Back to Languages

Somali - Chapter 17 - Al-Isra

Translation by Abdullah Hasan Jacob — Permalink

Verse 1 — Surah Al-Isra 17:1

Waxaa xurmo oo dhan iska leh oo hufan Kan ka guureysiiyey addoonkiisa (Nabi Muxammad) goor habeen ah Masjidka Xaramka xagga Masjidka shishe2, ee aan barakaynay hareerahiisa, si aan wax uga tusno Calaamooyinkayaga. Hubaal, Waa wax kasta Maqlaha, wax kasta Arkaha ah

Verse 2 — Surah Al-Isra 17:2

Oo Waxaan siinnay Muuse Kitaabka oo aan uga dhignay hanuun Ilmaha Isaa’iil (Annagoo leh): Ha ka dhigannina cidaan Aniga aheyn wakiil aad tala saarataan

Verse 3 — Surah Al-Isra 17:3

Ubadka kuwa aan la qaadnayow Nuux! Hubaal wuxuu ahaa addoon aad u mahad naqid badan

Verse 4 — Surah Al-Isra 17:4

Oo Waxaan ugu dhignay arrin go’an oo la yaqaan Ilmaha Israa!iil Kitaabka4 gudahi: hubaal Waxaad fasahaadin doontaan arlada labo jeer oo isku kibrin doontaan iskibrin aad u weyn

Verse 5 — Surah Al-Isra 17:5

Ee markii uu wacadka labada kan hore yimid5, waxaan idinku soo dirnay addoomo aan leennahay oo xoog badan oo ku daran dagaalka. Markaas bay galoo baxeen guryihiinna dhexdooda, oo wuxuu ahaa wacad la fuliyey

Verse 6 — Surah Al-Isra 17:6

Misna Waxaan mar kale idiin soo celinnay markiinna inaad ka guuleysataan. Oo Waxaan idinku taageernay maal iyo carruur badan oo idinka dhignay ciidan tiro badan

Verse 7 — Surah Al-Isra 17:7

Haddii aad samo fashaan, waxa aad u sama fashaan uun waa nafahiinna, oo haddii aad xumaan fashaan (waxaad u geysataan) iyada (lidka nafahiinna). Ee markii uu wacadkii dambe (kii labaad) yimid ( Waxaan soo dirnay cadowyadiinna) si ay ugu dhigaan tiiraanyo ka muuqaato wajiyadiinna, oo ay u galaan masjidka shishe (ee Qudus ku yaal) sidii ay markii horeba u galeen, oo ay u baabbi’iyaan wax kasta ay helaan baabba'a muuqda

Verse 8 — Surah Al-Isra 17:8

(Markaasuu Allaah yidhi) Waa intaasoo Rabbigiin idiin naxariisto (haddii aad toobad keentaan), haddiise aad mar kale u noqotaan (xumo fal), waxaanu Annaguna sidoo kale u noqon doonnaa (Ciqaabidda). Oo Waxaanu uga dhignay Naarta gogol gaalada (iyo xabsi lagu xidho)

Verse 9 — Surah Al-Isra 17:9

Hubaal Qur’aankani wuxuu ku hanuuniyaa arrin tan u toosan, oo wuxuu siiyaa war san oo lagu farxo mu’miniinta fala samaha inay mudan doonaan Abaalgud aad u Weyn

Verse 10 — Surah Al-Isra 17:10

Kuwa se aan rumeysnayn Aakhirada, Waxaanu u diyaarinnay Cadaab aad u Xanuun Badan

Verse 11 — Surah Al-Isra 17:11

Oo Aadmigu wuxuu ku duceystaa sharka sida uu ugu duceystoba khayr. Oo aadmigu mar walba waa degdegaa

Verse 12 — Surah Al-Isra 17:12

Oo Waxaan ka dhignay habeenka iyo maalinta labo calaamadood. Markaasaan, Waxaan ka yeelnay calaamadda habeenka inuu tagoo tirmo, oo waxaan ka dhignay calaamadda maalinta mid la arko oo muuqata, si aad ugu raadsataan deeqda Rabbigiin, iyo si aad u ogaataan tirada sanooyinka iyo xisaabta. Oo Waxaan u caddaynay wax walba si faahfaahsan

