Back to Languages

    Somali - Chapter 58

    Translation by Abdullah Hasan Jacob

    Verse 1

    Allaah dhab ahaan waa uu ajiibay baryada tan kaagala doodeysay arrinka ninkeeda oo u ashtakooneysey Allaah. Oo Allaah waa maqlayey doodda labadiinnuba. Hubaal Allaah waa wax kasta Maqle, wax kasta Arka

    Verse 2

    (Ma xagga) kuwa idinka mid ah ee iska fogeeya2 xaasaskooda iyagoo kala mid dhiga dhabarradooda dhabarrada hoo- yooyinkood, ma aha hooyooyinkood. hoo- yooyinkood ma aha cid kale aan ahayn kuwaa dhalay. Oo hubaal hadalkaasi ay leeyihiin waa hadal xun iyo been abuur. Oo hubaal, Allaah waa Cafiye, Dambi Dhaaf badan

    Verse 3

    Oo (ma xagga) kuwa isaga fogeeya afooyinkooda iyagoo kala mid dhigaya dhabarradooda dhabarrada hooyooyinkood: markaas doonaya inay ka noqdaan waxa ay yidhaahdeen, waa inay xoreeyaan addoon ka hor inta aysan is taaban, (arrin)kaasi waa kan la idinku waaniyo (inaad qaadataan). Oo Allaah waa u Xog Ogaal waxa aad fashaan

    Verse 4

    Kii kastoo se isagu aan helin, waa inuu soomo labo bilood oo xidhiidh ah ka hor inta aysan istaaban3; ee ma xagga kan isagu aan awoodin (soonka) waa inuu quudiyo lixdan miskiin. Sidaasi waa si aad Iimaan ugu qabtaan Allaah iyo Rasuulkiisa. Oo Kuwani waa Xuduudaha uu dhigay Allaah. Oo gaaladu waxay leeyihiin Cadaab aad u xanuun Badan

    Verse 5

    Hubaal, kuwa colaadiya Allaah iyo Rasuulkiisa waa la dulleyn, sidii kuwii ka horreeyey loo dulleeyeyba. Oo xaqiiq waxaan soo dejinnay Aayado cad cad. oo gaaladu waxay mudan Cadaab Dulleysa

    Verse 6

    Maalinta uu Allaah soo bixin doono iyagoo dhan, oo u sheegi doono waxay faleen oo dhan. Allaah waa uu u diiwaan gashay oo tiro koobay, halka ay iyagu iska halmaameen. Oo Allaah wax walba wuu Arkaa

    Verse 7

    Mawaadan arag inuu Allaah Og yahay waxa ku sugan samooyinka iyo waxa ku sugan arlada? Ma jiro meel seddex ku showrta, uusan isagu aheyn kooda4 afraad, mana jiro (showr ka dhex dhaca) shan uusan aheyn kooda lixaad, mana jiraan wax intaas ka yar ama ka badan, uusan isagu la jirin meel ay joogaanba; kaddib wuxuu u sheegi doonaa waxay camal faleen Maalinta Qiyaamaha. hubaal, Allaah wax waliba wuu Ogsoon yahay

    Verse 8

    Mawaadan arag kuwa laga reebay showrka xun, markaas ku noqda waxa laga reebay, oo yeesha kulanno qarsoodi ah ay ku showraan dambi iyo colaad iyo ku caasinta Rasuulka, oo markay kuu yimaadaan waxay kugu salaamaan wax uusan Allaah kugu salaamin5, oo ka yidhaahdaan nafahooda: Muxuu Allaah noogu cadaabi waayey waxa aan leennahay? Naar baa ku filan; oo ay ku guban. Oo u xun meel la ahaado

    Verse 9

    Kuwiinaan idinku rumeysanow! Marka aad showrtaan, ha ku showrina dambi iyo dulmi fal iyo ku caasinta Rasuulka ee ku showra samaan iyo ka joogid (dambiyada) oo dhowra (xilka uu idin saaray) Allaah, kaasoo Xaggiisa la idiin soo wada kulmin

    Verse 10

    Sideedaba showriddu (xun) waa uun (camal) Shaydaan6, si uu u murug geliyo kuwa (Xaqa) rumeysan, waxbase ma uu yeeli karo haba yaraatee, wuxuu Allaah idmo maahee, oo Allaah ha isku halleeyaan mu’miniinta

