Back to LanguagesPrevious ChapterNext Chapter
Somali - Chapter 19 - Maryam
Translation by Abdullah Hasan Jacob — Permalink
Verse 1 — Surah Maryam 19:1
Kaaf. Haa.Yaa. Cayn. Saad
Verse 2 — Surah Maryam 19:2
Xusid wax ka mid ah Naxariista Rabbigaa uu u galay addoonkiisii Sakariya
Verse 3 — Surah Maryam 19:3
Markii uu u dhawaaqday Rabbigi dhawaaq qarsoodi ah (Alle baryey)
Verse 4 — Surah Maryam 19:4
Wuxuu yidhi: “Rabbiyow, xaqiiq lafahaygii way daciifeen filweyni darteed, oo madaxeygu wuxuu la wada huray (caddaaday) cirro, oo marnaba ma ahi baryadayda aan ku baryo Rabbiow mid ku qada
Verse 5 — Surah Maryam 19:5
Oo dhabtii Waxaan ka cabsi qabaa xigtada iga dambeysa, oo marwadeydu waa ma dhaleys3. Ee iga sii Xaggaaga waraso
Verse 6 — Surah Maryam 19:6
I dhaxla4, oo wax ka dhaxla reer Yacquub oo ka dhig Rabbiyow mid aad kuu raalli geliya
Verse 7 — Surah Maryam 19:7
(Waxaa lagu yidhi): “Sakariyow! Dhabtii Waxaannu kuugu bishaaaraynaynaa wiil magaciisu ahaan Yaxyaa. ma aanu u yeelin cidna hortaa magacaan
Verse 8 — Surah Maryam 19:8
Wuxuu yidhi: “Rabbiyow, sidee baan u yeelan wiil iyadoo haweenteydu tahay ma dhalays, oo anigu waxaa gaaray gabow aad u weyn
Verse 9 — Surah Maryam 19:9
(Malaggii) baa yidhi: Sidaas (bay ahaan). Rabbigaa wuxuu leeyahay5: Waa ii fududahay. Waayo, waxaan ku abuuray kolkiiba horeba adigoo aan waxba ahayn
Verse 10 — Surah Maryam 19:10
(Zakariya) wuxuu yidhi: “Rabbiyow ii yeel calaamo.” Wuxuu yidhi: “Calaama- ddaadu waa inaadan la hadli doonin dadka saddex habeen adigoo fayow.”
Verse 11 — Surah Maryam 19:11
Markaas buu uga soo baxay qolodiisii qolkii salaadda, oo u tilmaamay inay (Alle) xurmo weynaayaan oo nazahaan subax iyo galabba
Verse 12 — Surah Maryam 19:12
(Allaah Wuxuu yidhi): “Yaxyow! Ku qaado Kitaabka (Towraadda) go’aan adag.” Oo Waxaanu siinnay xukun isagoo kuray yar ah
Verse 13 — Surah Maryam 19:13
iyo gacaltooyo Xaggayaga ah iyo daahir ahaansho, wuxuuna ahaa mid ka cabsada Ilaahay oo ka dhowrsada xumaha
Verse 14 — Surah Maryam 19:14
Oo baarri u ah waalidkiis, oo ma aheyn macangag, caasi ah madax adag
Verse 15 — Surah Maryam 19:15
Oo nabad korkiisa ha ahaato maalintii u dhashay, iyo maalinta uu dhiman iyo maalinta la soo bixin doono isagoo nool
Verse 16 — Surah Maryam 19:16
Oo ku xus Kitaabka (qisadii) Maryam, markii ay uga fogaatay ehelkeeda meel dhanka Bariga ah
Verse 17 — Surah Maryam 19:17
Oo waxay ka samaysatay iyadoo cid la’ uga baxday daah (ay iskaga asturto); Markaas baan u soo dirnay Malaggayaga (Jabriil), oo isaga soo dhigay iyada qof Aadmi ah oo isku dhan
Verse 18 — Surah Maryam 19:18
Waxay tidhi: Hubaal anigu Waxaan kaa magan galyo weydiistey Naxariistaha (ee i dhaaf,) haddii aad ka cabsato Ilaahay
Verse 19 — Surah Maryam 19:19
Wuxuu yidhi: Anigu Waxaan ahay uun Rasuulka Rabbigaa si aan (kuu ogeysiiyo) deeqda wiil daahir ah
Verse 20 — Surah Maryam 19:20
Waxay tidhi: “Oo sidee baan u yeelan karaa wiil, anigoo uusan nin i taaban, anna ma ahi mid aan dhowrsanayn?”
