Back to Languages

Somali - Chapter 18 - Al-Kahf

Translation by Abdullah Hasan Jacob — Permalink

Verse 22 — Surah Al-Kahf 18:22

(Qaar) waxay leeyihiin (waxay ahaayeen) saddex oo waxaa afareeyey eygoodii, (qaar kalena) waxay leeyihiin (waxay ahaayeen) shan oo waxaa lixeeyey eygoodii; iyagoo iska mala awaalaya wax ka qarsoonaa; (weliba qaar kale) waxay leeyihiin (waxay ahaayeen) toddoba oo waxaa siddeed ku ahaa eygoodii. Dheh: Rabbigay baa aad u ogsoon tiradooda, cidina ma oga iyaga wax yar maahe11. Ee ha kala doodin (arrinkooda) inaad kula doodeysid xujo cad maahee. Oo wax ha ka weydiin arrinkooda midkoodna