Back to Languages
Somali - Chapter 4
Translation by Abdullah Hasan Jacob
Verse 1
Dadoow! Dhowra (xilka uu idin saaray) Rabbigiin, Ee idinka abuuray naf keliya (Aadam), ee ka abuuray isla waxaa (carrada) lammaankeeda la (nooca) ah (Xaawo), oo ka baahshay labadani rag tiro badan iyo haweenba; oo dhowra (xilka uu idin saaray) Allaah ee ah Kan aad isku weydiisataan (xuquuqdiinna), oo (dhowra xaqa) qaraabada1. Hubaal Allaah waa idin dhugtaa dhugasho joogto ah
Verse 2
Oo siiya agoomaha maalkooda, oo ha kaga beddelannina (waxyaalo) aan qiimo lahayn waxooda wanaagsan; oo ha ka hunguriyeynina maalkooda (idinkoo ku darsanaya) maalkiinna. Tani hubaal waa dambi aad u weyn
Verse 3
Oo haddaad ka cabsataan inaydaan ula dhaqmi karin si caddaalad ah (gabdhaha) agoomaha ah, markaa guursada haween- kaa (kale) wixii idinla habboonaada, labo iyo saddex iyo afarba haddiise aad ka cabsataan inaydaan ula dhaqmi doonin si caddaalad ah2 markaa (ku ekaada guursiga) mid keliya3 ama waxay gacmahiinnu midig hantaan4. Tan baa u dhow, inaydaan gardarro falin
Verse 4
Oo siiya haweenka meherradooda siismo ay u xor yihiin, hadday se iyaga naf ahaantooda idiinka raalli noqdaan inay idiin daayaan wax ka mid ah (meherkaa), markaa ku qaata si raalli ah iyo dhib la’aan
Verse 5
Oo ha siinnina maalkiinna uu Allaah idiinka dhigay wax aad ku dhaqan tihiin makasta5, kase quudiya (faa’idooyinka ka soo baxa) oo uga arrad tira, oo kula hadla hadal wanaagsan oo daacad ah
Verse 6
Oo imtixaama agoomaha ilaa ay ka gaaraan guur gal; markaa haddaad ku aragtaan wax garadnimo, siiya maalkooda, oo ha u isticmaalina si xadgudub ah iyo ka degdegid intayna weynaan, oo qofkii hodan ah ha ka dhowrsado dhammaanti, oo qofkii fiqiir ah, ha cuno si la garwaaqsan karo. ee markaad u dhiibeysaan maalkooda, u yeela markhaati iyagoo jooga; oo Allaah ku filan inuu ahaado xisaabiye
Verse 7
Ragga waxay qayb ku leeyihiin waxa ay waalidiintu iyo qaraabadu ka tagaan. Oo haweenka waxay qayb ku leeyihiin waxa ay waalidiintu iyo qaraabadu ka tagaan. ha yaraado ama ha badnaado; qayb cad
Verse 8
Oo hadday joogaan qaybta qaraabo, iyo agoomo iyo masaakiin (aan dhaxalka wax ku lahayn) wax ka siiya6, oo kula hadla hadal san oo naxiiriis leh
Verse 9
Oo ha u baqaan (sida ay tooda ugu baqi lahaayeen) kuwaa (wakiillada agoomaha) hadday ka tagi lahaayeen ubad taag yar oo ay u baqaan. Ee ha dhowraan (xilka uu saaray) Allaah oo ha ku hadlaan hadal toosan oo abbaar ah
Verse 10
(Ma) kuwa ku cuna maalka agoomaha xaq darro, hubaal waxay uun ku cunayaan caloolahooda dab, oo waxay gali doonaan dab huraya
Verse 11
Allaah wuxuu go’aamiyey (sama fal) xagga carruurtiinna, labku wuxuu leeyahay saami u dhigma labo dheddig7; haddayse yihiin haween labo ka badan, waxay leeyihiin saddex meelood labo meel waxa uu ka tagey mowtanaha ee dhaxal ah; oo haddii ay tahay mid keliya, waxay leedahay kala bar oo bar. Oo ma xagga labadiisa waalid mid walbaa wuxuu leeyahay lix meeloodoo meel waxa dhaxal laga tagey, haddii mowtanaha uu leeyahay ilmo, haddaanu lahayn ilmo – oo ay dhaxlayaan (oo keliya) labadiisa waalid, markaa hooyadu waxay leedahay saddex meeloodoo meel; hadduu se leeyahay walaalo, hooyadii waxay leedahay lix meeloodoo meel. Kaddib marka laga saaro dhaxalka waxa uu ka dardaaramay8 ama deyn (lagu leeyahay). Ma ogidin aabbayaashiin ama ilmahiinna kooda idiinku dhow waxtar ahaan. Tani waa faral uu dhigay Allaah9. Oo Allaah waa wax kasta Ogsoone, Xakiim ah
Verse 12
Oo waxaad leedihiin kala bar oo bar waxa ay ka tagaan afooyinkiinnu, haddaanay laheyn ilmo. Hadday se ka tagaan ilmo, markaa waxaad leedihiin afar meelood oo meel waxa ay ka tagaan, kaddib marka laga saaro dhaxalka waxa ay ka dardaarmeen ama deyn. Oo iyagu (afooyinkiinna) saamigooda dhaxalka waa afar meelood oo meel waxa aad ka tagtaan haddaydaan laheyn ilmo, haddiise aad ka tagtaan ilmo waxay leeyihiin sidddeed meelood oo meel waxa aad ka tagtaan oo dhaxal ah, kaddib marka laga saaro dhaxalka waxa aad ka dardaaranteen ama deyn. Oo hadduu ninka ama haweenta dhaxalkiisu arrinta taagan tahay uusan laheyn waalidiin iyo carruur midna, ha yeeshee uu ka tagey walaal ama walaalley (xagga hooyada), midkood walbaa oo labada ka mid ah wuxuu leeyahay lix meeloodoo meel, haddiise ay intaas ka badan yihiin waxay wadaagi doonaan saddex meelood oo meel. Kaddib marka laga saaro dhaxalka waxa laga dardaarmay ama deyn, iyadoo dardaarankaa aan (cidna) lagu dhibeyn10. Tani waa Amar ka yimid Ilaahay, oo Allaah waa wax kasta Ogsoone, Dul-badan
Verse 13
Kuwakani waa xuduudaha Ilaahay, oo qofkii adeecaa Allaah iyo Rasuulkiisa wuxuu gelin doonaa beero ay qulqulaan hoostoodu webiyo, oo ay ku dhex waarayaan; oo tan weeye liibaanta weyn
Verse 14
Oo qofkii ku caasiya Allaah iyo Rasuulkiisa oo ka tallaaba xuduuddiisa, Wuxuu gelin doonaa Naar isagoo ku dhex waaraya; oo wuxuu mudan cadaab dulleysa
Verse 15
Oo ma xagga kuwa la yimaada anshax xumo oo ka mid ah haweenkiinna, kaga dhiga marag afar idinka mid ah, ee haddii ay marag furaan11, markaa ku haya (haweenkaa zinada la yimid) guryaha ilaa uu mowdku ka oofsado ama uu Allaah u jid yeelo
Verse 16
Oo ma xagga labadii la yimaada anshax xumo13 ee idinka mid ah ciqaaba labadoodaba. Haddaba hadday toobad keenaan oo wanaagsanadaan ka jeesada xaggooda. Hubaal, Allaah waa mid u soo noqod badan(naxariista), Naxariis Badan
Verse 17
Allaah sideedaba wuxuu aqbalaa toobada kuwa u fala xume aqoon darri (jahli)14, ee markaa kolkiiba u soo laabta, Kuwan weeye kuwa uu Allaah ugu soo laabto (si naxariis leh) Oo Allaah waa wax kasta Ogsoone, Xakiim ah