Verse 13 — Surah Al-Isra 17:13

Oo Waxaan ka yeelnay qof walbaa camalkiisa inuu laasumo oo ku dhego qoortiisa, oo Waxaanu u soo saari doonnaa Maalinta Qiyaamaha Kitaab uu la kulmi doono isagoo fidsan

Verse 14 — Surah Al-Isra 17:14

(Waxaa la odhan doonaa) Akhri Kitaabkaaga, adiga naf ahaantaada baa isugu filan maanta xisaabiye ahaan

Verse 15 — Surah Al-Isra 17:15

Mid kastoo toosnaada, wuxuu u toosnaadaa naftiisa. Oo mid kastoo lumaa8, xagga dhibkeeda buu uun isagu u lumaa. Oo ma jiro qof sida culaabo (denbiyo) oo qaadi doona culaabta (denbiyada) qof kale, oo marnaba ma cadaabno cidna jeer aan soo dirno Rasuul

Verse 16 — Surah Al-Isra 17:16

Oo marka aan doonno inaan rogno magaalo, Waxaan u dirnaa amarkayaga kuwaa ka mid ah dadkeeda ee ladan (inay adeecaan Allaah) Wayse ka hor yimaadaan oo diidaan, kolkaas baa xaq ugu dhacaa Qowlka oo aan burburinnaa burburin dhan

Verse 17 — Surah Al-Isra 17:17

Oo badanaa intaan facyo halaagnay Nuux ka dambow! Oo Rabbigaa baa ku filan inuu yahay Kan dambiyada addoomihi Ogsoon ee Arka

Verse 18 — Surah Al-Isra 17:18

Mid kastoo rabaa noloshatan soke, Waan ugu soo dedejinnaa dhexdeeda waxa aan doonno ka aan doonno. Intaas kaddib, Waxaan qayb u siinnaa Naarta uu ku guban dhexdeeda isagoo dulleysan oo dayro ah

Verse 19 — Surah Al-Isra 17:19

Oo mid kastoo rabaa Aakhirada oo u dadaala dadaalkeeda lagu helaayo. isagoo mu’min ah, (ma xagga) kuwan, da- daalkooda hubaal waa mid la tixgeliyo

Verse 20 — Surah Al-Isra 17:20

Geddigoodba waan siinnaa deeq_ kuwaan iyo sidoo kale kuwaaba_ka mid ah deeqda Rabbigaa. Oo ma aha deeqda Rabbigaa mid reebban

Verse 21 — Surah Al-Isra 17:21

Fiiri, sida aan uga kor marinnay qaarkoodba qaar (adduunkan gudihi), oo xaqiiq, Aakhirada baa lagu sii kala derejooyin weyn yahay oo lagu sii kala fadli badan yahay

Verse 22 — Surah Al-Isra 17:22

Ha u shariik yeelin Allaah ilaah kale mid uu ahaadaba, si aadan u fadhiisan adigoo dulleysan, dacdarreysan

Verse 23 — Surah Al-Isra 17:23

Oo Rabbigaa wuxuu guddoonshay inaydaan caabudin Axadna Isaga maahee. Iyo u sama fal waalidiintiin. Haddii uu midkood ama labadoodaba ku soo gaaro agtaada da' weyni, ha ku odhan erey xurmo darri ah haba ahaatee (wax u badan sida) “uf”10, oo ha hiifin, oo kula hadal, hadal wanaagsan oo gob ah

Verse 24 — Surah Al-Isra 17:24

Oo uga dhig naftaada mid u laylan oo nugul si naxariis leh, oo dheh: Rabbiyow! Ugu Naxariiso sida ay ii soo koriyeenba anigoo yar

Verse 25 — Surah Al-Isra 17:25

Rabbigiin baa dhab u ogsoon waxa ku jira nafahiinna. Haddii aad wanaagsan tihiin, markaa hubaal, wuu u dambi dhaafaa kuwa u soo laabta in badan

