Back to Languages

    Somali - Chapter 45

    Translation by Abdullah Hasan Jacob

    Verse 1

    Xaa Miim

    Verse 2

    Soo waxyoodka Kitaabka (Qur’aanka) waa xagga Allaah, Adkaadaha, Xakiimka

    Verse 3

    Hubaal Waxaa samooyinka iyo arlada ugu sugan xaqiiq calaamooyin mu’miniinta

    Verse 4

    Iyo abuuristiinnaba iyo waxa uu ku firdhiyo (dhulka) oo nafley socota ah waxaa ugu sugan calaamooyin qolodii wax yaqiinsanaysa

    Verse 5

    Iyo isdhaafka habeenka iyo maalinta iyo waxa uu Allaah ka soo dejiyo daruurta oo risiq ah, markaas uu ku nooleeyo arlada dhimashadeeda kaddib, iyo isbeddelka dabaylaha waxaa ugu sugan calaamooyin qolo wax fahanta

    Verse 6

    Kuwakani waa Aayadaha Ilaahay oo aan kuugu akhrinno si xaq ah, marka warkee bay bay rumaysanayaan kaddib Allaah iyo Aayadihiisa

    Verse 7

    Hoog waxaa leh beenaale kastoo danbiile ah

    Verse 8

    Ee maqla Aayadaha Ilaahay oo loo akhriyo, haddana ka dhega adayga isagoo islaweyn sida inaanu maqalba. Ee ugu bishaaree cadaab xanuun badan

    Verse 9

    Oo marka uu wax ka ogaado Aayadaha- yaga, wuxuu ka dhigtaa jees-jees. Kuwan weeye kuwa mudan cadaab dulleysa

    Verse 10

    Waxaa ka dambeysa Naar, oo halkaa wax uma tari doonaan waxna ka mid ah waxa ay kasbadeen, iyo midna kuwaa ay ka dhigteen gacallo Allaah ka sokow, oo waxay mudan cadaab aad u murugo weyn

    Verse 11

    Kani waa hanuun. Oo (ma xagga) kuwa rumeysan diida Aayadaha Rabbigood, wa- xay mudan cadaab xille oo xanuun badan

    Verse 12

    Allaah waa Kan idiin sakhiray badda, si ay ugu socdaan Doonyuhu dhexdeeda amarkiisa, iyo si aad u raadsataan Deeqdiisa, bal inaad mahad naqdaan

    Verse 13

    Oo Wuxuu idiin sakhiray wax kastoo ku sugan samooyinka iyo wax kastoo ku sugan arlada, dhammaan waa Gallad iyo Naxariis Xaggiisa ah. Hubaal Waxaa kani ugu sugan calaamooyin qolo fekerta

    Verse 14

    Waxaad ku dhahdaa kuwa (Xaqa) rumeysan inay iska3 dhaafaan kuwa aan ka cabsi qabin Ayaamaha Ilaahay4, si uu ugu abaal mariyo qolo waxa ay kasbadeen

    Verse 15

    Mid kastoo sama fala, naftiisay dan u tahay, oo mid kastoo xumaato fala, iyaday u daran tahay. Markaas waxaa dib la idiinku soo celin doonaa xagga Rabbigiin

    Verse 16

    Oo xaqiiq Waxaanu siinnay ilmahii Israa’iil Kitaabka iyo Xukunka5 iyo Nabinnimada, oo waxaanu siinnay wax ka mid ah waxyaalaha wanaagsan, oo waxaan ka kor marinnay dadkii waqtigoodii

    Verse 17

    Oo Waxaanu siinnay xujooyin cad oo arrimaha nolosha la xiriira, ismase khilaafin kaddib inta uu u yimid cilmiga maahee, xasad dhexdooda ah awgi. Hubaal Rabbigaa waa u kala garsoori doonaa dhexdooda Maalinta Qiyaamaha waxa ay isku khilaafeen

    Verse 18

    Markaas waxaanu kuu yeelnay waddo cad oo amar (keenna) ah ee raac adigu, oo ha raacin waxa liita ay rabaan kuwa aan wax ogeyn

    Verse 19

    Hubaal iyagu waxba kaagama tari doonaan xagga Ilaahay; oo hubaal gar ma qaatayaasha waa isu saaxiibbo qaarba qaarka kale Oo Allaah waa Gargaaraha iyo gacalka kuwa iska jira (xumaha)

