Back to Languages

    Somali - Chapter 3

    Translation by Abdullah Hasan Jacob

    Verse 1

    Alif – Laam - Miim

    Verse 2

    Allaah, Ma jiro Ilaah (xaq lagu caabudo) aan Isaga ahayn, waa weligii Noolaha, iski u jira, walax kastaana ku jirto oo ku ahaato Amarkiisa

    Verse 3

    Wuxuu kuugu soo waxyooday Kitaabka si xaq ah, isagoo xaqiijinaya wixii ka horreeyey (oo Kutub Ilaahay ah), oo Wuxuu soo waxyooday Towraadda iyo Injiilka…

    Verse 4

    Kal hore, hanuun ahaan dadka, oo wuxuu soo waxyooday Furqaanka (Qur’aanka). Hubaal kuwa aan rumeysnayn Aayaadaha Ilaahay, waxay mudan doonaan cadaab daran; oo Allaah waa Adkaade, Aargoosi leh

    Verse 5

    Allaah-- hubaal waxba kama qarsoona ku sugan arlada ama samada

    Verse 6

    Isaga weeye Kan idiinku sawira ilma galeennada sida uu doono. Ma jiro ilaah (xaq lagu caabudo) aan Isaga ahayn, waa Adkaadaha, Xakiimka ah

    Verse 7

    Isaga weeye Kan kuu soo waxyooday Kitaabka, qaar ka mid ah Aayadahiisa xukunkoodu cad yihiin, waa iyaga aasaaska Kitaabka, qaar kalena waa kuwo isu eg. Marka ma kuwa ay quluubtoodu ku jirto weecashada, waxay raacraacaan kuwa isu eg iyagoo doonaya inay wax ku habaabiyaan oo doonaya inay ka bixiyaan fasir (iskood ah)1, umase cilmi laha fasirkiisa waxaan aheyn Allaah. Oo kuwa ku xeel dheer cilmiga waxay yidhaahdaan: Waanu rumeysannahay; dhammaantood iyagu waa xagga Rabbigayo. Oo ma garowsadaan cid aan aheyn wax garadka

    Verse 8

    Rabbiyow! Ha weecin quluubtayada kaddib markaad na hanuunisay2, oo nooga hibee xaggaaga Naxariis. Hubaal waxaad Adigu tahay kan Deeqda baxsha

    Verse 9

    Rabbiyow! Adigaa isu soo ururin doonaa dadka Maalin aan shaki lahayn; hubaal Allaah ma ka baxo Ballankiisa

    Verse 10

    (Ma) kuwa gaalada ah hubaal waxba ugama tari doonaan maalkoodu iyo ilmahooda Allaah agtiisa; oo kuwan weeyaan kuwa ah shidaalka Naarta

    Verse 11

    Waa shaqadii reer Fircoon oo kale iyo kuwii ka horreeyay; waxay beeniyeen Aayadahayagii, markaasuu Allaah u halligay duntuubtoodii darteed. Oo Allaah Ciqaabtiisu way daran tahay

    Verse 12

    Ku dheh gaalada: Waa la idinka adkaan, oo la idinku soo ururin wada jir Naar, oo ah tan ugu xun gogol la dhinac dhigo

    Verse 13

    Xaqiiq waxaa idiinku jirtay calaamo labadii ciidammood ee ku kulantay (dagaalkii Badar): Koox u dagaallameysay Jidka Ilaahay dartii, iyo tan kaloo gaal ahayd waxay u arkeen labo jibbaarkood tiro ahaan xagga aragtida isha (inkastoo ay ahaayeen seddex jibbaarkood). Oo Allaah wuxuu ku xoojiyaa taageeradiisa qofkuu doono. hubaal tani waxaa ugu jirta cibrad kuwa aragtida dheer leh

    Verse 14

    Jaceylka waxyaalaha naftu rabto, oo leh haween, wiilal, iyo kayd badan oo dahab iyo qalin ah iyo fardo laylan oo qurxoon iyo xoolo iyo dhul si fiican u beeran baa loo qurxiyey dadka. tani waa sahayda nolosha adduunkan; oo Allaah agtiisa baa noqosho wanaagsan leh

    Verse 15

    Dheh: Ma idiin sheegaa waxa ka fiican waxyaalahani? Waxay leeyhiin kuwaa iska jira (xumaha) _ beero Rabbigood agtiis ah ay hoostoodu qulqulaan wabiyo, iyagoo ku dhex waaraya, iyo afooyin daahir ah iyo raalli ahaansho xag Ilaahay ah. Oo Allaah wuu Arkaa Addoomihiisa

    Verse 16

    Kuwaa yidhaahda: Rabbiyow! Hubaal innagu waanu rumeysannahay (Xaqa), ee noo dhaaf dunuubtayada, oo naga dhowr cadaabta Naarta

    Verse 17

    Sabrayaasha iyo run sheegga, iyo daacadda iyo kuwa si fiican (oo deeqsinnimo leh) wax u bixiya, iyo kuwa weydiista dambi dhaaf waqtiyada aroorta hore ah

    Verse 18

    Allaah wuxuu marag ka yahay inuusan jirin ilaah (xaq lagu caabudo) aan Isaga ahayn, oo malaa’igtu (sidoo kale bay ka marag kacaan) iyo kuwa cilmiga lehba; Wuxuu ku dhaqaa uunkiisa si caddaalad ah. Ma jiro Ilaah aan Isaga ahayn, waa Adkaadaha, Fal iyo odhaah samaha ah

    Verse 19

    Hubaal, Diinta Xaqa ahi Allaah agtiisa waa Islaamka. Oo kuwii la siiyey Kitaabka isma ay khilaafin waxaan ahayn intii uu u yimid cilmiga xasad dhexdooda ah darti. Oo qofkii rumeysan waaya Aayadaha Ilaahay, haddaba hubaal Allaah way dhaqsi badan tahay xisaabtiisu

    Verse 20

    Haddiise ay kula doodaan dheh: Waxaan anigu isugu dhiibay si dhan Allaah, waana sidaas qofkii I raaca. Oo ku dheh kuwa la siiyey Kitaabka iyo kuwa aan wax baran: Miyaad isdhiibeysaan?3 Haddaba hadday is dhiibaan, markaa runtii waa hanuunsan yihiin; haddiise ay dhabarka jeediyaan, haddaba waxaa ku saaran uun gaarsiinta Risaalada; oo Allaah wuu arkaa addoomahiisa

    Verse 21

    Hubaal (ma) kuwa rumeysan waaya Aayadaha Ilaahay, oo ku dila Nabiyada xaq darro, oo dila kuwa amra caddaaladda ee dadka ka mid ah4. Ugu bishaaree cadaab aad u xanuun badan

    Verse 22

    Kuwaas weeye kuwa ay acmaashoodu ku noqon doonaan baabba’a adduunkan iyo Aakhiradaba, oo ma heli doonaan wax u soo gargaara

    Verse 23

    Miyaadan u fiirsan kuwaa (Yuhuudda) ee la siiyey qayb ka mid ah Kitaabka? waxaa loogu baaqaa Kitaabka Ilaahay si uu u kala xukumo dhexdooda, markaas bay qaar ka mid ah dhabarka jeediyaan, oo siibtaan

    Verse 24

    Waxaa tani ugu wacan inay yidhaahdaan: Naarta nama taaban doonto waxaan aheyn maalmo tirsan. Oo waxaa ku hoda diintooda waxay been abuurteen

    Verse 25

    Ee sidee bay ahaan doontaa marka aan isugu soo kulminno dhammaantood Maalin aan shaki ku jirin, oo naf walba loogu oofiyo si dhan waxay kasbatay iyagoo aan lagu gardarroon doonin

