Back to LanguagesPrevious ChapterNext Chapter
Somali - Chapter 68 - Al-Qalam
Translation by Abdullah Hasan Jacob — Permalink
Verse 1 — Surah Al-Qalam 68:1
Nuun2. Waxaan ku dhaartay Qalinka iyo waxa ay (malaa’igtu) qoraan
Verse 2 — Surah Al-Qalam 68:2
Waa igu Nicmadda Rabbigaaye, ma ahid (Muxammadow) nin waalan
Verse 3 — Surah Al-Qalam 68:3
Oo hubaal waxaad leedahay ajar aan weligii go'eyn
Verse 4 — Surah Al-Qalam 68:4
Oo hubaal waxaad u dhaqantaa si dabeecad aad u sarreysa ah
Verse 5 — Surah Al-Qalam 68:5
Marka waad arki, iyaguna (sidoo kale) way arki doonaan
Verse 6 — Surah Al-Qalam 68:6
Kiinna idinka mid ah ee waalli qaba
Verse 7 — Surah Al-Qalam 68:7
Hubaal, Rabbigaa baa aad u Ogsoon, kan ka dhuma Jidkiisa, oo Isaga baa aad u Ogsoon kuwa raaca tubta toosan
Verse 8 — Surah Al-Qalam 68:8
Ee ha adeecin xaq diidayaasha
Verse 9 — Surah Al-Qalam 68:9
Waxay jecel yihiin inaad u soo dabacdo, si ay iyaguna (sidoo kale) u soo dabcaan
Verse 10 — Surah Al-Qalam 68:10
Oo ha adeecin mid kastoo dhaar badan oo qiimo laheyn
Verse 11 — Surah Al-Qalam 68:11
Xamasho badan, u socod badan dira diro (nabiibiye ah)
Verse 12 — Surah Al-Qalam 68:12
Khayr diid ah, xad-gudbe,dambi badan
Verse 13 — Surah Al-Qalam 68:13
macangag madax adag,_intaasoo dhan ka sokow isku dhejis ah (sharci ku dhalan)
Verse 14 — Surah Al-Qalam 68:14
Inuu lahaaday darteed maal iyo wiilal
Verse 15 — Surah Al-Qalam 68:15
Marka Aayadahayaga loo akhriyo, wuxuu yidhaahdaa: waa sheekooyinkii dadkii hore
Verse 16 — Surah Al-Qalam 68:16
Waxaanu ka calaameyn doonnaa san- qaroorka dushiis
Verse 17 — Surah Al-Qalam 68:17
Hubaal Waxaan u imtixaannay sidii aanu u imtixaannay qoladii iska lahaa beerta, waa tii ay ku dhaarteen inay hubaal goosanayaan midhaha aroorta horeba
Verse 18 — Surah Al-Qalam 68:18
Oo ma dooneyn inay dhinac ugu saaraan qayb (saboolka)
Verse 19 — Surah Al-Qalam 68:19
Markaasaa waxaa uga yimid amar (dab) xagga Rabbigaa habeennimadiiba (oo gubatay) intii ay hurdeen
Verse 20 — Surah Al-Qalam 68:20
Markaasay waxay noqotay sida xaabo madoobaatay oo la shafay
Verse 21 — Surah Al-Qalam 68:21
Halka iyagii ay isu dhawaaqeen subaxnimadiiba
Verse 22 — Surah Al-Qalam 68:22
iyagoo leh: Ku kallaha beertiinna haddii aad goosanaysaan midhaha
Verse 23 — Surah Al-Qalam 68:23
Markaas bay tageen iyagoo ku wada tashaday si qarsoodi ah
Verse 24 — Surah Al-Qalam 68:24
Waa inuusan qof miskiin ah idiin soo gelin maanta
Verse 25 — Surah Al-Qalam 68:25
Oo waxay kallaheen subaxii horeba, iyagoo go’aansan inay ka celiyaan
Verse 26 — Surah Al-Qalam 68:26
Markayse arkeen iyadii, waxay yidhaahdeen: wallee waanu soo dhunnay
Verse 27 — Surah Al-Qalam 68:27
Bal, waxaa nalaga yeelay inay nagu dhacdo qatooyo
Verse 28 — Surah Al-Qalam 68:28
Koodii u wanaagsanaa baa yidhi: Miyaan idinku odhan: Maxaad u hufi weydeen (Allaah) oo u xurmeyn weydeen
Verse 29 — Surah Al-Qalam 68:29
Waxay yidhaahdeen: Xurmo oo idil waxaa iska leh oo hufan Rabbigeen. xaqiiq waxaanu nahay gar ma qaatayaal