Verse 21 — Surah Maryam 19:21
Wuxuu yidhi: “Sidaas weeyee, Rabbigaa Wuxuu leeyahay:” waa ii fududdahay, oo waxaan uga dhigi doonaa calaamad dadka iyo naxariiis Xaggayaga ah, waana arrin (horay) loo qaddaray
Verse 22 — Surah Maryam 19:22
Markaas bay uurkiisa qaadday, oo waxay ula durugtay meel fog
Verse 23 — Surah Maryam 19:23
Oo xanuunkii foosha baa keenay geed timir ah jiriddiisa. Waxay tidhi: “Alla haddii aan dhiman lahaa waxaan ka hor, oo aan ahaan lahaa mid la waayey araggeeda, la halmaamo”
Verse 24 — Surah Maryam 19:24
Markaas buu uga dhawaaqay6 meel ka hooseysa: “Ha murugoon! Rabbigaa Wuxuu yeelay hoostaada biyo durdur ah
Verse 25 — Surah Maryam 19:25
Oo u soo rux-rux xaggaaga jirridda geedka timirta, wuxuu kuu soo daadin timir cusub oo bisil
Verse 26 — Surah Maryam 19:26
Ee cun oo cab oo il qabowso, haddiina aad aragtid cid uun dadka ka mid ah, dheh: dhabtii Waxaan anigu u nidray Naxariistaha soon (af qabsi), marka lama hadli doono maanta cidna aadmi ah.”
Verse 27 — Surah Maryam 19:27
Markaas bay u keentay dadkeedii, iyadoo xambaarsan. Waxay yidhaahdeen: “Maryameey, Waxaad dhabtii fashay wax (aan la maqal) oo weyn oo yaab leh
Verse 28 — Surah Maryam 19:28
Haaruun Walaashiiseey, aabbahaa ma ahayn nin xun, oo ma ahayn hooyadaa haweeney aan dhowrsaneyn.”
Verse 29 — Surah Maryam 19:29
Markaas bay u tilmaantay xaggiisa. Waxay yidhaahdeen, “Sidee baan ula hadli kareynaa mid dhabta lagu hayoo ilmo yaroo dhashay ah
Verse 30 — Surah Maryam 19:30
(Ciise) wuxuu yidhi: "Hubaal Anigu waxaan ahay addoon Ilaahay, wuxuu i siin Kitaab (Injiilka) oo uu iga dhigi Nabi;”
Verse 31 — Surah Maryam 19:31
Oo Wuxuu iga dhigay mid barakaysan meel aan joogaba, oo I faray inaan oogo salaadda iyo Zakada inta aan noolahay.”
Verse 32 — Surah Maryam 19:32
Iyo inaan baarri u ahaado hooyaday, oo igama dhigin macangag khayr daran
Verse 33 — Surah Maryam 19:33
Nabadi ha ahaato korkayga maalintii aan dhashay iyo maalinta aan dhiman iyo maalinta la i soo bixin doono anigoo nool”
Verse 34 — Surah Maryam 19:34
Kaasi waa Ciise ina Maryam, Qowlka Xaqa ah oo ay ka qabaan doodda
Verse 35 — Surah Maryam 19:35
Kuma habboona Allaah inuu yeesho wiil. Subxaanah (wuu ka ceeb tiran yahay). marka uu arrin gooyo, wuxuu uun ku yidhaahdaa “Ahaw!” waanu uu yahay
Verse 36 — Surah Maryam 19:36
(Ciisaa wuxuu yidhi): “Oo Xaqiiq! Allaah waa Rabbigay iyo Rabbigiinba. Ee caabuda Isaga Keliya, kan baa ah Jid Toosan
Verse 37 — Surah Maryam 19:37
Markaas bay xisbiyadii dhexdooda iska khilaafeen (xagga Ciise), ee hoog bay leeyihiin kuwa gaaloobay ka soo gaari doona Maalin aad u murugo weyn
Verse 38 — Surah Maryam 19:38
Maxay si cad iyagu wax u maqli doonaan oo arki doonaan Maalinta la keeni doono hortayada! Laakiinse geflowyada maanta waxay ku sugan yihiin habow muuqda
Verse 39 — Surah Maryam 19:39
Oo uga dig Maalinta qoomamada, marka arrinka la goyn doono, haddase dhoohnaan baa heysa, oo ma ba ay rumeysna
Verse 40 — Surah Maryam 19:40