    Verse 20

    Kuwakani waa u xujooyin cad dadka, oo u ah hanuun iyo naxariis qolo yaqiinsan

    Verse 21

    Mise ma waxay kuwa kasbaday xumaha moodaan inaan la mid dhigi doonno kuwa (Xaqa) rumeysan oo samaha fala, oo noloshooda6 iyo geeridooda sinnaan doonaan? Xumaa sida ay u wax u xukumaan

    Verse 22

    Oo Allaah wuxuu u abuuray samooyinka iyo arlada xaq iyo in naf waliba laga abaal mariyo waxa ay kasbatay iyagoo aan lagu gardarroon doonin

    Verse 23

    Ee ma u fiirsatay midka ka yeesha hawadiisa ilaahiisa, oo Allaah u lumiyey ogaal oo daboolay maqalkiisa iyo qalbigiisa, oo yeelay caad araggiisa. Yaa haddaba hanuunin kara Allaah kaddib? Ee Mawaydaan waansameyn

    Verse 24

    Oo waxay yidhaahdaan: Ma jirto waxaan ahayn noloshayada adduunkan, waa iska noolaannaa7 oo dhimannaa oo nama halaagaan waxaan aheyn waayaha. umase laha (arrin)kaasi wax cilmi ah, way uun iska malo awaali

    Verse 25

    Oo marka Aayadahayaga cad loo akhriyo, dooddoodu ma aha wax kale aan aheyn inay yidhaahdaan: (Dib) Noogu keena aabbayaashayo (meytan) haddii aad run sheegaysaan

    Verse 26

    Dheh: Allaah baa idin siiya nolol, haddana sababa inaad dhimataan, haddana wuxuu idiin soo kulmin doonaa Maalinta Qiyaamaha aan shakiga ku jirin, laakiinse dadka badankiisu ma oga

    Verse 27

    Oo Allaah baa iska leh Boqortooyada (runta ah ee) samooyinka iyo arlada. Oo Maalinta ay Saacaddu dhici doonto, Maalintaas bay khasaari doonaan kuwa sheega waxyaalo aan jirin oo been ah

    Verse 28

    Oo waxaad arki doontaa ummad waliba iyagoo jilbo jabsan, ummad kasta waxaa loogu yeedhi Kitaabkeeda; Maanta waxaa la idinku abaal marin waxa aad fasheen

    Verse 29

    Kani waa Kitaabkayaga oo idiinka hadlaya si xaq ah, hubaal Waxaanu qornay waxaad fasheen

    Verse 30

    Ma kuwa (Xaqa) rumeeyey oo sama falay, Rabbigood wuxuu ka yeeli doonaa inay galaan Naxariistiisa, arrinkaasi weeye Liibaanta Wayn

    Verse 31

    Ma kuwase gaaloobay: Sow ma ahayn Aayadahayga kuwo la idiin akhriyo? waxaadse aheydeen kuwo isla weyn oo waxaad aheydeen qolo dambiilayaal ah

    Verse 32

    Oo marka la yidhaahdo: Hubaal Ballan qaadka Ilaahay waa Xaq, oo xagga Saacadda, shaki kuma jiro waxaad tidhaahdeen: Ma naqaan waxay Saacaddu tahay, oo ma fileyno (inay dhaceyso) inkastoo aan uun maleyno malo (aan xag jirin), oo ma nihin innagu kuwo huba

    Verse 33

    Oo xume wixii ay faleen baa u muuqan doona, oo wixii ay ku jees-jeesi jireen baa koobi doona

    Verse 34

    Oo waxaa la odhan: Maanta waan idin halmaameynaa sida aad u halmaanteen la Kulanka Maalintiinnaan, Oo hoygiinnu waa Naarta, oo ma jirto cid idiin soo gargaari

    Verse 35

    (Arrin)kaasi waxaa ugu wacan inaad ka dhigateen Aayadahii Ilaahay jees-jees, oo noloshii adduunka baa idin hodday. marka Maanta lagama soo saari doono halkaa, oo lagama yeeli doono cudur daarasho

    Verse 36

    Ee Allaah baa mudan ammaan idilkeed iyo mahadba, Rabbiga samooyinka iyo Rabbiga arlada, Rabbiga uunanka

    Verse 37

    Oo Isagaa iska leh Weynaanta samooyinka iyo arlada gudahooda, oo waa Isaga Adkaadaha, Xakiimka ah