Back to Languages
Somali - Chapter 53
Translation by Abdullah Hasan Jacob
Verse 1
Waxaan ku dhaartay xiddiga marka uu hoos u soo dhaco
Verse 2
Saaxibkiin ma uu gefo, mana habaabo
Verse 3
Oo ma ku hadlo hawadiisa
Verse 4
Wax kale maahee (hadalkiisu) waa waxyi loo waxyoodo
Verse 5
Waxaa baray (oo xagga Allaah ka soo gaarsiiyey) mid xoog weyn
Verse 6
Ee caafimaad iyo quwaba leh, abuuraddiisuna dhan tahay (Jabriil)
Verse 7
Isagoo ah halka ugu sarreysa jihada sare
Verse 8
Markaasuu soo dhowaaday oo in yar u soo jirsaday
Verse 9
In le’eg labo qaanso xadhigeed ama ka sii dhowba
Verse 10
Markaasuu (Allaah) u Waxyooday addoonkiisa4 waxa uu u waxyooday
Verse 11
Kama been sheegin Qalbigu wuxuu arkay
Verse 12
Ma waxaad haddaba kula murantaan waxa uu arkay
Verse 13
Oo xaqiiq wuxuu ku arkay (Jabriil) soo degid kale
Verse 14
Dhammaadka xadka geedka gobka
Verse 15
Waxaa agteeda ah Jannada hoyashada
Verse 16
Marka uu daboolay gobka waxa daboolay
Verse 17
Aragga (Nabiga s.c .w) uma iilan dhinacna, mana dhaafin xadkii loo dhigay
Verse 18
Xaqiiq wuxuu wax ka arkay Calaamooyinka Rabbigi ee waaweyn
Verse 19
Ee ma u fiirsateen haddaba Al-Laat iyo Al-Cuzza
Verse 20
Iyo Manaat, midka seddexaad ee kale
Verse 21
Ma idinka baase leh labka oo Isagu leeyahay dheddigga
Verse 22
Tanu dhab ahaan waa qayb dulun ah
Verse 23
Ma aha wax kale aan aheyn magacyo aad bixiseen,_ idinka iyo aabbayaashiin,_ oo uusan Allaah u soo dejin wax Xujo ah. Oo ma raacaan waxba aan ahayn male iyo waxa xun ay naftoodu u iilato, oo xaqiiq waxaa uga yimid xagga Rabbigood hanuun wacan
Verse 24
Mise Aadmigu wuxuu leeyahay wuxuu jecleysto
Verse 25
Mayee Allaah baa iska leh tan dambe (Aakhirada)iyo(nolosha)horeba(Adduunka)
Verse 26
Oo badanaa inta malag jooga samooyinka, aysan shafeecadoodu waxba taraynin in Allaah u idmo maahee ciddii uu doono oo ka Raalli yahay
Verse 27
Hubaal, kuwa aan rumeysnayn Aakhirada, waxay ku magacaabaan malaa’igta magacyo dheddig ah
Verse 28
Iyagoo aan wax aqoon ah u laheyn. Waxay raacaan oo keliya malo, oo hubaal, maluhu waxba kama taro Xaqa
Verse 29
Ee iskaga jeeso kan ka jeesta Xuskayaga oo aan doonayn waxaan aheyn nolosha adduunka
Verse 30
Kaasi waa inta uu gaaray garaadkooda aqooneed. hubaal, Rabbigaa aad buu u Ogsoon yahay kan ka luma Jidkiisa, oo wuxuu aad u Ogsoon yahay kan hanuunsan
Verse 31
Oo Allaah baa iska leh waxaa jira samooyinka iyo waxa jira arlada, si uu uga abaal marsho kuwa fala xumaanta waxa ay falaan, iyo (inuu) ugu abaal gudo kuwa fala samaanta waxa wax u wanaagsan
Verse 32
Kuwa ka fogaada dambiyada waaweyn iyo foolxumooyinka, waxaan ahayn waxa ku soo dhaca maanankooda, _hubaal, Rabbigaa waa mid leh dambi dhaaf ballaaran. Wuxuu idiin yaqaan si fiican, markuu idinka abuuray dhulka iyo markaadba ku tihiin jiif uurarka hooyooyinkiin, ee ha ku ammaanina daahirnimo nafahiinna, wuxuu u Og yahay si fiican kan ka dhowrsada (xumaha)
Verse 33
Ee ma aragtay haddaba kan isagu jeediya dhabarkiisa
Verse 34
Oo bixiya wax yar7, oo misna ma suuga
Verse 35
Ma wuxuu hayaa cilmiga waxa aan muuqan, oo isagu arkaa
Verse 36
Mise waan loo sheegin wixii ku yiil waraaqahii Muuse
Verse 37
Iyo Ibraahiim ee oofiyey (amarradii Ilaahay)
Verse 38
Inuusan qof culaab xambaarsan (denbi) uu qaadi doonin culaabta (denbiga) qof kale
Verse 39
Iyo inuusan aadmigu mudanin waxaan aheyn waxa uu ku dadaalo
Verse 40
Iyo in dadaalkiisa durba la arki doono
Verse 41
Markaas looga abaal marin doono si dhan abaalmarin kaamil ah
Verse 42
Iyo in xagga Rabbigaa uu yahay halka arrin kasta loo celiyo
Verse 43
Iyo inuu Isagu yahay Kan ka qosliya (dadka) oo ka oohiya
Verse 44
Iyo inuu Isagu (Alle) yahay Kan sababa dhimashada oo bixiya nolol
Verse 45
Iyo inuu Isagu abuuray lammaanka, labka iyo dheddigga
Verse 46
Ka abuuray mino nool marka la shubo
Verse 47
Iyo inay Isaga (Alle) saaran tahay soo celinta kale
Verse 48
Iyo inuu Isagu (Alle) yahay Kan hodmiya (qofka) ama Ka dhiga sabool
Verse 49
Iyo inuu Isagu (Alle) yahay Rabbiga xiddiga Shicra
Verse 50
Iyo inuu rogay (reer) Caadkii hore
Verse 51
Iyo Thamuudba, waxna kama reebin
Verse 52
Iyo qolodii Nuux awal hore; hubaal waxay ahaayeen kuwo gardarro iyo qooq badan
Verse 53
Iyo magaalooyinkii la dabageddiyey uu soo riday
Verse 54
Markaasaa Waxaa daboolay wixii daboolay
Verse 55
Ee tee baad Nicmooyinka Rabbigaa ka doodi doontaan oo ka shaki qabtaan
Verse 56
Kanu (Nabi Muxammad) waa dige ka mid ah digayaashii hore
Verse 57
Dhacdada dhow (Qiyaamaha) intaas way soo dhowaataa
Verse 58
Ma jiri doono Allaah ka sokow cid feydi kartaa (dhibaha iyo shiddooyinkeeda)
Verse 59
Ee ma waxaad haddaba la yaabban tihiin warkani
Verse 60
Oo ku qosli oo aydaan ooyeyn
Verse 61
Idinkoo iska haasaawaya
Verse 62
Ee u sujuuda Allaah, oo caabuda