Hubaal, Waa Annaga kuwa dhaxli doonnaa arlada iyo waxa korkeeda joogaba. Oo Xaggayga baa loo soo celin doonaa
Verse 41 — Surah Maryam 19:41
Oo ku xus Kitaabka (Qisadii) Ibraahiim. Xaqiiq! Wuxuu ahaa runlow, Nabi ah
Verse 42 — Surah Maryam 19:42
(Xus) markii uu ku yidhi aabbihiis: “Aabbow! Maxaad u caabuddaa waxaa aan waxba maqlin, oo waxna arkin oo aan waxba ku tari doonin
Verse 43 — Surah Maryam 19:43
Aabbow! Xaqiiq! Waxaa ii yimid wax ka mid ah cilmi aan kuu imaan. Ee i raac waxaan kugu hanuunin Jid Toosan
Verse 44 — Surah Maryam 19:44
Aabbow! Ha caabudin (ha adeecin) shaydaan. Xaqiiq, Shaydaanku waa mid abad Raxmaanka ku caasi ah
Verse 45 — Surah Maryam 19:45
Aabbow! Anigu waxaan ka cabsi qabaa inuu kaa taabto cadaab xagga Raxmaanka, markaas aad u noqoto shaydaanka saaxiib (naarta gudaheeda)
Verse 46 — Surah Maryam 19:46
Wuxuu (aabbihii) yidhi:“Ma waxaad adi- gu dan ka lahayn ilaahyadayada, Ibraahii- mow? Haddii aad ka harin (waxakani), hubaashii waan ku dhagaxyeyn. Ee bal iga dheerow muddo dheer
Verse 47 — Surah Maryam 19:47
Ibraahiim wuxuu yidhi: “Nabad korkaada ha ahaato! Waxaan kaaga baryi doonaa dambi Dhaaf Rabbigay. Xaqiiq! waa Mid abad ii Roonaan Badan
Verse 48 — Surah Maryam 19:48
Oo waan idinka fogaan idinka iyo waxa aad baridaanba Allaah sokadi. Oo waxaan baryi doonaa Rabbigay (Allaah Keliya); Waxaana rajeyn inaanan noqon mid baryda Rabbigay ku hungooba”
Verse 49 — Surah Maryam 19:49
Haddaba markii uu ka fogaaday iyaga iyo waxa ay caabudayeenba Allaah sokadi, waxaan u hibeynay Isxaaq iyo Yacquub, mid walbaana (oo ka mid ah) Waxaan ka dhignay Nabi
Verse 50 — Surah Maryam 19:50
Oo Waxaanu siinnay wax ka mid ah Naxariistayada, oo waxaanu u yeelnay xus (sharaf) meeqaan sare ah
Verse 51 — Surah Maryam 19:51
Oo ku xus Ktiaabka Muusaa. Xaqiiq Wuxuu ahaa xul la doortay oo wuxuu ahaa Rasuul Nabi ah
Verse 52 — Surah Maryam 19:52
Oo Waxaan uga dhawaaqnay dhinaca Buurta midigta ah8, oo soo dhoweynay innagoo la faqeyna
Verse 53 — Surah Maryam 19:53
Oo Waxaanu ugu hibaynay Naxariistayada walaalkii Haaruun Nabi ahaan
Verse 54 — Surah Maryam 19:54
Oo ku xus Kitaabka Ismaaciil. Wuxuu ahaa mid ka dhabeeya oo oofiya ballanka uu galo, oo wuxuu ahaa Rasuul Nabi ah
Verse 55 — Surah Maryam 19:55
Oo wuxuu amri jiray ehelkiisa Salaad iyo Sako, oo wuxuu ahaa mid Rabbigiis Raalli ka yahay
Verse 56 — Surah Maryam 19:56
Oo ku xus Kitaabka Idriis. Xaqiiq Wuxuu ahaa run badane Nabi ah
Verse 57 — Surah Maryam 19:57
Oo Waxaanu kor ugu qaadnay meel aad u sarreysa
Verse 58 — Surah Maryam 19:58
Kuwaasu waxay ahaayeen kuwii uu Allaah u nicmeeyey ka mid ah Nabiyadii, ka mid ah durriyadii Aadam, iyo kuwii aan kula qaadnay (Doonnida) Nuux, iyo kuwo ka mid ah durriyadii Ibraahiim iyo Israa’iil (Yacquub)_iyo kuwo ka mid ah kuwii aan hanuuninnay oo doorannay. Marka kuwaasi Aayadka Raxmaanka loo akhriyo, waxay ula dhaceen dhulka sujuud iyo oohin
Verse 59 — Surah Maryam 19:59
Waxaase yimid iyaga ka dambow haraa (facyo dambe) ee dayacay salaadda oo raacay waxay naftu jecleysato; marka waxay la kulmi doonaan hoog
