Back to Languages

    Somali - Chapter 41

    Translation by Abdullah Hasan Jacob

    Verse 1

    Xaa Miim

    Verse 2

    Waxyi ka yimid xagga (Allaah) Naxariistaha, Naxariista Badan

    Verse 3

    Kitaab Aayadihiisu cad yihiin, Qur'aan af Carabi ah qolodii wax garanaysa

    Verse 4

    War san side iyo dige ah, hase ahaatee badankood way ka jeesadeen, marka wax ma maqlaan

    Verse 5

    Oo waxay yidhaahdaan: Quluubtayadu waa ka daboolan yihiin waxa aad noogu yeedho3, oo waxaa ah culeys dhegahaya- ga, oo daah baa xidhan dhexdeenna innaga iyo adiga, ee camal falo; innaguna sidoo kale waanu camal falaneynaaye

    Verse 6

    Dheh: Anigu waxaan uun ahay qof idinla mid ah aan waareyn, waxaa la ii waxyooday inuu ilaahiinnu yahay hal ilaah, sidaas darteed raaca dhabbaha toosan Xaggiisa ah, oo weydiista dambi dhaaf Isaga, oo Hoog waxaa leh Mushrikiinta

    Verse 7

    Kuwa aan u iman (diinta) daahirka ah (Islaamka, ee aan tukan oo bixin Zakada) ee ah kuwo aan rumeysnayn Aakhirada

    Verse 8

    (Ma xagga) kuwa (Xaqa) rumeysan oo samaha fala. Waxay hubaal mudan Abaal gud aan marnaba go’i doonin

    Verse 9

    Dheh: Ma waxaad dhab ahaan rumeysan la’dihiin Kan ku abuuray arlada labo maalmood oo u yeeshaan shariigyo (xagga cibaadada)? Kaasi waa Rabbiga uunanka

    Verse 10

    Oo wuxuu yeelay gudaheeda buuro uu kor dhigay, oo wuu barakeeyey halkaas gudaheeda oo uu ku qaddaray cuntooyinkeeda afar maalmood gudahood, isle’eg kuwa doonaya (inay ogaadaan)

    Verse 11

    Kaddib Wuxuu abbaaray xagga samada iyadoo qiiq ah, markaasuu wuxuu ku yidhi iyada iyo arladaba: Ku kaalaya labadiinnu- ba oggolaansho ama khasab; waxay laba- duba yidhaahdeen: Waxaan ku imaaneynaa oggolaansho

    Verse 12

    Markaasuu wuxuu guddoonshay toddoba samood ahaan labo maalmood gudahood, oo wuxuu u waxyooday sama waliba arrinkeeda. Oo waxaynu ku qurxinnay samada soke xiddigo iftiimaya, isla markaana xafid4 u ah. Arrinkaasi waa Qaddarka Adkaadaha, Wax kasta Ogsoon

    Verse 13

    Haddiise ay jeesadaan, markaa dheh: Waxaan idiinka digay biriq la mid ah biriqdii ku dhacday Caad iyo Thamuud

    Verse 14

    Markay Rusushu ugaga yimaadeen hortooda iyo gadaashoodba5 (iyagoo ku leh): Ha caabudina cidaan ahayn Allaah. Waxay yidhaahdeen: Haddii uu Rabbigayo doono6, wuxuu xaqiiq soo dejin lahaa malaa’ig. Ee innagu waxa la idinla soo diray ma aanu aaminsanin

    Verse 15

    Marka ma Caad, iyagu waxay isku kibriyeen arlada xaq darro, oo waxay yidhaahdeen: Yaa naga adag quwad ahaan innaga? Mawaysan arag in Allaah ee abuuray uu ka adag yahay quwad ahaan iyaga.Oo waxay beeniyeen Aayadahayaga

    Verse 16

    Markaas baan u dirnay dabayl hugmaysa maalmo baas u leh, si aan uga yeelno inay dhadhamiyaan cadaabta dulliga nolosha adduunka gudaheeda, oo run ahaan cadaabta Aakhiro baa ka sii dulleyn badan iyagoo aan loo gargaari doonin

    Verse 17

    Oo ma xagga Thamuud, waxaan tusnay dhabbaha toosan, waxayse ka door bideen indha la'aan (habow) halkii hanuunka, mar- kaasaa waxaa ku dhacay biriq cadaab wax dulleysa, waxa ay galabsadeen awgeed

    Verse 18

    Oo waxaanu badbaadinnay kuwii (Xaqa) rumeeyey ee (xumaha ) iska jirey

    Verse 19

    Oo Maalinta cadowyada Ilaahay loo soo wada kulmin doono Naarta, markaas waxaa loo qaybin kooxo

    Verse 20

    Kolka ay ku yimaadan, dhegahooda iyo indhahooda iyo hargahooda baa ku marag furi doona wixii ay fali jireen darteed