    Verse 26

    Dheh: Allahayow! Kan Boqortooyada (runta ah) iska lahow, Waxaad siisaa boqortooyada kan aad doonto, oo ka qaaddaa boqortooyada kan aad doonto, oo waxaad kor yeeshaa kan aad doonto, oo hoos yeeshaa kan aad doonto. Gacantaada buu ku jiraa khayrku. Hubaal Adiga baa wax kasta Kara oo awood ku dul leh

    Verse 27

    Waxaad ka yeeshaa habeenka inuu dhex galo maalinta, oo ka yeeshaa maalinta inay dhex gasho habeenka, oo ka soo saartaa wax nool wax dhintay, oo ka soo saartaa wax dhintay wax nool5. Oo Waxaad arzaaqdaa kan aad doonto xisaab la’aan

    Verse 28

    Yeysan mu’miniintu ka dhigan gaalada gacallo halkii mu’miniinta, oo qofkii sidani fala, kama heli doono wax (gargaar ah) xagga Ilaahay, waase inaad iska ilaalisaan xaggooda iska ilaalin dhan6. Oo Allaah wuxuu idiinka digaa Naftiisa7, oo waa xagga Allaah meel noqodka dambe

    Verse 29

    Dheh: Haddaad qarisaan waxa ku jira laabahiinna ama muujisaan, Allaah wuu ogsoon yahay, oo wuxuu ogsoon yahay waxa jira samooyinka iyo waxa jira arlada. Oo Allaah wax walba wuu Karaa

    Verse 30

    Maalinta naf waliba heli doonto waxa khayr ay fashay oo la hor keeno iyo waxa xume ay fashay, waxay jeclaan doontaa in dhexdooda iyada iyo xumahaa ay ahaan lahayd geeddi aad iyo aad u fog. Oo Allaah wuxuu idiinka digaa Naftiisa (Ciqaabkiisa). Oo Allaah waa u Turid iyo Naxariis Badan yahay addoomahiisa

    Verse 31

    (Nabi Muxammadow) dheh: Haddaad Allaah jeceshihiin, haddaba i soo raaca, Allaah baa idin jeclaan oo idiin dhaafi dunuubtiinna. Oo Allaah waa Dambi Dhaaf Badane, Naxariis Badan

    Verse 32

    Dheh: Adeeca Allaah iyo Rasuulka (Muxammad). Haddiise ay dhabarka jeediyaan, hubaal Allaah ma jecla gaalada

    Verse 33

    Hubaal Allaah wuxuu ka doortay Aadam iyo Nuux iyo reer Ibraahiim iyo reer Cimraanba ummadaha dhan dushood

    Verse 34

    Durriyad qaarkoodba ka yimid qaar, oo Allaah waa wax kasta Maqle,wax kasta Og

    Verse 35

    Waa tii ay marwadii Cimraan tidhi: Rabbiyow! Waxaan anigu hubaal kuu nadar galay in waxa ku jira uurkayga uu u madax bannaanaado (cibaadadaada) ee iga aqbal. Hubaal waxaad Adigu tahay wax kasta Maqlaha, wax kasta Ogsoon

    Verse 36

    Markiise ay dhashay waxay tidhi: Rabbiyow! Hubaal waxaan dhalay ilmo dheddig ah, oo Allaah wuu ka ogaa (cid kale oo dhan) waxa ay dhashay – oo labku ma aha la mid dheddiga, oo waxaan u bixiyey Maryam8, oo waxaan kaa magan gelinayaa iyada iyo durriyaddeedaba Shaydaanka la fogeeyay

    Verse 37

    Markaasuu Rabbigeed ka aqbalay aqbal wanaagsan, oo ka yeelay inay korto koritaan wanaagsan, oo u dhiibay xilka daryeelkeeda Zakariya. Mar kasta oo uu Zakariya ugu soo galo Mixraabka (si uu u arko) wuxuu ka helaa agteeda riziq. Wuxuu yidhi: Maryameey: Xaggee bay waxakani kaaga yimaadaan? Waxay tidhi: Waa xag Ilaahay. Hubaal Allaah wuxuu u arsaaqaa qofkuu doono xisaab la’aan

    Verse 38

    Halkaas buu Zakariya ku baryey Rabbigii, wuxuu yidhi: Rabbiyow! Iga sii Xaggaaga ubad wanaagsan. Hubaal Waxaad tahay Maqlaha baryada

    Verse 39

    Markaas bay malaa’igtu u dhawaaqday isagoo taagan oo ku tukanaya Mixraabka: in Allaah uu kuugu bishaaraynayo Yaxyaa oo rumeynaya Eray xagga Ilaahay ah oo sharaf leh oo dhowrsoon oo Nabi ah ka mid ah kuwa wanaagsan

    Verse 40

    Wuxuu yidhi: Rabbiyow! Sidee baan u lahaan doonaa wiil ( ii dhasha) , anigoo da' noqday, oo haweentaydu waa ma dhaleys? Wuxuu yidhi: Sidaas buu Allaah u falaa wuxuu doono

    Verse 41

    Wuxuu yidhi: Rabbbiyow! Ii yeel calaamo. Wuxuu yidhi: Calaamaddaadu waa inaadan la hadlin dadka saddex maalmood tilmaamo ma’ahee. Oo xus Rabbigaa wax badan oo xurmo weynee oo huf galab iyo subaxba

    Verse 42

    Oo waa tii malaa’igtu tidhi: Maryameey! Hubaal Allaah wuu ku doortay oo ku daahiriyey, oo kaa doortay dumarka caalamka

    Verse 43

    Maryameey! U joogtee daacadda Rabbigaa, oo sujuud, oo la rukuuc kuwa rakuuca

    Verse 44

    Kani waa wax ka mid ah wararka waxa aan muuqan ee Ghaybka ah ee aanu kuu waxyoonno, oo lama aadan joogin markay qallamadooda tuuranayeen (si ay go’aan uga gaaraan) kooda kafaala qaadaya Maryam; oo adigu lama aadan joogin markay isla doodayeen

    Verse 45

    Waa tii malaa’igtu tidhi: Maryameey! Allaah wuxuu kuugu bishaaraynayaa Erey ka yimid Xaggiisa, oo magaciisu yahay Al-Masiix Ciisaa, ibnu Maryam, oo ku leh sharaf adduunkan iyo aakhiradaba, oo ka mid ah kuwaa la soo dhoweeyo

    Verse 46

    Oo wuxuu la hadli doonaa dadka isagoo ilmo dhashay ah oo dhabta saaran iyo isagoo gar madoobe ah, oo (ahaan doonaa) mid ka mid ah kuwa wanaagsan

    Verse 47

    Waxay tidhi: Rabbiyow! Sidee baan u lahaan doonaa wiil (ii dhasha) isagoo aanu nin i taaban? Wuxuu yidhi: Sidaas oy tahay, Allaah wuxuu abuuraa wuxuu doono. Marka uu arrin gooyo wuxuu uun ku yidhaahdaa Ahow, markaa waaba yahay

    Verse 48

    Oo Wuxuu bari doonaa qoraalka iyo Xikmadda iyo Towraadda iyo Injiilka

    Verse 49

    Oo (ka dhigi doonaa) Rasuul loo diro ilmaha Israa’iil: Inaan idiin la imid Calaamo xagga Rabbigiin ah, inaan idiinka gooyo dhoobada wax sida muuqaal shimbir leh, markaasaan afuufaa oo wuxuu noqdaa shimibir Idanka Ilaahay. Oo waxaan bogsiiyaa indhoolaha iyo baraslaha, oo soo nooleeyaa meytida Idanka Ilaahay, oo waxaan wax idiinka sheegaa waxaad cunaysaan iyo waxaad ku kaydsanaysaan guryihiinna. Hubaal tani waxaa idiinku sugan xaqiiq calaamo, haddaad tihiin mu'miniin