Verse 60 — Surah Maryam 19:60
Marka laga reebo kan toobad keena, ee isagu rumeysan (Xaqa), ee sama fala . Kuwaasu waxay geli doonaan Jannada, iyagoo aan waxba laga dhimeyn
Verse 61 — Surah Maryam 19:61
Beero nagaya oo uu Naxariistaha ugu yaboohay addoomahiisa Ghaybka (iyagoon arag). Xaqiiq ,Yaboohiisu waa kii yimaada
Verse 62 — Surah Maryam 19:62
Kuma ay maqli doonaan gudaheeda wax Hadal xun ah, waa uun Salaamo (is nabaadin). Oo Waxay lahaan doonaan risiqooda gudaheeda subax iyo galabba (macnaha kala go' la'aan)
Verse 63 — Surah Maryam 19:63
Taasu waa Jannada aan dhaxalsiin doonno addoomahayaga kooda ka dhowrsada xumaha
Verse 64 — Surah Maryam 19:64
(Jabriil wuxuu yidhi) oo Annagu (malaa’igta ah) kuma soo degno waxaan ahayn Amarka Rabbigaa10. Isaga baa leh waxa hortayada ah iyo waxa gadaashayada ah iyo waxa labadaa u dhexeeyaba, oo marnaba ma aha Rabbigaa mid wax halmaama
Verse 65 — Surah Maryam 19:65
Rabbiga samooyinka iyo arlada iyo waxa u dhexeeya, ee caabud oo u samir yeelo cibaadadii. Miyaad garan wax la mid ah
Verse 66 — Surah Maryam 19:66
Oo Aadmigu (kan gaalka ahi) wuxuu yidhaahdaa: “Ma markii aan dhinto, miyaa la I soo bixin doonaa anigoo nool?”
Verse 67 — Surah Maryam 19:67
Mawuusan Aadmigu xusuusnayn inaan abuurnay kal hore isagoo aan waxba ahayn
Verse 68 — Surah Maryam 19:68
Ee Rabbigaa baan ku dhaartaye, hubaal waanu soo kulmin doonnaa iyaga iyo shaydaammadaba, markaasaa waxaanu keeni doonnaa hareeraha jahannama iyagoo jilba joogsan
Verse 69 — Surah Maryam 19:69
Markaas waxaan hubaal ka soo siibi doonnaa shiico walba kuwooda ugu dar-darnaa xagga Raxmaanka
Verse 70 — Surah Maryam 19:70
Oo hubaal waa Annaga kuwa dhab u ogsoon kuwa u sii mudan Naarta geliddeeda
Verse 71 — Surah Maryam 19:71
Oo ma jiro mid idinka mid ah oo aan dul mari doonin (Naarta) korkeeda; kani waa Guddoon Rabbigaa waajib ah xukman
Verse 72 — Surah Maryam 19:72
Markaas waxaanu badbaadin doonnaa kuwii iska jiray (xumaha). Oo uga tegi doonnaa gar ma qaatayaasha dhexdeeda iyagoo ku jilbo joogsan
Verse 73 — Surah Maryam 19:73
Oo marka Aayadahayaga loo akhriyo xujooyin cad ahaan, waxay kuwa gaalooba ku yidhaahdaan kuwa (xaqa) rumeysan, “Midkee baa labadaya qolo degmo wanaagsan oo joog fiican
Verse 74 — Surah Maryam 19:74
Intee baana fac halaagnay hortood, oo ka hanti, alaab iyo arag wanaagsanaa
Verse 75 — Surah Maryam 19:75
Dheh, "kii ku jira habow, haddaba Raxmaanku ha u fidiyo waxa uu heysto fidin (maalka iyo waqtiga) , jeer marka ay arkaan wixii loo ballan qaaday, oo ah ama cadaab (adduunka) ah ama Saacadda (Qiyaamaha), _way ogaan doonaan kii ugu xun degmo ahaan oo liita ciidan ahaan
Verse 76 — Surah Maryam 19:76
Oo Allaah wuxuu u kordhiyaa kuwa hanuunay hanuun. Oo camallada wanaagsan ee baaqiga ah baa khayr roon Rabbigaa agtiis oo leh aayo wanaagsan
Verse 77 — Surah Maryam 19:77
Ee Ma aragtay kan ku gaaloobay Aayadahayaga ee yidhi: Waxaa hubaal la i siin doonaa (Aakhiro) maal iyo carruur12.”