Verse 26 — Surah Al-Isra 17:26

Oo sii kan qaraabada ah xaqiisa iyo miskiinka iyo musaafirka (go’doonsan), oo ha ku bixinnina maalka wax xun oo dayac ah

Verse 27 — Surah Al-Isra 17:27

Hubaal kuwa dayaca ee wax xun ku bixiya maalka waa walaalaha shayaadiinta, oo Shaydaanku waa mid abad ka abaal dhaca Rabbigii

Verse 28 — Surah Al-Isra 17:28

Oo haddii aad ka sii jeesato si aad u raadsato Naxariis xagga Rabbigaa ah oo aad mar walba rajeyso, haddaba kula hadal, hadal qabow oo khayr ah

Verse 29 — Surah Al-Isra 17:29

Oo ha ka dhigin gacantaada mid ku xiran luquntaada, oo ha wada fidin fidsanaan dhan, si aad meel u fadhiisan ha- dhow dambe adigoo eedeysan tabar gab ah

Verse 30 — Surah Al-Isra 17:30

Hubaal Rabbigaa wuxuu u fidiyaa risiqa kuu doono, oo ku cidhiidhiyaa. Hubaal waa Mid addoomahiisa mar walba Xog Ogaal u ah oo Arka

Verse 31 — Surah Al-Isra 17:31

Oo ha dilina carruurtiinna baqe aad ka qabtaan faqri darti, Annaga baa irsaaqayna iyaga iyo idinkaba. Hubaal, dilkoodu waa gef aad u Weyn

Verse 32 — Surah Al-Isra 17:32

Oo ha u dhowaannina Zinada13, waayo,waa anshax darro iyo dariiq aad u xun

Verse 33 — Surah Al-Isra 17:33

Oo ha ku dilina nafta uu Allaah xaaraa- meeyay waxaan ahayn Xaq. Oo mid kastoo lagu dilo gardarro, Waxaan dhab ahaan siinnay warasadiisa awood14. waase inuusan ku xad-gudbin arrinka dilka15. Hubaal waa loo gargaaraye

Verse 34 — Surah Al-Isra 17:34

Oo ha u dhowaannina maalka agoonka sida u fiican maahee jeer uu qaan gaaro. Oo oofiya ballanka. hubaal Ballan walbaa oo la galo waa la is weydiin doonaa

Verse 35 — Surah Al-Isra 17:35

Oo oofiya miisaanka marka aad wax miisaameysaan, oo ku miisaama miisaan xaq ah. Kan baa khayr ah oo cidhib wanaagsan

Verse 36 — Surah Al-Isra 17:36

Oo ha raaraacina wax aydaan u laheyn cilmi. hubaal Maqalka, Aragga iyo Laabta mid walbaa oo kuwaas ka mid ah waa xil qaad lays weydiin doono

Verse 37 — Surah Al-Isra 17:37

Oo ha ku marin dhulka isqaad qaad iyo kibir. waayo ma kartid inaad jeexdid dhulka,kumana gaari kartid buuraha dherer

Verse 38 — Surah Al-Isra 17:38

Dhammaan waxakani – xumaanteedu - Rabbigaa agti waa lagu neceb yahay

Verse 39 — Surah Al-Isra 17:39

Kuwani waa (qaar) ka mid ah waxa uu Rabbigaa kuu waxyooday oo ka mid ah xikmadda, oo ha u shariig yeelin ilaah kale wuxuu ahaadaba Allaah, si aan lagugu tuurin Naarta adigoo eedeysan, dayro ah

Verse 40 — Surah Al-Isra 17:40

Ma wuxuu haddaba Rabbigaa idiin dooray wiilal, oo isagu ka yeeshay gabdho malaa’igta? Hubaal waxaad idinku ku hadashaan wax daran oo baas

Verse 41 — Surah Al-Isra 17:41

Oo dhab ahaan waxaan ku soo celcelinnay (gooddimaha) Qur’aanka dhexdi, si ay u waansamaan, umase kordhiso iyaga waxaan aheyn didmo

