Kuwiinaan idinku rumeysanow! Ha u qaadina kor codadkiinna si ka sarreysa codka Nabiga oo ha kula tannaagoogina hadalka sida uu ugula tannaagooda qaarkiinba qaarka kale, si aan camalkiinna u burin idinkoo aan dareensaneyn
Hubaal, kuwa hoos u dhiga cododkooda marka ay hor joogaan Rasuulka Ilaahay, waa kuwaas kuwa uu Quluubtooda Allaah imtixaanay dhowrsashadooda darteed, waxay leeyihiin Dambi Dhaaf iyo abaalgud aad u Weyn
Oo haddii ay labo kooxood oo mu’miniinta ka mid ahi diriraan, markaa ka sameeya heshiis dhexdooda, haddiise middood ku gardarroota tan kale markaa la dirira tan gar daran jeer ay u soo noqoto Amarka Ilaahay, haddii ay soo laabato, markaa ka sameeya heshiis dhexdooda si caddaalad ah oo xaqa dhowra. Hubaal Allaah waa jecel yahay kuwa caadilka ah
Kuwiinan idinku rumeysanow! Qolona yey yasin qolo kale, waxaa laga yaabaa inay ka khayr badan yihiin iyaga, oo yey dumarna yasin dumar kale, waxaa laga yaabaa inay ka khayr badan yihiin iyaga; oo ha ceebeynina dadkiinna, oo ha isugu yeedhina naaneysyo xun. Xumaa magac xumo kaddib Iimaanka. Oo mid kastoo aan (Xaqa u) soo laaban, kuwan weeye kuwan kuwa ah gar ma qaatayaasha
Mu’miniintu waa uun kuwa rumeysan Allaah iyo Rasuulkiisa. markaas aan shakiyin, oo u hura maalkooda iyo nafahooda Jidka Ilaahay. Waa kuwan kuwa runlowyada ah