Verse 30 — Surah Al-Qalam 68:30
Markaasaa qaarba qaar ka hor jeesaday, iyagoo is eedeynaya
Verse 31 — Surah Al-Qalam 68:31
Waxay yidhaahdeen: Magaceen ba'ye, xaqiiq waxaanu nahay kuwo xadgudbay
Verse 32 — Surah Al-Qalam 68:32
Waase intaasoo uu Rabbigeen noogu beddelo beer ka wanaagsan tani. Hubaal xagga Rabbigeen baanu codsi u direynaa
Verse 33 — Surah Al-Qalam 68:33
Waa sidaas cadaabtu, oo hubaal cadaabta Aakhiradaa ka sii weyn, haddii ay ogaan lahaayeen
Verse 34 — Surah Al-Qalam 68:34
Hubaal kuwa ka dhowrsada xumaha waxay leeyihiin Rabbigood agtiisa beero barwaaqo ah
Verse 35 — Surah Al-Qalam 68:35
Ma waxaan haddaba la mid dhignaa kuwaa hoggaansan sida dambiilayaasha
Verse 36 — Surah Al-Qalam 68:36
Maxaa idinku dhacay? Sidee baad wax u guddoomisaan
Verse 37 — Surah Al-Qalam 68:37
Mise waxaad heysataan kitaab aad ka akhrisataan
Verse 38 — Surah Al-Qalam 68:38
Inaad ku leedihiin hubaal dhexdiis waxaad doorataan
Verse 39 — Surah Al-Qalam 68:39
Mise waxaad naga heysataan ballan Xaggayaga ah lagu adkeeyey dhaar gaaraysa ilaa Maalinta Qiyaamaha inaad hubaal heli doontaan waxaad dalabtaan
Verse 40 — Surah Al-Qalam 68:40
Weydii kooda uga ah arrinkaas damiin
Verse 41 — Surah Al-Qalam 68:41
Mise waxay leeyihiin shariigyo, haddaba ha keenaan shariigyadooda haddii ay run sheegayaan
Verse 42 — Surah Al-Qalam 68:42
Maalinta marka dhudhunka la feydo (dhudhunka Ilaahay) oo loogu yeedho inay sujuudaan, mase ahaan doonaan kuwo kara (waa gaalada iyo munaafiqiinta). (dhudhunka la feydo waxaa sidoo kale lagu fasiray ay jirto shiddada iyo dhibaatada, waa Maalinta Qiyaamaha)
Verse 43 — Surah Al-Qalam 68:43
Indhahoodu waxay ahaan doonaan kuwo hoos u rogan, dulli baa dabooli doona; oo xaqiiq waxaa loogu yeedhi jirey inay sujuudaan iyagoo weliba fayow
Verse 44 — Surah Al-Qalam 68:44
Ee isu kaana daa Aniga iyo kuwa beeniya warkan; waxaan ka qaban doonnaa si heerar ah meel aysan ka fileynba
Verse 45 — Surah Al-Qalam 68:45
Oo Waan u dul qaadan doonaa. hubaal, tabteydu waa mid sugan
Verse 46 — Surah Al-Qalam 68:46
Mise ma waxaad weydiisataa abaal gud, sidaa awgeed bay la culaabeysan yihiin deyn
Verse 47 — Surah Al-Qalam 68:47
Mise cilmiga waxa aan muuqan bay hayaan, sidaas darteed iyagu qoraan
Verse 48 — Surah Al-Qalam 68:48
Ee u sug si samir leh Xukunka Rabbigaa, oo ha noqonnin sida (Nabi Yoonis) rafiiqii nibiriga,_markuu dhawaaqay isagoo walbahaarsan
Verse 49 — Surah Al-Qalam 68:49
Haddii aysan Nicmad xagga Rabbigi ah haleesheen, waxaa hubaal lagu tuuri lahaa cidla’ bannaan isagoo eedeysan
Verse 50 — Surah Al-Qalam 68:50
Rabbigiis baase doortay, oo ka mid yeelay kuwa wanaagsan
Verse 51 — Surah Al-Qalam 68:51
Oo kuwa xaqa diida waxay sigaan inay kugu gubaan indhohooda (dhabatoda) naceyb gala awgiis markay maqlaan Waanada; oo waxay yidhaahdaan: Kani hubaal waa waalan yahay
Verse 52 — Surah Al-Qalam 68:52
Oo ma ah wax kale aan aheyn Waano ku socoto ummadaha oo dhan