Verse 42 — Surah Al-Isra 17:42

Dheh: Haddii ay jiri lahaayeen ilaahyo kale sida ay leeyihiin, markaas waxay hubaal awood u yeelan lahaayeen inay doonaan jid xagga Rabbiga Carshiga

Verse 43 — Surah Al-Isra 17:43

Xurmo oo dhan Isaga baa iska leh, oo ka sarreeyaa waxa ay sheegayaan sarreyn aad iyo aad u sarreysa

Verse 44 — Surah Al-Isra 17:44

Toddobada samo baa muuiya xurmaddiisa oo hufa iyo arladaba iyo waxaa ku dhex jira, oo ma jiraan wax aan ku tasbiixsan Ammaanahiisa. Laakiinse waydaan garaneyn tasbiixdooda. Hubaal Isagu waa Dul Badane, Dambi Dhaaf Badan

Verse 45 — Surah Al-Isra 17:45

Oo marka aad akhrineyso Qur’aanka, waxaan dhignaa dhexdiinna adiga iyo kuwa aan rumeysneyn Aakhirada xijaab idin kala astura

Verse 46 — Surah Al-Isra 17:46

Oo Waxaan yeellay quluubtooda dushooda daboollo, iyo culeys dhegahooda si aanay u fahmin, oo marka aad ku xusto Rabbigaa Keliya Qur’aanka waxay jeediyaan dhabarradooda iyagoo didsan

Verse 47 — Surah Al-Isra 17:47

Annaga baa aad u ogsoon waxa ay dhageystaan marka ay ku dhegaysanayaan iyo marka ay qabsadaanba shir qarsoodi ah oo ay ku faqaan, marka ay gar ma qaatayaashu leeyihiin: Waxaad uun raacdaan nin sixran

Verse 48 — Surah Al-Isra 17:48

Fiiri sida ay kuugu yeelaan tusaalooyin kolba, marka way lumeen, oo ma heli karaan Jidka

Verse 49 — Surah Al-Isra 17:49

Oo waxay yidhaahdaan: Ma marka aan noqonno lafo iyo boodh ciid ah, miyaa xaqiiq naloo sooo bixin doonaa innagoo abuur cusub ah

Verse 50 — Surah Al-Isra 17:50

Dheh: Noqda dhagxaan ama bir

Verse 51 — Surah Al-Isra 17:51

Ama abuur kale ka mid ah waxaa ay aad u adag tahay (in la siiyo nolol) sida ay idinkula tahay maankiinna. Waxayse odhan doonaan: Yaa na soo celin doona? Dheh: Kan idin abuuray kal horeba! Markaa weli waxay ruxi doonaan madaxyadooda xaggaaga iyagoo leh: Waa goorma isagu? dheh: Waa intaasoo uu dhow yahay

Verse 52 — Surah Al-Isra 17:52

Maalinta uu idiin yeedhi doono, markaa aad ajiibi doontaan idinkoo u jeedin ammaan, oo waxaad moodi doontaan inaydaan nagaan wax yar ma’ahee

Verse 53 — Surah Al-Isra 17:53

Oo ku dheh addoomahayga (inay) ku hadlaan hadal kan u wanaagsan. Hubaal, Shaydaanku wuxuu ka dhex abuuraa kala fogaansho iyo is af garan waa’. Hubaal, Shaydaanku aadmiga abad waa u cadow iska cad

Verse 54 — Surah Al-Isra 17:54

Rabbigiin baa aad idin yaqaan, haddii uu doono, wuu idiin naxariisan, ama haddii uu doono, wuu idin cadaabi, oo kuuguma aanu soo dirin inaad ilaaliye aad ka ahaato

Verse 55 — Surah Al-Isra 17:55

Oo Rabbigaa baa aad u ogsoon waxa ku sugan samooyinka iyo arlada. Oo dhab ahaan waxaan ka kormarinnay qaar ka mid ah anbiyada qaar kale, oo Waxaan siinnay Daawuud Zabuur

