Back to Languages
Somali - Chapter 70
Translation by Abdullah Hasan Jacob
Verse 1
Mid wax dalbaya2, baa dalbay cadaabta ku dhaceysa
Verse 2
Gaalada, ma jiro cid celin karta
Verse 3
Ka iman xagga Ilaahay, Rabbiga waddooyinka kor loogu koro leh
Verse 4
Xaggiisay u koraan Malaa’igta iyo Ruuxu Maalin qaddarkeedu dhan yahay konton kun oo sano
Verse 5
Ee Samir yeelo _samir wanaagsan
Verse 6
Hubaal waxay u arkaan wax aad u fog
Verse 7
Oo waxaan u aragnaa mid aad u dhow
Verse 8
Maalinta ay samadu noqon doonto sida maar shuban
Verse 9
Oo buuruhu noqon doonaan sida cudbi la dhilay
Verse 10
Oo Saaxiib iswareysan doonin saaxiib
Verse 11
Inkastoo laga yeelayo inay is arkaan. dambiilahu wuxuu jeclaan inuu isaga furto cadaabka Maalintaasi carruurtiisa
Verse 12
Iyo xaaskiisa iyo walaalki
Verse 13
Iyo kuwa u xiga qaraabo ahaan ee siiya meeluu hoydo
Verse 14
Iyo waxa dhulka jira oo dhan markaas si uu isagu u badbaado
Verse 15
Mayee! Hubaal waa Naar ololeysa
Verse 16
Ka soo jiideysa Madaxa
Verse 17
Waxay u yeedhi kan jeestay ee Xaqa diiday
Verse 18
oo maal kulmiyey markaa oo afka u xidhay
Verse 19
Hubaal Aadmigu waxaa lagu abuuray sabar yaraan iyo degdegsiinyo
Verse 20
Marka uu dhib taabto waa murugoodaa
Verse 21
Oo marka uu khayr helo waa masuugaa
Verse 22
Kuwa tukada mooyaane
Verse 23
Ee daa’ima salaaddooda
Verse 24
Oo ah kuwa maalkooda uu ugu jiro qayb la yaqaan
Verse 25
Kan tuugsada, iyo kan aan wax heysan
Verse 26
Oo ah kuwaa rumeysan Maalinta is abaal marinta
Verse 27
Ee iyagu ka baqa cadaabta Rabbigood
Verse 28
Hubaal Cadaabta Rabbigaa waa wax aan aamin laga aheyn
Verse 29
Oo ah kuwa ilaaliya xubnahooda gaarka ah
Verse 30
Xagga xaasaskooda ma’ahee ama kuwaa ay gacmahoodu midig hantaan,_oo (markaa) hubaal ma laha wax eed ah
Verse 31
Kiise isagu doona inuu intaas dabo maro, kuwaa weeye kuwa xadgudbayaasha ah
Verse 32
Iyo kuwaa ilaaliya ammaanooyinkooda iyo ballamahooda
Verse 33
Kuwaa iyagu si toosan u guta markhaa- tiyadooda
Verse 34
Oo ah kuwa iyagu xafida oo dhowra salaaddooda
Verse 35
Kuwaas waxay geli doonaan Beeraha Jannada iyagoo sharfan
Verse 36
Muxuuse arrinkoodu yahay kuwaa Xaqa diida waa iyaga u soo degdega hareeraheeda’e
Verse 37
Xagga midigta iyo bidixda koox koox u jooga
Verse 38
Ma wuxuu qof walba oo iyaga ka mid ahi rabaa in laga yeelo inuu galo Jannada barwaaqada ah
Verse 39
Mayee, hubaal Waxaan ka abuurnay waxa ay og yihiin
Verse 40
Mayee se! Waxaan ku dhaartay Rabbiga bariyada iyo galbeedyada inaan xaqiiq Karno
Verse 41
Inaan ku beddelno (Kuwo kale) oo ka wanaagsan; oo ma nalaga adkaan doono
Verse 42
Ee isaga tag iyaga keligood inay ku socdaan waxyaalo aan jirin oo been ah oo iska cayaaraan, jeer ay qaabilaan fool ka fool Maalintooda loogu gooddiyo
Verse 43
Maalinta ay ka soo bixi doonaan qu- buuraha iyagoo degdegaya sida inay u tartarmayaan calaamo loo taagay
Verse 44
Indhahoodu rogan yihiin, dulli baa dabooli doona (korka oo dhan)! Taasu waa Maalintii loogu gooddiyey