Back to Languages

    Somali - Chapter 52

    Translation by Abdullah Hasan Jacob

    Verse 1

    Waxaan ku dhaartay Buurta (Siinaay)

    Verse 2

    Iyo Kitaabka qoran

    Verse 3

    Ee indhalka ku fidsan

    Verse 4

    Iyo Guriga (Kacbada) la siyaarto

    Verse 5

    Iyo saqafka la kor yeelay (samada)

    Verse 6

    Iyo badda lagu huriyey (dabka ama soo fatahda)

    Verse 7

    Hubaal, Cadaabta Rabbigaa waa wax dhici doona oo sugan

    Verse 8

    Ma jiro wax celin doona

    Verse 9

    Maalinta marka uu cirku hadba dhinac u wareegi doono

    Verse 10

    Oo buuruhu socon doonaan socosho (yaab) leh

    Verse 11

    Ee hoog waxaa leh Maalintaas kuwa (Xaqa) diida

    Verse 12

    Kuwa iska cayaara ee dhex gala xumaanta

    Verse 13

    Maalinta loogu tuuri doono Naarta si daran oo xoog leh

    Verse 14

    Tani waa Naartii aad beenin jirteen

    Verse 15

    Ee ma sixir baa haddaba, mise idinku ma aragtaan

    Verse 16

    Gala si aad ugu gubataan, markaa ku sabra ama ha ku sabrina - waa isugu kiin wada mid, Waxaa uun laydinka goyn waxaad fali jirteen

    Verse 17

    Hubaal, kuwa ka dhowrsada xumaha waxay dhex ahaan beero iyo barwaaqo

    Verse 18

    Iyagoo ku raaxeysan waxa uu siiyey Rabbigood, oo Rabbigood Wuxuu ka badbaadshay cadaabta Naarta ololeysa

    Verse 19

    (Waxaa lagu odhan) Cuna oo cabba si bogaadin leh. Waa abaalka waxaad fali jirteen

    Verse 20

    Waxay ku jiqleysan doonaan sariiro heer sare ahoo la safay. Oo waxaanu u guurin dumar leh indho waasic ahoo (qurux badan)

    Verse 21

    Oo (ma xagga) kuwa rumeysan oo ay durriyadoodu ku raacdo Iimaanka,_ waxaanu isu wada keeni doonnaa durriyadooda, oo waxna kama dhimi doonno camalkooda. Qof walbaa wuxuu mas’uul ka yahay waxa uu kasbado

    Verse 22

    Oo waxaan siin khudrad iyo hilib, kay rabaan

    Verse 23

    Waxay isu dhiib-dhiibi doonaan galaas (khamro xalaal) ah aan lahaan doonin wax ah laqwi iyo dambi midkoodna

    Verse 24

    Oo waxaa hareera socon doona wiilal yar yar ay leeyihiin, la moodo luul la dhowray

    Verse 25

    Oo qaarkood waxay qaabili doonaan qaar kale iyagoo is-wareysan

    Verse 26

    Waxay odhan: Waxaan ka hor ahayn kuwo ehelkayaga dhexdooda ka cabsada (cadho gelinta Ilaahay)

    Verse 27

    Allaah baase noo nicmeeyey, oo naga dhowray cadaabta hanfiga kulul

    Verse 28

    Hubaal Waxaan innagu awal hore baryi jirnay Isagoo (Keliya). Hubaal, waa Isaga Baarriga , Naxariista Badan

    Verse 29

    Ee waani (Muxammadow), Waayo adigu ma tihid waa igu Nicmadda Rabbigaa, faallalow iyo ku waalan midna

    Verse 30

    Mise waxay leeyihiin waa gabyaa, aan la sugno musiibad waqtiga la iman

    Verse 31

    Dheh: Suga! Aniguna sidoo kale hubaal waxaan ka mid ahay kuwa wax suga

    Verse 32

    Ma caqliyadooda baa ku amra sidan mise waa qolo qooqan

    Verse 33

    Mise waxay leeyihiin: Waa been abuurtay? Mayee! Ma rumeysna

    Verse 34

    Ee ha keenaan war la mid ahi haddii ay yihiin run sheegayaal

    Verse 35

    Mise ma waxaa laga abuuray cid la', mise iyagaa ah abuurayashaa

    Verse 36

    Mise ma waxay abuureen samooyinka iyo arlada? Mayee, ma yaqiinsana

    Verse 37

    Mise ma waxay hayaan khasnadaha Rabbigaa? Mise waxaa la siiyey awood dhan

    Verse 38

    Mise ma waxay leeyihiin sallaanno ay wax ku dhegaystaan; ee ha la yimaado dhegaystahoodu xujo cad

    Verse 39

    Mise ma wuxuu leeyahay gabdho halka idinku leedihiin wiilal

    Verse 40

    Mise ma waxaad adigu weydiisataa abaalgud, sidaa awgeed deyn la culaabeysan yihiin

    Verse 41

    Mise ma waxay hayaan waxa qarsoon aan muuqan ee iyagu qoraan

    Verse 42

    Mise ma waxay kula maaggan yihin dabin, kuwase gaalooba waa iyaga kuwa ku jaba dabinkooda

    Verse 43

    Mise ma waxay leeyihiin ilaah aan ahayn Allaah? Xurmoo dhan waxaa iska leh Allaah oo ka nazahan waxa ay la wadaajiyaan (cibaadada)

    Verse 44

    Oo haddii ay arki lahaayeen gabal cirka ka mid ah oo soo dhacaya7. waxay odhan lahaayeen: Waa daruur is dul saaran

    Verse 45

    Ee iskaga tag inta ay la kulmaan Maalintooda ee laga yeeli doono inay la suuxaan (qarracan)

    Verse 46

    Maalinta uusan dabinkoodu waxba u tari doonin oo aan loo gargaari doonin

    Verse 47

    Oo hubaal waxay kuwaa ah gar ma qaatayaasha la kulmi doonaan cadaab taa ka sokow (adduunka gudahi8) laakiinse badankoodu ma ay ogsoona

    Verse 48

    Ee u sug si samir leh xukunka Rabbigaa, waxaad hubaal tahay indhahayaga hortood, oo ku tasbiixso Ammaanaha Rabbigaa marka aad soo kacdoba

    Verse 49

    Oo habeenkana huf oo xurmo weynee, iyo marka ay xiddiguhu dhacaanba