Verse 56 — Surah Al-Isra 17:56

Dheh: Bal u yeedha kuwa aad sheegtaan Sokadi17, ma laha awood ay idiinka feydaan waxyeello ama idiinka wareejiyaan (cid kale)

Verse 57 — Surah Al-Isra 17:57

Kuwaas ay baryaan, iyaga naf ahaantooda ayaa doona asbaabta u dhowaanshaha Rabbigood18– koodii ugu dhowaansho badnaan -, oo waxay rajeeyaan Naxariistiisa, oo ka cabasadaan Cadaabtiisa. hubaal Cadaabta Rabbigaa waa wax laga digtoonaado

Verse 58 — Surah Al-Isra 17:58

Oo ma jirto magaalo aynu halaagi doonin ka hor Maalinta Qiyaame ama aynu cadaabi doonin cadaab daran: kani wuxuu ku qoran yahay Qaddarka Ilaahay

Verse 59 — Surah Al-Isra 17:59

Oo waxna noomaa diidin inaan soo dirno calaamooyin aan ahayn inay dadkii hore beeniyeen. Oo Waxaan siinnay Thamuud hal - calaamad muuqata ah. wayse ku gardarroodeen. Oo uma aanu soo dirno calaamooyinka waxaan aheyn cabsiin

Verse 60 — Surah Al-Isra 17:60

Oo waa tii aan kugu nidhi: hubaal Rabbigaa wuxuu koobaa dadka; Oo kama aynu dhigin riyadaan ku tusnay19 waxaan ahayn imtixaamid dadka, iyo geedka baasba (ee ku xusan) Qur’aanka, oo aan ku bajinno, umase kordhiyo waxaan ahayn xadgudub aad u weyn

Verse 61 — Surah Al-Isra 17:61

Oo waa tii aan ku nidhi malaa’igta: U sujuuda Aadam. markaasay u sujuudeen Ibliis maahee (ma uu yeelin). Wuxuu yidhi: Ma waxaan u sujuudaa mid aad ka abuurtay dhoobo

Verse 62 — Surah Al-Isra 17:62

wuxuu yiri;’ Ii sheeg, ma kan baa midkaad iga sharaftay oo kor marisay? Haddii aad ii deyso nolol ilaa Maalinta Qiyaamaha, hubaal waxaan hoojin (oo aan habaabin) doonaa ubadkiisa dhammaantood wax yar ma’ahee

Verse 63 — Surah Al-Isra 17:63

Wuxuu yidhi: (Duf) ku bax, oo mid kasta oo ku raaca oo ka mid ah, haddaba hubaal waa naar abaalkiinnu, abaal marin dhan

Verse 64 — Surah Al-Isra 17:64

Oo ku duufso waxooda aad karto oo ka mid ah codkaaga, oo u soo kulmi ciidammadaada iyagoo gaadiid wata iyo iyagoo lug ku socdaba, oo la wadaag maalka iyo carruurta, oo ballamo u qaad, umase ballan qaado shaydaanku waxaan dhagar aheyn

Verse 65 — Surah Al-Isra 17:65

Hubaal (ma xagga) Addoomahayga, kuma lihid awood korkooda. Oo waxaa ku filan Rabbigaa oo ilaaliye u ah

Verse 66 — Surah Al-Isra 17:66

Rabbigiin waa Kan idiinku socodsiiya doonyaha badda si aad u raadsataan Deeqdiisa. hubaal Waa uu idiin Naxariis Badan yahay

Verse 67 — Surah Al-Isra 17:67

Oo marka dhibaato ay idinku taabato badda, waad weydaan kuwa aad u dhawaaqataan Isaga maahee. markase uu idinku keeno nabad barriga,waa jeedsataan. Oo Aadmiga abad waa abaal dhac badane

Verse 68 — Surah Al-Isra 17:68

Ma waxaad haddaba dareentaan aaminaad inuusan idinla goyn doonin dhinac dhulka ka mid ah, ama idiin soo diri doonin dabayl daran oo quruurux wadata? markaas, ma heli doontaan wax idinka dhowra