Verse 78 — Surah Maryam 19:78
Ma wuxuu daalacday cilmi Ghaybka mise Raxmaanka buu ka helay ballan
Verse 79 — Surah Maryam 19:79
Mayee’ waanu qori doonnaa waxa uu yidhaahdo, oo waan u kordhin doonnaa cadaabka oo u fidin doonnaa fidin
Verse 80 — Surah Maryam 19:80
Oo Waxaan ka dhaxli doonnaa waxa uu ka hadlo oo dhan oo wuxuu noo iman doonaa isagoo keli ah
Verse 81 — Surah Maryam 19:81
Oo waxay yeeshaan Allaah sokadi ilaahyo (baadil ah), si ay u siiyaan ciso
Verse 82 — Surah Maryam 19:82
Mayee’ iyagu (ilaahyadaa) waaba ay dafiri doonaan cibaadadoodii, oo way ka soo hor jeesan doonaan col ahaan (Maalinta Qiyaamaha)
Verse 83 — Surah Maryam 19:83
Miyaadan arag inaan ku soo dirnay shayaadiinta gaalada iyagoo geliya (xumaan) gelin (joogto ah)
Verse 84 — Surah Maryam 19:84
Ee ha u samir waayin, waxaan uun u tirinaynaa tiro13 (maalmo go’an)
Verse 85 — Surah Maryam 19:85
Maalinta aan u soo gelbin doonno kuwa iska jira (xumaha) xagga Raxmaanka iyagoo wafdi (sharaf leh) ah
Verse 86 — Surah Maryam 19:86
Oo aan u soo kaxeyn doonno dambiilayaasha Naarta iyagoo la asqoobay harraad
Verse 87 — Surah Maryam 19:87
Oo cidina uma lahaan doonto (awood) shafeeco, mid maahee isagu ka yeesha Raxmaanka agtiisa ballan
Verse 88 — Surah Maryam 19:88
Oo waxay yidhaahdaan: Raxamaanku wuxuu yeeshay wiil
Verse 89 — Surah Maryam 19:89
Waxaad fasheen (oo ku hadasheen ) wax aad u fool xun
Verse 90 — Surah Maryam 19:90
Samooyinka ay ku sigtaan inay la dildillaacaan, oo uu dhulkuna kala jeexmo, oo ay buuruhuna isku dumaan
Verse 91 — Surah Maryam 19:91
Inay ku sheegaan Raxmaanka inuu leeyahay wiil
Verse 92 — Surah Maryam 19:92
Oo kuma habboona Raxmaanka inuu yeesho wiil
Verse 93 — Surah Maryam 19:93
Ma jiro wax ku sugan samooyinka iyo arlada bal wuxuu u imaan Raxmaanka isagoo addoon ah
Verse 94 — Surah Maryam 19:94
Dhab ahaan waa uu koobay oo tiriyey dhamamaan tirin dhan
Verse 95 — Surah Maryam 19:95
Ooo Qof walbaa dhammaantood wuxuu u iman doonaa Maalinta Qiyaamaha isagoo keli ah
Verse 96 — Surah Maryam 19:96
Xaqiiq, Kuwa (Xaqa) rumeysan ee samaha fala, Raxmaanku wuxuu u yeeli doonaa kalgacayl (qalbiyada mu’miniinta)
Verse 97 — Surah Maryam 19:97
Ee (Muxammadow) waxaan uun ugu yeelnay (Qur’aanka) wax u fudud carrabkaaga si aad ugu bishaareyso kuwa iska jira (xumaha), oo aad ugu digto qolo muran badan
Verse 98 — Surah Maryam 19:98
Oo intee baan halaagnay hortood ummad, ma ka aragtaa qof keliya oo ka mid ah iyaga mase ka maqashaa xaggooda in yar oo shanqar ah