Back to Languages

Somali - Chapter 62 - Al-Jumuah

Translation by Abdullah Hasan Jacob — Permalink

Verse 1 — Surah Al-Jumuah 62:1

Waxa ku sugan samooyinka iyo waxa ku sugan arlada baa Xurma weyneeya oo Hufa Allaah, Boqorka, Daahirka, Adkaadaha, Xakiimka ah

Verse 2 — Surah Al-Jumuah 62:2

Isaga weeye (Alle) Kan ka soo saaray ummiyiinta2 dega (Makkah) dhexdood, Rasuul ka mid ah, kaasoo u akhriya Aayadahiisa, oo daahiriya, oo bara Kitaabka iyo Xikmadda, inkastoo horay u ahaayeen kuwo dhab ahaan ku sugan habow caddaan ah

Verse 3 — Surah Al-Jumuah 62:3

Iyo kuwo kale oo ka mid noqon doona (qaaruumo iyo qolooyin kale) kuwaasoo aan weli ku soo biirin. Oo Isagu (Alle) waa Aadkaadaha, Xakiimka ah

Verse 4 — Surah Al-Jumuah 62:4

Kaasi waa Fadliga Ilaahay, ee uu siiyo ciddii uu doono3. Oo Allaah waa Kan iska leh Fadliga weyn

Verse 5 — Surah Al-Jumuah 62:5

Mataalka kuwaa lagu aaminay oo la saa- ray (xilka) Towraadda, markaas aan ku camal falin oo gabay qaadista (xilkaa)3, waa sida dameer sida kutub4 culus (aanse waxba ka fahmin). Xumaa tusaalaha qoloda beeniya Aayadaha Ilaahay. Oo Allaah ma hanuuniyo qoloda gar ma qaatayaasha ah

Verse 6 — Surah Al-Jumuah 62:6

Dheh: Idinka heysta Yuhuudiyaddow! Haddii aad mooddaan inaad tihiin xulka Ilaahay5, dadka kale ka sokow, haddaba rajeeya dhimasho haddii aad run sheegeysaan

Verse 7 — Surah Al-Jumuah 62:7

Oo marnaba ma rajeyn doonaan (dhimasho) waxa ay gacmahoodu horay u geysteen darteed, oo Allaah waa Ogsoon yahay gar ma qaatayaasha

Verse 8 — Surah Al-Jumuah 62:8

Waxaad ku dhahdaa: (Ma xagga) dhimashada aad ka carartaan, (arrin)kaasi hubaal waad la kulmi doontaan, markaas baa dib la idiinku soo celin doonaa xagga Ogsoonaha waxa aan muuqan iyo waxa muuqdaba, oo Wuxuu idiin sheegi waxaad camal fali jirteen

Verse 9 — Surah Al-Jumuah 62:9

Kuwiinaan idinku rumeysanow! Marka la isugu yeero salaadda maalinta Jimcaha, u degedga Xusidda Ilaahay oo ka taga ganacsiga, sidaas baa idiin khayr badan, haddii aad ogtihiin

Verse 10 — Surah Al-Jumuah 62:10

Markase ay dhammaato salaadda, ku kala faafa arlada, oo wax ka dalba Deeqda Ilaahay (aada qaraabo salaan, booqda qof buka, fasha camallo san), oo xusa Ilaahay in badan aad liibaantaane

Verse 11 — Surah Al-Jumuah 62:11

Oo marka ay arkaan wax ganac ah ama madaddaalo waxay u kala yaacaan xaggeeda, oo kaa tagaan adigoo taagan. Dheh: Waxa Allaah uu heysto baa ka khayr badan madaddaallo oo (ka khayr badan) ganac kasta. Oo Allaah waa Kan u wanaagsan inta wax irsaaqda