Verse 69 — Surah Al-Isra 17:69

Mise, ma waxaad dareentaan aaminaad inuusan dib idiinku soo celin doonin halkaa mar kale oo markaas idiin soo diro dabayl daran oo idin qarqiyo gaalnimadiinna darteed, markaasna ma heli doontaan wax nooga kiin gargaara

Verse 70 — Surah Al-Isra 17:70

Oo dhab ahaan Waxaanu sharafnay ilma Aadam, oo Waxaan ku qaadnay barriga iyo baddaba, oo Waxaan ku irsaaqnay wax ka mid ah waxyaalaha wanaagsan, oo Waxaan ka kormarinnay in badan oo waxa aan abuurnay ah kor marin

Verse 71 — Surah Al-Isra 17:71

(Xusuuso) Maalinta aan ugu yeeri doonno dad walbaa isagoo imaamkoodii20 la jiro. Markaas mid kastoo lagu siiyo Kitaabkiisa gacantiisa midig, kuwan baa akhriyi doona Kitaabkooda (iyagoo faraxsan)oo lama dulmin doono dhibicna

Verse 72 — Surah Al-Isra 17:72

Oo mid kastoo ku indha la’ tani (adduunka oo xaqa ka beyra), wuxuu ahaan doonaa (sidoo kale) mid indha la’ Aakhirada, oo aad uga habowsan Jidka

Verse 73 — Surah Al-Isra 17:73

Oo hubaal waxay ku dadaaleen oo sigeen inay kaa jeediyaan waxa aan kuu soo waxyoonnay si aad noogu been abuurato waxaan isaga ahayn, oo markaas waxay hubaal kaa dhigan lahaayeen saaxiib gacal ah

Verse 74 — Surah Al-Isra 17:74

Oo haddii aynu ku sugneen, waxaad xaqiiq ahaan laheyd mid u dhow inaad u iilato xaggooda wax yar

Verse 75 — Surah Al-Isra 17:75

Markaas, Waxaan kaa yeeli lahayn inaad ku dhadhamiso (cadaab) laban laab ah noloshan iyo (cadaab) labanlaab ah dhimashada kaddib, markaas ma aad hesheen wax nooga kaa gargaara

Verse 76 — Surah Al-Isra 17:76

Oo hubaal waxay ku dadaaleen inay kaa barakiciyaan arlada si ay kaaga saaraan. Oo markaas ma negaan doonaan gadaashaa in yar ma’ahee

Verse 77 — Surah Al-Isra 17:77

(Kani waa) jidkayaga xagga kuwaa Rususha aan soo dirnay hortaa, oo kama heli doontid wax isbeddel jidkayaga

Verse 78 — Surah Al-Isra 17:78

Oog salaadda marka ay qorraxdu waareegto ilaa mugdiga habeenka iyo akhrinta subaxa hore; hubaal akhrinta subaxa hore waa mid la soo xaadiro

Verse 79 — Surah Al-Isra 17:79

Oo qayb ka mid ah habeenka tuko tahajjud, salaad dheeri kuu ah aan faralka ahayn. Waa intaasoo Rabbigaa kuu soo bixiyo martabo sharaf iyo ammaan leh

Verse 80 — Surah Al-Isra 17:80

Oo dheh: Rabbiyow! Iga yeel inaan galo gelitaan wanaagsan23, oo sabab inaan ka soo baxo bixitaan wanaagsan. Oo iga sii agtaada awood gargaar ah

Verse 81 — Surah Al-Isra 17:81

Oo dheh: Xaqu waa yimid, oo baadilku waa baabbi'i; Hubaal baadilku waa wax baabba’a

Verse 82 — Surah Al-Isra 17:82

Oo Waxaan ka soo dejinnaa Qur’aanka wax Caafimaad iyo Naxariis u ah Mu'miniinta, oo uma kordhiyo gar ma qaatayaasha waxaan khasaaro ahayn