    Verse 50

    Iyo xaqiijiye ahaan waxa hortyada ah ee Towraadda, iyo inaan idiin xalaaleeyo qaar ka mid ah waxa la idinka xaaraameeyey, oo waxaan idiin la imid calaamo xagga Rabbigiin ah. Ee dhowra (xilka uu idin saaray) Allaah oo i Adeeca

    Verse 51

    Hubaal Allaah waa Rabbigay iyo Rabbigiinba, ee caabuda Isagoo Keliya, waa kane Jidka Toosan

    Verse 52

    Markiise uu Ciise ka dareemay gaalnimo xaggooda, wuxuu yidhi: Yaa iigu gargaari xagga (Jidka) Ilaahay? Xertii waxay yidhaahdeen: Annagaa ah gargaarayaasha (Jidka) Ilaahay; waxaanu rumeysannahay Allaah, oo marag ka ahow inaanu nahay Muslimiin

    Verse 53

    Rabbiyow! Waxaanu rumeysannahay waxa aad soo waxyootay, oo raacnaa Rasuulka, ee nagu qor la jirka markhaatiyada

    Verse 54

    Oo tab ayey dhigeen, oo Allaah (sidoo kale) tab ayuu dhigay. Oo Allaah baa ah Kan ugu wanaagsan inta wax tabeysa

    Verse 55

    Oo waa tii Allaah yidhi: Ciisow! Waan ku oofsanayaa oo kuu soo kor yeelayaa Xaggeyga, oo kaa daahirin gaalada, oo ka yeeli kuwa kugu raaca (Towxiidka) kuwa ka sarreeya kuwa gaalooba tan iyo Maalinta Qiyaamaha. Markaas waa Xaggeyga meel noqodkiinna, oo waan idiin kala garsoori doonaa dhexdiinna waxaad isku khilaafteen

    Verse 56

    Markaa ma kuwa gaalada ah, waxaan cadaabi doonaa cadaab daran adduunkan iyo Aakhiradaba, oo ma heli doonaan wax u soo gargaara

    Verse 57

    Ma kuwase (Xaqa) rumeysan ee samaha fala, wuxuu u oofin doonaa abaalgudyadooda oo dhan.Oo Allaah ma jecla gar ma qaatayaasha

    Verse 58

    Kan baan kuu akhrinnaa ee ka mid ah Aayadaha iyo waanada xikmadda ah

    Verse 59

    Hubaal mataalka Ciise xagga Ilaahay waa sida mataalka Aadam. Wuxuu ka abuuray ciid, markaasuu ku yidhi: Ahow, oo wuu ahaaday

    Verse 60

    (Kani) waa Xaq ka yimid Rabbigaa, ee ha ka mid noqon shaki qabeenka

    Verse 61

    Qofkii se kaala dooda arrinkan kaddib waxa kuu yimid oo cilmi ah, kolkaa dheh: Kaalaya, aan u yeerno wiilasheenna iyo wiilashiinna, iyo dumarkayaga iyo dumarkiinna iyo kuwa dad noo xiga iyo kuwa dad idiin xiga, markaas aan baryootanno, inay Nacaladda Ilaahay ku dhacdo kuwa ah beenalayaasha

    Verse 62

    Hubaal kani dhabtii waa faallada runta ah, oo ma jiro ilaah aan ahayn Allaah. Oo Allaah waa Adkaadaha, Xakiimka ah

    Verse 63

    Haddiise ay dhabarka jeediyaan, haddaba hubaal Allaah wuu ogsoon yahay kuwa wax fasahaadiya

    Verse 64

    Dheh: ehlul Kitaabow! U kaalaya Kelmed aan u simannahay ee noo dhaxeysa innaga iyo idinkaba, inaynaan caabudin axadna Allaah maahee, iyo inaynaan la wadaajin (cibaadada) waxba, iyo (inaan) qaarkeen ka dhigan qaar kale rabbiyo ay la barbar caabudaan Allaah. Haddiise ay dhabarka jeediyaan, markaa dhaha: Ka markhaati ahaada inaan innagu nahay Muslimiin

    Verse 65

    Ehlul Kitaabow! Maxaad uga doodeysaan arrinka Ibraahiim, oo lamaba soo dejin Towraadda iyo Injiilka isaga kaddib maahee? Ee miyeydaan haddaba wax fahmeyn

    Verse 66

    Bal eega! Idinka weeye kuwa ku dooday waxa aad aqoon u lahaydeen, Ee maxaad haddaba uga doodaysaan wax aydaan aqoon u lahayn? Oo Allaah baa ogsoon, idinkuse ma ogidin

    Verse 67

    Ma uu ahayn Ibraahiim Yuhuudi ama Nasraani midkoodna9, laakiinse wuxuu ahaa toosane, Muslim ah, oo kama uu mid aheyn mushrikiinta

    Verse 68

    Hubaal kuwa u xiga Ibraahiim dadka waa kuwaa raacay, iyo Nabigaan iyo kuwa rumeysan. Oo Allaah waa Gargaaraha mu’miniinta

    Verse 69

    Qayb ka mid ah Ehlul Kitaabka waxay jecel yihiin inay idin lumiyaan. Mase lumiyaan waxaan aheyn nafahooda, oo ma dareensana

    Verse 70

    Ehlul Kitaabow! Maxaad u diideysaan Aayadaha Ilaahay idinkoo markhaati ka ah

    Verse 71

    Ehlul-Kitaabow! Maxaad ugu dheeheysaan xaqa baadilka, oo u qarisaan xaqa idinkoo ogsoon

    Verse 72

    Oo koox ka mid ah ehlul- Kitaabka waxay yidhaahdaan: Rumeeya waxa loo soo waxyooday kuwaa rumeysan gelinka hore ee maalinta, oo diida aakhirkeeda, bal in ay ka soo noqdaan (diintooda)

    Verse 73

    Oo ha aaminina cid aan aheyn kan isagu raaca diintiinna. Dheh: Hubaal hanuunka (xaqa ah) waa hanuunka Ilaahay, (oo ma xasdeysan) si aan cidna loo siin (cilmi) la mid ah kan la idin siiyey, ama si ayan idinkula doodin Rabbigiin horti. Dheh: Hubaal fadli oo dhan wuxuu ku jiraa Gacanta Ilaahay;Wuxuu siiyaa kuu doono. Oo Allaah waa Deeq Ballaarane, wax kasta Ogsoon

    Verse 74

    Wuxuu u doortaa Naxariistiisa kuu doono. Oo Allaah waa Rabbiga Fadliga Weyn

    Verse 75

    Oo waxaa ka mid ah ehlul- Kitaabka mid haddaad ku aaminto maal tuuran kuu oofin doona isagii oo dhan; oo waxaa ka mid ah mid haddaad ku aaminto hal Diinnaar aan dib kuugu gudi doonin inaad kor joogto ma’ahee adigoo dalbaya, waxaa tan ugu wacan inay yidhaahdaan: Ma jirto korkeenna xagga kuwa aan aqoonta lahayn wax jid ah (nalagu eedeeyo)11; oo waxay Allaah ka sheegaan been iyagoo ogsoon

    Verse 76

    Haayoo, qofkii oofiya ballankiisa oo iska jira (xumaha) haddaba hubaal Allaah wuu jecel yahay kuwa iska jira xumaha