    Verse 11

    Kuwiinaan idinku rumeysanow! Marka la idinku yidhaahdo isugu waasiciya fadhiga kulannadiinna gudahood, isu waasiciya fadhiga. Allaah ha idiin waasiciyee (Naxariistiisa)7. Oo marka la idinku yidhaahdo u kaca (khayr)8 u kaca. Allaah wuxuu kor u qaadi kuwiinna idin ka mid ah ee (xaqa) rumeysan, iyo kuwaa cilmiga la siiyeyba, darajooyin aad u sarreeya, Oo Allaah waa u Xog Ogaal waxa aad fashaan

    Verse 12

    Kuwiinaan idinku rumeysanow! Marka (aad dooneysaan) inaad la showrtaan Rasuulka, u bixiya wuxuun sadaqo ahaan showrkiinna ka hor. Sidaas baa idiin khayr badan oo idiin daahirsan. Haddiise aydaan helin (wax aad bixisaan) hubaal, Allaah waa Dambi Dhaaf Badane, Naxariis Badan

    Verse 13

    Ma waxaad ka walaacdeen inaad (kari weydeen) inaad la baxdaan sadaqooyin ka hor la showrkiinna? Haddii aydaan sidaas falin, oo Allaah wuu idiin soo noqday (si naxariis lehe), haddaba hagaajiya salaadda oo bixiya sakada oo adeeca Allaah iyo Rasuulkiisa. Oo Allaah waa u Xog ogaal waxa aad fashaan

    Verse 14

    Mawaadan arag kuwaa iyagu ka yeesha saaxiibbo qolo cadho Alle qaba (Yuhuudda)? Ma aha kuwo idinka tirsan idinka (Muslimiinta) oo kama tirsana iyaga (gaalada), oo waxay ku dhaartaan been iyagoo ogsoon

    Verse 15

    Allaah wuxuu u diyaariyey iyaga cadaab daran. Hubaal; waxa ay falaan waa wax fool xun

    Verse 16

    Waxay ka dhigtaan dhaarahooda gaashaan (ay isku qariyaan). markaasay ka weecdaan jidka Ilaahay, sidaas awgeed waxay mudan cadaab dufeysa

    Verse 17

    Maalkooda ama caruurtoodu waxna ugama tari doonaan Allaah Xaggiisa, kuwaasi waa ehlu Naar, way ku dhex waari doonaan waligood

    Verse 18

    Maalinta uu Allaah soo bixin doono iyagoo dhan, markaas waa ay u dhaaraan Isaga sida ay idiinku dhaartaan idinka9. Oo waxay moodaan inay wax heystaan. Haddaba hubaal waa iyaga beenaalayaasha

    Verse 19

    Shaydaan baa duufsaday oo ka qaalib noqday, Markaasuu ka yeelay inay hilmaamaan xusidda Ilaahay. kuwaasu waa xisbiga Shaydaanka. Ogaada hubaal, waa xisbiga shaydaanka kuwa ah khasaare qabayaasha

    Verse 20

    Hubaal (ma xagga) kuwa colaadiya Allaah iyo Rasuulkiisa; kuwaasu waxay ka mid ahaan kuwa aad loo dulleeyey

    Verse 21

    Allaah wuxuu qoray: hubaal waan adkaan, aniga iyo Rusushaydaba. hubaal, Allaah waa Xoog Badane, Adkaade ah

    Verse 22

    Heli meysid qolo rumeysan Allaah iyo Maalinta Dambeysa oo gacal ka dhiganaya kuwa colaadiya Allaah iyo Rasuulkiisa, haba ahaadaane aabbayaashood ama wiilashooda ama walaalahood ama (reero) qaraabadooda ah; kuwan weeye kuwa uu quluubtooda Isagu ku qoray Iimaan, oo uu ku xoojiyey Ruux10 Xaggiisa ah. Oo Wuxuu sababi inay galaan beero ay hoostoodu webiyo qul-qulaan iyagoo ay ku dhex waari weligood. Allaah raalli buu ka yahay, iyaguna raalli bay ka yihiin. Kuwaasu waa Xisbiga Ilaahay. Ogaada, hubaal, Xisbiga Ilaahay waa iyaga liibaanayaasha