Back to LanguagesPrevious ChapterNext Chapter
Somali - Chapter 56 - Al-Waqiah
Translation by Abdullah Hasan Jacob — Permalink
Verse 1 — Surah Al-Waqiah 56:1
Marka ay dhacdada weyni dhacdo
Verse 2 — Surah Al-Waqiah 56:2
Ma jiro wax beeninayaa dhiciddeeda
Verse 3 — Surah Al-Waqiah 56:3
Hoos u dhigeysaa (qolo) kor u qaadeysaa (qolo kale)
Verse 4 — Surah Al-Waqiah 56:4
Marka dhulka la gilgilo gilgilid daran
Verse 5 — Surah Al-Waqiah 56:5
Oo buuraha la ridqo ridqin daran
Verse 6 — Surah Al-Waqiah 56:6
Markaas waxay ahaan sida boor firdhisan
Verse 7 — Surah Al-Waqiah 56:7
Oo waxaad ahaan saddex nooc
Verse 8 — Surah Al-Waqiah 56:8
Ma kuwa ah Gacanta Midig, maxay farxad u ahaatay kuwa ah Gacanta Midig
Verse 9 — Surah Al-Waqiah 56:9
Kuwase ah Gacanta Bidix, xumaa kuwa ah Gacanta Bidix
Verse 10 — Surah Al-Waqiah 56:10
oo kuwa hor maray iyagaa horreyn
Verse 11 — Surah Al-Waqiah 56:11
Kuwakan weeye kuwa loo soo dhoweyn Ilaahay
Verse 12 — Surah Al-Waqiah 56:12
Beero barwaaqo ah gudahood
Verse 13 — Surah Al-Waqiah 56:13
Waa rac ka mid ah kuwii hore
Verse 14 — Surah Al-Waqiah 56:14
Iyo in yar oo ka mid ah kuwii dambe
Verse 15 — Surah Al-Waqiah 56:15
Sariiro korkooda dahab lagu qurxiyey
Verse 16 — Surah Al-Waqiah 56:16
Iyagoo ku jiqleysan korkeeda, oo fool ka fool is qaabilaya
Verse 17 — Surah Al-Waqiah 56:17
Waxaa u adeegi wiilal waaraya aanay da’ doorin, kuwaa oo kula wareegi doono
Verse 18 — Surah Al-Waqiah 56:18
Koobab iyo kirliyo iyo galaas sharaab macaan oo daahir ah
Verse 19 — Surah Al-Waqiah 56:19
Oo aanu marnaba madaxu ku wareerin oo aanay ku maan guurin
Verse 20 — Surah Al-Waqiah 56:20
Iyo midho; waxay doortaan ah
Verse 21 — Surah Al-Waqiah 56:21
Iyo hilib shimbiro kay rabaanba
Verse 22 — Surah Al-Waqiah 56:22
Oo (u wehelin doonaan) xuurul cayn
Verse 23 — Surah Al-Waqiah 56:23
La moodo luul la dhowray
Verse 24 — Surah Al-Waqiah 56:24
Waa abaalgud waxay camalsan fali jireen
Verse 25 — Surah Al-Waqiah 56:25
Kuma maqli doonaan halkaa hadal macno darro ah iyo dambaabid midna
Verse 26 — Surah Al-Waqiah 56:26
Waxaan ahayn odhaahda nabad nabad
Verse 27 — Surah Al-Waqiah 56:27
Kuwa ah Gacanta Midig, maxay farxad u ahaatay kuwa ah Gacanta Midig
Verse 28 — Surah Al-Waqiah 56:28
(Waxay dhex ahaan) geedo gob aan qodax lahayn
Verse 29 — Surah Al-Waqiah 56:29
Iyo geedo Muus ah miro karooran
Verse 30 — Surah Al-Waqiah 56:30
Iyo har fidsan
Verse 31 — Surah Al-Waqiah 56:31
Iyo biyo u socda joogto
Verse 32 — Surah Al-Waqiah 56:32
Iyo midho tiro badan
Verse 33 — Surah Al-Waqiah 56:33
Marnaba aan go’eyn, mamnuucna ahayn
Verse 34 — Surah Al-Waqiah 56:34
Iyo sariiro (boqoreed) la kor yeelay
Verse 35 — Surah Al-Waqiah 56:35
Waxaan Annagu ka yeelay inay soo baxaan iyaga (haweenkii adduunka ee Jannada galay) soo bixid gaar ah