Verse 18
Oo uma furna toobad kuwa isaga sii socda xume falidda ilaa marka ay geeri u timaaddo midkood uu yidhaahdo: Hadda ayaan anigu hubaal toobad keen ahay, iyo kuwa dhinta iyagoo gaalo ah midna. Kuwani weeye kuwa aan u diyaarinnay cadaab aad u xanuun badan
Verse 19
Mu’miniintoy! Idiin ma aha xalaal inaad u qaadataan haweenka dhaxal ahaan si khasab ah iyagoo dooneyn15, oo ha caddilana si aad uga qaadataan qaar ka mid ah waxa aad siiseen, inay la yimaadaan maahee anshax xumo muuqata. Oo ula dhaqma (haweenka) si fiican oo naxariis leh. Haddaba haddaad nacdaan waxaa suurowda inaad nacdaan wax, uu ka yeelo Allaah dhexdiisa khayr aad u badan
Verse 20
Oo haddaad doontaan inaad ku beddelataan afo meesheed afo kale idinkoo siiyey middood buur dahab ah, ha ka qaadannina waxba haba yaraatee oo ka mid ah; ma waxaad ku qaadanaysaan masabbid aad masabbidataan iyo inaad u geysataan gef caddaan ah
Verse 21
Oo sidee baad uga qaadaneysaan idinkoo isu tegey, oo ay idinka qaadeen axdi adag
Verse 22
Oo ha guursannina haween ay aabbayaashiin guursadeen wixii horay u tegay ma’ahee. hubaal tani waa anshax xumo iyo wax aad loo naco, oo u xun jid
Verse 23
Waxaa idinka xaaraan ah: Hooyooyinkiin16 iyo gabdhahiinna iyo walaalooyinkiin iyo eeddooyinkiin iyo habar yarihiin iyo gabdhaha walaalihiin iyo gabdhaha walaalooyinkiin iyo hooyooyinka idin nuujiyey iyo walaalooyinkiin idinla naas nuugay, hooyooyinka haweenkiinna, gabdhaha guryihiinna jooga17 oo ay dhaleen haweenkiinna aad u tagteen, Haddii aydaan u tagin ma jiro wax eed ah oo saaran korkiinna (inaad guursataan gabdhahooda), iyo xaasaska wiilashiinna ka yimid dhabarradiinna; iyo inaad labo walaalo ah kulmisaan mar keliya guur ahaan18, wixii horay u tegay ma’ahee; hubaal, Allaah waa Dambi Dhaaf Badane, Naxariis Badan
Verse 24
Iyo dhammaan haweenka la qabo marka laga reebo waxay hantaan gacmahiinnu midig20. (Tani waa) waxa uu Allaah faral idiinka dhigay. Oo waxaa xalaal idiin ah (haween oo dhan) intaa aan ahayn21, waase inaad ku doontaan maalkiinna idinkoo ku qaadanaya guur oo aan ku dhaceyn zino. Ee ma kuwa aad guur ku raaxo gashaan, siiya meherradooda la gooyey; oo ma jiro wax eed ahi oo korkiinna ah waxa aad isaga raalli noqotaan waxa la gooyey kaddib22. Hubaal Allaah waa wax kasta Ogsoone, Xakiim ah
Verse 25
Oo ninkii idinka mid ah aanay ku jirin awooddiisa maal ku filan uu ku guursasdo mu’minadaha xorta ah, haddaba (wuxuu guursan karaa) kuwa ay hantaan gacmahiinna midig ee ah addoonadahiinna mu’minaadka ah23, oo Allaah isaga baa dhab u ogsoon iimaankiinna, qaarkiinba qaar bay ka soo (jeedaan). Ee ku guursada idanka ehelladooda oo u siiya meherradooda si la yaqaan; oo waa inay yihiin dhowrsanooyin, aan zino aqoon, oo aan yeelan saaxiibbo hoosaad; oo marka la guursado kaddib, hadday zino ka dhacdo, ciqaabta dushooda ah waa barka ciqaabta haweenka xorta ah (aan weli guursan). Tani waxaa leh kan idinka mid ah oo ka baqa inuu ku dhaco dambi; oo inaad sabartaan baa idiin khayr badan, oo Allaah waa Dambi Dhaaf Badane, Naxariis Badan
Verse 26
Allaah Wuxuu rabaa inuu idiin caddeeyo oo idinku hanuuniyo jidadka kuwii idin ka horreeyay, oo uu idiinku soo laabto (si naxariis leh), oo Allaah waa wax walba Ogsoone, Xakiim ah
Verse 27
Oo Allaah Wuxuu rabaa inuu idiinku soo laabto (si naxariis leh), kuwase raaca shahwadooda, waxay rabaan inaad weecataan weecasho aad u weyn
Verse 28
Allaah Wuxuu rabaa inuu idinka fudeydsho culeysyadiinna, oo aadmiga waxaa la abuuray daciif ahaan
Verse 29
Mu’miniintoy! Ha ku kala cunina maalkiinna dhexdiinna xaq darro, balse ganacsi (bannaan) aad raalli isaga tihiin. Oo ha dilina nafahiinna24 (hana is dilina). Hubaal, Allaah wuu idiin Naxariis Badan yahay
Verse 30
Oo qofkii u falaa tani xadgudub iyo gardarro, waxaanu durba gelin doonnaa Naar, oo tani Allaah waa ay u fududdahay
Verse 31
Haddaad ka fogaataan dambiyada waaweyn ee la idinka reebay, waxaan idin dhaafi doonnaa dambiyadiinna (yar yar), oo sababi doonaan inaad gashaan meel gelitaan sharaf leh (Jannada)
Verse 32
Oo ha u hanqal taagina waxa uu Allaah dheereysiiyey qaarkiinba qaarka kale. Raggu waxay leeyihiin saamiga waxa ay shaqeystaan, oo haweenku waxay leeyihiin saamiga waxa ay shaqeystaan, oo weydiista Allaah Deeqdiisa. Hubaal, Allaah wax walba wuu Ogsoon yahay
Verse 33
Oo mid walbaa Waxaan u yeelnay dhaxlayaal (dhaxla) waxa (hanti ah) ay waalidka iyo qaraabada dhow ka tagaan. Ma kuwase aad iskula gunti xirateen dhaarahiinna ballan (walaaltinnimo) siiya saamigooda (inaad wax u dardaarantaan gaar ah). Hubaal, Allaah wax kasta waa u marag shaahid ah
Verse 34
Raggu waa xiljoogga haweenka25, waxa u Allaah dheereysiiyey qaarkood (ragga) qaar (haweenka) darteed, iyo masruufka maalkooda ay ka baxshaan. Ee haweenka wanaagsan waa daacad u joogooyin ilaaliya maqnaanasha ilaalinta Ilaahay darteed26. Oo (ma xagga) kuwa aad u baqdaan inay daacadda ka baxaan, waaniya, oo (hadday wax ku qaadan waayaan) ka goosta dhinac jiifka, oo (haddii ay taana wax ku qaadan markaa) garaaca (garaac aayar ah aan waxyeeleyn) 27, haddaba hadday idin adeecaan, ha u raadinnina jid aad wax ku yeeshaan. Hubaal Allaah waa Sarreeye, Weyn
Verse 35
Oo haddaad ka baqdaan kala go’ dhex mara labadooda (ninka iyo naagtiisa), markaa xil saara garsoore ka tirsan ehelkiisa, iyo garsoore ka tirsan ehelkeeda, hadday labaduba rabaan heshiis, Allaah wuu is waafajin doonaa. Oo Allaah waa wax kasta Ogsoone, Xog Ogaal ah
Verse 36
