Back to Languages

    Somali - Chapter 32

    Translation by Abdullah Hasan Jacob

    Verse 1

    Alif laam-miim

    Verse 2

    Soo waxyoodka Kitaabka (Qur’aanka), shaki kuma jiro, waa xagga (Allaah) Rabbiga uunanka

    Verse 3

    Mise waxay leeyihiin waa uu been abuurtay? Mayee! Waa Xaq ka yimid Rabbigaa, si aad ugu digtid qolo aanu dige u iman hortaa adiga (Nabi Muxammadow) bal inay raacaan dhabbaha toosan

    Verse 4

    Allaah waa Kan ku abuuray samooyinka iyo arlada iyo waxa u dhexeeya oo dhan lix Maalmood, markaas Wuxuu dul ahaaday Carshiga2. Ma lihidin Isaga sokadi wax gacal ah ama Shafeece. Ee miyeydun haddaba waansameyn

    Verse 5

    Wuxuu agaasimaa arrinka ka jira samada ilaa arlada, markaasuu arrinka Xaggiisa kor u aadaa Maalin qaddarkeedu yahay kun sano waxaad tirsataan ah

    Verse 6

    Kaasi waa Ogsoonaha waxa aan muuqan, iyo waxa muuqdaba, Adkaadaha sare, Naxariis Badnaha

    Verse 7

    Kan u dhammeystiray wanaag wax kasta uu abuuray, oo ka billaabay abuurista aadmiga dhoobo

    Verse 8

    Markaas ka dhigay tarankiisa miir biyo la liidsado

    Verse 9

    Markaas ka yeelay mid dhan oo ku afuufay wax ka mid ah Ruuxdiisa (uu u abuuray), oo idiin sameeyey maqalka iyo aragga iyo kasha, wax yar baadse mahad naqdaan

    Verse 10

    Oo waxay yidhahdaan: Ma marka aan (dhiminno oo noqonno) kuwa ku baabba’a dhulka, miyaa haddaba dhab ahaan noqon doonnaa abuur cusub? Mayee’ waxayan rumeysneyn la Kulanka Rabbigood

    Verse 11

    Dheh: Waxaa idin oofsan doona Malakul mowd la idiin xil saaray, markaas baa xagga Rabbigiin la idin soo celin doonaa

    Verse 12

    Oo haddii aad arki lahayd marka ay dambiilayaashu hoos u rogi doonaan madaxyadooda Rabbigood horti (iyagoo leh): Rabbiyow! Haatan aragnay (runta) oo maqallay, ee dib noo celi, waxaan fali camal san, xaqiiq waanu yaqiinsannaye

    Verse 13

    Oo haddii aan doonno, waxaan dhab ahaan siin laheyn naf walba hanuunkeeda, laakiinse Qawl xaq ah baa horay iga dhacay inaan xaqiiq ka buuxin doono Naar jinka iyo insiga (I caasiya) dhammaan

    Verse 14

    Ee dhadhamiya, waayo waxaad dan u geli weydeen la Kulanka Maalintiinnaan, hubaal Annaguna waanu idinka tageynaa, oo dhadhamiya cadaabta waaridda waxaad fasheen darteed

    Verse 15

    Sideedaba waxaa rumeysan Aayada- hayaga kuwa marka lagu waaniyo, la dhaca sujuud4 oo ku tasbiixsada Ammaanta Rabbigood, oo aan iyagu isla weynaan

    Verse 16

    Waxay ka dheeraadaan dhinacyadoodu gogollada jiifka, waxay baryaan Rabbigood si cabsi leh iyo Rajaba, oo wax uga bixiyaan (si fiican) waxaan aanu siinnay

    Verse 17

    Ee ma oga nafi waxa loo qariyey (Jannada dhexdeeda) ee ay indho ku qabowsadaan, abaal marin awgeed waxa ay faleen

    Verse 18

    Ee haddaba ma mid mu'min ah baa la mid ah mid isagu caasi ah? Ma ay sinna

    Verse 19

    Ma kuwa rumeysan ee fala samaha, Beeraha barwaaqada ah waa hoygooda daa’inka ah,marti soor ahaan waxay faleen

    Verse 20

    Ma kuwase caasiyooba, hoygoodu waa Naarta, markastoo ay doonaanba inay ka soo baxaan waa lagu celin doonaa oo waxaa lagu odhan: Dhadhamiya cadaabta Naarta aad beenin jirteen

    Verse 21

    Oo hubaal waxaanu dhadhansiin doonnaa cadaabta aad u dhow5 ka hor cadaabta weyn, bal inay soo noqdaan

    Verse 22

    Oo yaa ka gardarro badan mid isagu lagu waaniyey Aayadaha Rabbigi, markaas ka jeesda? Hubaal waan ka aarsan doonnaa dambiilayaasha

    Verse 23

    Oo dhab ahaan Waxaanu siinnay Muusaa Kitaabka6, ee ha ka shakiyin la kulankiisa7, oo Waxaanu uga dhignay hanuun ilmahii Israa’iil

    Verse 24

    Oo Waxaanu ka yeellay qaar ka mid ah iyaga hoggaamiyaal wax ku hanuuniya Amarkayaga, markay samreen, oo waxay ahaayeen8 kuwo yaqiinsan Aayadahayaga

    Verse 25

    Hubaal Rabbigaa baa kala xukumi doona dhexdooda Maalinta Qiyaamaha waxa ay isku khilaafsan yihiin

    Verse 26

    Oo miyaanay ku hanuuneyn inta aan hallignay hortood oo facyo ah oo ay guryahoodii maraan, hubaal arrinkaasi waxaa ku sugan calaamooyin. Ee miyaanay haddaba wax maqleyn

    Verse 27

    Oo miyaanay arkayn inaanu u soo kaxeyno biyaha dhul diir ah aan dhir laheyn, oo aan ka soo saarno sarac ay wax ka cunaan xoolahooda iyo iyaga nafahoodaba? Ee miyaanay haddaba wax arkeyn

    Verse 28

    Oo waxay yidhaahdaan: Goorma buu kala xukunka dhexdeenna dhici doonaa haddii aad run sheegaysaan

    Verse 29

    Dheh: Maalinta kala xukunku9 iimaanka kuwa (hadda) rumeysan diida waxba uma tari doono kolkaa lamana siin doono fursad

    Verse 30

    Ee isaga jeeso oo sug10, hubaal iyaguna sidoo kale wax bay sugayaan

    Unexpected Application Error!

    Unexpected token '<', "<!DOCTYPE "... is not valid JSON

    SyntaxError: Unexpected token '<', "<!DOCTYPE "... is not valid JSON