Back to Languages

Somali - Chapter 51 - Adh-Dhariyat

Translation by Abdullah Hasan Jacob — Permalink

Verse 1 — Surah Adh-Dhariyat 51:1

Waxaan ku dhaartay (dabeylaha) ku fida meel fog oo ballaaran

Verse 2 — Surah Adh-Dhariyat 51:2

Haddana (duruurahaa) xambaarsan culayska (roobka)

Verse 3 — Surah Adh-Dhariyat 51:3

Haddana (doon)yahaa sida fudud u socda

Verse 4 — Surah Adh-Dhariyat 51:4

Haddana kuwaa (malaa’igta) ku qaybiya (risiqa, roobka, iwm) Amarkeenna

Verse 5 — Surah Adh-Dhariyat 51:5

Waxa la idiinku gooddiyey hubaal waa xaqiiq dhab ah

Verse 6 — Surah Adh-Dhariyat 51:6

Oo xaqiiq abaal marintu waa la hubaa inay dhaceyso

Verse 7 — Surah Adh-Dhariyat 51:7

Waxaan ku dhaartay samada waddooyinka badan leh

Verse 8 — Surah Adh-Dhariyat 51:8

Hubaal waxaad idinku kaga sugan tihiin hadal kala duwan

Verse 9 — Surah Adh-Dhariyat 51:9

Waxaa laga duwaa kan isaga iska duwa

Verse 10 — Surah Adh-Dhariyat 51:10

Nacladi ha ku dhacdo beenalayaasha

Verse 11 — Surah Adh-Dhariyat 51:11

Kuwa ku sugan guluf (colaadeed) ee iyagu maahsan

Verse 12 — Surah Adh-Dhariyat 51:12

Waxay weydiiyaan: Waa goorma Maalinta Abaal marintu

Verse 13 — Surah Adh-Dhariyat 51:13

Waa Maalin Naarta lagu jarribi doono

Verse 14 — Surah Adh-Dhariyat 51:14

Dhadhamiya caddibiddiina. Kanu waa waxaad degdegsanayseen

Verse 15 — Surah Adh-Dhariyat 51:15

Hubaal, Kuwa ka dhowrsada xumaha waxay ku sugnaan doonaan Beero iyo ilo

Verse 16 — Surah Adh-Dhariyat 51:16

Iyagoo qaadanaya waxa uu Rabbigood siiyey. Hubaal waxay ahaayeen ka hor (arrin)kaasi sama falayaal

Verse 17 — Surah Adh-Dhariyat 51:17

Waxay seexan jireen in yar habeenkii

Verse 18 — Surah Adh-Dhariyat 51:18

Oo waqtiyada suxuurta waxay weydiisanayeen dambi dhaaf

Verse 19 — Surah Adh-Dhariyat 51:19

Oo maalkooda waxaa ahaa qayb uu ku leeyahay weydiistaha iyo kaan wax heysan

Verse 20 — Surah Adh-Dhariyat 51:20

Oo dhulka waxaa ugu sugan calaamooyin kuwa leh yaqiin

Verse 21 — Surah Adh-Dhariyat 51:21

Iyo nafahiinna (sidoo kale), ee mawaydaan haddaba arkeyn

Verse 22 — Surah Adh-Dhariyat 51:22

Oo samada bay jirtaa risiqiinna iyo waxa la idiin yaboohay

Verse 23 — Surah Adh-Dhariyat 51:23

Ee waa igu Rabbiga samada iyo arlada, waa la hubaayoo Xaq weeye, sida aad u hadashaanba

Verse 24 — Surah Adh-Dhariyat 51:24

Ma kuu yimid warka martidii Ibraahiim ee sharafta lahayd

Verse 25 — Surah Adh-Dhariyat 51:25

Waa tii ay u soo galeen, oo yidhaahdeen: waa nabad, wuxuu yidhi: nabad. (waxaad tihiin) qolo aan la garaneyn

Verse 26 — Surah Adh-Dhariyat 51:26

Markaasuu u laabtay dhinac xagga reerkiisii oo keenay dibi buuran oo shiilan

Verse 27 — Surah Adh-Dhariyat 51:27

Oo u soo dhoweeyey (isagoo leh): Mawaydaan cunayn

Verse 28 — Surah Adh-Dhariyat 51:28

Markaas baa waxaa ka galay dareen cabsi ah. Waxay yidhaahdeen: Ha cabsan, oo waxay ugu bishaareeyeen wiil aqoon leh

Verse 29 — Surah Adh-Dhariyat 51:29

Markaas bay soo aadday haweeneydiisii iyadoo yaabban, oo iska dharbaaxday wejigeeda, oo tidhi: Ma habar ma dhasho ah oo duqowday

Verse 30 — Surah Adh-Dhariyat 51:30

Waxay yidhaahdeen: Sidaas buu leeyahay Rabbigaa. Hubaal, waa Isaga Xakiimka ,Wax kasta Ogaha ah