Oo caabuda Allaah oo ha la wadaajinina cibaadada waxba, oo wanaajiya labada waalid iyo qaraabada iyo agoomaha iyo masaakiinta iyo jaarka qaraabada ah iyo jaarka shisheeyaha ah28 iyo saaxiibka ku dhinac jooga, iyo musaafirka (go’doonsan)29, iyo kuwaa ay gacmahiinnu midig hantaan. Hubaal Allaah ma jecla kan isagu ah mid islaweyn, faan badan
Verse 37
Kuwaa ah bakhaylka oo ugu yeera dadka bakhaylnimada30, oo qariya waxa uu Allaah siiyey ee ka mid ah Deeqdiisa. Oo Waxaanu u diyaarinnay gaalada cadaab aad u dulleysa
Verse 38
Oo kuwa u bixiya maalkooda (sadaqo ay ugala jeedaan) istuska dadka, oo aan rumeysnayn Allaah iyo Maalinta Dambeysa, oo ma xagga kan uu Sheydaan u ahaado rafiiq; muxuu rafiiq xun yeeshay
Verse 39
Oo maxaa ka bi’i lahaa hadday rumeeyaan Allaah iyo Maalinta Dambeysa, oo wax ka bixiyaan waxa uu Allaah siiyey? Oo Allaah iyaga wuu yaqaannaa
Verse 40
Hubaal! Allaah ma sameeyo gardarro wax saxar le’egba ha ahaatee, oo hadday wanaag tahay, wuu labo laabaa, oo wuxuu ka bixiyaa Xaggiisa Ajar aad u Weyn
Verse 41
Ee sidee (bay ahaan doontaa) marka aan ka keenno ummad walba markhaati, oo aan ku keenno adiga si aad uga ahaato markhaati kuwan
Verse 42
Maalintaas waxay jeclaan doonaan kuwa (Xaqa) rumeysan diida oo caasiya Rasuulka in lala simo (liqo) dhulka, oo kama qarin doonaan Allaah ereyna
Verse 43
Mu’miniintoy! Ha u dhowaannina salaadda idinkoo sarkhaansan31 jeer aad u kastaan (si wanaagsan) waxaad ku hadleysaan, ama idinkoo janaaba (qasli) qaba inaad jid gudbaysaan maahee jeer aad ka meyrataan. Oo haddaad tihiin kuwo buka ama safar ah, ama uu ka yimaado mid idinka mid ah saxaro, ama aad taabateen haweenka32, oo aydaan heli karin biyo, la abbaara nafahiinna carro daahir ah, markaa ku masaxa wajiyadiinna iyo gacmihiinna. Hubaal Allaah waa Cafis Badane, Dambi Dhaaf Badan
Verse 44
Miyaanad u fiirsan kuwaa (Yuhuudda) laga siiyey qayb Kitaabka? Waxay iibsadaan habow, oo rabaan inaad ka luntaan Jidka Toosan
Verse 45
Oo Allaah baa yaqaan cadowyadiinna, oo Allaah baa ku filan inuu ahaado Gacal idin xafida. Oo Allaah baa ku filan inuu ahaado Gargaare
Verse 46
Qaar ka mid ah kuwaa ah Yuhuudda (waxaa jira kuwo) ka duwa erayada meelahooda oo yidhaahda: Waan maqallay oo waanu caasinaynaa oo: maqal, laguma maqashiiye eh. Oo: Raacinaa, iyagoo ku iilaya (kelmedda) carrabkooda oo ku duraya diinta, hadday odhan lahaayeen (taa beddelkeed): Waan maqallay oo waanu adeecaynaa oo maqaloo oo undurnaa baa u khayr badnaan lahayd oo u toosnaan lahayd, laakiinse Allaah baa ku lacnaday gaalnimadooda darteed, marka ma rumeeyaan wax yar maahee
Verse 47
Kuwa la siiyeyow Kitaabka (Yuhuudda iyo Nasaarada)! Rumeeya waxa aan soo waxyoonnay ee xaqiijinaya waxa aad haysataan ka hor inta aanaan malaasin wajiyo markaas aan u celin dhabarradooda dushoood, ama aan u nacladin sidii aan u nacladnay Sabti-jabiyayaashii. Oo Amarka Allaah waa mid fula
Verse 48
Hubaal Allaah ma dhaafo in cid wax lala wadaajiyo, wuu se u dhaafaa waxa aan intaa ahayn qofkuu doono; oo qofkii la wadaajiya wax Allaah, wuxuu xaqiiq been abuurtaa dambi aad u weyn
Verse 49
Miyaanad u fiirsan kuwaa (Yuhuudda iyo Nasaarada ee) ku ammaana nafahooda daahirnimo (waa inay yidhaahdaan waxaannu nahay ilmahii Ilaahay iyo kuwa uu jecel yahay). Mayee Allaah baa daahiriya qofkuu doono, oo ma lagu gardarroon doono kolay ku tahay wax le’eg xuubka ku dahaaran lafta timirta
Verse 50
Fiiri, sida ay uga been sheegaan Allaah, oo tan baa ugu filan dambi caddaan ah
Verse 51
Miyaadan arag kuwa la siiyey qayb ka mid ah Kitaabka (Yuhuudda)? Waxay rumeeyaan sixir iyo ilaahyo been ah, oo ka yidhaahdaan kuwa (xaqa) rumeysan diida (mushrikiinta): kuwakani baa kaga hanuunsan jidka kuwa rumeysan (Muslimiinta)
Verse 52
Kuwaas weeye kuwa uu Allaah nacladay, oo qofkii uu Allaah naclado weligii uma heli doontid gargaare
Verse 53
Mise waxay qayb ku leeyihiin Boqortooyada (Ilaahay)? markaase, ma ay siinayaan dadka kolay ku tahay xuubka ku dahaaran lafta timirta
Verse 54
Mise waxay ku xasdaan dadka waxa uu Allaah siiyey oo ka mid ah Deeqdiisa? Waxaanse xaqiiq siinnay reer Ibraahiim Kitaabka iyo Xikmadda, oo waxaanu siinnay boqortooyo aad u weyn (waagii xukunkii Daawuud iyo Sulaymaan)
Verse 55
Marka waxaa ka mid ah mid rumeysan (Nabi Muxammad), oo waxaa ka mid ah mid ka jeesada; oo Naar baa ku filan inay gubto
Verse 56
(Ma xagga) kuwa rumeysan waaya Aayadahayaga, waxaanu ka yeeli doonnaa inay galaan Naar. Mar kasta oo ay gebi ahaan ku gubtaan hargahoodu, waxaan ugu beddeli doonnaa haragyo kale si ay u dhadhamiyaan cadaabta. Hubaal, Allaah waa Adkaade, Xakiim ah
Verse 57
Oo (ma xagga) kuwa (Xaqa) rumeysan oo samaha fala, waxaan ka yeeli doonnaa inay galaan Beero ay hoostoodu qul-qulaan webiyo, iyagoo ku dhex waaraya weligood. Waxay ku yeelan doonaan gudaheeda Afooyin daahir ah, oo waxaan ka yeeli doonnaa inay hir galaan hoosas harac ah
Verse 58
Hubaal, Allaah wuxuu idin amraa inaad siisaan ammaanooyinka cidda iska leh, iyo in markaad u kala garsooreysaan dadka aad ugu kala garsoortaan caddaalad. Hubaal, Waxaa aad u wanaagsan waxa uu Allaah idinku waaniyo. Hubaal, Allaah waa wax kasta Maqle, wax kasta Arka
Verse 59
Mu’miniintoy! Adeeca Allaah oo adeeca Rasuulka (Nabi Muxammad), iyo kuwaa idinka mid ah ee idiin haya talada. Oo haddaad wax isku qabataan, u celiya Allaah iyo Rasuulka, haddaad rumeysan tihiin Allaah iyo Maalinta Dambeysa. Tan baa khayr badan oo cidhib wanaagsan
Verse 60
Miyaadan arag kuwa sheegta inay rumeysan yihiin waxa laguu soo waxyooday iyo wixii la soo waxyooday hortaa? Waxay rabaan inay u xukuntamaan Shaydaanka iyagoo xaqiiq la amray inay diidaan, oo wuxuu rabaa Shaydaanka inuu lumiyo lumitaan aad u fog