    Verse 77

    Hubaal kuwa ku iibsada Axdiga Ilaahay12 iyo dhaarahooda qiimo yar, kuwaas kuma lahaan doonaan wax saami ah Aakhirada. Oo Allaah lama hadli doono, mana eegi doono Maalinta Qiyaamaha, mana daahirin doono, oo waxay mudan doonaan cadaab aad u xanuun badan

    Verse 78

    Oo hubaal waxaa ka mid ah qaar ku weecsha carrabyadooda Kitaabka si aad u mooddaan inuu ka mid yahay Kitaabka, isagoon ka mid ahayn Kitaabka, oo waxay yidhaahdaan: wuxuu ka yimid Xagga Ilaahay; isagoo aan ka iman xagga Ilaahay, oo waxay ka sheegaan Allaah been iyagoo ogsoon

    Verse 79

    Kuma habboona qof inuu Allaah siiyo Kitaab iyo Xukun iyo Nabinnimo, markaas uu ku yidhaahda dadka: Ii noqda addoommo halkii Allaah; Laakiinse (halkii taa wuxuu yidhaahdaa): Ahaada caabudayaal Rabbi, Kitaabka aad bareysaan dartiis, iyo waxaad akhrinaysaan

    Verse 80

    Oo idinma amrayo inaad ka dhigataan malaa’igta iyo Nabiyada rabbiyo, ma wuxuu idin amrayaa gaalnimo intaad Muslimiin noqoteen kaddib

    Verse 81

    Oo waa tii uu Allaah ka qaaday Nabiyada ballan adag13: waxaan idin siiyoba ee Kitaab iyo Xikmad ah, oo markaas idiin yimaado Rasuul xaqiijinaya waxaad haysataan, waa inaad rumeysaan oo waa inaad u gargaartaan; Wuxuu yidhi: Ma qireysaan oo ma qaadaneysaan wacadkay (arrinkan)? Waxay yidhaahdeen: Waanu qirsannahay. Wuxuu yidhi: Haddaba markhaati ka ahaada; Aniguna (sidoo kale) waxaan ahay la jirkiin mid ka mid ah markhaatiyada

    Verse 82

    Ee qofkii dhabarka jeediya tani kaddib,kuwan weeye kuwa ah caasiyaasha

    Verse 83

    Oo haddaba ma waxaan ahayn diinta Ilaahay bay rabaan (inay raacaan), Isagoo ay u hoggaansan yihiin waxa jira oo dhan samooyinka iyo arlada, oggolaan ama sandulleba, oo Xaggiisa baa loo soo celin doonaa

    Verse 84

    Dheh: Waxaanu rumeysansannahay Allaah, iyo waxa naloo soo waxyooday, iyo waxa loo soo waxyooday Ibraahiim iyo Ismaaciil iyo Isxaaq iyo Yacquub iyo (Nabiyadii ahaa) firkiisa iyo waxa laga siiyey Muuse iyo Ciise iyo Nabiyada xagga Rabbigood. Ma kala soocno midkoodna. Oo innaguna Isaga ayaan isu dhiibnaa

    Verse 85

    Oo qofkii doona waxaan aheyn Islaamka diin (iyo dhaqan) ahaan, marnaba lagama aqbali doono, oo wuxuu Aakhirada ka mid ahaan doonaa kuwa ku sugan khasaarada

    Verse 86

    Sidee baa Allaah u hanuunin doonaa qolo diidday (Xaqa) rumayntooda kaddib, iyo (kaddib) markay qireen in Rasuulku xaq yahay oo xujooyin cad ay u yimaadeen? Oo Allaah ma hanuuniyo dadka gar ma qaatayaasha ah

    Verse 87

    (Ma xagga) kuwani, abaalkoodu waa inay korkooda ku dhacdo Nacladda Ilaahay, iyo malaa`igta iyo dadka oo dhan

    Verse 88

    Iyagoo ku dhex waaraya, cadaabta lagama khafiifin doono, oo lama siin doono nafis

    Verse 89

    Marka laga reebo kuwa toobad keena taasi (xumo falkooda) kaddib oo wanaagsanaada. haddaba hubaal Allaah waa Dambi Dhaaf Badane, Naxariis Badan

    Verse 90

    Hubaal, kuwa Xaqa diida rumayntoodii kaddib, haddana kororsada iimaan darro, lagama aqbali doono toobadooda (ay sheegtaan), oo waa kuwan kuwa lunsan

    Verse 91

    Hubaal, kuwa (xaqa) diida oo dhinta iyagoo gaalo ah, lagama aqbali doono midkoodna dhulka muggi oo dahab ah walow uu u isku furto. Kuwan weeye kuwa mudan doona cadaab aad u xanuun badan, oo ma heli doonaan wax u gargaara

    Verse 92

    Marnaba ma haleeli doontaan ajarka wanaagsan (ee Jannada) jeer aad bixisaan wax ka mid ah waxaad jeceshihiin; oo wax kastoo aad bixisaan, hubaal Allaah waa uu Ogsoon yahay

    Verse 93

    Cunto oo dhan xalaal bay u ahayd Ilmahii Israa`iil, wixii uu Israa`iil (Nabi Yacquub) ka xaaraameeyay naftiisa maahee intii aan la soo waxyoon Towraadda14. Dheh: Keena haddaba Tawraadda oo Akhriya, haddaad tihiin run sheegayaal

    Verse 94

    Haddaba qofkii ka been sheega Allaah tani kaddib, kuwan weeye kuwa ah gar ma qaatayaasha

    Verse 95

    Dheh: Run buu sheegay Allaah; ee raaca diinta Ibraahiim, toosnihii, oo kama mid aheyn mushrikiinta

    Verse 96

    Hubaal gurigii ugu horreeyay ee loogu cayyimay dadka (cibaado) xaqiiq waa midka ku yaal Bakka15, barakaysan, ee u ah hanuun ummadaha

    Verse 97

    Waxaa ku dhex yaaal calaamooyin cad, (sida) Maqaamkii Ibraahiim; oo qofkii soo gala wuxuu ahaan aamin. Oo u xajinta beydka waa xil saaran dadka dar Ilaahay, (waa xil saaran) qof kasta oo kara inuu u socdaalo xaggeeda17, oo qofkii beeniya, haddaba hubaal Allaah wuu ka kaaftoon yahay uunanka

    Verse 98

    Dheh: ehlul Kitaabow! Maxaad u diideysaan Aayadaha Ilaahay? Oo Allaah wuu u jeedaa waxa aad fashaan

    Verse 99

    Dheh: Ehlul- Kitaabow! Maxaad uga hor istaagtaan Jidka Ilaahay kan rumeysan? Waxaad rabtaan (inaad ka dhigtaan) mid qalloocan, idinkoo marag ka ah? Oo Allaah ma mooga waxa aad fashaan

    Verse 100

    Mu’miniintoy! Haddaad adeecdaan qaar ka mid ah kuwa la siiyay (hortiin) Kitaabka (waa Yuhuudda iyo Nasaarada), Waxay dib idiinku celin doonaan gaalo ahaan iimankiinna kaddib

    Verse 101

    Sidee baa se u gaaloobeysaan idinkoo ah kuwa loo akhriyo Aayadaha Ilaahay, oo uu idinku jiro Rasuulkiisa? Oo qofkii si sugan u qabsada Allaah, waxaa run ahaan lagu hanuuniyey Jidka Toosan

