Mawaysan ka fakarin nafahooda: Allaah uma abuurin samooyinka iyo arlada iyo waxa u dhexeeya waxaan ahayn Xaq iyo muddo go'an? Oo hubaal in badan oo dadka ka mid ahi la kulanka Rabbigood way beeniyaan
Miyaanay marin dhulka oo eegin siday aheyd cidhibta kuwii ka horreeyay? Waxay ahaayeen kuwo ka xoog badan kuwakani awood ahaan, oo qoday dhulka oo u camiray si ka badan sida ay kuwani u camireen, oo waxaa halkaa ula yimid Rusushii loo soo diray xujooyin cad, oo Allaah ma ahayn mid ku gardarrooda, ee iyaga baa nafahooda ku gardarrooday
Wuxuu ka soo saaraa wax nool wax dhintay, oo ka soo saaraa wax dhintay wax nool. Oo wuxuu nooleeyaa arlada dhimashadeeda kaddib. Sidaas oo kale baana la idiin soo saari doonaa
Mayee, kuwa ah gar ma qaatayaasha waxay raacaan waxa liita ay nafahoodu rabaan iyagoo aan waxba ogeyn, ee yaa hanuunin kara mid uu Allaah lumiyo? Oo uma sugnaan doonaan wax u gargaara
Ee u jeedi wejigaaga toos diinta adigoo aan ka iilan, waa abuurista (wanaagsan) uu Allaah ku beeray dadka. Ma jirto beddelaad uunka Ilaahay, sidaa uu (kugu amray) baa ah diinta qumman, laakiinse dadka badankiisu ma ay ogsoona
Oo marka aan dhadhsansiinno dadka Naxariis, waa ay ku farxaan, oo haddii ay soo gaarto xumaato ay sababtay wixii ay gacmahoodu horey u geysteen, mise wayba quustaan
Ee sii kan qaraabada dhow ah xaqiisa, iyo miskiinka, iyo musaafirka (go’doonsan). Sidaas baa u khayr badan kuwa doonaya Wejiga Ilaahay, oo kuwan weeye kuwa ah liibaanayaasha
Allaah waa Kan idin abuuray, haddana idin arsaaqa, haddana idin dhinsiin doona, haddana idin soo nooleyn doona. Miyey jiraan kuwa aad la wadaajisaan cibaadada mid fali kara wax ka mid ah waxaa? Xurmo oo dhan Isaga baa iska leh oo hufan, oo wuu ka Sarreeyaa waxaa ay u shariig yeelaan
Waxaa ka soo muuqday fasahaad barriga iyo baddaba oo ka dhashay waxa ay gacmahu dadku galabsadeen, si uu u dhadhansiiyo qaar ka mid ah waxay faleen, bal inay in soo noqdaan
Oo waxaa ka mid ah Calaamooyinka (Ilaahay ee muujinaya Weynidiisa) inuu soo diro dabaylaha sida wax san oo lagu farxo (roob) iyo inuu idin dhadhansiiyo wax ka mid ah Naxariistiisa iyo in doomuhu ku socdaan Amarkiisa oo aad dalabtaan wax ka mid ah Deeqdiisa, bal inaad mahad noqdaan
Oo xaqiiq Waxaan u soo dirnay hortaa adiga Rusul dadkoodii, markaasay ula yimaadeen Xujooyin cad cad, markaas waanu ka aarsannay kuwii ahaa dambiilayaasha. Oo waxaa abad xil na saaran ah u gargaarka mu’miniinta
Allaah waa Kan soo dira dabaylaha, markaas bay waxay kiciyaaan daruur, uu ugu baahiyo cirka sidii uu doono, ee ka dhiga goosimo, markaas waxaad aragtaan roobka oo ka soo dhex baxaya, haddana marka uu u shubo cidduu doono oo ka mid ah addoomahiisa, mise markaas way faraxsan yihiin
Ee adigu hubaal ma kartid inaad ka yeesho maytida inay wax maqlaan, oo ma kartid inaad ka yeesho kuwa dhegaha la’ inay maqlaan dhawaaqa, marka ay tagaan oo dhabarka jeediyaan
Oo kuwa la siiyey Cilmiga iyo Iimaanka waxay odhan doonaan: Dhab ahaan Waxaad negaateen in waafaqsan Kitaabka (Qaddarka) Ilaahay tan iyo maalinta isa soo Bixinta, marka tani waa Maalintii isa soo bixinta, laakiinse ma aydaan ogeyn