii hore15, ama uu ugu yimaado cadaabka si fool ka fool ah
Oo waa tii uu Muuse ku yidhi adeegahiisa (Yuushac bin Nuun): Ma joogsan doono jeer aan gaaro halka ay ku kulmaan labada badood ama aan iska socdo oo wado socodka sannado badan
Markaas bay tageen ilaa ay la kulmeen wiil, markaasuu dilay. (Muuse) wuxuu yidhi: Ma waxaad dishay naf aan dambi galabsan oo aan naf dilin? Xaqiiq waxaad fashay xumaan weyn aan la qaadan karin
Ilaa, markuu gaaray meesha ay u dhacdo qorraxdu, wuxuu helay iyadoo ku dhaceysa bad madow, oo ka helay agteeda qolo19. Waxaanu nidhi: Dul Qarnaynow! Ama waa inaad cadaabto ama u axsaan fasho
Ii keena laban bir ah; jeer markuu buuxshay dhinacyda labada buurood dhexdooda, wuxuu yidhi: Buufiya, ilaa markuu ka dhigay (sida) dab, wuxuu yidhi: Ii keena maar la dhalaaliyey aan ku shubo’e
Ma waxay haddaba kuwa gaalada ahi moodaan inay (anfaceyso) inay ka dhigtaan addoomahayga gargaarayaal Aniga sokaday? Hubaal Waxaan u diyaarinnay Naar degaan ahaan gaalada
Kuwaasu waa kuwa ku gaalooba Aayadaha Rabbigood iyo la kulankiisa26. Marka camalladooda waa buraan. Ee sidaas awgeed uma yeeli doonno wax miisaan iyo qiimo ah Maalinta Qiyaamaha
Dheh: Waxaan anigu uun ahay qof dhimanayoo idinkoo kale ah, waxaa la ii waxyooday inuu ilaahiinnu yahay Allaah Keliya, ee kii rajo ka qaba la Kulanka Rabbigii, ha falo camallo san oo yuusan la wadaajin cidna cibaadada Rabbigii