Verse 83 — Surah Al-Isra 17:83

Oo marka aan ku galladeysanno Nicmad aadmiga, wuu jeestaa oo dhinac u baxaa isagoo islaweyn. Oo marka ay taabato dhibaato waa uu quustaa

Verse 84 — Surah Al-Isra 17:84

Dheh: Mid walbaa wuxuu u dhaqmaa hadba sida ay tahay asluubtiisa, Rabbigiin baase aad u ogsoon kan isagu si fiican ugu hanuunsan jidka

Verse 85 — Surah Al-Isra 17:85

Oo waxay wax kaa weydiinayaan Ruuxda; Dheh: Ruuxda waa mid ka mid ah ammarrada Rabbigay. Oo la idin kama siin cilmiga wax yar ma’ahee

Verse 86 — Surah Al-Isra 17:86

Oo haddii aan doonno waan la tegi laheyn hubaal waxa aan kuu waxyoonnay. Markaas ma heleysid cid naga kaa celisa

Verse 87 — Surah Al-Isra 17:87

Naxariis maahee xagga Rabbigga ah. Hubaal Fadligiisu korkaaga waa mid weyn

Verse 88 — Surah Al-Isra 17:88

Dheh: Haddii ay dadku iyo jinku isugu tagaan inay la yimaadaan wax la mid ah Qur’aankan, ma la imaan karaan wax la mid ah, xataa haddii uu qaarba qaarka kale caawiyo oo siiyo garab

Verse 89 — Surah Al-Isra 17:89

Oo dhab ahaan Waxaan ugu faahfaahinnay dadka Qur'aankaan dhexdiisa nooc kasta oo mataal ah, wayse diideen dadka badankiisu waxaan ahayn beenin

Verse 90 — Surah Al-Isra 17:90

Oo waxay yidhaahdeen: Sinnaba kuuma rumeyn doonno, jeer aad nooga burqiso dhulka ilo

Verse 91 — Surah Al-Isra 17:91

Ama aad yeelato beero timir iyo canabyo ah, oo aad ka burqiso wabiyo durdur ah dhexooda burqin

Verse 92 — Surah Al-Isra 17:92

Ama aad nagu soo riddo cirka sida aad sheegatay isagoo goballo googga'an ah, ama aad keento Allaah iyo malaa’igta hortayada fool ka fool

Verse 93 — Surah Al-Isra 17:93

Amaba aad yeelato guri ka sameysan dahab ama aad korto cirka, oo ma rumeysan doonno koriddaada jeer aad noogaga keento Kitaab aan akhrinno. Dheh: Xurmad Rabbigay baa iska leh oo Nazahan. Oo ma waxaan ahay wax kale aan ahayn aadmi Rasuul ah

Verse 94 — Surah Al-Isra 17:94

Oo waxna uma diidin dadka rumeynta marka uu hanuunku u yimid, aan ka ahayn inay yidhaahdeen: Oo ma wuxuu Allaah soo diray aadmi Rasuul ah

Verse 95 — Surah Al-Isra 17:95

Dheh: Haddii ay jiri lahaayeen dhulka, malaa’ig ku maraysa nabad oo deggan25, Waxaan hubaal uga soo dejin laheyn cirka malag Rasuul ah

Verse 96 — Surah Al-Isra 17:96

Dheh: Allaah baa ku filan markhaati dhexdeenna aniga iyo idinka. Hubaal Waa uu ka war hayaa addoomahiisa, arkaa

Verse 97 — Surah Al-Isra 17:97

Oo mid kastoo uu Allaah hanuuniyo baa isagu hanuunsan; oo mid kastoo uu lumiyaa _ uma heli doontid gargaarayaal sokadi, Oo Waxaan soo kulmin doonnaa iyagoo dhan Maalinta Qiyaamaha iyagoo wejiyada ku socda iyagoo aan wax arkayn, hadlayn, oo wax maqlayn; hoygooduna waa Naar; mar kastoo ay nuxuustaba, waxaan u kordhin doonnaa shidaal