    Verse 102

    Mu’miniintoy! Dhowra ( xilka uu idin saaray) Allaah, ka dhowrsiga uu mudan yahay, oo ha dhimannina idinkoo aan aheyn Muslimiin (kuwo u hoggaansan Allaah)

    Verse 103

    Oo si sugan u qabsada Axdiga Ilaahay dhammaantiin, oo ha qaybsamina, oo xusuusta Nicmadda Ilaahay dushiinna, waa tii idinkoo col isu ah, markaa isu furay quluubtiinna, ee aad Nicamaddiisa darteed ku noqoteen walaalo (is jecel); oo waxaad qarka u saarnaydeen bohol Naar ah, markaasuu idinka badbaadshay. Sidaas buu Allaah idiinku caddeeyaa Aayadihiisa, bal inaad hanuuntaan

    Verse 104

    Oo ha idinka mid ahaato koox ku baaqda khayrka, oo amarta samaha oo reebta xumaha. Oo kuwan weeye kuwa liibaani doona

    Verse 105

    Oo ha noqonnina sida kuwa kala qaybsamay oo iskhilaafay kaddib marka xujooyinka cad ay u yimaadeen. Oo kuwan weeye kuwa mudan cadaab aad u daran

    Verse 106

    Maalinta marka wajiyo (qaar) ay caddaan, oo wejiyo (qaarna) ay madoobaan; marka ma kuwa ay wajiyadoodu madoobaadaan: Ma waxaad gaalowdeen Iimaankiinnii kaddib? Ee dha- dhamiya cadaabta gaalnimadiinnii darteed

    Verse 107

    Kuwase ay wajiyadoodu caddaadaan, waxay dhex ahaan doonaan Naxariista Ilaahay (Jannada), iyagoo ku dhex waari

    Verse 108

    Kuwani waa Aayadaha Ilaahay ee aan kuugu akhrinno xaq, oo Allaah lama doono wax gardarro ah uunanka

    Verse 109

    Oo Allaah baa leh waxa jira samooyinka iyo waxa jira arlada. Oo xagga Allaah bay umuurahoo dhan u noqdaan

    Verse 110

    Waxaad tihiin tan u khayr badan ummadaha ee loo soo saaray dadka; Waxaad amartaan samaha, oo aad reebtaan xumaha, oo rumeysan tihiin Allaah. oo hadday ehlul Kitaabku rumeyn lahaayeen, waxay u ahaan laheyd wax u khayr badan iyaga; waxaa ka mid ah qaar mu'miniin ah, oo badankoodu waa caasiyaal

    Verse 111

    Idiinma geysan doonaan sinnaba wax waxyeello ah, dhib yar maahee; oo hadday idin la dagaallamaan dhabarkay idiin jeedin doonaan, markaas looma gargaari doono

    Verse 112

    Dulli baa la raacshay dushooda meel kastoo laga helo, waxaan aheyn marka ay ku hoos jiraan axdi xagga Ilaahay ah, ama axdi xagga dadka ah; oo waxay noqdeen kuwo mudan Cadho xag Ilaahay ah, oo dar xumo baa la saaraay korkooda. Arrinkani waxaa ugu wacan inay diideen Aayadaha Ilaahay oo ku dileen Nabiyadii xaq darro. Arrinkani waxaa ugu wacan inay caasiyeen oo xadgudbeen

    Verse 113

    Ma aha isku wada mid; waxaa ka mid ah ehlul Kitaabka koox toosan18; waxay akhriyaan Aayadaha Ilaahay waqtiyada habeenka, oo way u sujuudaan

    Verse 114

    Waxay rumeysan yihiin Allaah iyo Maalinta Dambeysa; oo waxay amraan samaha oo reebaan xumaha19; oo waxay iskula tartamaan u degdegidda camallada khayrka, oo kuwaasi waxay ka mid yihiin kuwa wanaagsan

    Verse 115

    Oo wax waliba oo khayr ah ay falaan lagama dayrin doono abaalkooda; oo Allaah wuu Og yahay kuwa iska jira (xumaha)

    Verse 116

    (Ma xagga) kuwa (Xaqa) rumeysan diida, hubaal wax ugama tari doonaan maalkooda iyo awlaaddoodu midna xagga Ilaahay. Oo waa kuwan ehlu Naarka, iyagoo ay ku dhex waari doonaan

    Verse 117

    Mataalka waxa ay ku bixiyaan nolosha adduunkan waa sida dabayl aad u qabow oo ku dhacda abuurka beer qolo gef u geystay nafahooda, oo baabbi’isa. Oo Allaah ma uusan ku gardarroon, laakiinse iyagaa nafahooda u gefey

    Verse 118

    Mu’miniintoy! Ha ka dhigannina saaxiibbo hoose kuwo kale aan idinka idin ka mid ahayn, oo aan ka gaabsanayn inay dhibaato idiin geystaan. Waxay jecel yihiin waxa idin dhiba. Necbaan cad waxay horayba uga soo muuq baxday afafkooda, oo waxay laabahoodu qarsadaan baa weliba ka sii weyn. Xaqiiq waxaan idiin caddeynay Aayadaha haddaad garowsan doontaan

    Verse 119

    Eeg! Idinka baa jeclaada iyaga (Yuhuudda iyo Nasaarada), halka ay iyagu idin jecleyn, oo waxaad rumeysan tihiin Kitaabka (waxa ku yaal) oo dhan. Oo markay idinla kulmaan waxay yidhaahdaan: Waanu rumeysannahay. Markase ay yihiin keligood, waxay qaniinaan foodaha farahooda ciil ay idiin qabaan awgii. Dheh: U dhinta ciilkiinna. Hubaal, Allaah waa Ogsoon yahay waxa ku jira laabaha

    Verse 120

    Hadday idin haleesho wanaag, waa ay murugo gelisaa, oo hadday idinku dhacdo xumaani way ku farxaan. Haddiise aad samir yeelataan oo aad iska jirtaan (xumaha), tabtooda wax dhib ah haba yaraatee idiin ma geysan doonto. hubaal Allaah wuu koobaa waxay falaan

    Verse 121

    Oo waa tii aad ka jarmaadday goor aroor hore ah ehelkaaga si aad u dejiso mu’miniinta fariisimo si ay u dagaal galaan20 Oo Allaah waa wax kasta Maqle, wax kasta Ogsoon

    Verse 122

    Markii labo kooxood oo idinka mid ah goosteen inay cabsi muujiyaan21, oo Allaah baa ahaa Gargaaraha labadoodaba.oo waa inay Allaah ku kasloonaadaan mu’miniintu

    Verse 123

    Oo wuxuu xaqiiq Allaah idiinku gargaaray dagaalkii Badar idinkoo ahaa kuwo tabar yar. Ee dhowra (xilka uu idin saaray) Allaah, si aad u mahad naqdaan

    Verse 124

    Waa tii aad ku lahayd mu’miniinta: Oo miyaanay idinku fillayn inuu Rabbigiin idinku taageero saddex kun oo ka mid ah malaa’gta oo la soo diray

    Verse 125

    Haayoo, haddaad samir yeelataan oo aad iska ilaalisaan (xumaha), oo idinku yimaadaan iyagoo rooraya si degdeg ah, wuxuu Rabbigiin idinku taageeri doonaa shan kun oo malaa’ig ah, oo calaamadeysan

    Verse 126

    Oo Allaah kama uu dhigin (arrintaas) waxaan ahayn war san oo la idin siiyo, iyo inay ku degto quluubtiinna. Oo guushu kama timaaddo waxaan aheyn xagga Ilaahay Adkaadaha, Xakiimka ah

    Verse 127

    Si uu u baal gooyo qaar ka mid ah gaalada ama uu u dulleeyo, oo ay noqdaan iyagoo hungo ah