Verse 61
Oo marka lagu yidhaahdo: U kaalaya waxa uu Allaah soo waxyooday iyo xagga Rasuulka (NabiMuxammad), waxaad arki doontaa munaafiqiinta oo kaa jeesanaya jeedsaho muuqata
Verse 62
Sidee se noqon marka ay ku dhacdo musiibo waxa ay gacmahoodu horey u geysteen awgii? markaas ay kuu yimaadaan iyagoo ku dhaaranaya Allaah: Ma aanaan dooneyn waxaan aheyn wanaag iyo towfiiq
Verse 63
Kuwakani waa kuwa uu Allaah og yahay waxa ku jira quloobtooda; ee iskaga jeeso oo waani, oo kala hadal iyaga nafahooda hadal saameyn weyn leh
Verse 64
Oo uma aanu soo dirin Rasuulna waxaan aheyn in lagu adeeco Idanka Ilaahay. Oo haddii markii uu gef ka dhacay ay u geysteen nafahooda kuu imaan lahaayeen, oo ay weydiisan lahaayeen dambi dhaaf Ilaahay, oo Rasuulku (sidoo kale) dambi dhaaf u dalbi lahaa; waxay hubaal heli lahaayeen Allaah inuu u soo noqosho badan yahay (naxariista), aad u Naxariis Badan yahay
Verse 65
Mayee, waa igu Rabbigaaye, ma aysan rumeyn (dhab ahaan) jeer ay kaaga dhigtaan garsoore waxay isku qabtaan, oo markaas ayna ka helin wax dhibsi ah nafahooda waxa aad guddoomisay, oo ay u hoggaansamaan hoggaansamid dhan
Verse 66
Oo haddaan ku faral yeeli laheyn (munaafiqintaa): Dila nafahiinna ama ka baxa guryihiinna (sidaan ugu faral yeelnay reer banii Israa’iil) ma ay faleen sidaas in yar oo ka mid ah maahee. Oo hadday fali lahaayeen waxa lagu waaniyo baa xaqiiq u roonaan laheyd, oo xoojin laheydna (iimaankooda)
Verse 67
Oo Waxaan markaas xaqiiq ka siin laheyn Xaggayaga Ajar aad u Weyn
Verse 68
Oo Waxaan xaqiiq ku hanuunin laheyn jidka Toosan
Verse 69
Oo qofkii adeeca Allaah iyo Rasuulka (Nabi Muxammad), kuwan waxay ahaan doonaan la jirka kuwa uu u nicmeeyey Allaah, ee leh Nabiyada iyo run badnayaasha iyo shuhadada iyo wanaagsanayaalka, oo waa wanaag kuwaas oo lala noqdo rafiiq
Verse 70
Kani waa Fadli xagga Ilaahay ah, oo ku Filan Allaah inuu yahay wax kasta Oge
Verse 71
Mu’miniintoy! Qaata digtoonidiinna, oo u baxa (dagaalka) idinkoo koox koox ah, ama baxa oo duula giddigiin idinkoo wada jira
Verse 72
Oo hubaal waxaa idinka mid ah mid isagu dhab ahaan dib idiin dhiga. Oo haddii ay idinku dhacdo musiibo yidhaahda: Runtii Allaah waa iigu nicmeeyay in aanaan goob joog la ahayn
Verse 73
Oo haddaad ka heshaan fadli xagga Ilaahay, wuxuu hubaal odhan doonaa_ sidiiyoo ayna idinka iyo isaga marnaba ka dhexeynin kalgacal: Alla aniguye! Haddaan la jiri lahaa, markaa waxaan liibaani lahaa liibaan aad u weyn
Verse 74
Ee ha ku dagaallamaan Jidka Ilaahay kuwa iibsha nolosha adduunkan oo siista Aakhirada, oo qofkii isagu u dagaallama Jidka Ilaahay, markaa la dilo ama lib hela, waxaan siin doonnaa Ajar aad u Weyn
Verse 75
Oo maxaad u heysataan cudur daar inaydaan u dagaallamin Jidka Ilaahay, iyo dartood kuwaa tabarta daran ee la dulleysto oo leh ragga iyo haweenka iyo carruurtaba, (oo ka mid ah) kuwa dhaha: Rabbiyow! Naga saar magaaladan ay dadkeedu yihiin gar ma qaatayaasha oo nooga yeel Xaggaaga gacal na xafida, oo nooga yeel Xaggaaga gargaare
Verse 76
Kuwa (Xaqa) rumeysan waxay u dagaallamaan Jidka Ilaahay, kuwase ah xaq diidka waxay u dagaallamaan jidka Shaydaanka. ee la dagaallama xulufada shaydaanka; hubaal, dabinka shaydaanku waa daciif
Verse 77
Oo miyaadan arag kuwii lagu yidhi: Ceshada gacmahiinna 34oo hagaajiya salaadda, oo bixiya Sakada, markase loo qoray inay dagaal galaan, mise koox ka mid ah waxay uga baqaan dadka sida ay tahay in looga baqdo Allaah ama baqdin ka daranba. Oo waxay yidhaahdaan: Rabbiyow! Maxaad noogu faral yeeshay dagaalka? Oo haddaad noogu dib dhigi laheyd muddo yar? Dheh: Sahayda adduunkan waa wax gaaban. Oo Aakhirada baa u khayr badan kan iska ilaasha (xumaha)oo la idinkuma gardarroon doono wax xuub le’egna ha ahaatee
Verse 78
Meel kastoo aad joogtaan geeridu way idin heli doontaa, xitaa haddaad ku jirtaan daaro dhaadheer oo la adkeeyey. Oo Hadday haleesho wanaag, waxay yidhaahdaan: Tani waa xagga Ilaahay. Haddiise ay ku dhacdo ayaan darro, waxay yidhaahdaan: Tani waa xaggaaga. Dheh: wax walba waxay ka yimaadaan xagga Ilaahay, ee maxaa ugu wacan dadkani in aanay ku soo dhowaanba inay fahmaan hadalka
Verse 79
Wax kastoo ku haleela oo wanaag ah (Aadmigow) waa xagga Ilaahay, waxase kugu dhaca oo ayaan darro ah waa xagga naftaada. Oo waxaanu kuu soo dirnay (Nabiyow) dadka Rasuul aad u ahaato, oo Allaah baa ku filan Markhaati uu ahaado
Verse 80
Qofkii adeeca Rasuulka (Nabi Muxammad), wuxuu run ahaan Adeecayaa Allaah, oo qofkii jeesada, Annagu kuuma aanu soo dirin ilaaliye inaad ka ahaato (dadka) dushood
Verse 81
Oo waxay yidhaahdaan: waan Oggolnahay. Markase ay ka tagaan agtaada, koox ka mid ah waxay goostaan habeenkii wax aan aheyn oo ka duwan waxa aad tidhaahdo. Oo Allaah wuu qoraa waxa ay goostaan habeenkii. Ee ka jeeso, oo isku hallee Allaah. oo Allaah ku filan ilaaliye uu ahaado
Verse 82
Miyeynan u dhug yeelaneyn Qur’aanka? Oo hadduu ka imaan lahaa cid aan aheyn Allaah, waxay hubaal ka heli lahaayeen dhexdiisa is khilaaf badan
Verse 83
Oo markuu u yimaado war la xiriira nabad ama cabsi, waxay ku faafiyaan debedda, oo hadday u celin lahaayeen Rasuulka (Nabi Muxammad) ama kuwa talada u haya oo ka mid ah, waxaa ogaan lahaa kuwaa ka mid ah ee sal gaari kara. Oo haddaanu Fadliga Ilaahay korkiinna ahaan lahayn iyo Naxariistiisa, waxaad raaci laheydeen Shaydaanka in yar oo idinka mid ah ma’ahee
Verse 84
Ee u dagaallan Jidka Ilaahay, xil kaama saarna (oo lagu weydiin maayo) waxaan naftaada ahayn, oo ku guubaabi mu’miniinta inay geesinnimo muujiyaan. Waa intaasoo Allaah idinka qabto dagaalka kuwa gaaalada ah. Oo Allaah baa Baas Badan, oo ku daran inuu dhigo ciqaab lagu dersin qaato