Verse 98 — Surah Al-Isra 17:98

Kaasi waa abaalkooda, waayo waxay rumeysan waayeen Aayaadkayaga oo yidhaahdeen: Ma marka aan noqonno lafo iyo boor ciid ah miyaa markaa hubaal nala soo bixin doonaa innagoo abuur cusub ah

Verse 99 — Surah Al-Isra 17:99

Mawaysan u fiirsan in Allaah, ee abuuray samooyinka iyo arlada uu awoodo inuu abuuro iyagoo kale, oo wuxuu u dhigay muddo aan shaki lahayn. Wayse diideen gar ma qaatayaasha waxaan ahayn beenin

Verse 100 — Surah Al-Isra 17:100

Dheh: Haddii aad hanataan khasnadaha Naxariista Rabbigay, markaa waad ceshan lahaydeen baqe aad ka qabtaan inaad bixisaan, oo aadmigu waa dhabcaal (masuug badan)

Verse 101 — Surah Al-Isra 17:101

Oo xaqiiq Waxaan siinnay Muuse sagaal calaamadood oo cad–cad26; ee weydii Ilmiha Israa’iil (arrinka) marka uu u yimid oo Fircoon ku yidhi: Hubaal waxaan kuu malaynayaa Muusow inaad tahay mid sixran

Verse 102 — Surah Al-Isra 17:102

(Muuse) Wuxuu yidhi: Dhab ahaan waa ogtahay in aanay soo dirin kuwani cid aan ahayn Rabbiga samooyinka iyo arlada xujooyin cad ahaan. Oo waxaan qabaa inaad Fircoonow tahay mid loo qoray hoog

Verse 103 — Surah Al-Isra 17:103

Markaasuu doonay inuu ka cidhib tiro arlada. waase qarqinnay isaga iyo wixii la socday oo dhan

Verse 104 — Surah Al-Isra 17:104

Oo Waxaanu ku nidhi Ilmihii Israa’iil isaga kadambow: Dega dhulka, markase uu yimaado yabooha nolosha dambe inuu fulo. Waa idin keeni dhammaantiin

Verse 105 — Surah Al-Isra 17:105

Oo Xaq baan (Qur’aanka) ku soo dejinnay oo Xaq buu ku soo degay27. Oo kuuma aanu soo dirin waxaan aheyn inaad ahaato bishaareeye iyo dige ahaan

Verse 106 — Surah Al-Isra 17:106

Oo Waa Qur’aan aan u soo dejinnay qayb qayb, si aad ugu akhrido dadka aayar. Oo Waxaan u soo dejinnay heerar kala duwan soo dejin dhan

Verse 107 — Surah Al-Isra 17:107

Dheh: Rumeeya ama ha rumaynina. hubaal kuwa la siiyey cilmiga isaga horti28, marka loo akhriyo, waxay ula dhacaan wejiyadooda sujuud

Verse 108 — Surah Al-Isra 17:108

Oo Waxay yidhaahdaan: Waxaa xurmo oo dhan iska leh Rabbigeen oo Nazahan! hubaal ballan qaadka Rabbigayo waa mid fula

Verse 109 — Surah Al-Isra 17:109

Oo waxay u dhacaan wejiyadooda iyagoo ooyaya, oo (Qur’aanku) wuxuu u kordhiyaa khushuuc

Verse 110 — Surah Al-Isra 17:110

(Dheh: Ku barya Allaah ama ku barya Ar-Raxmaan, midka aad ku baridaanba waa isku mid), Isaga baa iska leh Magacyada aad u wanaagsan. Oo si aad ah kor ha ugu qaadin codka salaaddaada, ama (sidoo kale) si aad hoos u ah, ee raac labadaa dhexdooda jid (dhexdhexaad) ah

Verse 111 — Surah Al-Isra 17:111

Oo dheh: Ammaan (oo idil) waxaa mudan Allaah, aan yeelan wiil, oo aan lahayn wax shariig ah oo la wadaaga mulkiga, oo aan (u baahneyn inuu yeesho) gargaare tabar yari darteed, oo xurmo Weynee xurmeyn aad iyo aad u weyn