Verse 36 — Surah Al-Waqiah 56:36
Markaasaan waxaan ka dhignay bikrooyin ugub ah
Verse 37 — Surah Al-Waqiah 56:37
Gacalooyin, isku wada da’ ah
Verse 38 — Surah Al-Waqiah 56:38
Oo ay leeyihiin kuwa ah Gacanta Midig
Verse 39 — Surah Al-Waqiah 56:39
Kuwo badan oo ka mid ah waa horraankii kal hore (soo galay Islaamka)
Verse 40 — Surah Al-Waqiah 56:40
Kuwo badan oo ka mid ahna kuwii kal dambe (soo galay Islaamka)
Verse 41 — Surah Al-Waqiah 56:41
Kuwa ah Gacanta Bidix _xumaa kuwaa ah Gacanta Bidix
Verse 42 — Surah Al-Waqiah 56:42
Waxay dhex ahaan hanfi kulul iyo biyo karkaraya
Verse 43 — Surah Al-Waqiah 56:43
Iyo hoos qiiq badan
Verse 44 — Surah Al-Waqiah 56:44
Aan laheyn qabow iyo daryeel midna
Verse 45 — Surah Al-Waqiah 56:45
Hubaal waxay ahaayeen taa horteed, kuwo loo raaxeeyey
Verse 46 — Surah Al-Waqiah 56:46
Oo waxay ku adkeysan jireen Dambiga aad iyo aadka u weyn (shirkiga)
Verse 47 — Surah Al-Waqiah 56:47
Oo waxay odhan jireen: Ma markaan dhimanno oo noqonno ciid iyo lafo, miyaa xaqiiq nala soo nooleyn doonaa
Verse 48 — Surah Al-Waqiah 56:48
Oo sidoo kale miyaa aabbayaashayadii hore (la soo nooleyn)
Verse 49 — Surah Al-Waqiah 56:49
Dheh, kuwii hore iyo kuwa dambaba
Verse 50 — Surah Al-Waqiah 56:50
Waxaa hubaal loo soo kulmin doonaa wada jir waqti Maalin la yaqaan
Verse 51 — Surah Al-Waqiah 56:51
Markaas idinka kuwiinan habowsanayaasha ahow, ee beeniyow
Verse 52 — Surah Al-Waqiah 56:52
Waxaad hubaal wax ka cuni doontaan geed xun oo Zaqquum ah
Verse 53 — Surah Al-Waqiah 56:53
Oo ka buuxin doontaan caloolihiinna
Verse 54 — Surah Al-Waqiah 56:54
Markaas ku cabbi doontaan biyo kulul oo karkaraya
Verse 55 — Surah Al-Waqiah 56:55
Oo u cabbi doontaan sida cabbidda geel asqoobay
Verse 56 — Surah Al-Waqiah 56:56
Kani waa waxa lagu soori doona iyaga Maalinta Abaal marinta
Verse 57 — Surah Al-Waqiah 56:57
Annagaa idin abuurnay, ee maxaad la rumeyn weydeen
Verse 58 — Surah Al-Waqiah 56:58
Ma u fiirsateen minada idinka timaada
Verse 59 — Surah Al-Waqiah 56:59
Ma idinkaa abuuray mise waa Annaga Abuurayaasha
Verse 60 — Surah Al-Waqiah 56:60
Annagaa idiin qaddarnay dhimashada dhexdiinna, oo ma nihin kuwo laga baxsan karo
Verse 61 — Surah Al-Waqiah 56:61
Si aan u keenno halkiinna kuwa idinla mid ah oo aan idiin soo bixinno (qaabab iyo suurado) aydaan garaneyn
Verse 62 — Surah Al-Waqiah 56:62
Oo waxaad dhab ahaan og tihiin soo bixitaankii hore, ee maxaad haddaba u garowsan weydeen
Verse 63 — Surah Al-Waqiah 56:63
Ma u fiirsateen waxa aad beertaan
Verse 64 — Surah Al-Waqiah 56:64
Ma idinkaa sababa inay soo baxaan, mise waa Annaga Kuwa soo Bixiya
Verse 65 — Surah Al-Waqiah 56:65
Haddii aan Doonno, waxaan ka dhigi karnaa xaabo engagan, oo waxaad noqoneysaan kuwo murugo iyo ciil qaba