Verse 85
Qofkii ku garab siiya (qof kale) arrin wanaagsan wuxuu leeyahay qayb ka mid ah (wanaaggeeda), oo qofkii ku garab siiya (qof kale) xumaan wuxuu leeyahay qayb culeyskeeda (dambigeeda) ah. Oo Allaah baa haya maamulka wax walba
Verse 86
Oo marka la idinku salaamo salaan, ku salaan naqa mid ka wanaagsan ama ku naqa salaan (la mid ah). Hubaal, Allaah baa haya xisaabta wax kasta oo la falo
Verse 87
Allaah! Ma jiro Ilaah (xaq lagu caabudo) aan Isaga ahayn. Wuxuu hubaal idin soo kulmin doonaa Maalinta Qiyaamaha, shaki kuma jiro. Oo yaa ka run sheeg badan Allaah oo hadla
Verse 88
Muxuu yahay arrinkiinnu, haddaba, oo aad ugu qaybsanteen labo kooxood xagga munaafiqiinta?35 Isagoo Allaah uu dib ugu celiyey (gaalnimo) waxa ay kasbadeen darteed? Ma waxaad dooneysaan inaad hanuunisaan mid uu Allaah lumiyey? Oo qofkii uu Allaah lumiyo, uma heli doontid marnaba jid (uu ku hanuuno)
Verse 89
Waxay doonayaan inaad u gaalowdaan sida ay u gaaloobeen oo sidaas darteed aad isku mid u wada noqotaan. Ee ha ka yeelannina xaggooda xulufo jeer ay uga soo haajiraan (guryahooda) Jidka Ilaahay darti. Haddiise ay diidaan, markaa qab qabta oo ku dila meeshaad ka heshaanba, oo ha ka yeelannina xaggooda gacal iyo gargaare midna
Verse 90
Waxaan aheyn kuwaa gaaraya qolo idinka iyo iyaga uu u dhexeeyo heshiiis (nabadeed), ama kuwo idiin yimaada iyagoo ay ka ciriiryoon tahay laabahooda inay idinla dagaallamaan ama la dagaallamaan dadkooda. Oo hadduu doono Allaah, hubaal waa uu idinka awood siin lahaa, sidaas darteed xaqiiq way idinla dagaallami lahaayeen, ee hadday idinka fogaadaan oo aanay idinla dagaallamin oo ay idiin soo bandhigaan nabad, markaa Allaah idiinma furin wax jid ah (idinka aad kula dagaallantaan)
Verse 91
Waxaad heli doontaan kuwo kale oo raba inay idinka nabad galaan oo ka nabad galaan dadkooda. Mar kasta oo dib loogu celiyo fidmo waxay isugu tuuraan madaxmadax. Ee haddaysan idinka fogaan oo idiin soo bandhigin nabad, oo aanayna laaban gacmahooda, markaa qabqabta oo ku dila meeshaad ka heshaanba, kuwan waxaan idiin siinnay ka hor taggood xujo cad
Verse 92
Oo kuma habboona mu’min inuu dilo mu’min si gef ah ma’ahee, oo qofkii u dila mu’min si gef ah (waxaa saaran) xoreyn addoon mu’min ah iyo diyo la siiyo ehelkiisa, inay iska cafiyaan maahee sadaqo ahaan. Haddiise kan (la dilay) uu ka mid yahay qolo cadowgiin ah isaguna yahay mu’min xorayn addoon mu’min ah (baa ku filan), oo hadduu ka mid yahay qolo heshiis idiin dhexeeyo (waxaa saaran) diyo la siiyo ehelkiisa, iyo xoreyn addoon mu’min ah. Qofkiise aan heli karin (addoon uu xoreeyo) waa inuu soomo labo bilood oo xidhiidh ah37, eed siin xag Ilaahay. Oo Allaah waa Wax walba Ogsoone,Xakiiim ah
Verse 93
Oo qofkii u dila mu'min si kas ah, ciqaaabtiisu waa Naar, uu ku dhex waari doono weligii, oo Allaah wuu u cadhooday, oo wuu nacladay, oo wuxuu u diyaariyey cadaab aad u weyn
Verse 94
Mu’miniintoy! Marka aad u baxdaan (dagaal) Jidka Ilaahay ah, wax hubsada, oo ha ku odhannina qofkii idiin soo bandhiga nabad: ma tihid mu‘min. Ma waxaad doonaysaan alaabada noloshan adduunka! Waxaase Allaah agtiisa ah khayr iyo qaniimooyin tiro badan. Sidaas baad ahaydeen idinkuba intan ka hor, markaasuu Allaah ku manneystey khayr dushiinna, ee wax hubsada. hubaal Allaah waa u Xog ogaal waxa aad fashaan
Verse 95
Ma ay sinna kuwa ka jooga (jihaadka) ee ka mid ah mu'miniinta iyagoo aan qabin wax dhib ah iyo kuwaa kula jihaad gala Jidka Ilaahay maalkooda iyo Nafahoodaba. Allaah wuxuu ka yeelay kuwa kula jihaad gala maalkooda iyo nafahooda inay dheeraadaan kuwa ka jooga (jihaadka) darajo (sare). Oo dhammaan wuxuu Allaah u ballan qaaday wanaag; oo wuxuu Allaah kaga faddali doonaa kuwa jihaada dushood kuwa ka jooga (Jihaadka) Ajar aad u Weyn
Verse 96
Derejooyin (sare) oo Xaggiisa ah, iyo asturaad iyo Naxariiis. Oo Allaah waa Dambi Dhaaf Badane, Naxariis Badan
Verse 97
Hubaal (ma xagga) kuwa ay oofsato malaa’igtu iyagoo gef ku jira ay u geystaan nafahooda, waxay (ku) odhan doonaan: Maxaad ku sugneydeen oo xaal ah? Waxay odhan doonaan: Waxaanu ahayn kuwo tabar yar dhulka gudahiisa. Waxay odhan doonaan: Oo miyaaney ahayn arlada Ilaahay mid ballaaran oo aad ku haajiri karteen?39 Marka waa kuwan kuwa hoygoodu yahay Naar, oo way u xun tahay aaye iyo meel la ahaado
Verse 98
Marka laga reebo kuwa daciifka ah oo leh ragga iyo dumarka iyo carruurtaba oo aan xeelad lahayn, oo aan heli karin jid (loo baxsado)
Verse 99
Kuwaan waa intaasoo uu Allaah iska cafin doono, oo Allaah waa Cafis Badane, Dambi Dhaaf Badan
Verse 100
Oo qofkii u soo haajira Ilaahay Darti, wuxuu ka heli doonaa dhulka meelo badan oo magan gal leh iyo risiq waasic ah. Oo qofkii ka soo baxaa gurigiisa isagoo u ah muhaajir xagga Ilaahay iyo Rasuulkiisa oo markaas mowdku helo, wuxuu xaqiiq ajarkiisu saaran yahay Allaah. oo Allaah waa Dambi Dhaaf badane, Naxariis Badan
Verse 101
Oo markaad ku socdaashaan dhulka, idin ma saarna eed haddaad soo gaabisaan salaadda40, haddaad ka cabsataan inay dhibaato idiin geystaan gaalada, hubaal, gaaladu waxay idiin yihiin cadow iska cad
Verse 102
Oo markaad dhex joogto, oo aad u oogto salaadda, ha kula istaagto koox ka mid ah, oo ha qaataan hubabkooda, oo markay sujuudaan ha aadaan gadaashiinna, oo koox kale oo aan weli tukan ha timaaddo horay oo ha kula tukadaan, oo ha qaataan digtoonidooda iyo hubabkooda. Waxay doonayaan kuwa gaalada ahi inaad moogaataan hubabkiinna iyo qalabkiinna oo ay markaas idiin soo weeraraan mar keliya (si kedo ah), oo ma aha korkiinna wax eed ah hadday idin haysato dhib roob ama aad tihiin kuwa buka inaad dhigtaan hubabkiinna, oo qaata digtoonidiinna. Hubaal, Allaah wuxuu u diyaariyey gaalada cadaab dulleysa