    Verse 128

    Waxba kaama gelin arrinka23, hadduu ugu soo noqonayo (si naxariis leh) ama ci- qaabayo, hubaal iyagu waa gar ma qaatayaal

    Verse 129

    Oo Allaah baa iska leh waxa jira samooyinka iyo waxa jira arlada. Wuxuu u dambi dhaafaa qofkuu doono, oo cadaabaa qofkuu doono. Oo Allaah waa Dambi Dhaaf Badane, Naxariis Badan

    Verse 130

    Mu’miniintoy! Ha cunina Ribada idinkoo ka yeelaya labo laabyo la sii laab laabay, oo dhowra (xilka uu idin saaray) Allaah aad liibaantaane

    Verse 131

    Oo iska jira Naarta loo diyaariyey gaalada

    Verse 132

    Oo adeeca Allaah iyo Rasuulka (Nabi Muxammad), si la idiinku naxariisto

    Verse 133

    Oo u degdega dambi dhaaf xagga Rabbigiin ah, iyo Beer, ballaceedu le'eg yahay samooyinka iyo arlada, waxaa loo diyaariyey kuwa iska ilaasha (xumaha)

    Verse 134

    Kuwa wax u bixiya (si wanaagsan) waqtiga ladnaanta iyo lurnaantaba, iyo kuwa liqa cadha(dooda) oo iska cafiya dadka. Oo Allaah wuxuu jecel yahay sama falayaasha

    Verse 135

    Iyo kuwa markay falaan anshax xumo ama u gefaan nafahooda24, xusuusta Ilaahay, oo weydiista in laga dhaafo dambiyadooda; oo yaa dhaafa dambiyada aan aheyn Allaah, oo aan kas iyo ogaal ugu adkeysan waxa ay faleen

    Verse 136

    (Ma xagga) kuwan- abaalgudkoodu waa dambi dhaaf xagga Rabbigood ah, iyo beero ay hoostoodu qulqulaan wabiyo, oo ay ku dhex waarayaan, oo wanaagsanaa abaalka kuwa camal san fasha

    Verse 137

    Xaqiiq waxaa jiray tusaalooyin idinka hortiin, ee ku socdaala dhulka oo fiirsha sida ay ku dambeysey cidhibta beeniyayaasha

    Verse 138

    Kanu waa hadal u cad dadka, waana u hanuun iyo waano ku socota kuwa iska ilaasha xumaha

    Verse 139

    Oo ha ahaannina kuwo aan sugnaan, oo ha murugoonnina, oo idinkaa sarreyn doono haddaad tihiin mu’miniin

    Verse 140

    Hadduu idinku soo gaaray dhaawac (Uxud), waxaa xaqiiq soo gaaray dhaawac la mid ah dadkaa (gaalada) ah; oo waxaan ugu keennaa maalmaha dadka dhexdood si moogaaleysi ah, oo waa si uu Allaah u muujiyo kuwa rumeysan, oo idiinka sameysto shuhado. Oo Allaah ma jecla gar ma qaatayaasha

    Verse 141

    Oo waa si uu u daahiriyo kuwa rumeysan oo u beelaan gaalada barakooyinka

    Verse 142

    Ma waxaad mooddaan inaad gali doontaan jannada isagoon Allaah aan weli muujin kuwiinna aad u jihaada25 oo idinka mid ah, oo (sidoo kale) muujin kuwa samrayaasha ah

    Verse 143

    Oo xaqiiq waxaad rabteen dhimashada ka hor intaydaan la kulmin. Oo xaqiiq waad aragteen idinkoo eegaya

    Verse 144

    Oo Muxammad ma aha waxaan ahayn Rasuul, Waxaa xaqiiq tagay hortiis Rusul (badan). Ee hadduu dhinto26 ama la dilo ma waxaad dib ugu gaddooomi lahaydeen cirbihiinna? Oo qofkii dib ugu gaddoomaa cirbihiisa, waxba uma dhimi doono Allaah, Oo Allaah waa u abaal gudi doonaa mahad naqayaasha

    Verse 145

    Oo nafi ma dhiman doonto Idanka Ilaahay ma`ahee waqtiga waa la gooyey. Oo qofkii raba abaalka adduunyadan, Waxbaan ka siin doonnaa, oo qofkii raba abaalka Aakhirada, waxbaan ka siin doonnaa. Oo Waanu u abaal gudi doonnaa mahad naqayaasha

    Verse 146

    Oo badanaa inta Nabi ee ay la dagaal galeen Rabbi yaqaanno tiro badan. Ee marnaba kuma ay qalbi jabin waxa ku soo gaaray jidka Ilaahay, kumana ay jilcin, ismana ay liidin. Oo Allaah wuu jecel yahay kuwa samir yeesha

    Verse 147

    Oo ma ahayn qowlkoodu waxaan aheyn inay yidhaahdeen: Rabbiyow! Noo dhaaf dambiyadayada, iyo ku xadgudubka arrinkayaga, oo noo sug cagahayaga, oo nooga gargaar dadkaa gaalada ah

    Verse 148

    Markaasuu Allaah siiyey abaalka Adduunyadan iyo abaalka wanaagsan ee Akhirada. Oo Allaah wuxuu jecel yahay sama falayaasha

    Verse 149

    Mu’miniintoy! Haddaad adeecdaan gaalada, waxay dib idiinku celin doonaan cirbihiinna, markaas waxaad soo guddoomi doontaan idinkoo khasaaro ku sugan

    Verse 150

    Mayee! Allaah baa ah Gargaarihiin, Isaga baana u wanaagsan gargaarayaasha

    Verse 151

    Waxaan ku tuuri doonnaa argagax quluubta kuwa rumeysan diida, sababta la wadaajintooda Allaah waxaas uusan u soo dejin wax xujo ah; oo hoygood waa Naarta. Oo wax xun oo baas waa hoyga gar ma qaatayaasha

    Verse 152

    Oo xaqiiq Allaah wuxuu idiin oofiyey Ballankiisii, markaad ku leyseen (cadowgiinna) Idankiisa, ilaa markaad qalbi jabteen oo aad isku qabsateen arrinka, oo aad caasideen28 kaddib markuu idin tusiyey waxa aad jeceshihiin. Waxaa idinka mid ahaa qaar rabay adduunyadan, oo waxaa idinka mid ahaa qaar rabay Aakhirada. Markaas buu idinka jeediyey xaggeeda, si uu idiin imtixaano. Oo xaqiiq wuu idiin cafiyey. Oo Allaah wuu u Roon yahay mu`miniinta

    Verse 153

    Waa tii aad cararteen idinkoo xiimaya aan cidna jalleeceyn, oo Rasuulku uu idiinka dhawaaqayey gadaashiinna29, markaasuu Wuxuu idinku abaal mariyey hammi kale halkii hammigiinna30, si aydaan uga murugoon waxa idin dhaafay, iyo waxa idinku dhacay midna. Oo Allaah waa u Xog Ogaal waxa aad fashaan

    Verse 154

    Markaas hammi kaddib wuxuu idinku soo dejiyey nabdooni, xasiloonni u imaneysa koox idinka mid ah31, halka koox kale ay nafahooda walaaciyeen32, oo waxay ku maleeyeen Allaah male xun aan xaq ahayn oo malihii jaahiliyadda ah. Waxay lahaayeen: Ma aynu ku lihin wax talo ah arrinka. Dheh: Hubaal arrinka oo dhan waxay ku jiraan (Gacmaha) Ilaahay. Waxay ku qarsadaan nafahooda wax aysan kuu muujinayn33, iyagoo leh: Haddaan wax talo ah ku lahaan lahayn arrinka, nalaguma dileen halkan34. Dheh: Xitaa haddaad joogi laheydeen guryihiinna, kuwa dilka loo qoray waxay shaki li`i u soo bixi lahaayeen halka lagu dili lahaa, oo waa si uu Allaah u imtixaano waxa ku jira laabihiinna, oo u daahiriyo waxa ku jira quluubtiinna, oo Allaah wuu ogsoon yahay waxa ku jira laabaha