Verse 31 — Surah Adh-Dhariyat 51:31

Wuxuu yidhi: Muxuu haddaba xaalkiinnu yahay kuwayahow la soo diray

Verse 32 — Surah Adh-Dhariyat 51:32

Waxay yidhaahdeen: Hubaal waxaa naloo soo diray qolo dambiilayaal ah

Verse 33 — Surah Adh-Dhariyat 51:33

Si aan ugu soo dirno korkooda dhagaxyo dhoobo ah

Verse 34 — Surah Adh-Dhariyat 51:34

Looga soo calaameeyey xagga Rabbigaa xadgudbayaasha

Verse 35 — Surah Adh-Dhariyat 51:35

Markaas baan ka soo bixinnay halkaa wixii ku jiray ee mu’miniin ah

Verse 36 — Surah Adh-Dhariyat 51:36

Kamase aanu helin gudaheeda wax aan aheyn hal guri oo muslimiin ah

Verse 37 — Surah Adh-Dhariyat 51:37

Oo waxaan uga tagnay halkaa Calaamo5 kuwa ka cabsada cadaabta xanuunka badan

Verse 38 — Surah Adh-Dhariyat 51:38

Oo Muuse (calaamad baa ku sugan), markaan u dirnay Fircoon isagoo wata Xujo Cad

Verse 39 — Surah Adh-Dhariyat 51:39

Wuuse jeestay isagoo ay la jiraan ciidammadiisii oo yidhi: Waa saaxir ama nin waalan

Verse 40 — Surah Adh-Dhariyat 51:40

Markaas baan qabannay isaga iyo askartiisiiba oo xoog ugu tuurnay badda isagoo eedeysan

Verse 41 — Surah Adh-Dhariyat 51:41

Oo Caad (waxaa ku sugan calaamo), markaan ku dirnay dabayl wax halaagta

Verse 42 — Surah Adh-Dhariyat 51:42

Wax kama tegin ay ku timid inay ka dhigtay maahee digada oo kale

Verse 43 — Surah Adh-Dhariyat 51:43

Oo Thamuud (calaamaa ku sugan), markii lagu yidhi: Raaxeysta in muddo yar ah

Verse 44 — Surah Adh-Dhariyat 51:44

Waxayse ka madax adeygeen Amarka Rabbigood, markaasaa waxaa qabtay danab xoog leh iyagoo arkayey

Verse 45 — Surah Adh-Dhariyat 51:45

Sidaa darteed waa awoodi waayeen inay soo kacaan, isumana gargaari karin

Verse 46 — Surah Adh-Dhariyat 51:46

Oo qolodii Nuux iyaga hortood (waxaa ku sugan calaamo), hubaal waxay ahaayeen qolo caasiyaal ah

Verse 47 — Surah Adh-Dhariyat 51:47

Oo samada waxaan ku dhisnay awood Oo hubaal waa Annaga kuwa waasiciya

Verse 48 — Surah Adh-Dhariyat 51:48

Oo arlada Waxaanu ka yeellay gogol fidsan, Ee fiicanaa haddaba diyaariyuhu

Verse 49 — Surah Adh-Dhariyat 51:49

Oo wax walba Waxaan ka abuurnay lammaan, si aad u waano qaadataan

Verse 50 — Surah Adh-Dhariyat 51:50

Ee u carara xagga7 Allaah, hubaal waxaan idiin ahay dige cad ka yimid Xaggiisa

Verse 51 — Surah Adh-Dhariyat 51:51

Oo ha u yeelina Allaah, Ilaah kale oo la dhig ah. Hubaal Waxaan idiin ahay diga cad ka yimid Xaggiisa

Verse 52 — Surah Adh-Dhariyat 51:52

Waa sidaase, ma jiro Rasuul u yimid kuwii iyaga ka horreeyey oo aysan odhan: waa Saaxir, ama nin waalan

Verse 53 — Surah Adh-Dhariyat 51:53

Miyey iskula dardaarmeen arrintani8? Mayee’ waa qolo xadgudub badan

Verse 54 — Surah Adh-Dhariyat 51:54

Ee iskaga jeeso iyaga, kaama saarna eed

Verse 55 — Surah Adh-Dhariyat 51:55

Oo wad waanada waxay runtii waanadu anfacdaa mu’miniinta

Verse 56 — Surah Adh-Dhariyat 51:56

Oo uma aanu abuurin Jinka iyo insiga waxaan ahayn inay i caabudaan

Verse 57 — Surah Adh-Dhariyat 51:57

Kama doonayo wax risiq ah oo kama doonayo inay i quudiyaan

Verse 58 — Surah Adh-Dhariyat 51:58

Hubaal, waa Allaah Irsaaqaha, Rabbiga iska leh Awoodda sare, Xoog Badnaha ah

Verse 59 — Surah Adh-Dhariyat 51:59

Oo hubaal kuwa gar ma qaatayaasha ah waxay la kulmi doonaan saami la mid ah saamigii asxaabtood, ee waxba yey dalbin in aan u soo dedejiyo

Verse 60 — Surah Adh-Dhariyat 51:60

Ee hoog waxaa leh kuwa xaqa diida, kaasoo kaga iman doona Maalintoodaasi loogu gooddiyey