Verse 103
OO marka aad bogtaan salaadda, xusa Allaah joog iyo fadhi iyo idinkoo u jiifaba dhinacyadiinna, Markase aad nabad degtaan, u ooga salaadda si wanaagsan. Hubaal, salaadda waxay ku tahay mu’miniinta waajib leh waqtiyo go’an
Verse 104
Oo ha ka qalbi dabcina dabagalka qoloda (cadowga ah); haddaad idinku dareentaan xanuun, hubaal iyaguba (sidoo kale) waxay dareemaan xanuun sidaadba u dareentaan xanuun, oo waxaad ka rajaysaan Allaah wax aanay rajaynin, oo Allaah waa wax kasta Ogsoone, Xakiim ah
Verse 105
Hubaal Waxaanu kuugu soo waxyoonnay Kitaabka si xaq ah, si aad ugu kala xukunto dadka dhexdooda waxa uu Allaah ku baray, ee ha noqon qareen u dooda khaa’iniinta
Verse 106
Oo weydiiso Dambi Dhaafka Ilaahay, Hubaal, Allaah waa Dambi Dhaaf Badane, Naxariis Badan
Verse 107
Oo ha u doodin kuwa khiyaameeya nafahooda. Hubaal, Allaah ma jecla mid kastoo khaa'in ah, dambiiile
Verse 108
Waxay ka qariyaan (niyooyinkooda iyo camalladooda xun) dadka, kamase qarin karaan Allaah, wuuna la socdaa markay ku caweeyaan habeenkii hadal uusan raalli ka ahayn, oo Allaah waa uu koobaa waxa ay falaan
Verse 109
Eega! Idinka weeye kuwa (ay dhici karto) inay u doodaan noloshan adduunka, ee yaa uga doodi doona Allaah agti Maalinta Qiyaamaha, ama u noqon doona wakiil difaaca
Verse 110
Oo qofkii fala xumaan ama ku jira gef uu u geysto naftiisa, markaas weydiista Dambi Dhaaf Ilaahay, wuxuu heli doonaa Allaah oo ah Dambi Dhaaf Badane, Naxariis Badan
Verse 111
Oo qofkii kasbada dambi, wuxuu u kasbadaa oo keliya dhibaateynta naftiisa. Oo Allaah waa wax kasta Oge, Xakiim ah
Verse 112
Oo qofkii kasbada gef ama dambi, markaas ku eedeeya mid aan waxba galabsan42, wuxuu xaqiiq xambaartaa been abuurasho iyo dambi iska cad
Verse 113
Oo hadduusan jirin Fadliga Ilaahay korkaaga iyo Naxariistiisa, waxay xaqiiq ku hammin lahayd koox ka mid ah inay ku marin habaabiyaan, mase marin habaabiyaan waxaan aheyn nafahooda, waxnana kuma yeeli karaan.. oo Wuxuu Allaah kuu soo waxyooday Kitaabka iyo Xikmadda oo ku baray wax aadan horay u aqoon. Oo fadliga uu Allaah ku siiyey waa mid aad u weyn
Verse 114
Kuma jiro wax khayr ahi wax badan oo faqooda ah marka laga reebo mid amra sadaqo ama wanaag, ama kala maslaxaad dadka, oo qofkii fala sidaas isagoo doonaya Raalli gelinta Ilaahay, Waxaanu siin doonnaa abaalgud aad u weyn
Verse 115
Oo qofkii colaadiya Rasuulka kaddib inta uu u caddaaday hanuunka oo raaca waxaan aheyn jidka mu`miniinta. Waxaan u jeedin doonnaa waxaas uu isagu (naf ahaantiisa) u jeestay, oo ka yeeli doonnaa inuu galo Naar, oo waa u xun tahay meel la ahaado iyo aayo tiin ahaan
Verse 116
Hubaal! Allaah ma dhaafo in wax uun lala wadaajiyo Isaga, wuxuuse u dhaafaa waxa intaa aan ahayn qofkuu doono. Oo qofkii la wadaajiya wax uun Allaah, wuxuu xaqiiq lumaa lumid fog
Verse 117
Ma la barbar caabudaan Isaga waxaan ahayn sanamyo magacyo dheddigood leh, oo ma caabudaan waxaan aheyn Shaydaan fallaago ah
Verse 118
Oo Allaah uu Nacladay. Oo (Shaydaan) wuxuu yidhi: Waxaan ku yeelan doonaa addoomahaaga qayb go'an
Verse 119
oo hubaal waan habaabin doonaa, oo gelin doonaa hididdiillooyin been ah; oo amri doonaa (xumaanta) sidaas darteed waxay jeexjeexi doonaan dhegaha xoolaha43, oo hubaal waan amri doonaa sidaas darteed waxay doorin doonaan abuurka Ilaahay44. Oo qofkii ka dhigta shaydaan gacal halkii Allaah, wuxuu xaqiiq khasaari doonaa khasaare caddaan ah
Verse 120
Wuxuu u ballan qaadaa oo geliyaa hiddidiillooyin been ah, oo ma u ballan qaado shaydaan waxaan inuu khiyaano ahayn
Verse 121
Kuwan hoygoodu wuxuu ahaan doonaa Naar, oo kama heli doonaan xaggeeda meel ay ka hirgalaan
Verse 122
Oo (ma xagga) kuwa (xaqa) rumeysan oo samaha fala, waxaan ka yeeli doonaa inay galaan Beero ay hoostoodu webiyo qul-qulaan iyagoo ku dhex waari weligood. Waa Ballan Ilaahay oo Xaq ah, Oo yaa ka run badan Allaah Hadalkiisa
Verse 123
(Tani jannada) ma ahaan doonto mid ku xiran (helitaankeeda) hididdiillooyinkiinna45 aad iska rajeysaan iyo hididdiillooyinka ehlu Kitaabka midna, qofkii falaa xumaan, waa laga abaal marin doonaa, oo ma u heli doono naftiisa Allaah ka sokow gacal iyo gargaare midna
Verse 124
Oo qofkii fala camallo wanaaagsan lab ahaayaa ama dheddig, isagoo (ama iyadoo) mu'min ah, waxay kuwan geli doonaan Jannada, oo laguma gardarroon doono xuub laf timireed wax le’eg
Verse 125
Oo yaa ka diin fiican mid isu wada dhiiba Allaah isagoo sama fale ah. Oo raaca diinta Ibraahiim, toosnihii. Oo Allaah wuxuu ka dhigtay Ibraahiim gacal u gaar ah
Verse 126
Oo Allaah baa iska leh waxa jira samooyinka iyo waxa jira arlada. Oo Allaah waa koobaa wax walba
Verse 127
Oo waxay ku weydiiyaan xukun ku saabsan haweenka, dheh: Allaah baa idiinka sheegaya Xukunkaa arrinkooda46, iyo arrinka waxa la idiinku akhriyo Kitaabka oo ku saabsan gabdhaha agoomaha ah oo aydaan siin saamiyadii loo gooyey idinkoo doonaya inaad guursataan47, iyo arrinka kuwa tabarta yar ee ka mid ah carruurta, iyo inaad ku dhaqdaan caddaalad agoomaha. Oo Wax kastoo aad fashaan oo khayr ah, hubaal Allaah wuu Ogsoon yahay
Verse 128
Oo hadday haweeney ka cabsato dhaqan xumi48 ama jeedsasho Xagga ninkeeda ah, ma jiro eed korkooda ah, hadday ka heshiiyaan dhexdooda heshiis, oo heshiiska baa khayr badan, oo nafaha Aadmiga waxaa lagu laray masuugnimo. Oo haddaad samo fashaan oo iska ilaalisaan (xumaha), haddaba hubaal, Allaah waa u Xog ogaal waxa aad fashaan
