Back to Languages

Somali - Chapter 30 - Ar-Rum

Translation by Abdullah Hasan Jacob — Permalink

Verse 1 — Surah Ar-Rum 30:1

Verse 2 — Surah Ar-Rum 30:2

Ruum waxaa lagaga adkaaday

Verse 3 — Surah Ar-Rum 30:3

Dhulka soke ee hooseeya (Shaam iyo Falastiin), iyaguna, kaddib marka laga adkaado, way adkaan doonaan

Verse 4 — Surah Ar-Rum 30:4

Dhowr sano gudahood, Amarka waxaa iska leh Allaah oo Keliya ka hor iyo kaddibba. Oo Maalintaas bay mu’miniintu ku farxi doonaan

Verse 5 — Surah Ar-Rum 30:5

Gargaarka Ilaahay, wuxuu u gargaaraa kuu doono, oo waa Isaga Adkaadaha sare, Naxariista Badan

Verse 6 — Surah Ar-Rum 30:6

(Kani) Waa Ballan Ilaahay, Allaah kama uu baxo Ballankiisa, laakiinse dadka badankiisu ma ogsoona

Verse 7 — Surah Ar-Rum 30:7

Waxay yaqaaniin daahirka muuqaalka nolosha adduunkan, ha yeeshee nolosha dambeysa wayba moog yihiin

Verse 8 — Surah Ar-Rum 30:8

Mawaysan ka fakarin nafahooda: Allaah uma abuurin samooyinka iyo arlada iyo waxa u dhexeeya waxaan ahayn Xaq iyo muddo go'an? Oo hubaal in badan oo dadka ka mid ahi la kulanka Rabbigood way beeniyaan

Verse 9 — Surah Ar-Rum 30:9

Miyaanay marin dhulka oo eegin siday aheyd cidhibta kuwii ka horreeyay? Waxay ahaayeen kuwo ka xoog badan kuwakani awood ahaan, oo qoday dhulka oo u camiray si ka badan sida ay kuwani u camireen, oo waxaa halkaa ula yimid Rusushii loo soo diray xujooyin cad, oo Allaah ma ahayn mid ku gardarrooda, ee iyaga baa nafahooda ku gardarrooday

Verse 10 — Surah Ar-Rum 30:10

Markaas xumaan bay ahayd cidhibta kuwii xuma falay, inay beeniyeen Aayadaha Ilaahay darteed oo ay ku jees-jeesi jireen

Verse 11 — Surah Ar-Rum 30:11

Allaah baa asal ahaan billaaba abuurista, haddana dib u soo abuuraya (dhimasho kaddib), markaas Xaggiisa baa dib la idiinku soo celin doonaa

Verse 12 — Surah Ar-Rum 30:12

Oo Maalinta ay dhici doonto Saacaddu ayey quusan doonaan Dambiilayaashu

Verse 13 — Surah Ar-Rum 30:13

Oo ugama sugnaan wax shafeecayaal ah dhexdooda kuwii ay (Allaah) la wadaajiyeen (cibaadada), oo waxay beenin doonaan kuwii ay hore ula wadaajiyeen (cibaadada)

Verse 14 — Surah Ar-Rum 30:14

Oo Maalinta ay dhici doonto Saacaddu waa Maalinta ay kala bixi doonaan

Verse 15 — Surah Ar-Rum 30:15

Ee ma kuwa (Xaqa) rumeeyey oo sama- ha falay, waxaa laga yeeli kuwo faraxsan beer gudaheed

Verse 16 — Surah Ar-Rum 30:16

Oo (ma xagga) kuwa (Xaqa) rumeysan waayey oo beeniyey Aayadahayaga iyo kulanka Aakhirada,_ kuwani cadaabka ayaa la keeni doonaa

Verse 17 — Surah Ar-Rum 30:17

Ee xurmad oo dhan waxaa leh oo hufan Allaah marka aad galab dhacsataan iyo marka aad waabariisataanba

Verse 18 — Surah Ar-Rum 30:18

Oo Isaga baa ku leh ammaan idilkeed iyo mahadba samooyinka iyo arlada, oo ammaan caweysinka iyo duhurnimadaba