    Verse 21

    Oo waxay ku odhan hargahooda: Maxaad noogu marag furteen? Waxay odhan: Allaah, ee ka hadliya wax walba baa naga hadliyey, oo Isaga baa idin abuuray kal horeba, oo Xaggiisa baa dib la idiinku soo celin doonaa

    Verse 22

    Oo ma aydaan is asturin si aysan dhegahiinna7 iyo indhahiinna iyo hargahiinna idiinku markhaati furin, laakiinse waxaad mooddeen inaanu Allaah ogeyn in badan oo waxa aad fasheen ah

    Verse 23

    Oo kaasi Malihiinna (xun) aad ku maleyseen Rabbigiin, waa waxa idin halligay, markaas baad ka mid noqoteen kuwa khasaaray

    Verse 24

    Marka haddii ay u adkaysan (iyo haddii kaleba) waa Naarta hoygooda, oo haddii ay dalbaan in loo cudur daaro, haddaba ma ka mid aha kuwa laga aqbali doono cudur daaraasho

    Verse 25

    Oo Waxaanu u yeellay saaxiibbo8 ku laran markaasay u qurxiyeen waxa hortooda ah iyo waxa gadaashooda9 (oo dambiyo) ah, oo waxaa ku dhaboobay Qawlka (cadaabta) sida uu ugu (dhaboobayba) kuwo ka mid ahaa ummadahii hortood tegay oo jin iyo insiba leh – inay iyagu hubaal ahaan doonaan kuwo khasaaraya

    Verse 26

    Oo kuwa xaqa diida waxay yidhaah- daan: Ha dhegaysannina Qur’aankan oo ku fura buuq10 waa intaasoo aad adkaataane

    Verse 27

    Sidaas darteed hubaal Waxaanu dhadhansiin kuwa xaqa diida cadaab daran, oo hubaal waxaan u abaal marin si waafaqsan wixii u xumaa ay fali jireen

    Verse 28

    Kaasu waa abaalka cadawyada Ilaahay: Naar, waxay u noqon iyaga Daar lagu waaro, waa abaal marinta Aayadahayaga ay diidi jireen darteed

    Verse 29

    Oo kuwa xaqa diida waxay odhan: Rabbiyow! Na tus kuwii na lumiyey oo jin iyo insiba lahaa, si aanu u marinno cagahayaga hoosteeda, oo ay u noqdaan kuwa ugu hooseeya

    Verse 30

    (Ma xagga) kuwa yidhaahda: Rabbiga- yo waa Allaah, markaa haya oo ku socda jidka toosan malaa’igtaa ku soo degta (waqtiga dhimashadood iyagoo leh): Ha cabsannina, hana murugoonnina, oo ku far- xa warka san ee Jannadii la idiin yaboohay

    Verse 31

    Annagaa baa ah gacalkiin nolosha Adduunkan iyo Aakhiradaba, oo waxaad ku heli doontaan gudaheeda waxa ay nafahiinnu doonaan, oo waxaad ku heli doontaan gudaheeda wixii aad dalabtaan

    Verse 32

    Martiqaad xagga (Ilaahay) ah, Dambi Dhaaf Badanaha, Naxariista Badan

    Verse 33

    Oo yaa ka hadal wanaagsan kan ugu baaqa (dadka) xagga Ilaahay, kaasoo isagu naf ahaantiisa sama fala oo yidhaahda: Waxaan anigu hubaal ka mid ahay kuwaa hoggaansan (Muslimiinta)

    Verse 34

    Oo ma sinna samaanta iyo xumaantu, ka hor gee (xumaha) waxa wax u wanaag- san, markaas eeg! kii ay idiin dhexeysay isaga iyo adiga cadaawadi (wuxuu noqona- yaa) sidii saaxiib aad isku weyn tihiin

    Verse 35

    OO lama siiyo (tilmaantaa la soo xusay) waxaan ahayn kuwa samir yeesha, oo lama siiyo waxaan aheyn mid leh nasiib aad u weyn

    Verse 36

    Oo haddii juqjuqeyn shaydaan kuugu juqjuqeyso wax xumaan ah ka magan gal Ilaahay. Hubaal waa Isaga wax kasta Maqlaha, wax kasta ogsoon

    Verse 37

    Oo Calaamooyinka (Ilaahay ee muujin Weynadiisa iyo Awooddiisa) waxaa ka mid ah habeenka iyo maalinta iyo qorraxda iyo dayaxa. Ha u sujuudina qorraxda iyo dayaxa midna ee u sujuuda Allaah ee abuuray iyaga, haddii uu Isagu yahay Kan aad caabuddaan

    Verse 38

    Haddiise ay yihiin kuwo isla weyn, haddaba kuwaa ah Rabbigaa agtiisa ( malaa’igta) baa xurmo weyneeya oo hufa habeen iyo maalinba oo kama daalaan

