Back to Languages

Somali - Chapter 64 - At-Taghabun

Translation by Abdullah Hasan Jacob — Permalink

Verse 1 — Surah At-Taghabun 64:1

Waxa jira samooyinka iyo waxa jira arlada baa Xurma weyneeya oo Hufa Allaah. Isaga baa leh Boqortooyada, oo Isaga baa leh Ammaan idilkeed iyo Mahadba, oo wax walba Kara

Verse 2 — Surah At-Taghabun 64:2

Isaga weeye (Alle) Kan idin abuuray, mise mid idinka mid ah waa gaal, oo mid kale oo idinka mid ah waa m’umin. Oo Allaah waa uu Arkaa waxa aad fashaan

Verse 3 — Surah At-Taghabun 64:3

Wuxuu ku abuuray samooyinka iyo arlada Xaq, oo waa uu idin suureeyey oo ka dhigay wax wanaagsan suuradahiinna, oo waa Xaggiisa Noqodka Dambe

Verse 4 — Surah At-Taghabun 64:4

Wuxuu Ogsoon yahay waxa jira samooyinka iyo arlada, oo Wuxuu Ogsoon yahay waxa aad qarisaan iyo waxa aad muujisaanba. Oo Allaah waa Ogsoonaha waxa ku jira laabaha

Verse 5 — Surah At-Taghabun 64:5

Ma wuusan idin soo gaarin warka kuwii xaqa diiday awal hore, markaas bay waxay dhadhamiyeen cidhib xumadii arrinkooda, oo waxay leeyihiin cadaab xanuun badan

Verse 6 — Surah At-Taghabun 64:6

(Arrin)kaasi waxaa ugu wacan waxay ula yimaadeen Rusushoodii xujooyin cad, waxayse yidhaahdeen: Ma dad dhimanaya baa na hanuuninaya? markaasay gaaloobeen, oo ka jeesadeen (Xaqa), oo Allaah uma baahna (cidna) oo Allaah waa Isku Filan Deeqtoon, la Ammaano

Verse 7 — Surah At-Taghabun 64:7

Kuwa gaalooba waxay moodaan inaan marnaba la soo bixin doonin (iilka). Dheh: Haayoo! waa igu Rabbigaye, wallee waa la idiin soo bixin, markaas waxaa la idiin sheegi waxaad fasheen, oo (arrin)kaasi Allaah waa u fududdahay

Verse 8 — Surah At-Taghabun 64:8

Ee rumeeya Allaah iyo Rasuulkiisa iyo Nuurka (Qur’aanka) aan soo dejinnay. Oo Allaah waa ka war hayaa waxa aad fashaan

Verse 9 — Surah At-Taghabun 64:9

Maalinta uu idiin soo kulmin idinkoo dhan Maalinta Kulanka2, taasu waa maalinta qof khayr helo ama ku dhacdo khasaaro ku weyn. Oo mid kastoo rumeeya Allaah oo sama fala, Wuxuu ka tiri dam- biyadiisa, oo gelin Beero ay hoostoodu webiyo qulqulaan ay ku dhex waarayaan weligood, taasi waa Liibaanta Weyn

Verse 10 — Surah At-Taghabun 64:10

Oo (ma xagga) kuwa gaalooba oo beeniya Aayadahayaga kuwaasu waa ehlu-Naar, iyagoo ku dhex waaraya weligood. Iyadaana u xun aayotiin ahaan

Verse 11 — Surah At-Taghabun 64:11

Ma jirto wax masiibo ah oo dhaca ilaa waxay ku dhacdaa Idanka Ilaahay. Oo mid kastoo rumeeya Allaah, wuxuu hanuuniyaa qalbigiisa ( oo xasila) oo Allaah wax waliba waa uu Ogsoon yahay

Verse 12 — Surah At-Taghabun 64:12

Oo adeeca Allaah, oo adeeca Rasuulka, haddiise aad dib u jeesataan, waxaa saaran Rasuulkayaga oo keliya Gaarsiin Cad

Verse 13 — Surah At-Taghabun 64:13

Allaaah! Ma jiro Ilaah (Xaq lagu caabudo) aan Isaga ahayn, oo Allaah (oo Keliya) ha isku halleeyaan mu’miiniintu

Verse 14 — Surah At-Taghabun 64:14

Kuwiinaan idinku rumeysanow! Dhab ahaan, waxaa ka mid ah afooyinkiinna iyo carruurtiinna kuwo cadow idiin ah, ee ka digtoonaada! Haddiise aad iska cafidaan ( gefafka ay idinka galaan) oo saamaxdaan (adduunyo wixii la xidhiidha), oo u ceeb asturtaan, haddaba hubaal, Allaah waa Dambi Dhaaf Badane, Naxariis Badan

Verse 15 — Surah At-Taghabun 64:15

Maalkiinna iyo carrurtiinna waa oo keliya imtixaan3, Oo Allaah agtiisa waxaa ah abaalgud aad u Weyn (Janno)

Verse 16 — Surah At-Taghabun 64:16

Ee Dhowra (xilka uu idin saaray) Allaah intii karaankiinna ah4; oo maqla, oo adeeca, oo la baxa sadaqo, idinka naf ahaantiinnay idiin roon tahay. Oo mid kastoo laga badbaadiyo bakheylnimada naftiisa, kuwaasi weeye kuwa ah guuleystayaasha

Verse 17 — Surah At-Taghabun 64:17

Haddii aad amaahisaan Alle amaah wanaagsan (waa bixisaan sadaqo Ilaahay darti), Waa uu idiin labo laabayaa, oo idin dambi dhaafi. Oo Allaah waa labolaabe ajarrada, Dul qaad Badan

Verse 18 — Surah At-Taghabun 64:18

Waa Ogsoonaha waxa aan muuqan iyo waxa muuqdaba, Adkaadaha, Xakiimka ah