Verse 19 — Surah Ar-Rum 30:19

Wuxuu ka soo saaraa wax nool wax dhintay, oo ka soo saaraa wax dhintay wax nool. Oo wuxuu nooleeyaa arlada dhimashadeeda kaddib. Sidaas oo kale baana la idiin soo saari doonaa

Verse 20 — Surah Ar-Rum 30:20

Oo waxaa ka mid ah Calaamooyinka (Ilaahay ee muujinaya Awooddiisa) inuu idinka abuuray carro, markaas mise waxaadba tihiin dad foof ah ee firirsan

Verse 21 — Surah Ar-Rum 30:21

Oo waxaa ka mid ah Calaamooyinkiisa inuu idiinka abuuray nafahiinna lammaan idinla nooc ah si aad ugu xasishaan, oo Wuxuu dhexdiinna dhigay kalgacalo iyo naxariis, hubaal arrinkani waxaa ugu sugan calaamooyin qolo fekereysa

Verse 22 — Surah Ar-Rum 30:22

Oo waxaa ka mid ah Calaamooyinkiisa abuurista samooyinka iyo arlada iyo kala duwanaanta carrabyadiinna iyo midabya- diinna. Hubaal waxaa arrinkani ugu sugan Calaamooyin kuwa aqoonta leh

Verse 23 — Surah Ar-Rum 30:23

Oo waxaa ka mid ah Calaamooyinkiisa hurdadiinna iyo doonashadiinna Deeqdiisa habeen iyo maalinba. Hubaal waxaa arrin- kani ugu sugan Calaamooyin qolo wax maqasha

Verse 24 — Surah Ar-Rum 30:24

Oo waxaa ka mid ah Calaamooyinkiisa inuu idin tusiyo hillaaca oo baqdin iyo rajoba leh, oo Wuxuu ka soo dejiyaa biyo daruuraha oo ku nooleeyaa arlada dhimashadeeda kaddib. Hubaal waxaa arrinkani ugu sugan calaamooyin qolo garasho leh

Verse 25 — Surah Ar-Rum 30:25

Oo waxaa ka mid ah Calaamooyinkiisa inay samada iyo arlada ku sakhiran yihiin Amarkiisa, haddana marka uu idiinka yeedho yeermo keliya dhulka, aad kolkiiba soo bixi doontaaan

Verse 26 — Surah Ar-Rum 30:26

Oo Isaga baa iska leh waxa ku sugan samooyinka iyo arlada, kulligoodba Isaga bay u hoggaansan yihiin

Verse 27 — Surah Ar-Rum 30:27

Oo waa isaga Kan asal ahaan billaaba uunka, haddana soo nooleyn dhimasho kaddib, oo aad bay ugu sahlan tahay. Oo Isaga baa iska leh sifooyinka sare samooyinka iyo arlada gudahooda, oo Waa Isaga Adkaadaha Sare, Xakiimka ah

Verse 28 — Surah Ar-Rum 30:28

Wuxuu idiinka yeelay tusaale nafahiinna ee Miyey idinla wadaaagaan kuwa ay midigtiinnu hanato waxa aan idiin siinnay risiq ahaanta oo aad idinku u wada siman tihiin? oo aad uga cabsataan sida aad iskaga cabsataan intiinna xorta ahi? Sidaas baan ugu dhignaa Aayadaha caddaan qolo garasho leh

Verse 29 — Surah Ar-Rum 30:29

Mayee, kuwa ah gar ma qaatayaasha waxay raacaan waxa liita ay nafahoodu rabaan iyagoo aan waxba ogeyn, ee yaa hanuunin kara mid uu Allaah lumiyo? Oo uma sugnaan doonaan wax u gargaara

Verse 30 — Surah Ar-Rum 30:30

Ee u jeedi wejigaaga toos diinta adigoo aan ka iilan, waa abuurista (wanaagsan) uu Allaah ku beeray dadka. Ma jirto beddelaad uunka Ilaahay, sidaa uu (kugu amray) baa ah diinta qumman, laakiinse dadka badankiisu ma ay ogsoona

Verse 31 — Surah Ar-Rum 30:31

(idinkoo) u soo laabanaya Isaga, oo dhowra (xilka uu idin saaray), oo hagaajiya salaadda, oo ha ka mid ahaannina Mushrikiinta