Verse 129
Oo ma kari doontaan inaad sameysaan caddaalad dhan (xagga jaceylka) xaasaska dhexdooda si kasta oo aad u dadaashaan ee ha ka iilannina (middood) iilasho dhan, oo aad markaas ka tagtaan sidii yoo ay tahay mid lalmata. Oo haddaad wax wanaajisaan, oo iska ilaalisaan (xumaha), hubaal Allaah waa Dambi Dhaaf, Badane, Naxariis Badan
Verse 130
Haddiise ay kala tagaan, wuxuu Allaah ku kaafin doonaa mid walba wax ka mid ah Deeqdiisa. Oo Allaah waa Waasic (Fadligiisu) ballaaran yahay, Xakiim ah
Verse 131
Oo Allaah baa iska leh waxa jira samooyinka iyo waxa jira arlada. Oo xaqiiq waxaan xil saarnay kuwii la siiyey Kitaabka ee idinka horreeyey (oo xil idin saaran ah) idinkana (sidoo kale) inaad dhowrtaan (xilalka uu idin saaray) Allaah, oo haddaad Xaqa diiddaan, haddaba hubaal waxa jira samooyinka iyo waxa jira arladaba waxaa iska leh Allaah, oo Allaah waa Hodan Deeqtoon, la Ammaano
Verse 132
Oo waxa jira samooyinka iyo waxa jira arlada waxaa iska leh Allaah. Oo ku filan Allaah inuu ahaado Ilaaliye
Verse 133
Hadduu doono, Waa uu idin tagsiin karaa, dadow, oo keeni karaa kuwo kale. Oo Allaah waa mid Kara inuu sidaa yeelo
Verse 134
Qofkii raba abaalka adduunyadan, haddaba Allaah baa haya abaalka adduunyadan iyo Aakhiradaba. Oo Allaah waa wax kasta Maqle, wax kasta Arka
Verse 135
Mu’miniintoy! Ahaada kuwo u taagan caddaaladda oo u marag fura Ilaahay darti uun, nafahiinnaba lidkeed ha ahaatee ama waalidkiin ama qaraabada, hadduu yahay hodan ama faqiirba, Allaah baa ka mudnaansho badan oo dantooda yaqaan. Ee ha raacina waxa liita ay naftu rabto si aydaan uga iilan (xaqa), oo haddaad iilataan ama jeesataan49, haddaba hubaal, Allaah waa u Xog ogaal waxa aad fashaan
Verse 136
Mu’miniintoy! Rumeeya Allaah iyo Rasuulkiisa iyo Kitaabka uu u soo waxyooday Rasuulkiisa, iyo Kitaabka uu hore u soo waxooday, oo qofkii rumeyn diida Allaah iyo Ma’laa’igtiisa iyo Kutubtiisa iyo Rusushiisa, iyo Maalinta Dambeysa, wuxuu xaqiiq lumaa lumid aad u fog
Verse 137
Hubaal, (ma xagga) kuwa rumeeya, haddana beeniya, haddana rumeeya (mar kale), oo haddana (mar kale) beeniya, markaas sii kororsada beenin Xaqa; Allaah ma cafin doono, oo kuma hanuunin doona Jid (Toosan)
Verse 138
Ugu bishaaree munaafiqiinta inay mudan doonaan cadaab xanuun badan
Verse 139
Kuwa ka dhigta gaalada gacallo sokeeye ah50 halkii mu’miniinta, ma waxay ka doonayaan ciso (iyo sharaf) xaggooda? Haddaba hubaal, Allaah baa iska leh Ciso oo dhan
Verse 140
Oo xaqiiq wuxuu horay idiinkugu soo waxyooday Kitaabka in markaad maqashaan Aayadaha Ilaahay oo la beeninayo ama lagu jeesjeesayo, ha la fadhiisannina iyaga, ilaa ay ka galaan hadal kale aan kaa aheyn, haddii kale waxaad noqoneysaan iyagoo kale; hubaal Allaah wuxuu ku soo kulmin doonaa munaafiqiinta iyo gaalada oo dhan Naar gudaheed
Verse 141
Kuwa idin la suga (dhibaato idinku dhacda); oo markaad guul ka heshaan xagga Ilaahay, waxay yidhaahdaan: Oo miyaanaan idin la jirin? Oo hadday gaaladu lib yeelato, waxay yidhaahdaan, Ma waanaan idin adkeynin oo aan idinka celin mu’miniinta? Marka Allaah baa idin kala xukumi doona dhexdiinna Maalinta Qiyaamaha. Oo marnaba Allaah kama siin doono gaalada jid mu'miniinta
Verse 142
Hubaal, Munaafiqiintu51 waxay (u heystaan inay) dagaan Allaah, Isaga baase daga. Oo markay u kacaan salaadda, waxay kacaan iyagoo wahsi ku jiro, waxay istusaan oo keliya dadka, oo ma xusaan Allaah wax yar ma’ahee
Verse 143
Waxay kala dhex wareegaan kuwaas (gaalada) (iyo kuwan), oo kama tirsana kuwan, iyo kuwaa midna, oo qofkii uu Allaah lumiyo, uma heli doontid jid isaga
Verse 144
Mu’miniintoy! Ha ka yeelannina gaalada xulufo halkii mu’miniinta. Waa la yaabe! Ma waxaad dooneysaan inaad iskaga yeeshaan Allaah xujo cad
Verse 145
Hubaal, Munaafiqiintu52 waxay ahaan doonaan dabaqa u hooseeya ee Naarta; oo uma heli doontid gargaare
Verse 146
Marka laga reebo kuwa toobad keena oo wanaagsanaada, oo cuskada Allaah, oo u keli yeela cibaadadooda Allaah, Kuwan waa la jirka mu’miniinta. Oo wuxuu Allaah siin doonaa mu’miniinta Ajar aad u weyn
Verse 147
Muxuu Allaah ku falayaa caddibaadiinna haddaad tihiin kuwa (u) mahad naqa oo rumeysan? Oo Allaah waa tixgeliye camalkii darti loo qabtaa, abaal gud fiican ka bixiya, Wax kasta Ogsoon
Verse 148
Allaah ma jecla ku dhawaaqa hadalka kiisa xun, mid maahee uu yidhaahdo qof lagu gardarrooday. Oo Allaah waa wax kasta Maqle,wax kasta Ogsoon
Verse 149
Haddaad u fashaan khayr si caddaan ah ama qarsoodi, ama aad iska cafidaan xume,….haddaba hubaal, Allaah waa cafis Badane, awood Badan
Verse 150
Hubaal, kuwa rumeysan diida Allaah iyo Rusushiisa (iyo kuwa) raba inay kala geeyaan Allaah iyo Rusushiisa oo yidhaahda, Waxaan rumaysannahay qaarkood, oo rumeysan diidnaa qaar kale, oo raba inay qaadaan jid u dhexeeya (tan iyo) taasi
Verse 151
Kuwan weeye kuwa run ahaan ah gaalo. Oo Waxaanu u diyaarinnay gaalada cadaab dulleysa
Verse 152
Kuwase rumeysan Allaah iyo Rusushiisa oo aan ka dhex saarin midkoodna ka mid ah, kuwaas buu Allaah siin doonaa ajarradooda, oo Allaah waa Dambi Dhaaf Badane, Naxariis Badan
Verse 153
Ehlul Kitaabku waxay ku weydiistaan inaad kaga soo dejiso Kitaab xagga samada. Waxayba horay kaga dalbeen Muuse taas mid ka weyn, oo waxay yidhaahdeen: Noo tus Allaah si caddaan ah, markaas baa waxaa qabtay onkod daran gardarradoodii darteed. haddana waxay samaysteen dibi (ilaah ahaan) kaddib markay xujooyin cad u yimaadeen Waanu se ka cafinnay arrinkani. Oo waxaanu siinnay Muuse Xujo Cad