    Verse 155

    (Ma) kuwii idinka midka ahaa ee dhabarka jeediyey maalintii labada col is-heleen (dagaalkii Uxud), Shaydaan uun baa doonay inuu sababo inay simbiriirixdaan waxoogay (eed) ah oo ay kasbadeen awgeed. Oo xaqiiq Allaah wuu iska cafiyey. Hubaal, Allaah waa Dambi Dhaaf Badane, Dulqaad Badan

    Verse 156

    Mu’miniintoy! Ha noqonnina sida kuwa gaalada ah, oo ka yidhaahda walaalahood marka ay ku socdaalaan dhulka ama duullaan qaadaan: Hadday nala joogi lahaayeen ma dhiman lahayn lamana dili lahayn, waa si uu Allaah uga dhigo tani arrin u keenta qoomamo daran quluubtooda. Oo Allaah baa bixiya nolol oo sababa dhimasho. Oo Allaah wuu arkaa waxa aad fashaan

    Verse 157

    Oo haddii la idinku dilo Jidka Ilaahay ama aad dhimataan, xaqiiq Dambi dhaaf xagga Ilaahay ah iyo Naxariis baa ka khayr badan waxa ay urursadaan

    Verse 158

    Oo haddaad dhimataan ama la idin dilo, hubaal Ilaahay Xaggiisa baa la idinku soo kulmin doonaa idinkoo dhan

    Verse 159

    Sidaas waa Naxariista Ilaahay darteed inaad ula dhaqanto si nugul, oo haddaad ahaan laheyd mid qallafsan, qalbi adag, waxay xaqiiq ka kala yaaci lahaayeen hareerahaaga; ee iska cafi oo u dambi dhaaf dalab oo kala tasho arrinka, ee marka aad goosato arrin isku hallee Allaah, hubaal Allaah wuu jecel yahay kuwa isku halleeya

    Verse 160

    Hadduu Allaah idiin gargaaro, markaa ma jiraan wax idinka adkaan kara; oo hadduu idinka goosto, waa kuma haddaba kan idiin gargaari kara Isaga ka dambow? Oo Allaah (Keliya) ha isku halleeyaan mu’miniintu

    Verse 161

    Oo ma aha wax ka suurooba Nabi inuu wax khiyaano (oo booli qaato), oo qofkii wax khiyaana (ama booli qaata ha ahaato mid qof leeyahay ama booli qaran) wuxuu keeni doonaa waxa uu khiyaanada ku qaatay Maalinta Qiyaamaha35. Markaas baa naf walba waxaa loogu oofin doonaa si dhan waxa ay kasbatay iyagoo aan lagu gardarroon doonin

    Verse 162

    Ee ma mid raaca Raalli gelinta Ilaahay baa la mid ah kan isagu mutaysta Cadhada Ilaahay, oo hoygiisu yahay Naar, oo waa meel baas oo aayo xun

    Verse 163

    Waxaa jira darajooyin (kala duwan) Allaah agti, Oo Allaah wuu arkaa waxa ay falaan

    Verse 164

    Xaqiiq Allaah Wuxuu ku galladeystay (Nicmo Weyn) mu’miniinta markuu ka soo saaray dhexdooda Rasuul nafahooda ka mid ah, u akhriyaya Aayadihiisa, oo daahirinaya, oo baraya Kitaabka iyo Xikmadda inkastoo taa ka hor hubaal ay ku sugnaayeen habow caddaan ah

    Verse 165

    Waa la yaabe! Ma markii ay idinku dhacday dhibaato, iyadoo idinkuba xaqiiq aad ku dhigteen (gaalada) labo laabkeed ayaad billowdeen inaad tidhaahdaan: Xaggee bay nooga timid tani? Dheh: Waa xagga nafahiinna. Hubaal Allaah wax walba wuxuu ku dul leeyahay awood buuxda

    Verse 166

    Oo wixii idinku dhacay maalintii markay labada col isku heleen (Uxud), waxay ku dhacday Idanka Ilaahay, oo waa si uu u muujiyo mu’miniinta

    Verse 167

    Iyo si uu u muujiyo munaafiqiinta oo lagu yidhi: Kaalaya, U dagaallama Arrinka Ilaahay ama difaaca nafahiinna. Waxay yidhaahdeen: Haddaanu ognahay dagaal, xaqiiq waa idin raaci lahayn. Waxay ahaayeen maalintaas, kuwa uga dhow gaalnimo iimaanka. Waxay ka yidhaahdaan afafkooda waxaan ku jirin quluubtooda. Oo Allaah wuu Og yahay waxa ay qarsadaan

    Verse 168

    Kuwaa ka yidhi walaalahood iyagoo iyagu dib jiray: Hadday na maqli lahaayeen lama dileen. Dheh: Haddaba ka caabbiya nafahiinna dhimashada, haddaad tihiin run sheegayaal

    Verse 169

    Oo ha moodina kuwa lagu dilay Arrinka Ilaahay meyti, Mayee, way nool yihiin,(oo) Rabbigood agtiis lagu arzaaqaa

    Verse 170

    Iyagoo ku faraxsan waxa uu Allaah ka siiyey Fadligiisa, oo u faraxsan dartood kuwaa ay kaga soo tageen gadaashood, oo aan weli ku soo biirin36, inaanay cabsi qabi doonin oo aanay murugoon doonin

    Verse 171

    Waxay ku faraxsan yihiin Nicmad ka timid Allaah iyo Fadli(giisa) darteed, iyo inaanu Allaah dayaci doonin ajarka mu’miniinta

    Verse 172

    (Ma xagga) kuwii (ku) ajiibay (Uxud) Allaah iyo Rasuulka kaddib inta uu soo gaaray dhaawacu; kuwooda ka mid ah ee sama falay oo amarka qaatay, waxay mudan doonaan ajar aad u weyn

    Verse 173

    Kuwii ay dadku ku yidhaahdeen: Hubaal dadkii baa isu soo kiin biirsaday, ee ka baqa. Waxayse tani kordhisay Iimaankooda, oo waxay yidhaahdeen: Allaah baa nagu filan, oo Isagaa u fiican cid wax xafidda

    Verse 174

    Markaas bay la noqdeen Nicmo uga timid Allaah iyo Fadli(giisa), oo ma aanay taaban xumaato oo waxay raaceen Raalli gelinta Ilaahay. Oo Allaah waa Rabbiga Fadli weyn

    Verse 175

    Waa uun Shaydaanka kan idinku bajiya xulafadiisa ee ha ka cabsannina, ee Anigoo Keliya iga cabsada, haddaad tihiin mu’miniin

    Verse 176

    Oo yey ku murugo gelin kuwa uga dhaca gaalnimada si degdeg ah37; hubaal iyagu waxba ma yeeli karaan Allaah marnaba. Allaah Wuxuu rabaa in aanay ku yeelan wax qayb ah Aakhirada, oo waxay mudan doonaan cadaab aad u weyn

    Verse 177

    Hubaal, Kuwa siistay gaalnimo qiimaha Iimaanka, waxba kama dhimi doonaan Allaah marnaba, oo waxay mudan doonaan cadaab aad u xanuun badan