Verse 32 — Surah Ar-Rum 30:32

Oo ka mid ah kuwaasi kala qaybshay diintooda oo noqday shiico, xizbi walbaa waxa ay haystaan5 ay ku faraxsan yihiin

Verse 33 — Surah Ar-Rum 30:33

Oo marka uu dhib taabto dadka, waxay baryaan Rabbigood iyagoo u soo noqodkiis badiya, markase uu ka dhadhansiiyo Xaggiissa Naxariis, mise qaarkood waxay billaabaan inay (wax kale) Rabbigood u shariig yeelaan

Verse 34 — Surah Ar-Rum 30:34

Si ay uga abaal dhacaan waxa aan siinnay. Iskase raaxeysta (xoogaa yar) durbase waad ogaan doontaan

Verse 35 — Surah Ar-Rum 30:35

Mise waxaan ku soo dejinnay xujo cad, markaa ka hadla waxa ay Isaga u shariig yeelaan

Verse 36 — Surah Ar-Rum 30:36

Oo marka aan dhadhsansiinno dadka Naxariis, waa ay ku farxaan, oo haddii ay soo gaarto xumaato ay sababtay wixii ay gacmahoodu horey u geysteen, mise wayba quustaan

Verse 37 — Surah Ar-Rum 30:37

Mawaysan arkayn inuu Allaah u ballaariyo risiqa kuu doono, oo ku cidhiidhi- yo (kuu doono). Hubaal waxaa arrinkani ugu sugan calaamooyin qolo rumaysan

Verse 38 — Surah Ar-Rum 30:38

Ee sii kan qaraabada dhow ah xaqiisa, iyo miskiinka, iyo musaafirka (go’doonsan). Sidaas baa u khayr badan kuwa doonaya Wejiga Ilaahay, oo kuwan weeye kuwa ah liibaanayaasha

Verse 39 — Surah Ar-Rum 30:39

Oo wax kastoo aad bixisaan oo ribo ah, si ay ugu ziyaaddo maalka dadka6, kuma ziyaaddo Allaah agtiis; oo wax kastoo aad bixisaan sako7 ah idinkoo doonaya Wejiga Ilaahay, waa kuwani kuwa heli doona ajar labo laab ah

Verse 40 — Surah Ar-Rum 30:40

Allaah waa Kan idin abuuray, haddana idin arsaaqa, haddana idin dhinsiin doona, haddana idin soo nooleyn doona. Miyey jiraan kuwa aad la wadaajisaan cibaadada mid fali kara wax ka mid ah waxaa? Xurmo oo dhan Isaga baa iska leh oo hufan, oo wuu ka Sarreeyaa waxaa ay u shariig yeelaan

Verse 41 — Surah Ar-Rum 30:41

Waxaa ka soo muuqday fasahaad barriga iyo baddaba oo ka dhashay waxa ay gacmahu dadku galabsadeen, si uu u dhadhansiiyo qaar ka mid ah waxay faleen, bal inay in soo noqdaan

Verse 42 — Surah Ar-Rum 30:42

Dheh: Mara dhulka, markaas fiiriya sidee bay aheyd cidhibta kuwii hore. Waxay ahaayeen badankoodu Mushrikiin

Verse 43 — Surah Ar-Rum 30:43

Ee u jeedi wejigaaga toos diinta hagaagsan inta aysan ka imaan Allaah Maalin aanu jirin qof celin kara. Maalintaasi dadku way kala bixi doonaan

Verse 44 — Surah Ar-Rum 30:44

Kii kastoo xaqa diida (isaga bay dhibeysaa) xaq diiddadiisu, oo kii kastoo sama fala, Kuwaasu waxay u gogol dhigaan nafahooda meel san

Verse 45 — Surah Ar-Rum 30:45

Si uu Allaah ugu abaal mariyo kuwa (Xaqa) rumeysan oo samaha fala wax ka mid ah deeqdiisa; hubaal Isagu ma uu jecla gaalada

Verse 46 — Surah Ar-Rum 30:46

Oo waxaa ka mid ah Calaamooyinka (Ilaahay ee muujinaya Weynidiisa) inuu soo diro dabaylaha sida wax san oo lagu farxo (roob) iyo inuu idin dhadhansiiyo wax ka mid ah Naxariistiisa iyo in doomuhu ku socdaan Amarkiisa oo aad dalabtaan wax ka mid ah Deeqdiisa, bal inaad mahad noqdaan