Verse 66 — Surah Al-Waqiah 56:66
(idinkoo leh): dhab ahaan Waxaynu nahay kuwo la culaabeysan deyn
Verse 67 — Surah Al-Waqiah 56:67
Mayee, waxaynu nahay kuwa la seejiyey (midhahii)
Verse 68 — Surah Al-Waqiah 56:68
Ma u fiirsateen biyaha aad cabtaan
Verse 69 — Surah Al-Waqiah 56:69
Ma idinkaa kuwa ka soo dajiya daruuraha, mise Annaga weeye kuwa soo dejiya
Verse 70 — Surah Al-Waqiah 56:70
Haddii aan doonno, Waxaan ka dhigi lahayn jaan dhanaan oo milix ah, ee maxaad haddaba u shurki naqi weydeen
Verse 71 — Surah Al-Waqiah 56:71
Ma u fiirsateen dabka aad madagta ka shiddaan
Verse 72 — Surah Al-Waqiah 56:72
Ma idinka baa kuwa u soo saara geedaha, mise Annaga weeye soo saarayaasha
Verse 73 — Surah Al-Waqiah 56:73
Innaga baa waxaynu ka dhignay waano; iyo wax ay ku intifaacaan kuwa ku safra saxraha (iyo qeyrkoodba)
Verse 74 — Surah Al-Waqiah 56:74
Ee xurmee Magaca Rabbigaa, Weynaha
Verse 75 — Surah Al-Waqiah 56:75
Mayee Waxaan ku dhaartay halkay xiddiguhu ku dhacaan
Verse 76 — Surah Al-Waqiah 56:76
Oo xaqiiq, waa dhaar dhabtii and u weyn, haddii aad ogaan lahaydeen
Verse 77 — Surah Al-Waqiah 56:77
Hubaal waa Qur'aan Sharaf Badan
Verse 78 — Surah Al-Waqiah 56:78
Ku yaal Kitaab aad la dhowray
Verse 79 — Surah Al-Waqiah 56:79
Cidina taaban kuwa la daahiriyey mooyee
Verse 80 — Surah Al-Waqiah 56:80
Ah soo waxyoodka Rabbiga uunanka
Verse 81 — Surah Al-Waqiah 56:81
Ee ma warkan baad haddaba u qaadataan wax fudud aan qiimo lahayn
Verse 82 — Surah Al-Waqiah 56:82
oo ka yeeshaan risiqiinna inaad ka been sheegtaan
Verse 83 — Surah Al-Waqiah 56:83
Ee maxaydaan haddaba marka ay (naftu) dhuunta soo gaadho
Verse 84 — Surah Al-Waqiah 56:84
Oo idinku markaas aad eegaysaan
Verse 85 — Surah Al-Waqiah 56:85
Oo Annagu aan idiinka dhow nahay, laakiinse aydaan arkaynin
Verse 86 — Surah Al-Waqiah 56:86
Ee Maxaydaan haddaba haddii aad tihiin kuwo aan xil qabanayn
Verse 87 — Surah Al-Waqiah 56:87
Ugu soo celin (weydeen) nafta (jirkeedii) haddii aad run sheegeysaan
Verse 88 — Surah Al-Waqiah 56:88
Haddaba haddii uu ka mid yahay kuwa loo soo dhoweeyo (Allaah)
Verse 89 — Surah Al-Waqiah 56:89
Markaas waa farax, iyo risiq, iyo Beer barwaaqo ah
Verse 90 — Surah Al-Waqiah 56:90
Oo haddii uu ka mid yahay kuwa ah gacanta midig
Verse 91 — Surah Al-Waqiah 56:91
Nabad baa kaaga sugnaatay xagga kuwa ah gacanta midig
Verse 92 — Surah Al-Waqiah 56:92
Haddiise uu ka mid yahay kuwa (Xaqa) diida , habowsanaaysaha ah
Verse 93 — Surah Al-Waqiah 56:93
Waxaa lagu sooryeen biyo kulul oo karaya
Verse 94 — Surah Al-Waqiah 56:94
Iyo ku gubasho Dabka
Verse 95 — Surah Al-Waqiah 56:95
Hubaal, arrinkani waa run la hubo
Verse 96 — Surah Al-Waqiah 56:96
Ee xurmee Magaca Rabbigaa,Weynaha