Verse 154
Oo Waxaan kor u soo qaadnay Buurta (Siinaay) oo dul keennay (goortii aan ka qaadeynay) axdigoodii. oo Waxaanu ku nidhi: Gala Albaabka idinkoo sujuudsan. Oo Waxaanu ku nidhi: Ha ku xadgudbinnana arrinka Sabtida. Oo Waxaan la sameynay Axdi adag
Verse 155
Sidaas awgeed, axdigooda ay ka baxeen darteed, iyo rumeyn la’aantooda Aayadaha Ilaahay iyo ku diliddooda Anbiyada gar darro, iyo qawlkooda ah: Quluubtayada way qufulan yihiin. mayee, Allaah baa yeelay shaabbad dushooda daahda gaalnimadooda darteed marka ma rumeysan doonaan in yar ma’ahee
Verse 156
Iyo rumeyn la’aantooda darteed iyo odhaahdooda ay ka sheegaan Maryam ee been abuur aad u weyn ah
Verse 157
Iyo odhaahdooda: hubaal waxaan innagu dilnay Masiixa Ciise ibnu Maryam, Rasuulkii Ilaahay53, _mase ay dilin54 mana ay daldalin, laakiinse waa loo arag ekeysiiyey. Oo hubaal kuwa isku khilaafa arrinkiisa waxaa xaqiiq kaga jira shaki taa. Uma heystaan wax cilmi (la hubo oo run ah), waxa ay raacaan wax kale maahee waa male awaal. Oo ma ay dilin oo la hubo
Verse 158
Mayee! Allaah baa (Ciise) kor u qaaday Xaggiisa, oo Allaah waa Adkaade, Xakiim ah
Verse 159
Oo ma jiro mid ka mid ah ehlul- Kitaabka aan hubaal rumeyn doonin isaga, ka hor inta aanu dhiman55. Oo Maalinta Qiyaamaha wuxuu isagu ku marag furi doonaa iyaga
Verse 160
Gefka ay geysteen kuwaa ah Yuhuudda awgii, ayaan uga xaaraameennay waxyaalaha wanaagsan ee horay ugu ahaa xalaasha, iyo sababta ka weecintooda (dad) badan Jidka Ilaahay
Verse 161
Iyo qaadashadooda Ribada iyagoo xaqiiq laga reebay inay qaataan, iyo ku cunistooda maalka dadka been. Oo waxaan u diyaarinnay kuwooda gaalada ah ee ka mid ah cadaab aad u xanuun badan
Verse 162
Laakiinse kuwooda ku xidideystey cilmiga oo ka mid ah iyo mu’miniintuba, waxay rumeysan yihiin waxa laguu soo waxyooday iyo wixii la soo waxyooday hortaa, iyo kuwa u ooga salaadda si wanaagsan ee bixiya Sakada ee rumeysan Allaah iyo Maalinta Dambeysa, kuwan waa kuwa aan siin doonnaa Abaalgud aad u Weyn
Verse 163
Hubaal Waxaanu kuugu waxyoonnay sidii aan ugu waxyoonnayba Nuux iyo Nabiyadii ka dambeeyay; oo Waxaanu (sidoo kale) u waxyoonnay Ibraahiim iyo Ismaaciil iyo Isxaaq iyo Yacquub iyo Al-Asbaad (Nabiyadii ahaa firka Yacquub) iyo Ciise iyo Ayyuub iyo Yuunus iyo Haaruun iyo Sulaymaan, oo Daawuud Waxaanu siinnay Zabuur
Verse 164
Oo (waxaan soo dirnay) Rusul aan kaaga warrannay ka hor, iyo Rusul aanaan kaaga warraminba, _oo Muuse Allaah wuxuu ula hadlay si toos ah hadlid
Verse 165
(Waxaan soo drinay) Rusul ah bishaareeyaal iyo digayaal si aanay dadku ugu yeelan Allaah wax cudur daar ah (imaanshaha) Rususha ka dambow. Oo Allaah waa Adkaade, Xakiim ah
Verse 166
Laakiinse Allaah wuxuu markhaati ka yahay waxa uu kuu soo waxyooday wuxuu ku soo waxyooday Cilmigiisa, malaa’igtuna57 waa ka markhaati kacaan (sidoo kale). Oo Allaah ku Filan Markhaati uu ahaado
Verse 167
Hubaal, ma xagga kuwa rumeysan diida oo ka hor istaaga (dadka) Jidka Ilaahay, waxay xaqiiq habaabeen habow aad u fog
Verse 168
Hubaal, (ma xagga) kuwa rumeysan diida ee u dhaqma si caddaalad darro ah, ma aha Allaah Mid u dambi dhaafi doona oo ma aha Mid ku hanuunin doonaa jidna
Verse 169
Jidka Naarta mooyee, iyagoo ku dhex waaraya weligood, oo arrinkani Allaah waa u fududdahay
Verse 170
Dadoow! Hubaal Rasuulku Wuxuu idiinla yimid xaq ka yimid Rabbigiin, ee rumeeya waa wax idiin roon idinka’e. Haddiise aad rumeysan diiddaan, haddaba hubaal Allaah baa iska leh waxa jira samooyinka iyo arlada. Oo Allaah waa wax kasta Ogsoone, Xakiim ah
Verse 171
Ehlul-Kitaaboow! Ha ku talax tagina hab dhaqankiinna, oo ha ka sheegina (been) Allaah, ee runta sheega. Masiixa Ciise ina Maryam waa oo keliya Rasuul Ilaahay soo diray iyo Kelmeddiisa uu u diray Maryam iyo ruux Isaga Xaggiisa ah uu abuuray; ee rumeeya Allaah iyo Rusushiisa. oo ha odhannina: Waa saddex (ilaah) Ka hara waa wax idiin roon’e. Allaah waa uun Ilaah Keliya, wuu ka hufan yahay inuu yeesho wiil. Wuxuuba leeyahay waxa jira samooyinka iyo arlada. Oo ku Filan Allaah ka taliye ahaan arrimaha uunka
Verse 172
Masiixa sinnaba isagama fogeeyo inuu ahaado addoon Ilaahay, iyo sidoo kale malaa’igta la dhoweeyey. Oo qofkii iska fogeeya Caabudiddiisa oo islaweyn, Wuxuu u soo kulmin doonaa xaggiisa dhammaantood
Verse 173
Ee ma xagga kuwa rumeysan oo samaha fala, wuxuu siin doonaa ajarradooda ay muteen oo dhan, oo u ziyaadin wax badan oo ka mid ah Fadligiisa. Kuwase ka fogaada Caabudidda (Alle keliya) oo is kibriya, Wuxuu cadaabi doonaa cadaab aad u xanuun badan. Oo ma u heli doonaan nafahooda Allaah sokadi gacal iyo gargaare midna
Verse 174
Dadow! hubaal waxaa idiinka yimid Xujo Cad xagga Rabbigiin (waa Nabi Muxammad s.c.w), oo Waxaan idiin soo dirnay Nuur cad (Qur’aanka)
Verse 175
Ee ma xagga kuwa rumysan Allaah oo isaga cuskada wuxuu gelin doonaa Naxariis Xaggiisa ah iyo Fadli, oo wuxuu ku hanuunin doonaa xaggiisa Jid Toosan
Verse 176
Waxay ku weydiiyaan inaad wax uga sheegto xukun sharci ah. Dheh: Allaah baa idinka siinaya xukun arrinka qofaan lahayn aabbayaal iyo ubad midna. Haddii uu dhinto nin aan ilmo lahayn, oo leh walaaley, waxay leedahay bar waxa uu ka tago, isaguna wuu dhaxli doonaa haddii aanay lahayn ilmo. Haddiise ay yihiin labo (gabdhood oo walaalo ah), waxay leeyihiin seddex meeloodoo labo meel waxa uu ka tago; oo hadday yihiin walaalo rag iyo dumarba leh, labku wuxuu leeyahay wax la mid ah saamiga labo dheddig. Allaah Wuxuu idiinka dhigaa caddaan (Xeerarkiisa) si aydaan u lumin. Oo Allaah wax walba wuu Ogsoon yahay