Verse 47 — Surah Ar-Rum 30:47

Oo xaqiiq Waxaan u soo dirnay hortaa adiga Rusul dadkoodii, markaasay ula yimaadeen Xujooyin cad cad, markaas waanu ka aarsannay kuwii ahaa dambiilayaasha. Oo waxaa abad xil na saaran ah u gargaarka mu’miniinta

Verse 48 — Surah Ar-Rum 30:48

Allaah waa Kan soo dira dabaylaha, markaas bay waxay kiciyaaan daruur, uu ugu baahiyo cirka sidii uu doono, ee ka dhiga goosimo, markaas waxaad aragtaan roobka oo ka soo dhex baxaya, haddana marka uu u shubo cidduu doono oo ka mid ah addoomahiisa, mise markaas way faraxsan yihiin

Verse 49 — Surah Ar-Rum 30:49

Inkastoo ay ahaayeen ka hor intii aan lagu soo di’in roobka wax yar horti, kuwo xaqiiq ka quus joogay

Verse 50 — Surah Ar-Rum 30:50

Ee fiiri raadadka Raxmadda Ilaahay; sida uu ugu nolol siiyo arlada dhimashadeeda kaddib. Hubaal Kaasi wuxuu nooleyn doonaa meytida, oo wax walba Isagu wuu Karaa

Verse 51 — Surah Ar-Rum 30:51

Oo haddii aan dirno dabeyl daran, oo ay arkaan iyadoo doorsoontoo caddaatay, waxay markaas kaddib sii wadaan inay gaaloobaan

Verse 52 — Surah Ar-Rum 30:52

Ee adigu hubaal ma kartid inaad ka yeesho maytida inay wax maqlaan, oo ma kartid inaad ka yeesho kuwa dhegaha la’ inay maqlaan dhawaaqa, marka ay tagaan oo dhabarka jeediyaan

Verse 53 — Surah Ar-Rum 30:53

Mana ka hanuunin kartid kuwa indhaha la’ lunsanaantooda, cidna wax ma maqashiin kartid aan ahayn kuwa rumeysan Aayadahayaga oo iyagu u hoggaansan

Verse 54 — Surah Ar-Rum 30:54

Allaah waa Kan idinka abuuray (xaalad) tabar yari, haddana baxshay xoog tabar yari kaddib, haddana qaddaray tabar yari iyo cirro xoog kaddib, Wuxuu abuuraa wuxuu doono. Oo Waa Isaga wax kasta Ogsoonaha, Awoodda Badan

Verse 55 — Surah Ar-Rum 30:55

Oo Maalinta ay saacadda dhici doonto, waxay ku dhaaran doonaan dambiilayaashu inaysan nagaanin waxaan ahayn saacad, sidaas bay xaqa uga leexdaan weligood

Verse 56 — Surah Ar-Rum 30:56

Oo kuwa la siiyey Cilmiga iyo Iimaanka waxay odhan doonaan: Dhab ahaan Waxaad negaateen in waafaqsan Kitaabka (Qaddarka) Ilaahay tan iyo maalinta isa soo Bixinta, marka tani waa Maalintii isa soo bixinta, laakiinse ma aydaan ogeyn

Verse 57 — Surah Ar-Rum 30:57

Maalintaas cudur daarashadoodu wax uma tari doonto kuwii ahaa gar maqaatayaasha, lagamana aqbali doono raalli gelin

Verse 58 — Surah Ar-Rum 30:58

Oo dhab ahaan waxaan ugu soo qaa- dannay dadka (nooc) kasta oo tusaale ah Qur’aankan gudahi, haddiise aad (Nabi Muxammadow) ula timaaddo calaamad, gaalada waxay hubaal odhan: Ma tihin idinku waxaan ahayn been ku doodayaal

Verse 59 — Surah Ar-Rum 30:59

Sidaas buu Allaah u daboolaa quluubta kuwa aan wax ogeyn

Verse 60 — Surah Ar-Rum 30:60

Ee samir yeelo, hubaal Ballanka Ilaahay waa xaq, oo yeysan ku liidsan kuwa aan (Xaqa) yaqiinsaneyn