    Verse 39

    Oo Calaamooyinkiisa waxaa ka mid ah inaad aragto dhulka oo bas (abaar) ah, markase aan ku soo da’inno biyaha uu gilgisho oo soo kor noqdo. Hubaal Kan nooleeya wuxuu xaqiiq nooleyn doonaa maytida. Hubaal wax walba waa uu Karaa

    Verse 40

    Hubaal kuwa ka iisha dhabbaha toosan xagga arrinka Aayadahayaga13 ma aha kuwo naga qarsoon. Ma mid lagu tuuro Naarta baa khayr badan, mise mid yimaada isagoo nabad ah Maalinta Qiyaamaha? Fala waxaad doontaan. hubaal Waa uu arkaa waxa aad fashaan

    Verse 41

    Hubaal kuwa qaadan diida Waanada marka ay u timaaddo14 oo hubaal waa Kitaab sharaf weyn leh

    Verse 42

    Baadil ugama imaan doono hortiisa ama gadaashiisa16; waa waxyi ka yimid xagga Xikmad Badanaha, la ammaano

    Verse 43

    Waxba lagu odhan maayo aan ka aheyn wixii lagu yidhi dhab ahaan Rusushii kaa horreysay. hubaal Rabbigaa waa Rabbiga Dambi dhaafka leh, iyo Rabbiga leh Ciqaab Xanuun Badan

    Verse 44

    Oo haddii aan ka dhigi lahayn Qu’raan af shisheeye ku soo dega, waxay dhab ahaan odhan lahaayeen: Maxaa Aayadihiisa looga dhigi waayey kuwo cad? Waa maxay acjami (carrab) shisheeye isagoo Carab ah? Dheh: Wuxuu u yahay kuwa rumeysan hanuun iyo caafimaad. (Ma) kuwase aan rumeysnayn waxaa ah culeys dhegahooda,oo waa ka indha la' yihiin, kuwa waxaa looga dhawaaqaa meel fog

    Verse 45

    Oo dhab ahaan waxaanu siinnay Muuse Kitaabka, waase la isku khilaafay. Oo haddii aysan jiri lahayn erey ka hormaray Rabbigaa, waa la kala xukumi lahaa dhexdooda, waxayse hubaal iyagu ka qabaan shaki walaac leh

    Verse 46

    Mid kastoo sama falaa naftiisay (dan) u tahay, oo mid kastoo xumaan falaa isagay u daran tahay, oo Rabbigaa ma aha mid ku gardarrooda addoommaha

    Verse 47

    Xaggiisa baa loo celiyaa cilmiga Saacadda17, oo kama soo baxaan wax ka mid ah midhaha galalkooda, mana jirto dheddig uur qaaddaa, kumana dhasho waxaan aheyn Ogaalkiisa. Oo Maalinta marka uu u yeeri doono: Meeye (kuwii aad ku magacowdeen) shurakadeyda18? Waxay odhan: Waxaan ku ogeysiineynaa inuusan nagu jirin mid marag ka ah

    Verse 48

    Oo waxay waayi doonaan waxay horey ugu dhawaaqan jireen, oo waxay yaqiinsan inaysan laheyn meel ay u baxsadaan

    Verse 49

    Aadmigu marnaba kama daalo khayr bariga, oo haddii uu shar taabto, markaas waa quustaa, rajo beel ah

    Verse 50

    Oo haddii aan ka yeelo inuu dhadhamiyo naxariis Xaggayaga ah kaddib dhibaato taabatay, xaqiiq wuxuu odhan: Kan waa xaggeyga aniga19, oo anigu ma qabo Saacaddu inay dhici doonto, oo haddii la ii celiyo xagga Rabbigay, waxaan xaqiiq ka heli agtiisa wanaag. Waxaanse hubaal Annagu u sheegi doonnaa kuwa gaaloobay waxay faleen oo waxaan hubaal ka yeeli inay wax ka dhadhamiyaan Cadaab Qallafsan

    Verse 51

    Oo marka aan u nicmeyno Aadmiga, wuu jeesadaa oo dhinac u baxaa, oo marka ay dhibaato taabato, wuxuu la yimaadaa ducooyin dheer

    Verse 52

    Dheh: Bal ii sheega haddii uu ka yimid (Qur’aanka) xagga Ilaahay, markaas aad ku gaalowdaan, _yaa ka lunsanaan badan kan ku talax taga cinaad fogaaday

    Verse 53

    Waxaan durbaba ka tusi doonnaa Calaamooyinkayaga koonka iyo xagga nafahoodaba ilaa ay uga caddaato inuu (Alle, Qur’aanka) yahay Xaq. Ma wuusan ku fillayn Rabbigaa inuu u jeedo wax walba oo ka yahay markhaati

    Verse 54

    Ogaada, hubaal, Waxay ka shaki qa- baan la kulanka Rabbigood, ogaada, hu- baal, Wuxuu koobaa wax kasta oo Ku Xeeran yahay