    Verse 178

    Oo yey gaalada moodin in u dib dhigiddeydu ay u khayr roon tahay nafahooda. Waxaanu ugu dib dhignaa oo keliya si ay u kororsadaan dambiyo, oo waxay mudan doonaan cadaab aad u dulleysa

    Verse 179

    Sinnaba Allaah uguma tagi doona mu’miniinta xaaladdaad ku jirtaan, jeer uu kala sooco kan xun iyo kan wanaagsan. Oo ma aha Allaah mid idin tusaya waxa aan muuqan ee Ghaybka ah, laakiinse Allaah wuxuu ka doortaa Rusushiisa midkii uu doono. Ee rumeeya Allaah iyo Rusushiisa. Oo haddaad rumeysaan oo aad iska ilaalisaan xume waxaad mudan doontaan abaalgud aad u weyn

    Verse 180

    Oo yey moodin, kuwa ku bakhayla bixinta waxa uu siiyey Allaah oo Deeqdiisa ka mid ah inay khayr u tahay. mayee waa u shar; Waxaa luqunta loo suri doonaa waxay ku bakhayleen oo mareegyo (naar) ah Maalinta Qiyaamaha38. Oo Allaah baa iska leh dhaxalka samooyinka iyo arlada; oo Allaah waa u Xog Ogaal waxa aad fashaan

    Verse 181

    Allaah xaqiiq wuu maqlay odhaahda kuwii (Yuhuuddii) yidhi: Hubaal Allaah waa faqiir oo innagaa hodan ah. Waanu qori doonnaa waxay yidhaahdeen iyo ku dilkooda anbiyada gar darro, oo waxaanu odhan doonnaa: Dhadhamiya Cadaabta Gubashada

    Verse 182

    Waxakani waa waxa ay gacmihiinnu horay u geysteen iyo sababta inaanu Allaah ahayn mid ku gardarrooda addoomaha

    Verse 183

    (Kuwaas weeye) kuwii yidhi, hubaal Allaah wuxuu na xilsaaray inaanaan rumeyn Rasuulna jeer uu noo keeno qurbaan uu dab (cirka ka yimaado) cuno. Dheh: Xaqiiq waxay idiinla yimaadeen Rusullo iga horreeyey xujooyin cad iyo waxaa aad dalabteen, ee maxaad u disheen haddaad tihiin run sheegayaal

    Verse 184

    Haddiise ay ku beeniyaan sidaa oo kale baa xaqiiq loo beeniyey Rusul kaa horraysay, oo la yimid xujooyin cad, Qoraallo iyo kitaab iftiimaya

    Verse 185

    Naf walba way dhadhamin doontaa dhimasho, oo waxaa uun la idiinku oofin doonaa si dhan ajarkiinna Maalinta Qiyaamaha. Ee qofkii laga fogeeyo Naarta ee la geliyo Jannada baa xaqiiq liibaanaya. Oo ma aha nolosha adduunka waxaan ahayn sahay lagu dagan yahay

    Verse 186

    Waxaa xaqiiq la idinku imtixaami doonaa xagga maalkiinna iyo nafahiinnaba, oo waxaad xaqiiq ka maqli doontaan kuwa la siiyey Kitaabka ee idinka horreeyey iyo xagga kuwaa ah mushrikiinta hadal badan oo idin dhiba, oo haddaad samir yeelataan oo Alle u hoggaansantaan, hubaal, arrin-kaas waa ka mid umuuraha la go’aansado

    Verse 187

    Oo waa tii Allaah la galay axdi kuwii la siiyey Kitaabka, waa inaad run ahaan u caddeysaan dadka oo aydaan ka qarinnin39, waxayse ka tuureen dhabarradooda gadaashood, oo ay ku iibsadeen qiimo yar. ee xumaa waxaa ay gataan

    Verse 188

    Ha moodina in kuwa ku farxa waxa ay faleen, oo jecel in lagu ammaano wax aysan falin, _ha moodina inay ka badbaadayaan cadaabta, oo waxay mudan doonaan cadaab aad u xanuun badan

    Verse 189

    Oo Allaah baa iska leh Boqortooyada (runta ah ee) samooyinka iyo arladaba, Oo Allaah wax walba wuu Karaa

    Verse 190

    Hubaal abuurista samooyinka iyo arlada iyo isbeddelka habeenka iyo maalinta, waxaa ugu sugan xaqiiq calaamooyin wax garadka

    Verse 191

    Kuwa xusa Allaah joog iyo fadhi iyo iyagoo u jiifa dhinacyadoodaba, oo ka fekera abuurista samooyinka iyo arlada: Rabbiyow! Uma aadan abuurin kani baadil, Adigaa nazahan oo xurmoo dhan leh, ee naga badbaadi cadaabta Naarta

    Verse 192

    Rabbiyow! Hubaal qofkii aad geliso Naarta, xaqiiq waa dulleysay, oo gar ma qaatayaasha ma yeelan doonaan gargaarayaal

    Verse 193

    Rabbiyow! Hubaal waxaanu innagu maqallay baaqe ku baaqaya Iimaanka (oo leh): Rumeeya Rabbigiin, markaasaan Rumaynay. Rabbiyow! Ee noo dhaaf dunuubtayada, oo noo astur xumayaalkeenna, oo na oofso la jirka baarriyiinta

    Verse 194

    Rabbiyow! Oo na sii waxa aad noo ballan qaadday ee Rusushaadu na soo gaarsiisay oo hana dulleyn Maalinta Qiyaamaha, Adigu ballanka kama baxdide

    Verse 195

    Markaasuu Rabbigood ka aqbalay (ducadoodii): Inaan Anigu dayaci doonin camalka uu mid idinka mid ah falo, ha ahaado lab ama dheddig, midkiin walbaa uu ka ahaaday midka kale, ee kuwa iyagu soo haajiray, ee looga soo saaray guryahooda debedda, ee loogu dhib geystey Arrinkayaga, ee dagaallmay ee loo dilay Dartay, Waxaan xaqiiq asturi doonaa xumayaalkooda oo waxaan xaqiiq gelin doonaa beero ay qul-qulaan hoostoodu webiyo; Abaalgud xagga Ilaahay, oo Allaah baa haya oo weliba baxsha abaalgud aad u wanaagsan

    Verse 196

    Yaanay ku dagin galoo baxa kuwaa gaalada ah magaalooyinka cabsi la’aan

    Verse 197

    Waa raaxo yar; kaddibna hoygoodu waa Naar; oo ugu xun gogol la yeesho

    Verse 198

    Laakiinse, kuwa dhowra (xilka uu saaray) Rabbigood, waxay mudan doonaan beero ay qul-qulaan hoostooda webiyo, oo ay ku dhex waarayaan, marti qaad uu u fidiyey Allaah; oo Allaah wuxuu hayaa u khayr badan kuwa baarriga ah

    Verse 199

    Oo hubaal ehlul Kitaabka waxaa ka mid ah kuwo rumeysan Allaah, iyo waxa la idiin soo waxyooday, iyo waxa iyaga loo soo waxyooday, oo u khushuuca Allaah, oo aan ku iibsan Aayadaha Ilaahay qiimo yar. Kuwan weeye kuwa ku leh ajarkooda Rabbigood agtii; hubaal Allaah wuu ku Dhaqso Badan yahay xisaabinta

    Verse 200

    Mu’miniintoy! Samir yeesha oo ku sarreeya samir yeelashada, oo heegan ahaada sugan40, oo dhowra (xilka uu idin saaray) Allaah aad liibaantaane